Timaaddada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo geddoonka gobolka
Waxaa Turjumay: Cabdicasiis Daahir
Hordhac
Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka qaybgalo, xafladdii caleemasaarka madaxweynaha la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud, bishan aynu ku jirno ee Juun 09, 2022, muddo xileed kale, oo ay ka muuqatay ka qaybgal Afrikaaneed iyo Carbeed aad u ballaadhan. Tartan Maaratooneed doorasho oo ku dhowaad laba sano soo jiitamayay, ayna barbar socdeen ismaandhaaf siyaasadeed oo kakan iyo dhibaatooyin nabadeed, intaas oo lagu daray xaaladda nololeed ee dalka oo cirka isku shareeraysay, natiijo ka dhalatay aawadeed, abaar aad u daran oo ku dhowaad 7 Million oo Soomaali ah oo ku nool koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya handadaysa. Madaxweyne Sheekh Maxamuud, ku soo noqoshada qasirga madaxtooyada muddo xileed ku eeg illaa 2026, waxay ku soo beegantay, xilli aad u adag oo dalku ku jiro dhibaatooyin gudeed iyo dibedeed. Dadka qaarkood waxay ku fasirayaan in ninkaas kol kale talada dalka lagu sooro, ay ka dhigan tahay in uu jawaab u yahay dibuheshiisiin dhab ah oo dhex marta qaybaha bulshada deegaanka ah, ay tahay khiyaar istaraatiijiyadeed oo dalkan lagaga badbaadinayo, in aanu mar kale dib ugu dhicin dabinka dhibaabaha.
Warbixintan waxaynu diiradda ku saari doonnaa sababaha keenay in mar kale loogu cimaamado [talada dalka] Xasan Sheekh Maxamuud, muddo xileedkiisii kowaad kadib gu'gii 2012 illaa 2016, iyo daah-ka-faydidda loollanada iyo malafyada sugaya madaxweynaha. Waana loolanno kakan oo aan si fudud looga baxsan karin, iyo sidoo kale oddorosidda mustaqbalka dalka iyo suurtoggalnimada in laga gudbo doorashooyinka aan tooska ahayn gu'ga 2026 iyo in loo tallaabo doorashooyin qof iyo cod, Iyo Soomaaliya oo ka dhacda mandaqadda Geeska Afrika, xuddun ay indhaha caalamku iyo gobolkuba danaynayeen tan 2018 kii.
Sababaha keenay in uu guulaysto sheekh Maxamuud: Akhrin ku saabsan natiijooyinka
Dibudhigis joogto ah kadib, ku dhowaad socday laba gu', qabashada qabanqaabadii doorashooyinka madaxtinnimo ee Soomaaliya', Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu go'aamiyay fadhi wadaag ay sameeyeen labada gole (golaha baarlamaanka iyo guurtida) qabashada doorashada madaxtinnimo 15 May inna dhaafaty. Waxaana la diinwaangeliyay 39 musharrax, si ay u galaan tartanka doorashooyinka, kolkii tirin noqodkii doorashooyinka madaxtinnimo ay bilaabantay 6 musharrax baa iska casilay tartankii. Dagaalkiina wuxuu ku soo hadhay 33 musharrax, [oo] badankood wejiyo cusub yihiin, ayna wehelinayaan afar musharrax oo awood leh, oo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu ka mid yahay, iyo labadii Madaxweyne ee hore, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Shariif Seekh Axmed, iyo raysalwasaarihii hore Xasan Cali Khayre. Wareeggii hore tartan doorasheedku waa la is mari waayay, madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, 56 cod buu helay, halka Madaxweyne Farmaajo helay 59 cod, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud isaguna uu helay 52 cod, Xasan Cali Khayrena uu helay 48 cod, Madaxweynihii [hore], Shariif Axmed uu 39 cod u helay nasiib.
Sida dastuurka Soomaaliyeed uu dhigayo, saddex dalool oo dalool codadka (219 cod), musharraxa hela wareegga kowaad ee doorashooyinka guud ahaan tirada codadka 329 ka xildhibaan, jagada madaxtinnimada dalka ayuu ku guulaysanayaa. Haddii aanay arrintaasi dhicinna afarta musharrax ee helay codadka ugu badan codeeyayaasha (xildhibaannada) waxay u gudbayaan wareegga labaad, intaas dabadeed, labada musharrax ee gurtay codadka u badan, ayaa u baxaya kan saddexaad ee u danbeeya. Waxaana jagada madaxtinnimo ku guulaysanaya musharrax hela 50+1 codadka.
Kolkii wareeggii labaad ee tartanka doorashadu soo gebageboobay, laba musharrax oo keli ah baa u gudbay wareegga saddexaad waana labada kala ah: Madaxwayne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kadib kolkii uu helay 83 cod, iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo helay 110 cod. Dagaal doorasheedkiina waxaa ka hoyday dhammaan, madaxweynaha Buntilaan Siciid Deni, (68 cod), iyo raysal wasaarihii xukuumaddii hore Xasan Cali Khayre (63 cod). Wareeggii saddexaad waxa uu ku soo idlaaday Farmaajo oo 110 cod helay, taas oo u suurogalisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu 214 cod kaga guulaysto. Sidaasna uu ku noqday madaxweynihii u horreeyay oo Soomaaliyeed, ee mar labaad xukunka dalka loo dhiibo, illaa iyo doorashooyinkii 1960 kii.
