Posts

Showing posts with the label Haltebin

Baatriis Lumuumba iyo Xoraynta Koongo

Image
  Qoraalkan waxa baahisay degelka Socialist Worker, aniguna waan Soomaliyeeyay  Silcanayaashu ma xoroobayaan illaa iyo ay sooyaalkooda dib-u-dhugtaan. Patrice Emery Lumumba, wuxuu aahaa raysalwasaarihii u horreeyay ee mustacmaraddii Biljamka ee hore ee Koongo, waa mid ka mid ah qofafka ugu magaca dheer ee galay halgankii Afrikaannimo ee gumaysiddiidka. Halyeynimada Lumumba waxay si cad u muuqatay maalintii madaxbannaanida ee 30 June 1960. Maalinkaas wuxuu ka horyimid soojeedintii boqorkii Biljamka ee Baudouin ee ahayd in la maamuuso “Howshii Ilbixinta” ee boqorkii Leopold uu Koongo ka waday. Intii u dhexeysay 1885 iyo 1908, xukunkii Leopold wuxuu goobjooge u ahaa qudhgoynta sagaal milyan oo Kongooliyaan ah. Kumannaan gacmood ayay jareen ciidankiisuna maxaa yeelay, waxay ku guudarraysteen in ay soo gudbiyan xayntii caagagga ee gumaystuhu doonayay. Taliskaasi wuxuu ahaa mid shirkado kala duwan laga soo taageero, sida UMHK oo ah isbahaysiyo ka kooban bangiyo iyo shirkado macdan...

Soomaalida iyo Canfarta Loollanka Isireed Muxuu Weli Uga Taagan Yahay Jabbuuti

Image
  Qoraalkan waxa qoray Xaamud Fatxi waxana lagu faafifay degelka Raseef22 , turjumidduna waa Cabdicasiis Daahir Halka ay u dabbaaldegeen muwaaddiniin xuska madaxbannaanida 46 aad ee Jamhuuriyadda Jabbuuti, 27 Juuntii inna dhaaftay, qaar kale waxay dabbaaldegga ku eegeen indho-tiiraanyaysan; waxayna uga dhigan tahay bilaabitaanka ka saaridda iyo maquuninta xaqooda. Waa Canfarta. Jabbuuti waxaa ku nool saddex isir oo waaweyn oo qaabeeyay dabeecadda dalka iyo dhaqankiisa; Soomaalida, Canfarta, Carabta, iyo kooxo kale oo ka mid ah tirayarta. Hasayeeshee waa immisa tirada Canfartu iyo Soomaalidu? Waxaa jira laba warcelinood; ta kowaad in Soomaalidu ay ka yihiin 60%, Canfartuna 35% iyo 5% soo hadhayna waa Faransiis, Carab, Yurubiyaan Afrikaan, iyo kuwo kale oo aan xaddidnayn sida laga soo dheegtay degelka CIA-da. Jawaabta labaad waxay ku soo noqnoqanaysaa in badan oo ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha Canfarta ah ee Jabbuuti, kuwaas oo u arka tirada Canfarta ahi in ay ka yihiin 70% wadarta g...

Sida Afrika Wax Looga Qoro

Image
       Binyavanga Wainaina Hordhaca Turjubaanka Binyavanga Wainaina (1971-2019) wuxuu ahaa qoraa, saxafi iyo u ololeeye xuquuqda Bulshada Miimka oo ku isirran dalka Kenya. Wuxuu ku guulaystay abaalmarinta Cain ee qoraalka Afrika doorkii 2002 sheeko ku cinwaanaysnayd: “Daahfuriddii Guriga/Discovering Home”. Wuxuu faafiyay 2011 sheeko taariikh nololeeddiisa ku saabsan oo iyana ladhkeedu ahaa “Maalin uun Baan Halkan Wax Ka Qori Doonaa/One Day I Will Write About This Place”. Wuxuu tifaftire ka ahaa wargeyska Kawani? (Oo xarafraaciisu; haddaba waa maxay?), waana wargeys Afrikaan suugaaneed ah oo lagu tilmaamo in uu yahay shaki'li iyo hadalla'aan 100 ka wargeys ee ugu saamaynta badan ee ka soo baxa Koonfurta Saxaraha Weyn ee Afrika (Sub-Saharan Africa).  Curiskan oo aad u magac baxay, kana mid ah shaqooyinka ugu caansan uguna muhiimsan ee uu qabtay; wuxuu Mr Wainaina ku jeesjeesayaa oo liidayaa qoraallada waageenigu (ama ninka cad) uu ka qoro "Afrika", sidiiyoo ay ta...

