Goorgi Banti iyo Halbeegaynta Habqoraalka Af Soomaaliga?
Qormadani waxay soo koobid Soomaaliyaysan ku samaynaysaa maqaal uu qoray Goorgi Banti, taas oo qayb ka ah buug-maqaaleed uu tifaftiray Jaamac Muuse Jaamac oo lagu xusayay buunigii weynaa ee Xuseen Maxamed Aadan “Tansaaniya”. Dedaallada far qorista Soomaaligu waxa la isku raacsan yahay in ay soo bilawdeen qarnigii 19-aad oo shakhsiyaad Soomaali iyo waageeniba ahi ay door ka ciyaarayeen sidii ay Soomaalidu u hanan lahayd in ay hesho far qoran oo ay ku wada xidhiidhaan oo farriimahoodana isku gaadhsiiyaan. Dedaalladaasi waxay miradhaleen oo Soomaalidu far rasmi ah yeelatay 1972 oo ay dawladdii kacaanku ku dhawaaqday in fartii Laatiinka ahayd la qaatay oo dalku iyada ku hawlgali doono. Ku dhawaaqistaa waxa laga joogaa dhawr iyo konton sano, sida aanay bulshada Soomaalidu weli u xasilin ayaanu afkuna u saldhigan. Qalaalaasha iyo deggennaan la'aanta bulshadiisu ku jirtay ayuu isaguna ku jiray. Laga soo bilaabo qoristiisii ilaa hadda waxa socda dedaallo badan iyo isku dayo kala duwan oo l...