Waxaa lagu tirinayaa doorashadii madaxtinimo ee dirqiga lagu qabtay in ahayd badbaadin iyo baratan, laga qabay in Soomaaliya ay cunaqabatayn ku soo rogaan hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, oo ay ka mid tahay in la hakiyo deeqaha dhaqaale ee Soomaaliya loogu talagalay in lagu taageero oo ah 65 boqolkiiba, halka xukuumadda federaalku aanay xasilonayn keli ah 35 boqolkiiba, oo ah bixinta gunnada shaqaalayaasheeda iyo xaqa ciidanka Somaaliyeed; taas ayaana dedajisay, qabanqaabada nidaaminta doorashooyinka madaxweynaha, ka hor 17 kii May. Waana amminta ay u xaddideen hay'adaha caalamiga ah, haddii aanay qaban doorashooyinka madaxtinnimo, in ay ka joojinayaan caawimaadda maaliyadeed ee xukuumadda federaalka.
Dhowr sababood ayaana ka qaybqaatay in uu Xasan Sheekh Maxamuud mar labaad guulayato (2022-2026), waxaana ugu mudan:
1. Waqaca siyaasadeed ee kakan ee dalka: illaa iyo iskuddaygii muddo korodhsi ee madaxweynaha iyo barlamaanka April gu'gii, 2021, dalku wuxuu galay hir khilaafaad siyaasadeed ka qarxay labada madax ee awoodda fulinta ee dalka (madaxweynaha dalka iyo raysalwasaaraha), illaa iyo Agtoobar, 2021, waxayna ku sigatay in ay isu beddesho dagaal hubaysan gudaha qasriga madaxtooyo, maxaa yeelay cabsi laga qabo in xiisadda u dhexaysaa ay gaadho in ay hubka isku cabbaystaan ilaalada labada madaxweyne gudaha Fillada.
2. Cabsi laga qabo in dagaal sokeeyo ka qarxo dalka: dad badan waxay u maleenayeen, suurtogalnimada soo noqoshada Farmaajo in aanay ahayn mid rejo ahaan lagu bushaaraysanayay, haddii uu ku soo noqdo mar kale xukunka dalka, maxaa yeelay ku dhaqanka siyaasaddiisa ku dhisan cago-ku-haynta iyo cadiidinta mucaaradka, iyo adeegsiga ciidamaynta siyaasadda, iyo lacag siyaasadeedda, iyo jeedinta khudbado shacbiyeed shirqoolaysa qorshayaasha mucaaradka, si uu uga guuleysto mucaaradiintiisa siyaasiyiinta ah.
3. Korukacidda xaddiga iskudhaca beelaha: xilligii farmaajo waxaa siyaaday xiqdiga iyo iskudhac beeleedyada gaar ahaan qolyaha deggan koonfurta dalka, ka dib muranno ka dhashay howlgalkii qaybinta awoodda iyo iskuddayga in lagu duudsiiyo qabiillo ku dhiirranayay isla'egta siyaasadeed ee dalka, iyadoo la dabbaqayo qaacidada 4.5 in la qaybsado awoodda dalka, baahiduna waxay keensatay in ay daruuri tahay daminta, dabka khilaafaadka ee beelaha, iyadoo loo marayo hoggaan cusub oo la isku raacsan yahay, lagana bilaabayo heshiisiinta oo ah buundo lagu soo koobayo khilaafaadka iyo kala duwanaanshaha qabiilka.
4. Hoosudhac ku yimid xidhiidhada debedda Soomaaliya, gobol ahaan iyo duni ahaanba: xilligii xukunka madaxweyne Farmaajo (2017 - 2021), waxaa la eryay safiirro waageeni ah oo midowga Yurub iyo Midowga Afrika ka kala socday, sababtuna ay ahayd in la ilaaliyo madaxbannaanida iyo xorriyadda Soomaaliya, dibudhac ayaana ku yimid cilaaqaadkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo dowladaha ku shuraakoobay dhiirrinta dibudhiska qaranka Soomaaliya, Waashintoon ayna kow ka tahay. Intaas oo lagu daray, in ay cirka isku shareertay khilaafyada u dhexeeya maamul goboleedyada iyo xukuumadda Soomaaliya, isfahanwaa ka dhashay habka loo qabanayo doorashooyinka barlamaanka iyo madaxweynaha.
Sababahaas aynu soo taxnay iyo sababo kale ayaa isbiirsaday, taas oo ay qayb laxaad leh ka qaadatay in uu ku guulaysto Kaambaynkii Xasan Shiikh Maxamuud, oo astaanteedu ahayd "Soomaali hishiis ah, dunidana hishiis la ah", Xasan Shiikh ayaana la doortay iyadoo la rejaynayo in uu furdaamiyo dhibaatooyinka Soomaaliya gude iyo dibedba, dad faro badan ayaa magan biday si uu uga guulgaadho faylal murugsan oo kakan, iyo in uu dhalaaliyo isbahaysi barafyo ah oo ka mid ah loollannada waawayn, waxaynuna u kala dhig dhigi karnaa sidatan soo socota:
Malafyada iyo loollanda
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu dhaxlayaa xayn loollan ah iyo malafyo kakan; maaddaama oo dalku aanu xaqiijin horumar lagu qanci karo oo ah xalisilinta tiirarka hannaanka federaalka ah, horumar lagu qancona aan iyo dibedba leh, iyo ku guuldarraysiga in laga gudbo hannaanka siyaasadeed ee ku tiirsan koofiyadlayda in ay nidaamiyaan doorashooyinka iyo qaybinta awoodaha, waana ta malafyada ka dhigaysa mid aad u murugsan!