Fanku Ma Awoodaa in uu Abuuro Dhaqdhaqaaq Kacdooneed?

Image
    W.Q: Hinda Mascad [af Carabi] W.T: Cabdicasiis Daahir [af Soomaali]   Waxaa jira had iyo jeeraale wayddiin xidhiidh la leh funuunta iyo daneeyayaashiisa ama tuhun ah. Taas oo ah; danaynta fanku in ay tahay madadaallo dheeraad ah oo aanu awoodin in uu kharashkeeda bixiyo saboolku, gaajaqabuhu iyo baahiqabuhu. Iyo  in daneeyayaasha funuuntu ay yihiin labeen bulshada ka mid ah oo soo afjaray dhammaan dhibaatooyinkii nolosha illa ay u soo hadhay danayntaas uun. Maxay nuxur samaynaysaa in la daneeyaa funuunta, caalam uu 15 kii ilbidhiqsiba gaajo u dhimanyo ilmo caruur ah?  Waa maaxayse inta ay le'eg yahay culayska isbeddelka bulsheed ee aynnu ku xisaabtami karno in fanku ka danbeeyo?  Wa'ayo se kan yidhi fanku wuxuu badbaadinayaa caalamka?   Waa dhowr wayddiimood oo si caadi ah loo wayddiiyo daneeyayaasha funuunta, farshaxan ha ahaato ama yaysan ahaan e. Jawaabcelinta wayddiimahaasina waa mid dhibaato miidhan, hasayeeshe fahanka dabiicadda awoodeed ee...

Tobanka Istraatiijiyadood ee lagu xukumo bulshooyinka

Image
Noam Chomsky: af yaqaan iyo Indheergarad reer Maraykan ah.  FG: Qoraalkan bilowgii waxaan ku faafiyay in uu Chomsky qoray, balse, waxaan xaqiijiyay baadhitaan dabadii in isaga loo tiirinayo ama loo xaglinayo tobankan Istraatiijiyadood ee aan anigu soo turjumay ama soomaaliyeeyay. Warbaahinta wax walba oo la soo galiyaa run ahaan looma qaadan karo, xaqiiqada dhammayska ahna in ay soo gudbinayso ka ma dhigna, kooxaha suldada ah iyo gadhwadeennabua intooda badan waxay hoosraacsadaan ajandayaashooda iyo higsiyadooda iyagoo adeegsanaya warbaahinnta iyo baroobagaandada. Labadaasi door weyn ayay ka ciyaaraan in ay sameeyaan oo qaabeeyaan aragti wadareedka, dhaqdhaqaayo iyo ururro ayaa dhulka lala jaraa, kuwo kalana waa la nooleeyaa, sicirbararrada dhaqaale iyo korukaca maciishaddana wax sahlan baa laga dhigaa, dagalladana waa la caadiyeeyaa gelitaankooda, waxaa kale oo la huriyaa oo la shidaaliyaa khilaafaadka aydhilajiyoodaha kala duwan. Qoraaga, afyaqaanka iyo indheergaradka magaciisu...

