Fahamka Isbeddelka
W.Q: Sh. Abdirahman Bashir
W.T: Cabdicasiis Daahir
Kownkan aynu guudkiisa saarannahay isbaddelku waa weydiin door-roonaanteeda leh, waana sababta ay u jiraan ururrada, dowladaha, iyo falsafadda tarbiyadda iyo waxbaristuba. Horumarkasta ka horna, isbeddel waa in uu jiraa, hore-u-socodkuna waa xeelad, isbeddelkuna waa howlgal istaraatiijiyadeed. Si guud isbeddelku laba ayuu u kala baxaa Isbeddel Togan, iyo Isbeddel taban, maanshiilladuna waxa ay tibaxaan in deggenaanta ama isbeddel la'aantu aanay ka mid ahayn tilmaamaha iyo astaamaha nolosha. Isbeddelkuna isaga ayaa ah seeska nolosha. Isbeddelka togani waa kan aadamuhu guntiga dhiisha iskaga xidho qorshayaal iyo yoolalna uu u dejisto, una gucleeyo sidii uu uga gun gaadhi lahaa isbeddelka caynkaas ah waxaa lagu tilmaamaa (Isbeddel Togan). Se kan taban waa kan aanu uu ordin badankana lid ayuu ku yahay jaadkaasna Qur'aanku waa uu diiday in uu xidhiidh ka dhexeeyo, waxaana jira isbeddel hore loo kacayo iyo mid gadaal loo socdo. (Kii idinka mid ah oo doonayaa hore ha u socdo, ama dib ha u socdo/ لمن شاء منكم أن يتقدم أو يتأخر)
Kolka aynu u kuur galno hawraar nebi Shucayb uu yidhi waxa aynu ogaanaynaa in aanu isbeddelku ahayn hawl sahalan, iyo faakihaysi nolosha bar-bar socda, se isbeddelku waa hawl adaygeeda iyo door-roonaanteeda samaynta timaaddada leh, u fiirso hadalkii nebi Shucayb (CS) sida uu Eebbe inoo soo haltebinayo; “Ma doonayo in aan wax wanaajiyo mooyaane inta karaankayga ah, waafajintayduna Ilaahay xaggiisa uun bay ahaatay, isaga ayaan talo-saaranayaa, noqadkayguna isaga ayuu ahaaday/ إن أريد إلا الإصلاح ما استطعت ، وما توفيقى إلا بالله ، عليه توكلت وإليه أنيب”. Muggan yar waxa aynu ka dheehanaynaa mashruuc isbeddel, qaab manhajiyeed ah, oo sida uu islaamku doonayo u dhigan. Dhammaanteenna waynu ka war haynaa in nebi Shucayb uu doonayay in bulshadaas uu beddelo habka iyo hannaanka ku aaddan dhaqaalaha iyo ganacsiga. Ganacasigana inta aan loo kuur-galin hawl-fulintiisa, waa fekerro iyo falsafad, waana sababta ay u amakaageen, qowmkii nebi Shucayb in uu soo faro-gashto umuurahooda dhaqalaha iyo ganacsiga la xidhiidha, ayna ku yidhaahdeen: "Shucaybow ma salaaddan aad tukanayso ayaa ku amraysa in aan ka tagno aabbayasheen waxa ay caabudi jireen, iyo in aan ku samayno xoolahayaga wixii aanu doonno/ يَٰشُعَيْبُ أَصَلَوٰتُكَ تَأْمُرُكَ أَن نَّتْرُكَ مَا يَعْبُدُ ءَابَآؤُنَا أَوْ أَن نَّفْعَلَ فِىٓ أَمْوَٰلِنَا مَا نَشَٰٓؤُاْ ۖ." Intaas sare waxa waajib ah in aynu ka soo dhiraandhirinno mashruuc isbeddel:
Ta kowaad; hammuun la'aan isbeddel ma jirayo, kol haddii aadan u hamuun qabinna ma karaysid, sidaas darteed waxaa daruuri ah in doonitaanka isbeddelka ay ka horrayso shaqada. Rabitaankuna ma ahan, niyad wanaagsan uun, kaasna rabitaan sii ridan kuma tibaaxi karno, ee waa yididiilo aan durugsanayn, amaba riyo, sidaas daraaddedna ayuu u yidhi nebi Shucayb (ma doonayo in aan wax wanaajiyo mooyaane /إن اريد إلا الإصلاح).
Ta labaad; Helitaanka go'aan qaadasho hor leh, iyo guddoon dhab ah ka hor shaqada, isbeddel ma jirayo go'aan ama guddoon dhab ah la'aantiis, qaraar dhab ahina ma jirayo, rabitaan dhab ah mooyaane. Sidaas darteedna ayay u timi weedhan soo koobaysa ( إن أريد إلا الإصلاح ) Yacnii doonitankaygu waa in aan wax wanaajiyo uun. Duulka ku gudo jira howlgalka isbeddelka dhan kasta, waxa ay ula nool yihiin, isbeddelka qaab falsafad iyo tijaabin, da' kasta, iskudeyga isbeddelka kama istaagayaan, waayo? isbeddelku ma ahan howl ku-meel-gaadh ah, marxalad, seben, ama koox ku xidhan, ee waa falsafad nololeed.