Intan soo socota, waxaynu ku soo koobi karnaa, qodobbada iyo malafyada ugu ribsan ee sugaya madaxtooyada hadda joogta:
• Malafka amniga iyo dib-u-heshiisiinta: madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku caddeeyay waraysi uu saxaafadda la yeeshay, ka dib markii talada dalka loo doortay, in boqolka Maalmood ee u horreeya hoggaamintiisa, uu howlo badan dhaqaajin doono ayna ugu mudan yihiin: in uu la hadlayo golaha sharcidejinta iyo xeerarka, in ay dalka ku faafiyaan hannaan nabadeed fedaraali ah oo aan ahayn mid dhexe, dalka oo dhan ku baahsan. Iyadoo loo marayo in aynu jidayno xeerdajin cusub oo ku aaddan hay'adda ciidanka, maamul goboleedyadana hishiis lala galo, si loo sugo amniga caasimadda, Muqdisho, taas oo waajahaysa xaalad nabadeed oo aad culus, gu'yaalkii u danbeeyay. Si loo sugo nabadda caasimadda iyo meelaha ku hareeraysan, wuxuu ballan qaaday, Madaxweynaha la doortay in qalcadda difaacyada ee ugu horreeya ee lagu sugayo ammaanka Muqdisho ay noqon doonaan ka dib shabeellaha dhexe iyo hoose, iyo kolka laga takhalluso ceelka nidaamka dhaqadhqaaqa shabaab, isagoo raaciyay in uu diyaar u yahay in uu la kaashado dhiggiisa caalamka, in uu hawada ku dubto, jiritaanka iyo xagjirka aydhiyoolajiyadeed ee ku gaashaaman hubka, gudaha dalka. Maraykankuna u horreeyo oo isla subaxnimadii uu ku guulaystay Xasan taladii dalka, madaxweynaheeda Joe Biden uu shaaciyay, in uu ku soo celiyo ciidankii Maraykanka Soomaaliya, oo tiradoodu gaadhaysay ku dhowaad 700 askari Maraykan ah, si ay uga hortagaan kooxda iyo isbahaysiga ugu argagax badan ee al-Qaacida ee ka dhisan Geeska Afrika.
Malafaka dib-u-heshiisiinta gudaha kaas oo aan wax guulo ah xaqiijin sannado badan, wuxuu ka mid yahay malafyada sugaya hoggaaminta joogta, waana malaf uu madaxwynaha la doortay danayn badan siinayo si uu soo dhaweeyo mawaaqifta iyo ku xallinta weydiimaha iyo qaddiyadaha kakan wada hadal, gude iyo dibedba. Isagoo arrintaas ka duulaya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu bilaabay in uu u jihaysto Shanta Maamul Goboleed (Jubbalaan, Buntilaan, Hir Shabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed), si uu u xoojiyo, Maamulka dhexe iyo Maamullada Darafyada, dalkana u saaro toobiye siyaasadeed oo heshiis la ah, beddelkii kala geynta iyo murannada taas oo majarexidh u noqotay dedaalladii horumareed ee dalku hore ugu tallaabsanayay. Taas oo lagu daray in la soo nooleeyo wadahadalladii dibudhacu ku yimi, ee Soomaalilaan, oo aan taabbagelin shantii sano ee u danbeeyay, madaxweynaha dalkuna wuxuu aaminsan yahay, in wada hadalku uu yahay, marinka keli ah ee lagu qancin karo siyaasiyiinta Soomaaliaan, iyo kanoqoshada goonnigoosadkooda, kuna dedaali mayno adeegsiha qalabka cadaadinta ama in laga hor istaago, caawimaadaha maaliyadeed ee beesha caalamka, si loo soo koobo dhibaatada siyaasadeed ee labada qaybood ee dalka.
• Malafka dhisidda hay'adaha dowladda: Soomaaliya waxaa muuqatay muddooyinkii u dambeeyay si tartiib tartiib ah in horumar la taaban karo laga sameeyay badi hay'adaha rasmiga ah, hasayeeshee soo noqoshadeedu waxaa lagu tilmaamayaa "qaab-dhismeed" keli ah, hay'ad rasmi ahna qaybtan lagama helin, taasina waxay u baahntahay dedaal culus, si looga shaqaysiiyo shaqada hay'adahaas, si loo siiyo muwadiniinta shaqooyinka aasaasiga ah, taa beddelkeeda intii ay noqon lahayd keliya hay'ado maamul oo madhan; waa arrinka ku waajibinaya in maamulkan ugubka ah uu jideeyo sharcidejin cusub si loo xasiliyo shhaqooyinka hay'adahaas, ayna barbarsocoto baadhitaanka musuqmaasuqa ku baahay jidhka, xubnaha iyo hay'adaha dowladda ee gobolka illaa wasaaradaha iyo goobaha kale ee shaqofulineed. Inkastoo dedaallada beesha caalamka ah ay ka mid yihiin ururrada midoobay, si ay u dhiirrigeliyaan, hay'adaha dowladeed, se musuqmaasuqa xadkabaxa ah ayaa ugu danbaynta liqaya hay'adahaas, taas oo madaxweynaha la doortay ku riixday in uu ballan qaado in uu dhiso hay'adaha rasmi ah isagoo jidaynaya sharcidejinno iyo xeerae cusub.
