Sidee Cabdalla C. Mansuur u sharraxay Mafhuumka Tolnimada?
Soomaalida waxa lagu tiriyaa in ay ka mid yihiin bulshooyinka ugu badan ee Geeska Afrika ku dhaqan. Waa bulsho sida laga war hayo u qaabaysan oo u taaltaalla hab qabaa'il iyo beelo ah, waagii gumaystuhu yimida uu u kala jarjaray shan qaybood oo ku kala fidsan Geeska. Waa bulsho leh soojireen, hidde, taariikh, iyo dhaqan fac weyn oo aad u gundheer. Waxa lagu majeertaa oo la isla qirsanyahay in ay yihiin ummaddii gabayga oo mustashriqiintii Geeska Afrika yimi oo uu folaad u ahaa Richard Francis Burton (1821-1890) waxay ku sifeeyeen in aynu nahay bulsho suugaantu meel sare ugu jirto oo door udubdhexaad ah ay ka ciyaarto noloshooda, siiba gabayga oo lagu tilmaamo in uu u boqran yahay. Buuggeeda, A Tree of Poverty: Somali Poetry and Prose, waxay Margaret Laurence ku sheegtay in gabaygu Soomaalida u yahay geedkii ay faqriga ka hoos hadhsanayeen, isla jeerkaana keli ah aanu iska ahayn maanso ay tiriyaan e, balse shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin is gaadhsiin, faan iyo tookh, col...