Dhammaanteen waynu isla qirsannahay kaalinta qiimaha iyo qaayaha leh ee tacliintu ay ugu jirto ummadaha. Siiba waxaynu si fiican isu la hubnaa in ay kaalin udubdhexaad ah ugu jirto ummadaha la kulmay gumaysiga agabyadiisa kala duwan, ee aadka loogu yaqaanno, sida: cadaadiska, cabbudhinta, cunsuriyadda, dadnimatirnaka iyo dullaynta. Kolkaa, tacliintu laba shaqaba way u haysaa bulshooyinka (gumaysiga la kulmay), horraantii waxay tacliintu u saamaxdaa in ay tubta lagu tanaaday ee horusocodka ay qaadaan, iyo in tacliintu ay iskeed u tahay curiye asaasi u ah ilbaxnimada iyo fufka. Buuggan turjuman ee aynu falanqaynayaa waxa qoray Baawlo Farayre (1921-1997) oo ahaa faylasuuf iyo macallin dalka Baraasiil ku isirran w uuxu ku dhashay magaalada Reciefe oo ku taalla waqooyiga dalkaas. Wuxuu ka dhashay qoys dabaqadda dhexe ah oo u janjeedha saboolnimada, waayahaasna la daalaadhacaayay busaaraddii weynayd ee ku sababtay mushkilado maaliyaadeed qoysas badan oo ku sugan dunida iyo Baraasiilba. Waa...
Comments
Post a Comment