• Malafka doorashooyinka ah qof iyo cod: goosanta qaddiyadaha iyo howlaha kakan ee illaa intii uu la wareegay xilka madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ka mid ah in uu dalka gaadhsiiyo doorashooyin qof iyo cod ah. Sida uu waraysi ku sheegay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud, ee la doortay mar kale, wuxuu la wareegay malaf dhammaystiran oo ku saabsan habkii iyo hannaankii loo fulin lahaa doorasho qof ah, se howshaasi way guuldarraysatay ka hor wakhtigeedii, waxaana la qabta taa beddelkeeda doorashooyin leh midab beeleed oo lagu qabanqaabiyay duruuf murugsan, amni iyo siyaasadba leh, ka qaybgal keeduna uu xaddidan yahay, kamana turjumayso rabitaanka Soomaalida inteeda badan. Ku soo noqoshada Xasan Sheekh Maxamuud qasriga madaxtooyada mar kale, yididiilooyinka laga qabaa in doorasho qof iyo cod ah isaga ayay ku xidhan yihiin, si loogu guulaysto arrinkaasina, sinbiririxashooyin badan baa hor yaalla, oo ay kow ka tahay, in la dhammaystiro dastuurka Soomaaliya ee kumeelgaadhka ah (2012), oo ay laba ka tahay in laga shaqeeyo sidii loo dhqaajin lahaa, hannaanka xisbi siyaasadeedyada badan ee dalka, taas oo Xasan Sheekh Maxamuud hore u ayiday, iyo in xisbiyada loo oggolaado xafiisyo metelaad siyaasadeed ka furtaan dhammaan maamul goboleedyada, iyadoo gogoldhig u ah, si ay u soo laabaan bogga doorashooyinka dabeecad beeleedka ku salaysan taas oo la qabanayay tan iyo doorashooyinkii 2004.
Sida ay sheegeen dad u dhow madaxtooyada hadda joogta, madaxweynaha Soomaaliyeed, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dedaalkiisa u badan ku bixin doonaa si uu dalka u gaadhsiiyo, doorashooyin guud inta aanay dhammaan muddo xileedkiisan labaad, gu'ga 2026. Waana doorashooyin, saldhiggeeda shacbiyeed uu noqon doono kooxda dhallinyarada taas oo dalka ka metelaysa 70 boqolkiiba, mujtamaca Soomaaliyeed.
• Malafka siyaasadda dibedda: siyaasadda dibedda Soomaaliyeed waxa raad kaga tegay, labadii dabshid ee tegay khalkhalladii siyaasadeed ee dalku la kulamay, iyo sidoo kale waxaa si weyn u saameeyay isbeddellada JuqraafiSiyaasadeed, taas oo goobjoog u ahayd mandaqadda geesku. Kadib kolkii ay soo muuqdeen awood goboleed iyo isbahaysiyo cusub oo beddelay xeerarkii ciyaarta ee gobolka. Waxa kale oo ay kicisay rabitaanka quwadihii soo kacayay ee ka talinayay gobolka; taasoo ay ka dhalatay xiisad iyo kala fogaanshaha u dhexeeya dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya, Jabuuti iyo Eriteeriya, iyada oo maalinba maalinta ka danbeysa sii kordhaysay, saamaynta isbahaysiyada dowladeedna aanay meesha ka maqnayn, iyo dalal carbeed oo iyaguna saamayn toos ah ku leh. Isbeddelladii ay la kulmeen dowladaha mandaqaddu, tan iyo markii Abii Axmed xukunka loo dhiibay, gu'gii 2018, cilaaqaatka Soomaaliya ay la lahayd Nayroobi, Jabuuti, Imaratka Sucuudiga, iyo Masar, waxay ahayd mid si uun u kala qoqobsan. Dowladahaasina waxay u hammuun qabeen in madaxweyne cusub loo doorto Soomaaliya, si ay u soo celiyaan xidhiidhkii ay la lahaayeen Soomaaliya, ka dib kolkii ismarinwaaa uu ku dhacay xidhiidhkii ay la lahaayeen Muqdisho. Waxaana laga sugayaa hoggaaminta cusub ee Soomaaliya in ay hagaajiso siyaasaddeeda dibedeed ee dowladaha deriska, dowladaha Carbeed iyo Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobay, Si loo hormariyo geeddi-socodka dhismaha qaranka Soomaaliya.
