Posts

مقديشوتي (1988-1977)

Image
       ( Ibraahin-Hawd Yuusuf ) بقلم: إبراهيم هود    (Cabdicasiis Daahir)  ترجمة: عبد العزيز طاهر  في الليلة الماضية مقال القصير الذي تكلّمت عن حمر (مقديشو)، طلبني كثير من الشُبّان أن أُعطي صورة في حقبة الذي كنت أعيش في المدينة، أرجو أن يكون حاضرين في هذه المنصة [يتكلم منصته في الفيسبوك] وبعضكم الذين يعرفونهم أشيروا إليهم.  الوقت بطيء الى حد ما في الصِغار، وسريع جداً في الكبار، شهر الصغير طويل عن العام عند الكبير. السبب هو المخ، والمشاعر، والخبرة الجديدة، وبشكل شامل حياة الصغير في كل لحظة كل شيء جديد يقع فيه يتعلم شيئاً. وهي أهم من حياة الشخص الكبير التي تدور عن أشياء ليست جديدة ومشغول لن يزيد عن شيء جديد. لهذا، العقد الذي كنت أعيش في مقديشو قد أخدت سنة من المدرسة الابتدائية، وأربع سَنوات من الاعدادية، واربع سنوات من الثانوية، وسنة أخرى عن دعم الدولة، عندما أنظرها من بعيد، أظن أنّها هي عمري جلها.  مقديشو لم تكن عاصمة جميع الصوماليين لأن هيئات الدولة تقع فيها، بل لقد كانت مدينة طبيعية لأجل أن تكون أمّ الصومال. لقد كانت أكبر مُدن البل...

Quraanka Rajmin ku ma Qorna

Image
W.Q: Cisaam Taliima  W.T: Cabdicasiis Daahir  Wuxuu ciwaan u yahay buug xajmi ahaan yar, hasayeeshee ku diiradaysan qoraalkiisa, oo uu soo saaray Digtoor Mustafa Zalami, mid ka mid ah culamada Ciraaq ee kulansaday deraasaynta fiqiga Islaamka iyo qaanuunka, sidoo kale wuxuu ku tiiqtiiqsaday dhexgelidda usuusha fiqiga Islaamka, wuxuuna ka qoray xagalahaas buugaag door-roonaantooda leh, sida kan; Quraanka Rajmin kuma Qorna. ***** Keliyaysiga Zalami Mawdduuca buuggu wuxuu ku saabsan yahay xadka rajminta, iyo doodda ku aaddan. Waxaana gorfeeyay mawdduucan tiro culamada xilligan ka mid ah, aragtiyahoodana way ku kala duwanaadeen, badankood waxay u arkaan in uu ka mid yahay xadka ay tahay in la dhaqangeliyo, koox kalana waxa u muuqatay edbin [تعزير] keli ah, arrinkana xaakinka ama garsooraha faraha looga qaado, haddii uu doono ha dhaqangeliyo, haddii kalana yaanu dhaqangelin, iyo qolyo kale oo iyaduna u aragta in la tirtiray [ama la nasakhay], oo lagu kaaftoomi karo keliya wixii ...

Timaaddada Soomaaliya PDF

Image
Lingaxan hoose waxaad kala degi kartaa; qoraalkii aan ku dhowaad saddex bilood ka hor soomaaliyeeyay, ee ahaa "Timaaddada Soomaaliya; Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo geddoonka gobolka" 👇 https://drive.google.com/file/d/1VJzMUN3DWjUseDdVlipdNcdKyO1KhVmx/view?usp=drivesdk  

Aqoonyahankii wuu hoyday, balse aqoontii way hadhay!

Image
Yuusuf al Qardaawi (1926-2022) Soddon guuro ama in yar ka badanba, waxaan bartay buugaagta Sheekh Yuusuf al Qardaawi Eebbe ha u raxmadee, dhammaantoodna waan akhriyay, ama ugu yaraan badankood, waan la noolaaday, lana falgalay afkaartiisa , sheekhana waxaan ka helay wixii iga lumay ee fiqi iyo fekerba ah, waxaanan jaal la noqday waxsoosaarradiisii, iskabadaa'e, waxaan caashaqay buugaagtiisii, fiqigiisii, iyo fekeradihiisiiba, mana jirin aqoonyahan iiga dhow sheekhiisii, Sheekh Maxamed al Qasaali mooyaane, Eebbe ha u naxariistee, kaas oo aan naftayda ka helay fekradihiisa, laga bilaabo wakhtigaas ma soo saarin buug ama dhambaal illaa waan akahriyay, bal'e waan deraaseeyay, buugtiisana in ka badan hal mar waan akhriyay, qaar ka mid ah buugaagtiisuna waxyba ii noqdeen raadraacyo sees ah oo baadhitaanka ama daraasadaha kolka aan qorayo, ama khudbadaynayo, ama muxaadaraynayo, aan xigto, buugtiisu waxay udub dhexaad u ahaayeen magtabaddaydii cammirnayd ee Jabbuuti, Eebbe Mahaddii. W...

