Quraanka Rajmin ku ma Qorna











W.Q: Cisaam Taliima 
W.T: Cabdicasiis Daahir 




Wuxuu ciwaan u yahay buug xajmi ahaan yar, hasayeeshee ku diiradaysan qoraalkiisa, oo uu soo saaray Digtoor Mustafa Zalami, mid ka mid ah culamada Ciraaq ee kulansaday deraasaynta fiqiga Islaamka iyo qaanuunka, sidoo kale wuxuu ku tiiqtiiqsaday dhexgelidda usuusha fiqiga Islaamka, wuxuuna ka qoray xagalahaas buugaag door-roonaantooda leh, sida kan; Quraanka Rajmin kuma Qorna.

*****

Keliyaysiga Zalami

Mawdduuca buuggu wuxuu ku saabsan yahay xadka rajminta, iyo doodda ku aaddan. Waxaana gorfeeyay mawdduucan tiro culamada xilligan ka mid ah, aragtiyahoodana way ku kala duwanaadeen, badankood waxay u arkaan in uu ka mid yahay xadka ay tahay in la dhaqangeliyo, koox kalana waxa u muuqatay edbin [تعزير] keli ah, arrinkana xaakinka ama garsooraha faraha looga qaado, haddii uu doono ha dhaqangeliyo, haddii kalana yaanu dhaqangelin, iyo qolyo kale oo iyaduna u aragta in la tirtiray [ama la nasakhay], oo lagu kaaftoomi karo keliya wixii ku soo arooray quraanka kariimka ee ciqaab ah, oo ah; in la jeedaleeyo ruuxa guursaday [Muxsinka] iyo doobka/gashaantida [Qayrul Muxsin].

Racracda diiday Rajminta, waxaa ka mid ah; Mustafa Zalami sida ku dhigan buuggiisa (Quraanka Rajmin ku ma Qorna): badi dadka ka soo horjeeda hadalkiisa, waxay xiganayaan daliillo inta badan isu dhowdhow, Zalami isagu se wuxuu kaga dheereeyay kuwii la tartamayay mawdduuca u  saldhigeynta diidmada rajminta, baab dhan oo uu u gaar yeelay: waana fiqiga, usuusha iyo qawaacidda, intan soo socota ayuuna ku caddaynayaa:


1. Ciqaabta ku soo aroortay quraanka ee ku saabsan gaabsadayaasha (Sinaystayaasha) waxa weeye: xabsi iyo jirraabadayn, iyo in la jeedalo boqol guursadaha iyo ka aan guursanba, waana ta uu tixraacayo.

2. Wuxuu gofeeyay waxa lagu magacaabay aayadda rajminta, wuu kala dhigdhigay, bal e wuxuu u bixiyay: beenta (sheekha iyo sheekhadda).

3. Dhacdooyinkii rajminta ee laga soo weriyo sunnada, waxay ahaayeen dedaal (Ijtihaad) uu NNKH sameeyay, quraankuna aanu sugin, sidii uu u dedaalay amriddii qafaalayaashii Beder, quraanku wuxuu u soo degay in uu ku tasxiixiyo naska dedaalitaanka rajminta, ciqaabta jeedaalinta ah ee ku sugan suuradda Nuur.

4. Seeska deedifaynta rajminta wuxuu ku soo bandhigay baadhitaan muhiim ah oo ku ciwaanaysan, "Rajminta iyo xeerarka guud": oo uu u soo daliishaday deedifaynta rajminta, qawaacid usuuli, fiqi, caqligal, iyo falsafi ah, sidan ayuuna u dhigay:

Ta kowaad: Qawaacidda usuuliga ah:

Qawaacidda usuuliga ah ee sugan ee la isku raacsan yahay waxaa ku xusan:


B. In ciqaab kasta oo ka mid ah ciqaabaadka, denbiyada toddobada ah, aanay saamayn ku yeelanayn duruufta kakan ama sahlaniba, waxaana waxaana cad in jariimada sinadu ay ka mid tahay jariimooyinka xadka ah, ciqaabteeduna ku xaddidan tahay boqol ulood, sida Eebbe sheegay: ninka iyo gabadha sinaysta ku dhufta midkiiba boqol ulood, naxariisna yay idiin qaban diinta Eebbe (kolka aad oogaysaan axkaamta diinta), haddii aad tihiin kuwo rumeeyay Ilaahay iyo maalinta danbe, ciqaabtoodana goobjoog ha u noqdaan raxan mu'miniin ah. Suuradda Nuur (2)