Murugsanooyinka¹ iyo caqabadaha howlgalka dhisidda dowladda
Waxay waajahaysaa madaxtooyada Soomaaliyeed ee hadda joogtaa loollanno iyo murugsanooyi badan, marka lagu daro malafyada murugsan, ee aynu hore u soo taabannay. Xaynta dhibaatooyinka uu wajahayo madaxweynaha dhowaan la doortay markii labaad, waxay ku soo koobmayaan, laba udubxoog², haddii uu ku guulaysto in uu Xasan Sheekh Maxamuud ka gudbo, waxaa suuroggal ah in uu xaqiijyo oo hore ugu tallaabsado horumar lagu qanci karo, haddii uu se ku guuldarreysto, in uu sinbiririxashooyinkaas, kaga gudbo rabitaan iyo calooladayg, wuxuu kaga tegayaa howlgalka dhisitaanka qaranka Soomaaliya, madhnaan aad u weyn iyo boogo aad u ballaadhan, udubxoogyadaasina waa kuwan:
• Udubxoogga dhibaatada amni iyo khalkhalka siyaasadda gudaha: waxaa hadheeyay barnaamishyadii ololaha ee madaxaweynaha la doortay, jahwareerka amni ee ka jira dowladda Soomaaliya iyo sidii dib u hagaajin loogu samayan lahaa loogana jortagi lahaa caqabadaha dhanka amniga, taasina waxay ka turjumaysaa rabitaanka hoggaamiyayaasha Soomaalida ee la soo doortay doorasho kasta oo madaxtinnimo in lagu waajibiyay in ay sugaan nabadda iyo xasilloonida, hase ahaato e, hannaanka loo fulinayo qorshayaasha iyo in laga hortago loollannada nabadeed, badanka waxaa jebiya weerarrada Xarakada Al shabaab, taas oo si tartiibtartiib ah indhaha bulshada uga dhuumata xilli walba oo bilaabmayo muddo xileed madaxtinnimo, laakiin waxay soo ceshetaa saamaynteedii kol walba oo muddo xieed uu sii galbanayo hay'adihii amniguna ay ku howllan yihiin, kalabboodka siyaasiga ah taas oo ka qaraxda sida badanka ah, madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda federaaliga ah, ama madaxweynayaasha maamul goboleedyada dhanka kale, waana ta keenaysa in lagu fashilmo dedaallo sannado faro badan soo socday in lagu yareynayo, kooxaha mucaaridka ku ah dowladda Soomaaliya, gaar ahaan "Mujaahidiinta Al Shabaab", iyo faraca ah in lagu maamulo Soomaaliya dowlad Islaami ah "Daacish", waxaana lagaga guulaysan karaa loollankaas in ciidanka Soomaaliyeed dib u habayn lagu sameeyo, iyo in la dejiyo xeerar iyo shacidejinno nidaamiya shaqooyinka hay'adahaas amni iyo in la iswaafajiyo deedalladeeda, iyo in lala dagaallamo musuqmaasuqa gudaha nidaamka ciidameed ee Soomaaliya, iyada oo loo gogolxaadho xorahaanshaheeda, iyo in aanay ka qaybqaadan khilaafaadka hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed, si aan loogu adeegsan aalad lagu cadaadiyo dhinacyada siyaasadeed ee mucaarid ka ah.
Iskudhacyadaas siyaasadeed ee Soomaaliya waxay tilmaamaysaa, tan iyo markii dowladdii dhexe dhacday 1991 kii, loollan aad u weyn oo uu waajahayo madaxweynaha hadda jooga. Taas oo ka dhigan haddii uu kalabboodka siyaasiga ah uu sii socdo, gaar ahaan kuwa la xidhiidha, madaxtooyada Soomaaliyeed iyo Barlamaanka dhanka kowaad, iyo xukuumadda federaalka dhanka labaad, iyo maamulgoboleedyada dhanka saddexaad, meel miino siyaasadeed ku aasan tahay oo ay qarxi karto, haddii aanu madaxweynaha la doortay ku soo dabbaalin dhammaan dhinacyada isagoo u furaya albaabadda wada hadalka. Waana waxa uu beegsanayo in madaxweyne XSM, socodkiisa maamulgoboleedyada ku aaddan, taas oo uu kulanno la yeelanayo shanta maamulgoboleed madaxweynayaashooda. Si loo ilaaliyo xasilloonnida siyaasadeed, iyo in la dhiirrigaliyo dedaallada dowladda curdinka ah, iyo in lagu xalliyo qaddiyadaha iyo kiisaska taagan wadahadal iyo wadasheekaysi. Xasilloonida siyaasadeed ee gudaha aqalka xukuummadda waa mid ka mid ah shuruudda xaqiijinta sugidda amniga dalka, iyo yaraynta xaddiga farogelinta shisheeye ee arrinka Soomaaliya.