Hadraawi, mudanahayga mufekerka ahow waad hoyatay, qalbigu se si qoto-dheer u dhaawacmay

Image
WQ: Sh. Abdirahman Bashir (19 Ogosto, 2022)  WT: Cabdicasiis Daahir (20 Ogosto, 2022) Maanta way kaa sheekaynayaan sidiiyoo ay maanta ku barteen, sababtoo ah waad galbatay waadna hoyatay, dhimashada ayay lamataabtaan ka dhigayaan sidii uu xusay mufekerkii weynaa ee Soomaaliyeed (Gaarriye), waad socotay, se fekraddaadu nagama tegin, caalamkayaga waad ka maqantahay, hasayeeshee caqligaagii mugga weynaa, baaqi buu nagu dhex ahaan doonaa in badan, waad tagtay, balse maansadaada Daba Huwan aragtida ku sugan way nagu dhex sugnaan doontaa.  Way isku-maandhaafayaan, qaabka ay kuu aasayaan, halka ay dhigayaan maydkaaga, Iyo cidda ka mas'uul ah hab aasitaankaaga, waa aafada sebenkan, iyo masiibada maanka, iyo dhama'a lodkan, waxay isku khilaafayaan cantarabaqashka, waxayna illaawayaan nuxurka, oo ah kumuu ahaa Hadraawi, iyo ninkani muxuu doonayay, iyo sidee buu se u fekerayay, qorshihiisa nololeed se muxuu ahaa, ummaddiisana muxuu u qabtay? Waxaad ahayd nin ka duwan ragga, waxaad ahayd ...

Timaaddada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo geddoonka gobolka

Image
Waxaa Qoray:  Shaafici Abtidoon Waxaa Turjumay: Cabdicasiis Daahir  Hordhac Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka qaybgalo, xafladdii caleemasaarka madaxweynaha la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud, bishan aynu ku jirno ee  Juun 09, 2022, muddo xileed kale, oo ay ka muuqatay ka qaybgal Afrikaaneed iyo Carbeed aad u ballaadhan. Tartan Maaratooneed doorasho oo ku dhowaad laba sano soo jiitamayay, ayna barbar socdeen ismaandhaaf siyaasadeed oo kakan iyo dhibaatooyin nabadeed, intaas oo lagu daray xaaladda nololeed ee dalka oo cirka isku shareeraysay, natiijo ka dhalatay aawadeed, abaar aad u daran oo ku dhowaad 7 Million oo Soomaali ah oo ku nool koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya handadaysa. Madaxweyne Sheekh Maxamuud, k u soo noqoshada qasirga madaxtooyada muddo xileed ku eeg illaa 2026, waxay ku soo beegantay, xilli aad u adag oo dalku ku jiro dhibaatooyin gudeed iyo dibedeed. Dadka qaarkood waxay ku fasirayaan in ninkaas kol kale talada dalka lagu sooro, ay ka dhigan tahay ...

Fahamka Isbeddelka

Image
  W.Q: Sh. Abdirahman Bashir  W.T: Cabdicasiis Daahir  Kownkan aynu guudkiisa saarannahay isbaddelku waa weydiin door-roonaanteeda leh, waana sababta ay u jiraan ururrada, dowladaha, iyo falsafadda tarbiyadda iyo waxbaristuba. Horumarkasta ka horna, isbeddel waa in uu jiraa, hore-u-socodkuna waa xeelad, isbeddelkuna waa howlgal istaraatiijiyadeed. Si guud isbeddelku laba ayuu u kala baxaa Isbeddel Togan, iyo Isbeddel taban, maanshiilladuna waxa ay tibaxaan in deggenaanta ama isbeddel la'aantu aanay ka mid ahayn tilmaamaha iyo astaamaha nolosha. Isbeddelkuna isaga ayaa ah seeska nolosha. Isbeddelka togani waa kan aadamuhu guntiga dhiisha iskaga xidho qorshayaal iyo yoolalna uu u dejisto, una gucleeyo sidii uu uga gun gaadhi lahaa isbeddelka caynkaas ah waxaa lagu tilmaamaa (Isbeddel Togan). Se kan taban waa kan aanu uu ordin badankana lid ayuu ku yahay jaadkaasna Qur'aanku waa uu diiday in uu xidhiidh ka dhexeeyo, waxaana jira isbeddel hore loo kacayo iyo mid gadaal loo so...

Filimmo koobsanaya sheekooyinka Dostoyevsky, jaadadka kala geddisan ee nafsadda basharka!

Image
Maqaalkan isagana waxa aan Facebook ku baahiyay, 11 Nov, 2021. Waxa aan sidoo kale ka soo turjumay mareegta (Website) mugga weyn ee  aljazeera.net Fyodor Mikhailovich Dostoevsky; Russian Novelist Waxa ay ku beegan tahay maanta (11 Nov, 2021) sannad guuradii 200-aad ee dhalashada sheeko-faneedyahanka Ruushka ah ee Fiyodoor Dostoyevsky, kaas oo lagu tibaaxo sheekoxardhayaasha sida xeesha dheer u quusay nafta aadanaha ged-geddoonkeeda iyo isbeddelkeeda. Sheekooyinka Dostoyevsky qofka akhrinaya hal shakhsiyad ka dhadhansan maayo, maxaa yeelay, dhinacyo kala jaad ah ayuu Dostoyevsky shakhsiyaddiisa kaa tusayaa, waxa uuna ina fahamsiinayaa waxyaabaha ku riixaya dhammaan falalka aadanuhu ku kaco xataa kuwa aynaan raallida ka ahayn, sida shakhsiyaddii faroolaha ahaa "Soosiima/زوسيما" ee riwaayaadiisii caanka ahayd "Walaalaha Karaamaasoof/الإخوة كارامازوف", silsiladda aadanuhuna aad bay isugu maran tahay, oo falkasta oo bashar ku kaco, hal qof dhakada loo saari maayo. Riwa...