Filimmo koobsanaya sheekooyinka Dostoyevsky, jaadadka kala geddisan ee nafsadda basharka!


Maqaalkan isagana waxa aan Facebook ku baahiyay, 11 Nov, 2021. Waxa aan sidoo kale ka soo turjumay mareegta (Website) mugga weyn ee aljazeera.net


Fyodor Mikhailovich Dostoevsky; Russian Novelist


Waxa ay ku beegan tahay maanta (11 Nov, 2021) sannad guuradii 200-aad ee dhalashada sheeko-faneedyahanka Ruushka ah ee Fiyodoor Dostoyevsky, kaas oo lagu tibaaxo sheekoxardhayaasha sida xeesha dheer u quusay nafta aadanaha ged-geddoonkeeda iyo isbeddelkeeda.

Sheekooyinka Dostoyevsky qofka akhrinaya hal shakhsiyad ka dhadhansan maayo, maxaa yeelay, dhinacyo kala jaad ah ayuu Dostoyevsky shakhsiyaddiisa kaa tusayaa, waxa uuna ina fahamsiinayaa waxyaabaha ku riixaya dhammaan falalka aadanuhu ku kaco xataa kuwa aynaan raallida ka ahayn, sida shakhsiyaddii faroolaha ahaa "Soosiima/زوسيما" ee riwaayaadiisii caanka ahayd "Walaalaha Karaamaasoof/الإخوة كارامازوف", silsiladda aadanuhuna aad bay isugu maran tahay, oo falkasta oo bashar ku kaco, hal qof dhakada loo saari maayo.

Riwaayadaha Dostoyevsky, waxaad ka dhex helaysaa isla mar qudha, jilayaal ay dhex ceegaagaan, baaxadeg, isku dhacyo, kuwo caadifad ahaan burburay, iyo shakhsiyad u jeellan doonayasana in ay wax baadho. Sidaas daraaddeed ayaan u helaynaa in sheekooyinkiisa gebi-ahaantoodba loo rogay, filinno, taxaneyaal telefishinka iyo idaacadahaba laga siidaayo, iyo masraxiyaad, taasna waxaa sababay in uu jilaha si qoto-dheer u farshaxamaynayo, akhriyahuna uu jamanayo in la daawo siiyo male-awaalkaas. Sida oo kale waxa aad ugu tagaysaa dhiganayaashiisa macneyaal iyo fasirro kala cayn ah, halka sheeko keliyana waxa ay gaagixinaysaa in hal mar in ka badan la akhriyo, lagana jilo.

“Gaboodfal iyo Ganaax (الجريمة والعقاب)”

Dhowr sano ka dib musaafurintii Saybeeriya ee kakanayd isagoo labadiisa gacmood iyo gommadooda silisad ku tigtigantahay; ayuu nolosha mar kale ku soo noqday u qalin qaatayna in uu wax qoro, riwaayadan "Gaboodfal Iyo Ganaaxna" oo ah riwaayadiisii labaad ee uu soo saaro ka dib kolkii uu ka soo laabatay musaafurintaas, waxaa lagu tiriyaa shaqooyinkii uu qabtay ta ugu mugga weyn illaa iyo maanta.

Sheekadan in ka badan filimmo ayaa laga jilay dunida oo dhan, tii u horreysayna waxa ay soo baxday waayihii shineemadii shibta ahayd (السينيما الصامتة) dabshidkii 1923. Faransiiska iyadana waxaa lagu soo bandhigay 1935, Mareykankana, inkastaoo hoolliwoodh miisaaniyad yar ku bixisayay waxaa lagu soo bandhigay 1959, iyo sida oo kale xilligii dahabiga ahaa ee shineemada Meeksiko, iyadoo lagu celiyay oo mar labaad lagu soo bandhigay 1951, magaalada sheekadu ka dhacaysayna loo beddelay, Caasimadda Meeksiko. 2002-dii, qaab casriyaysan ayaa afka Ingiriisiga loogu soo bandhigay laakiin meeshii u horreysay ee asalka ahayd ee dalka Ruushka.

Sidoo kale laba filin ayaa dalka Masar lagu soo bandhigay: ka hore oo xambaarsanaa halmuceedka sheekada, oo la soo saaray 1957, iyadoo lagu dhayayo xaalad kolkaas Masar ka oognayd, waxaana soo saaray siinaariyoyahankii Maxamed Cusmaan iyo agaasime (Director) Ibraahim Camaarah.Ka labaadna waxaa lagu soo bandhigay qaab kale hilaaddii 1977, cinwaankuna waxa uu ahaa "Sooniya iyo kii waalnaa/سونيا والمجنون", oo ay hormuud u ahaayeen Nuur al-shariif iyo Najlaa’a Fatxi, iyo agaasime Xusaam al-Diin Musdafa. Sheekadu waxa ay ku wareegaysaa Rodiyoon Raaskoliinkof, oo ahaa arday Saan Biterisbaarg wax ka dhigan jiray, waxa uu ku noolyahay qol saboolaysan iyo guri burbursan, xanuun iyo faqri ayaa isu raacay laakiin, waa xariif naftiisa aad ugu xadgudba, hal fekrad ah ayaana ku habsatay oo ah ragga maskaxda miidhan sharciga ayay jabiyaan.

Raaskoliinoof waxa uu fekerayaa in uu fuliyo dil, si uu uga dhabeeyo fekrkiisa saxnaanshiisihiisa uun, dhabahaantiina waxa uu dilayaa Aliyoona Iifaafnofna oo ah Deyn bixiye (Loan Shark) ardayda lacag amaahisa dabadeedna ka sameysa faa’iidooyin badan. Loollanka ugu muhiimsan ee riwaayada iyo ladhka aflaamtaa aan soo minguuriyay waxa uu ku dhisan yahay, isku dhac akhlaaqeed iyo iska horimaad insaaniyeed, oo Ruushka ku kooban uun.