• Udubxoogga loollanka farogelinta shisheeye: Soomaaliya wali waxaa lagu tiriyaa dal burbursan oo daciif ah, farogelinta shisheeyena saamayn ku yeelato, gaar ahaan dowladaha deriska la ah, taas oo ka qaybqaadanaysa howlgalka Ciidammada Ilaalinta Nabadgaliyada ee Afrika (Atmas), tani waxay siinaysaa xorriyad baaxad weyn dhaqdhaqaaqyada iyo cadaadiska dawladda Muqdisho si ay u gudbiso qorshaheeda siyaasadeed, waana waxa carqaladeenaya dedaallada lagu fulinayo xasillooni nabadeed oo dalka ka dhacda, sidoo kale waxay noqotay saamaynta dowladaha khaliijku mid cayaan ah sannaddaddii u danbeysay gaar ahaan Imaaraatka Carabta, taas oo door weyn oo isburinaya ka ciyaaraysa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyada oo isku xidhaysa wada shaqaynteeda iyo xoojinta xidhiidhka ay la leedahay jamhuuriyad lagu magacaabo "Soomaalilaan", iyo maamulgoboleedka Buntilaan, iyada oo aan si toos ah xidhiidh loola samayn, xukuumadda muqdisho, waana tan fasiraysa in ay jirto xaalad ismarinwaa siyaasadeed ah, ee arrimaha siyaasadda dibedda ee Abii-dhabi, oo ku aaddan Soomaaliya, madaxweynaha cusub ee Imaaraatka, Maxamed bin Zayid, hoos ma u dhigi doonaa saqafka sare ee xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dalkiisa uu la leeyahay maamullada Soomaaliya, Bariga iyo Woqooyiga Soomaaliya (Buntilaan iyo Soomaalilaan), iyo in si toos ah loo caawiyo madaxtooyada cusub, iyadoo la dhiirrigelinayo isbeddellada dalku ku tallaabsaday. Siyaasadda Itoobiya ay Soomaaliya ka leedahay, waxay ku soo koobmaysaa dhinaca nabadda iyo in lagaga hortago halista dhaqdhaqaaqa alshabaab gurigeeda, iyagoo ka duulaya siyaasadda ah in aan lagu wareejin halisaha nabadeed ee ka imanaya Soomaaliya, loona gudbinayo gunta hoose ee Itoobiya, taas oo soo koobaysa ujeeddooyinka faragelinta milatariga iyo sababta ay kumannaanka askarta ee Itoobiyaanka ah ugu jiraam ciidammada nabad ilaalinta Afrika ee Koonfurta Soomaaliya, sidoo kale hawlgallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, way dhaqdhaqaaqaysaa, sida laga soo xigtay dagaalka Itoobiya, gaar ahaan colaadda ka aloosan gobolka Tigreey, kaas oo u socda sida maayaadaha iyo qulqulka. Hoggaamiyaha Itoobiyana wuu kala baxayaa Soomaaliya tiro ciidankiisa ka mid ah, haddii ay baahi timaaddona dib ayaa loogu celinayaana.
Caalam ahaanna, saamaynta farogelinta dowladaha kale, siyaasadda Soomaaliya, waxay isugu jiraan, dowlado tageersan howlgalka dhisidda qaranka Soomaaliya. Hanjabaadaha Midowga Yurub iyo qarammaduba waxaa lagu tiriyaa in ay ka jarayaan caawimaadaha ay siiyaan Soomaaliya, ismaandhaaf siyaasadeed kasta oo cusub, oo ka dhex dhaca hoggaamiyayaasha Somaaliaya, wuxuu kicinayaa jaad ka mid ah jaadadka, farogelinta iyo caadidsaka caalameed ee lagu soo rogayo Soomaaliy, iyadoo la dabbaqayo howraarta ah: "Qofka aan quudkiisa haysan, go'aammadiisana xor uma aha", laakiinse waa farogelin kolka loo eego dad faro badan mid Badbaadin ah, waxayna ka jawaabaysaa rabitaanka mucaarad badan oo segegeriin ah oo doonaya in cadaadis la saaro xukuumadda Soomaaliya, haddii aanay ka jawaabin, rabitaannada mucaaradka, ama darjiidho dhabbadii ku shaqaynta dastuurka iyo xeerar bulsheedka dhaqangalay ee awood qaybsiga, hasayeeshee farogelintaas waa mid taban dhammaantiisba dhanka kala duwanaanta, iyo kalageddisnaanta aragtiyeed ee mawaaqifta dowladaha Yurub iyo Midowga Afrika arrinka siyaasadda soomaaliya. Waana waxa ka dhigaya soomaaliya goob lagu dejiyo xisaabaad goboleed, kolkolna caalameed, sidoo kale u kala tartanka caalameed ee gobolka oo isugu jira Ruushka iyo Shiinaha dhinac ah, iyo Maraykanka oo dhinac kale ah.
Hilaadinta Soomaaliya iyadoo ay jiraan isbedello goboleed is rogaya
Soomaaliya sannaddaddii u danbeeyay waxay door weyn iyo qayb laxaad leh ku lahayd, arrinta, geddoonka iyo isbeddellada JuqraafiSiyaasadeed ee ka muuqday dowladaha Geeska Afrika tan iyo 2017 kii, waxayna ku dhacday in ay ku tilaamaman tahay xulafo awood la leh Itoobiya oo gadhwadeen u yahay Abi Axmed, Ereteeriyana ay lammaane yihiin, ama in ay jirto isbeddel xaaladeed gudaha ah, iyo korodhka farogelinta caalamiga ah iyo danaynta la siinayo, gobol ahaan iyo caalam ahaanba, gaar ahaan Shiinaha iyo Maraykanka; iyadoo Bayjiin ay ku han weyn tahay, in ay ka furato saldhig ciidameed kale bariga Afrika, kadib saldhiggeedii hore ee Jabbuuti, gaar ahaan Soomaaliya, waana waxa ku celinaya gobolka, sebankii qaybsanaan-mowqifeedka iyo xilligii xiisadda [dowladaha] waaweyn.
