Hadraawi, mudanahayga mufekerka ahow waad hoyatay, qalbigu se si qoto-dheer u dhaawacmay
WQ: Sh. Abdirahman Bashir (19 Ogosto, 2022)
WT: Cabdicasiis Daahir (20 Ogosto, 2022)
Maanta way kaa sheekaynayaan sidiiyoo ay maanta ku barteen, sababtoo ah waad galbatay waadna hoyatay, dhimashada ayay lamataabtaan ka dhigayaan sidii uu xusay mufekerkii weynaa ee Soomaaliyeed (Gaarriye), waad socotay, se fekraddaadu nagama tegin, caalamkayaga waad ka maqantahay, hasayeeshee caqligaagii mugga weynaa, baaqi buu nagu dhex ahaan doonaa in badan, waad tagtay, balse maansadaada Daba Huwan aragtida ku sugan way nagu dhex sugnaan doontaa.
Way isku-maandhaafayaan, qaabka ay kuu aasayaan, halka ay dhigayaan maydkaaga, Iyo cidda ka mas'uul ah hab aasitaankaaga, waa aafada sebenkan, iyo masiibada maanka, iyo dhama'a lodkan, waxay isku khilaafayaan cantarabaqashka, waxayna illaawayaan nuxurka, oo ah kumuu ahaa Hadraawi, iyo ninkani muxuu doonayay, iyo sidee buu se u fekerayay, qorshihiisa nololeed se muxuu ahaa, ummaddiisana muxuu u qabtay?
Waxaad ahayd nin ka duwan ragga, waxaad ahayd mufeker ka duwan mufekeriinta, waxaad ahayd faylasuuf ka duwan falaasifada, waxaad ahayd cabqari, se cabaaqirrada ka duwan, intaas ka hor waxaad ahayd INSAAN, la qosla saboollada, adigoo aan midhkaa haynba, noloshana xagal kale ayaad ka eegi jirtay, se dad aad u yar baa ku fahmi jiray, sidaas darteed ayaad u noqotay mid weyn, waxaad u noolaayd mid dadka ka duwan, oo keli ah, waxaad jeclayd kelinnimada, akhriskana waad caashaqsanayd, maxaa yeelay gudaha ayaad ka dareensanayd in aanay dadku fahansanayn waxaad doonayso?
Waxaad qortay maanso dheer, sababtuna waa in aad fahantay in noloshu kaa sii galbanayso, sebenkuna in uu ku ogeysiin doono in ilbidhiqsi kale uu is iclaamin doono dhowaan, sidaas awgeed baad ugu qortay dadka ku sugan dalka, dardaarankaagii u danbeeyay, hooggoodee haddii ay ku dhegaysan lahaayeen, fahmi lahaayeen, ayna ka soo saari lahaayeen dunida geerida kuuna soo saari caalamka nolosha.
Caalamka waad ka hoyatay adigoo dareemaya xanuun, waaqaca qadhaadhna arkaya, aad la kulantayna dadka badi in ay u nool yihiin in ay noolaadaan, dhaqdhaqaaqa sooyaalkuna aanu inna la jirin, dunideenna waad ka hayaantay, adigoo dareemaya xanuun, maxaa sababay dadku uma noola fekrad, iskaba daa'e waxay u nool yihiin nolol keli ah, qalinkaagiina wuu aamusay, caqligaagiina juuqduu gabay, balse fekraddaadu waa mid waari doonta, iyo aragtidaada cad, taas oo ku soo maaxatay dedaal badan kadib, way waari doontaa bilaa shaki, lodka aan haddda ku fahansanaynna wuu ka bixi doonaa dhultusiyaha [khariiddada], waxaana guulaamooyinka ka iman doona fac cusub oo akhriya maansooyinkaaga, una beddeli doona dastuur nololeed, ugana dabqaata si uu u fahmo diintiisa, dhaxalkiisa, taagantiisa, timaaddadiisa, wuxuuna noqon doonaa Hadraawi, iyo mufekeriin kale, oo dhabaradygayaan, qorayaan, se dadku ma fahmayaan tiriigyo cusub si ay u samayeeyaan nolol dhadhankeeda gaarka ah leh.
Ma illaawi doono maalintii aan jabbuuti kugu la fadhiistay, jidhkaagana u daymo badiyay, jaahaagana fiiriyay, akhriyayna xidhiidhka ay la leeyihiin fekerkaaga, dabeetana gudaha aan ka ooyay, sababta oo ah, waxaad xanbaaraan tahay feker qoto-dheer, dadkuna waxay u maleenayaan Hadraawi, gabyaa keli ah, adigoo falsafad sida, dadku waxay u maleenayaan in aad qoraysid hawraar tolmoon, adigoo hadlaya haddana gudaha qotoda dheer aad uga daalaya, dadkuna ay dhegaysanayaan hadalkaaga, iyagoo faakihaysanaya, iskaba daa'e, badhkood qaad cunayaan, lagayaabaa badankood in aanu fahmayn hadalkaaga, maxaa wacay waxay nool yihiin seben aan la fahmayn cimlaaqyada.
Dadka dhexdooda waxaad ku ahayd qaloodi, geeridaaduna waxay noqotay maanta qaloodi, maxaa yeelay dadka oo dhan waxay gorfaynayaan qaabka uu aasitaankaagu noqonayo, cidda ka qaybgalaysa, lagayaabaa tacsidaada in uu yimaaddo mid aad uga digaysay habdhaqankiisa feker iyo siyaasi, sababta oo ah waxaad necbaysanaysay, kelitelisnimada siyaasi, duullaanka feker, iyo fududaynta akhlaaqeed.
Nabad gelyo korgaaga ha ahaato, mudanahaygoow maalinta hoyaatinkaaga, nabad dushiisana ha ahaato garaadkii ay naftaadu xanbaartay, nabad korkiisa ha ahaato fekerkii aad hal-abuurtay, waxaad ka mid ahayd dadka yar, fekerkaaga culusna ma fahmayaan in yar mooyaane, hasayeeshee kuwaaas yar, dheemanta way ka yar yihiin. Sidaas aawadeed baan kuu leeyahay, ku led qabrigaaga, maxaa yeelay, waad tidhi, qortay, waxaanan garanayaa wax aad u weyn in aaadan weli sheegin, maxaa yeelay waad weyn tahay, waaweynkuna way alleystaan iyagoo laabtoodu buuxdo, si aad ahna waxaad u shabbahdaa mufekerkii al-Jeeriyaanka ahaa Maalik bin Nebi, Eebbe ha u raxmadee, kaas oo noolaaday isagoo sabool ah, dhintayna isagoo sabool ah, se garaadka hodon ka ahaa, gadaashiisna ka tagay maktabad garaadka aadamaha oo dhan hodontinnimaynaysa, si gaar ahna kan Islaamiga ah.
Comments
Post a Comment