Naskan quraaniga ahi wuxuu ciqaabtii sinada ku xadeeyay, 100 jeedal, garsooraha uma bannaana in uu dabbaqo in ka badan tiradaas qof awooda in uu guursado gabadh, ama in ka badan, xoolo ahaan iyo jidh ahaanba, sida aanay ugu bannaanayn in uu ciqaabta ka dhimo illaa iyo 90 jeedal. Bilmetel qof sabool ah oo aanay suuroggal u ahayn in uu bixiyo waajibaadkii iyo takaaliiftii guurka, taas oo ku sababi karta in uu ku dhaco gefka sinada, ciqaabta naska ku xusan saamayn ku yeelan mayso duruufta adkaynta sida ku dhigan xaaladda kowaad, iyo duruufta sahlanaynta sida ku tilmaaman xaaladda labaad.

T. Sida oo kale sinaystuhu haddii uu ahaado mid guursaday, saaniyadduna ay ahaato mid guursatay, waxaa lagu tiranayaa in ay tahay dhinac kakan, balse dhinacaasi uma beddalayo ciqaabta jeedaalka ah, ciqaab rajmin ah, iyada oo laga dabqadanayo qaacidada usuuliga ah ee kor ku xusan ee la isku waafaqsan yahay.

J. Qawaacidda usuuliga ah ee sugan ee la isku raacsan yahay waxaa ka mid ah: haddii nas quraanka ku jiraa uu ka horyimaaddo xadiis nebi mawdduuc cayiman, lana wada kulmin kari waayay, sida in lagu gaar yeelo wax guud wax gaar ah, wax furan wax dabran, ku dhaqanka xadiiska nebi waxaa laga horraysiinayaa quraanka, haddii uu doono taxane ha ahaado e, sababta oo ah quraanku waa waxyi Ilaahi ah, oo taxane ahaan sugan, halka xadiiska nebi aanu ahayn waxyi; sida ay qabaan ra'yiga la tixgaliyo ee culamada muslimiinta.

Ta labaad: qaacidada fiqiga ah ee (qofka aamusan kama dhigna in uu hadlay)

Qaacidadan waxaa iska leh mudanaheennii Shaafici, waxayna tilmaamaysaa daliil cad, oo  quraanka suubban in uu ka aamusay in uu caddeeyo xukunka rajminta kama dhigna jidaynta rajminta, qaacidadanina soo reebitaanno ayaa jira, ayna ka mid tahay: ka aamusidda gabadhu oggolaanshaha guurka waxaa la raacinayaa in ay tahay hadal iyo waafaqsanaan guurkaas ah, haddii aanay ku kicin wakiilkeedu arrin kaas ka soo horjeeda. Waxayna ku sugan tahay waajibintii Farriinsidaha hadalkiisii: "garoobtu waa laga amarqaadanayaa, gashaantidana waa laga idan qaadanayaa, aamuskeeduna waa idankeeda." Innaga oo ku dhisayna qaacidadaas uu xusay Imaam Shaafici, waxaa looga daliil qaadanayaa ka aamusidda quraanka xukunka rajminta, in aan la jidaynayn ciqaabta rajminta. Beenta ah se (Sheekhadda iyo Sheekhuba haddii ay sinaystaan rajmiya isla markaba), waa dhaqan jaahiliyeed ku raadoobay tacaaliinta yahuudiyadda, sida uu ku xoojinayo Zalami baadhitaankiisa.

Ta saddexaad: Qaacidada Maangalka ah:
Qaacidadani waxay sheegaysaa in wax lagu duldhisayayaasha iyo macnayaashuba ay yihiin laba arrin oo isku sidkan sidkanaansho cad, macnaha gaarka ah. Yacnii ku suuraysashada garaadkaaga midkood ama jiritaan la'aantiisa waxay keensanaysaa in aad ka kalana suuraysan kartid. Innaga kaa ku duldhisayna hadalka ah in la nasakhay akhrinteeda, xukunkeediina uu hadhay, sida ay andoocanayaan beenta ah (Sheekha iyo sheekhaddaba), arrin uu diidayo caqliga iyo maanka bedkaqaba, iyo gef ay ku dhaceen qayb ka mid ah salafku, dhaanraacyadiina ay indho la'aan u raaceen, iyada oo aan si qotodheer loo dhexgalin mawdduuca, illaa iyo uu noqday gef wadar ahaan la iskuwaafaqay in uu yahay sax. Gefkaasina wuxuu ka yimid salafkii oo ku dhisay waxay dhaheen salafkii wanaagsanaa, ay ku tacbiiriyeen, gaaryeelidda wax guud, dabridda wax gaar ah, caddaynta waxa dhammaantood, tartiibinta iyo rukhsadaynta.