Inkastoo iskudhacyadii siyaasadeed ee dalka uu ku soo afmeermay doorashada madaxweyne cusub, hasayeeshee loollannada aadka u adag ee weli haysta siyaasadda arrimaha dibedda waxay tahay sidii hannaan cad oo aanay ugu milmin albaabada cilaaqaatka diblomaasiga ah, xulafo iyo isbahaysiyo goboleed, Soomaaliya aanay ahayn dhinac saamayn weyn ku leh, ama aanay ahayn macaashaha weyn ee natiijada ka soo baxda, iskabadaa'e waxay isku soo jeedinaysa indho cadow oo cusub, oo ka kaaftoon in uu la galo loollanno siyaasadeed, dabadeedna sidaas lagu dhiso siyaasad aad u deggan oo isudheellitiran halkudheggeeduna yahay "SIIRO MASHAAKIL" dhammaantood. Siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya waxay xasilisay in ay u jihaysato qaabdhismeed cusub, kadib saddex sano oo khakhal siyaasadeed Diblumaasiyadeed u dhexeeyay Muqdisho iyo iyo dowladaha gobolka iyo qaar ka mid dowladaha carabta gaar ahaan kadib go'doonkii Qadar 2018, iyo natiijo ka dhalatay mawaaqifta siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya ee ku aaddan dhibaatada gobolka Tigreey dhinac, iyo in ay bilowday in ay xidhiidh la yeelato Ereteeriya, iyadoo u maraysa Itoobiya dhinac kale, sidoo kale mowqifka dhexdhexaadiga ah ee ay Soomaaliya ka qaadatay xiisaddii khaliijka 2018kii.
Sidaas awgeed Madaxwaynaha Soomaaliya XSM, diiradda saarayaa siyaasaddiisa arrimaha dibedda laba isla'eg, oo ah yaraynta mashaakilka dowladda ee curdinka ah ee dunida, waana in la dejiyo degganaansho gudeed nabadeed iyo siyaasadeed, dhanka degganaansha nabadeed wuxuu doonayaa in uu hoosudhigo saamaynta dhaqadhqaaqa Al shabaab, Caasimaddana uu amni ka dhigo, isagoo adeegsanaya siyaasadda ah in dagaalka lagu wareejiyo godka Al shabaab, degaannada ay haystaan, iyadoo ay kaalmaynayso Maraykanku iyo kooxda ay soo dirtay midowga Afrika, si loo sugo isla'egta amni ee dalka. Siyaasad ahaanna Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu u rucelynayaa in uu soo rogo heshiis u dhexeeya Xukuumadda dhexe ee Muqdisho iyo maamul gooboleedyada iyadoo la raadgurayo deggaansho siyaasadeed oo hubanti ah, bulsho ahaanna wuxuu hiigsanayaa in uu dardargaliyo samaha, qaybaha mujtamaca Soomaaliyeed, taas oo ay haleeshay khilaafyadii siyaasiga ahaa ee ka dhashay hannaanka qabanqaabada doorashooyinka barlamaanka iyo madaxweynaha beelaha Soomaaliyeed ee dalka, iyo cuqdada ku duugan nafsado badan oo koobsanaysa, taas oo aan wali lagu dhayin jidka iscafitaanka, iyadoo laga duulayo hal-muceedka ah, "lama dafiri karo boogihii hore balse waa la iscafin karaa".
Maqnaanshaha aragti siyaasad dibedeed ee dowladda Soomaaliya, tan iyo kolkii ay dhacday doeladdii dhexe bilowgii sagaashameeyadii, waxay dhaxleen xukuumadihii soomaaliyeed ee danbe arrimo kala duwan, oo ay isgu jiraan maqnaanshaha joogtaynta iyo sii wadidda, ee lagu wajahayo arrimaha dibedda Soomaaliya, natiijo ka dhalatay iskudhacyadii ka la daalaadhacayay dalku, iyo khilaafyadii siyaasiga ahaa ee sida joogtada ah, xukuumadihii dalka halakeenayay, iyo wax ka beddelka degdegga ah ee soo koobaysa shandadda wasaaradda dibedda, waana ta jahawareer ku ah jihaynta dibadda ee dowladda, waana wixii dhacay xilligii Maxamed Cabdillaahi Farmaajo talada dalka hayay, oo uu u igmaday xilkan afar wasiir oo jihayn iyo afkaar kala duwan uu ku diray, iyadoo aan la helin jihayn dibedeed oo xaddidan, taas oo ay waajib tahay in madaxtooyada hadda joogtaa ay caddayso siyaasad arrimo dibedeed ah oo ay xaddidan tahay qaabdhismeedku iyo jihaynteeduba, taa beddelkeeda in lagu tiirsanaado siyaasad indho la', iyadoo iskudhacyo jiraan, iyo sidoo kale saamaynta siyaasadda dibedda, ee goboleed iyo ta caalameed ee ku aaddan Soomaaliya, taas oo ku jihaysan ama liddi ku ah, taas oo sii labajibbaaraysa caqabadaha dibedda ee ay Soomaaliya waajahaysay muddooyinkii innagu soo fool leh, haddii aanu xaqiijin, shuruudda deggenaanshaha gudeed kolka hore, beegaalka siyaasadda dibedda ee dalkana aanu fadhiisin.