Quraanka Rajmin ku ma Qorna

Image
W.Q: Cisaam Taliima  W.T: Cabdicasiis Daahir  Wuxuu ciwaan u yahay buug xajmi ahaan yar, hasayeeshee ku diiradaysan qoraalkiisa, oo uu soo saaray Digtoor Mustafa Zalami, mid ka mid ah culamada Ciraaq ee kulansaday deraasaynta fiqiga Islaamka iyo qaanuunka, sidoo kale wuxuu ku tiiqtiiqsaday dhexgelidda usuusha fiqiga Islaamka, wuxuuna ka qoray xagalahaas buugaag door-roonaantooda leh, sida kan; Quraanka Rajmin kuma Qorna. ***** Keliyaysiga Zalami Mawdduuca buuggu wuxuu ku saabsan yahay xadka rajminta, iyo doodda ku aaddan. Waxaana gorfeeyay mawdduucan tiro culamada xilligan ka mid ah, aragtiyahoodana way ku kala duwanaadeen, badankood waxay u arkaan in uu ka mid yahay xadka ay tahay in la dhaqangeliyo, koox kalana waxa u muuqatay edbin [تعزير] keli ah, arrinkana xaakinka ama garsooraha faraha looga qaado, haddii uu doono ha dhaqangeliyo, haddii kalana yaanu dhaqangelin, iyo qolyo kale oo iyaduna u aragta in la tirtiray [ama la nasakhay], oo lagu kaaftoomi karo keliya wixii ...

Hadraawi, mudanahayga mufekerka ahow waad hoyatay, qalbigu se si qoto-dheer u dhaawacmay

Image
WQ: Sh. Abdirahman Bashir (19 Ogosto, 2022)  WT: Cabdicasiis Daahir (20 Ogosto, 2022) Maanta way kaa sheekaynayaan sidiiyoo ay maanta ku barteen, sababtoo ah waad galbatay waadna hoyatay, dhimashada ayay lamataabtaan ka dhigayaan sidii uu xusay mufekerkii weynaa ee Soomaaliyeed (Gaarriye), waad socotay, se fekraddaadu nagama tegin, caalamkayaga waad ka maqantahay, hasayeeshee caqligaagii mugga weynaa, baaqi buu nagu dhex ahaan doonaa in badan, waad tagtay, balse maansadaada Daba Huwan aragtida ku sugan way nagu dhex sugnaan doontaa.  Way isku-maandhaafayaan, qaabka ay kuu aasayaan, halka ay dhigayaan maydkaaga, Iyo cidda ka mas'uul ah hab aasitaankaaga, waa aafada sebenkan, iyo masiibada maanka, iyo dhama'a lodkan, waxay isku khilaafayaan cantarabaqashka, waxayna illaawayaan nuxurka, oo ah kumuu ahaa Hadraawi, iyo ninkani muxuu doonayay, iyo sidee buu se u fekerayay, qorshihiisa nololeed se muxuu ahaa, ummaddiisana muxuu u qabtay? Waxaad ahayd nin ka duwan ragga, waxaad ahayd ...

Timaaddada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo geddoonka gobolka

Image
Waxaa Qoray:  Shaafici Abtidoon Waxaa Turjumay: Cabdicasiis Daahir  Hordhac Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka qaybgalo, xafladdii caleemasaarka madaxweynaha la doortay, Xasan Sheekh Maxamuud, bishan aynu ku jirno ee  Juun 09, 2022, muddo xileed kale, oo ay ka muuqatay ka qaybgal Afrikaaneed iyo Carbeed aad u ballaadhan. Tartan Maaratooneed doorasho oo ku dhowaad laba sano soo jiitamayay, ayna barbar socdeen ismaandhaaf siyaasadeed oo kakan iyo dhibaatooyin nabadeed, intaas oo lagu daray xaaladda nololeed ee dalka oo cirka isku shareeraysay, natiijo ka dhalatay aawadeed, abaar aad u daran oo ku dhowaad 7 Million oo Soomaali ah oo ku nool koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya handadaysa. Madaxweyne Sheekh Maxamuud, k u soo noqoshada qasirga madaxtooyada muddo xileed ku eeg illaa 2026, waxay ku soo beegantay, xilli aad u adag oo dalku ku jiro dhibaatooyin gudeed iyo dibedeed. Dadka qaarkood waxay ku fasirayaan in ninkaas kol kale talada dalka lagu sooro, ay ka dhigan tahay ...