Ta afaraad: qaacidada falsafaiga ah:

Waa xigmadda xukunka, iyo ujeeddadiisa, iyo danta laga leeyahay, taas oo ay ku dul dhiseen culamada usuulul fiqiga si wadajir ah qaacidada ah: (xukunku wuxuu ku wareegayaa cilladiisa, jiritaan iyo jiritaan la'aanba), yacnii, haddii ay dibudhacdo sababtu, xukunku dib ayuu u dhacayaa, haddii se la xaqiijiyo waa la fulinayaa xukunku.  

Qaacidadani waxay deedifaynaysaa hawraarta ah haddii sheekhu iyo sheekhadduba sinaystaan rajmiya markaba, waxay ahayd aayad ku sugan suuradda Axsaab, akhrinteedii waa la laalay, xukunkeediise waa la ilaaliyay. Waxaynu iswayddiinaynaa waa maxay xigmadda iyo falsafadda ka danbaysa samahaas ay caddaaladda iyo xigmadda Eebbe reebayso? Waa maxayse xigmadda ku jirta akhrinta iyo isku xukunka hadalka Eebbe: (Ninka iyo gabadha sinaysta midkiiba boqol ulood ku dhufta) iyo laalidda in la akhriyo (sheekha iyo sheekhaddaba isla kolkaba rajimiya haddii ay sinaystaan), hadda iyadoo halista rajmintu ay nolosha qofka iyo bulshadaba ku labalaabmayso labalaab halista jeedalaynta. Haddaba miyuu suuraysanayaa caqliga bedkaqaba ah in uu Eebbe jideeyo dheeldheeshaaa uu diidayo garaadka bedkaqaba.

Shan: Qaacidada maangalka ah: (qaacidada shakigu waxaa loo fasirayaa dhanka eedaysanaha)

Mufasiriinta iyo culamada xadiiskuba waxay isku maandhaafeen in laga horumariyo garsoorka farriinsidaha (NNKH) ee ah rajminta dad aad u tiro yar, soo degitaanka aayadda jeedalka: (sinaystaha iyo saaniyaddaba, midkiiba boqol jeedal ku dhufta), ama in laga horraysiiyo aayadda, garsoorka farriinsidaha (NNKH), Imaam Bukhaari laftiisa ayaa wax iska weyddiiyay su'aashaas. Shakigaas ah kala horraysiinta aayadda iyo  garsoorka, ama garsoorka iyo aayadda, waxay u fasiraysaa sinaystaha guursoomaray, iyo saaniyadda guursoomartay, aayadda jeedalkana waxaa lagu tiriyaa in ay ka danbaysay garsoorka farriinsidaha NNKH, innaga oo ka shidaal qaadanayna arrinkaas waxaynu ku tirinaynaa aayaddaas mid nasakhaysa garsoorka ama xukunka farriinsidaha NNKH.


*****

Dedaal iyo fekeritaan

Buugga si guud, waxaa ceegaaga, haddii aad ku raacdo ama ka soo horjeesatoba, dedaal cilmiyeed iyo fiqiyeed, waana waxaynu ka daalacanayno badanka baadhitaannada ay ka warramaan culamada xilligan ee ku aaddan qaddiyadaha xuduudda Islaamka, ha ahaato: riddada, rajminta, ama tuugannimada, dhammaantood waxay muujinaysaa dedaal fiqiyeed ka dhex socda fuqahada xilligan, caalin kasta wuxuu isku deyayaa in uu gorfeeyo mawdduuca isaga oo ka fog u janjeedhidda aragti, isaga oo aan eegin fiqiyeedka ku jira.

Zalami wuxuu ka istaagay mooqif doorashada ciwaanka buuggan: (Quraanka Rajmin ku ma Qorna), haddii uu doono natiijadiisu ha ahaato mid ka duwan ciwaanka, waayo, ciwaanku wuxuu diidayaa in quraanka uu ku yaallo rajmin, waana waxa aanay cidina ku khilaafsanayn, haddii ay doonaan ha dhahaan rajmiya ama ka daayaba e. Hasayeeshse Zalami wuxuu baadhitaankan ku reebayaa rajminta dhammideed in ay ahaato xad lagu jideeyay xeerka Islaamka, iskaba daa e waa xeer seban jiray, dhammaadayna lana nasakhay.





 


Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn