Maxaynu ugu Baahannahay Culuunta Aadanaha?
Hor iyo horraanba, aqoontu waa udubxoogga ugu muhiimsan si loo dhiso ilbaxnimo. Waxayna ka mid tahay baahiyaha asaasiga ah ee nooluhu u baahan yahay. Waxay aadanaha ka dhigtaa mid la jaanqaada waaqaca iyo casriga uu nool yahay, saamyanna ku yeesha isbeddellada ka socda dunida. Sida aynu ogsoonnahay, aqontu waxay dabargoysaa amuumennimada, aqoondarrada, dibdhaca, faqriga, iyo saboolnimada, iyo arrimaha kale ee sababa in ay umaddu dibdhacdo. Cidina ma dafiri karto in ay aqoontu tahay udubdhexaadka asaasiga ah ee horumarka dhaqaale iyo bulsheed ee dawladaha, iyo in ay ka qayb qaadato door muhiim ah geeddisocodka iyo horusocodka dawladaha. Dhanka kale, door muhiim ah oo lagamakacaan ah bay ka ciyaartaa in ummaduhu ilbaxaan ama horumar gaadhaan. Waa rukun haddii la waayo aanay suuragal ahayn in laga horukaco dhinacyo badan oo nolosha ku saabsan, sida; dawladnimada, tacliinta, fanka, qoyska, suugaanta iyo wixii la halmaala. Sidoo kale barafisoorradu waxay ku doodaan haddii aad ...