Buugaagta ugu fiican ee Qaanuunka
Qaanuunku wuxuu ku jiraa maaddooyinka cilmiga ah ee maamuuska leh ee la barto. Wuxuu ahaa intii ilbaxnimada aadanuhu soo bilaabantay mid kaalin muhiim ah ugu jira bulshada; muhiimad weyn bayna leedahay barashadiisu, dersiddiisa iyo u kuurgaliddiisaba maaddaama oo uu udubdhexaad u yahay aadanaha. Qaanuun waxay dadka qaar ku doodaan in uu ka soo jeeddaa asal ahaan eray Giriig ah "Kanun" oo noqonaysa ushii toosnayd oo tilmaamaysa qallooc la'aan iyo toosnaan. Sidaa darteed mudnaanta uu u leeyahay aadanaha waxa ka mid ah in uu toostoosiyo oo qaabeeyo oo nidaamiyo habdhaqannadiisa iyo falalka ka soo fulaya. Waa in uu hagaajiyo oo farta ku fiiqo maxaa "sax" ah maxaa se "khaldan", waajibaad iyo xuquuq noocee ah baa qofka saaran, xorriyaddiisu halkee bay se ku xaddidan tahay, maxaa ka dhalanaya haddii uu qofku fal sharciga khilaafsan sameeyo ama uu gabo, iyo qodobbo kale oo soo hooosgalaya arrimahaas. Qaanuunku wuxuu door ka ciyaaraa; in bulshadu xasillooni si...