Sookoobid
Gunaanadkii Soomaaliya waxay u muuqaataa in ay u dhaqdhqaaqayso si aayar ah, ka bixitaanka sinbiririxashooyinka guuldarro siyaasadeed iyo nabadeed, ayna hore ugu soconayso si qunyar ah, xilli wal oo doorasheedna way sii kordhayaan caqabadaha siyaasadeed iyo nabadeed ee gudaha iyo dibeddaba, wayna sii siyaasadysaa sidiiyoo ay bilow tahay, madaxweyne kasta oo cusubna wuxuu sii dhaxlayaa caqabadihii qudhoodii weliba iyagoo sii murugsan siina labalaabmay, marka laga yimaaddo howlaha la filayo ee ay ku hareeraysan yihiin murugsanaanta iyo qallafsanaanta, howlahaas oo oo ku yimi yaraanshaha ilaha maaddiga ah iyo waxqabadyada aadameed, si looga hortago loollannada loogana saaro dhibaatooyinka, dowladda Soomaaliya weli kama suulin in ay dhabarka ku hayso, beesha caalamka, amni iyo dhaqaale ahaanba, sidoo kale farogelinta dibedda iyo dhiirrigelinta dibadeed ee ku shardiyaysan in loo fuliyo siyaasado uun, kuma xidhna danta dalka, goor dhow ma goor foogba.
Soojiidashada leh [waxa weeyaan], in ay horyaalliin madaxweyne XSM, kaas oo ku guulaystay doorashada mar labaad, fursad sooyaaleed in uu xaaladda Soomaaliya ku soo shubaalo deggenaansho nabadeed iyo siyaasadeed, iyo in aanu soo celin khaladaadkii maamul ee hore, iyo in uu ka waxtaransado tajaaribtii iyo fashilkiisii hore, iyo in aanay dib ugu dhicin dabinka dhibaatooyinka nabadeed iyo siyaasadeed, iyo in uu dalka horumariyo, inkastoo ay jirto yaraansho helitaanka awoodaha maaddi, ee dowladda iyo gabaabsiga mustwaha ka falcelin dowladeed ee farogelinta aadameed iyo dhaqaaleed.
Bulshada Soomaaliyeed yididiilooyinkoodu wuxuu ku xidhan yahay, madaxweynaha la doortay, XSM, haddii ay u suuragsho in uu xaqiijiyo ballanqaadyadiisii dalka, marxaladda soo socota ee dalka waxay siinaysaa in uu galo xilli lagu nimceeyay deggenaansho, si uu dalku u gaadho in la fuliyo doorashooyin shacbiyeed, iyo in la soo xidho bogga doorashooyinka ku dhisan hannaan qaybin beeleedka iyo saamiqaybsi qabiileedka, iyo in la jiheeyo maalgashiga shisheeye iyo sokeeye, si loo maalgaliyo hantida dalka ee beero, barri, iyo shidaalba leh, iyo in aan loo oggolaan fursadda ay ku soo farogelin karaan shisheeyaha iyo kooxaha colka ah, shardiga looga hortagayo oo ah in aanay dib u soo noqon jabkii guuldarro ee ay soo martay Soomaaliya soddonkii dabshid ee u danbeeyay.
Tixraacyada:
(1) Somalia: Lawmakers to decide president on May 15, Aljazeera.com, 06 May 2022, (Visited on : 20 May 2022), https://bit.ly/3NDuJjd
(2) Somalia elects Hassan Sheikh Mohamud as new president, Aljazeera.com, 15 May 2022, (Visited on : 20 May 2022), https://bit.ly/3HaEqTG
(3) الصومال: 39 مرشحًا للرئاسة يستنسخون الوعود، العربي الجديد، 14 مايو/أيار 2022، (تاريخ الدخول: 20 مايو/أيار 2022)، https://bit.ly/3tu22wR
(4) حسن شيخ محمود.. رئيس الصومال للمرة الثانية، وكالة الأناضول، 16 مايو/أيار 2020، (تاريخ الدخول: 20 مايو/أيار 2022)، https://bit.ly/3xEC7F6
(5) كلمة المرشح الانتخابي حسن شيخ محمود أمام نواب البرلمان، قناة صومال كيبل، 11 مايو/أيار 2022، (تاريخ الدخول: 20 مايو/أيار 2022)، https://bit.ly/3aMfLbT
(6) المهام الجديدة لبعثة الاتحاد الإفريقي في الصومال: فرص النجاح وإمكانات الفشل، مركز الجزيرة للدراسات، 15 مايو/أيار 2022، (تاريخ الدخول: 25 مايو/أيار 2022)، https://bit.ly/3xgKRjD
(7) Somalia: Hassan Sheikh Reaches Galmudug State, Allafrica.com, 02 June 2022, (Visited on : 4 June 2022), https://bit.ly/3aFiq7f
(8) المهام الجديدة لبعثة الاتحاد الإفريقي في الصومال، مرجع سابق.
(9) مؤشرات المصالحة الإثيوبية: المستفيدون والمتضررون منها محليًّا وإقليميًّا، مركز الجزيرة للدراسات، 11 مايو/أيار 2022، (تاريخ الدخول: 28 مايو/أيار 2022)، https://bit.ly/3Mxyo0w
(10) A Welcome Chance for a Reset in Somalia, crisisgroup, 31 May 2022, (Visited On : 09 June 9, 2022), https://bit.ly/398zW3g
*************
¹Murug ayaan ku turjumay erayga (معقد), oo ah wax madmadow oo aan waaddix ahayn, dhanka kale waa eray nafsi ah oo diiqad iyo qulub qofka haysta tilmaamaya. Waa halka ay reer Xamarku ka dhahaan "ha is murjin" yacnii khalkhal nafsadeed iyo murugsanooyin ha isku furin.

² Erayga (محور) ayaan isagana ku beegay udubxoog.
Comments
Post a Comment