Ta saddexaad; Yool iyo ujeeddo cad waa in laga leeyahay isbeddelka, isbeddelkuna ma'ahan hawl dheel-dheel ah, insaankuna u socon maayo, in uu isbeddel aan laga waxtarsanayn sameeyo, sidaas darteed ayuu Nebi Shucayb u yidhi, "wanaag mooyaane wax kale idin la dooni maayo" nebi Shucayb waxa uu ahaa (CS) mid u gucleeya in uu beddelo qaab-dhismeedka saldhigga ah ee qowmkiisa (in uu saxo cibaadada iyo caqiidada), iyo beddellitaanka qaab-dhismeedka maaliyadeed. Howshaasina waa mid aad u adag in la beddelo bulsho aaminsan noloshooduna ku taagan tahay khiyaamada ganacsiga iyo falsafadda heego-u-siidaynta (Liberalism) aan cilmiga ku dhisnayn, (in aan hantidayada ku samaynno wax allaale waxa aannu doonno)
Ta afraad; ka hor inta aan lala iman shaqo iyo isbeddel, laga-ma-maarmaan weeye in la oddoraso suurtagal ahaanshaha, iyo ma suurogalka. Si aad libin u gaadhona, ku bilow suurtagalka, kana dheeroow waxa aan kuu suurogali karin si aadan u dhiirri-jabin [Niyad jabin]. Islaamkuna waxa uu innoogu baaqayaa in aan noqonno kuwo mar la arag ah, [arrintaasna] waaqaca loo marayo, kuwa la nool mar-la-arag ahaanshaha isma beddelaan, kuwa taaganta uun ku xidhanina ma riyoodaan, kolkaa waxa laga-ma-maarmaan ah in waaqaca/taaganta iyo mar-la-arag ahaanshaha, la isku xidho. Isbeddelka suuroggalka ah ayaynuna ka bilaabaynaa, sidaas baynu u helaynaa nebi Shucayb (CS), oo leh; (ujeedkaygu waa in aan wax hagaajiyo intii karaankayga ah). Fiqhiga Islaamiga ahna waxa aynu ku haynaa in aanay kellifaad jirin wixii aanu qofku karin.
Ta shanaad; waxa laga-ma-maarmaan ah in wax la iska weydiiyo barnaamishka samaynta isbeddelka (isaga ayaan talo saartay), Islaamka kolka la joogo talo saarashadu waa mafaahiimta bud-dhigga ah, ee ay waajibka tahay in loo saxo dadka caammada ah. Talo saarashadu, waa qaadashada sababaha, dabadeedna, laga shaqeeyo, sidii looga guul gaadhi lahaa, fulinta shaqada ka dibna, qiimayn lagu sameeyo, dhammaantoodna waxa ay soo hoos galayaan talo-saarashada. (Dabar oo talo saaro).
Ta lixaad; Mu'minku Eebbe ayuu la noolyahay, cirkana waa uu ku xidhanyahay, libinta dhabta ahina waa solansiinta Eebbe, ee ma'ahan keliya hawl la la yimaaddo, sidaas darteedna durraamasho [ducaysaho] waa la ga maarmaan, in uu ku waafajiyo oo ku guuleeyo. Hdalka Shucayb ayaynuna ka dheehan karnaa isaga oo adkeenaya (Waafajintaydu ma ahaan Eebbe mooyaane).
Ta toddobaad; Qofka hoggaansamay ma hilmaamayo hiyiga fog ee nolosha, oo ah raalli-gelinta Eebbe, midh waxtar ahina kuma jiro in aad libin gaadho ifka, aakhirona aad guul darraysato.
Intan sare, waxa uu isku weyddiiyay, Nebi shucayb (CS) mashruuc dhan oo aad isku beddeli karto. Maxyna uga baahi badan yihiin in ay fahmaan kurayda Muslimka ah ee dunida islaamka ku sugan, si ay u dhidbaan yididiillo, dhidbidda yididiilladuna waxa ay u baahantahay, mashruuc dhan oo isbeddel ah, qofka aan isbeddelinna gadaal ayuu u soconayaa, kaasna aakhirka nolosha ayaa meel daran ka tuuraysaa. Sidaas darteed ayayna ugu waajibaysaa in dhallinyaradu ay u dedaalaan sidii ay caalamka afkaaraha wax u ga beddeli lahaayeen, dabadeedna, ay u suurto gasho sidii ay wax uga beddeli lahaayeen caalamka xidhiidhada, wayna u fududaanaysaa in wax laga beddalo, caalamka habdhaqanka.
Comments
Post a Comment