Dareenka ah iskawaayitaanka bulshada iyo niyadjabka uu ka mutay kelinimada ayaa Raaskoolinkoof ku dhaliyay in uu nafta dhaafiyo haweenayda Deynbixiyaha ah, in uu xoolaahaas la wareego u ma samaynayo sidaas hayeeshee, si uu u damiyo fekradaha maskaxdiisa ka holcaya, iyo si uu u hubiyo ujeedka ah in uu ku kaco gaboodfal in ay tahay gaboodfal iyo in kale.


Loollanka ruwaayda iyo habdhaceedaba waxaa tiir u ah sal-kadhaban akhlaaqeed, iyo loollan qofeed, kaas oo Russia ka tallaabaya.

 




“Walaalaha Karaamaasoof (الإخوة كارامازوف)”

Xilligii la xidhay Dostoyevsky, laba dhinacba saamayn ayaa kaga timid; ta hore oo ah waxa uu la daalaa dhacay suuxdin intii uu xidhnaa, si uu dhibaatadaa ugu muujiyo shakhsiyadda Samiirdiyakoof, Inanka wacalka ah oo uu dhalay Fiyodoor Karaamaasoof. Isbeddelka labaad ee ku dhacay Dostoyevsky waxa uu ahaa in uu ku gacansaydhay Hantiwadaagga Xagjirka ah (Radical Socialism) taas oo sababtay in xabsiga loo taxaabo, iyo in la horumariyo afkaarta muxaafidka ah ee u janjeedha dhaqanka qaayasoorrada.

"Walaalaha Karaamaasoof" waa sheeko-falkintii u danbeysay ee Dostoyevsky, waxa uuna ku soo uruuriyay afkaaraha u badan ee uu ku foogganaa intii uu noolaa, oo ay ka mid yihiin, loollanka ka dhex oogan rumaynta iyo shakiga, iyo isku dhaca rabitaanka xorta ah ee qofka iyo mas’uuliyadaha akhlaaqeed. Weydiimahaas oo dhan ee uu isku weydiidayay sheekofaneeddaa uu qoray 1881, ilaa hadda dood baa ka aloosan, laga yaabaa in afkaarta ku saabsan Jiritaanka iyo falsfadda ay ka dhigtay mid ka mid ah riwaayadaha ugu jilidda badan shineemooyinka iyo masraxyada dunida oo dhan.

Sheekofaneeddaas filimmo badan ayaa lagu soo bandhigay, waxaa ka mid ah filinka "Walaalaha Karaamaasoof" ee Mareykanka hilaaddii 1958, waxaana soo saaray Ritjaard Barokis. Isaga oo awooda agaasimuhu in uu qaab wanaagsan ugu soo bandhigo riwaayada 145 daqiiqo, ayaa wuxuu doortay in uu soo yareeyo dhacdooyin muhiim ah, iyo Holliwoodh oo xiiseysa in ay ku soo gabegabayso dhammaad farxadeed, xataa iyada oo aan maangal ahayn.

Ka hor filinkaas, riwaayada waxaa lagu soo bandhigay Ruushka kolkii u horreeysay 1915 oo uu soo saaray Fiyaatshiislaf Torjanski. Dabadeed filin kale ayaa Jarmalka lagu soo bandhigay 1921 waxaa soo saaray Karl Froolitsh, dabadeeto mar kale ayaa Jarlmalka lagu soo bandhigay 1931, nuqul kalena Talyaaniga ayaa lagu jilay 1947 waxaana soo saaray Jiyaakoomo Jintiiloomo, 2014-kiina nuqul ayaa Hindiya lagu dhigay.

Sida oo kale sheekada, waxaa lagu soo bandhigay filin Masri ah oo halkudhiggiisu ahaa "Walaaluhu Waa isu Cadow/الإخوة أعداء" waxaa soo saaray Xusaam al-Diin Musdafa iyo siinaariyoyahankii, qoraagii Rafiiq al-Sabhaan iyo Nabiihah Ludfi, iyo jileyaal Yaxya Shaahiin, Nuur al-Shiriif, Xuseen fahmi iyo Muxyi Ismaaciil. Inkastoo sheekada lagu soo bandhigay filinno ka soo jeeda dhammaan dhaqannada, haddana ma jiro hal filin oo iyaga ka mid ah oo loo qaadan karo filin weyn, sababtoo ah midkoodna ma gaadhin nuxurka iyo miidda sheekada sida uu u soo bandhigay Dostoyevsky, oo ku qoran in ka badan 1500 bog.

“Khamaaryahan (المقامر)”

Sheekadan "Khamaaryahan" waxaa lagu tiriyaa, mid ka mid ah sheekooyinka Dostoyevsky ee ku habboon in laga jilo filimmada ay ku dheehanyihijn dhammaan musiibada, isbeddelka shakhsiyadda, iyo faahfaahinta muuqaalka xiisaha leh. Sheekada, Dostoyevsky wuxuu ku xardhay qabatinkiisa khamaarka, isaga oo ku dhawaad ​​ka dhigaya sheeko-nololeed argagax leh. Sheekada ugu muhiimsan ee sheekadan, waa in Dostoyevsky uu ku qoray 27 maalmood oo uu heshiis la galay daabacaha, si uu u bixiyo deynta khamaarka.

Filinkan oo la duubay sannadkii 1997, ayaa soo bandhigaya dhanka qabatinka khamaarka iyo waxyaabaha uu ku hodmo, wuxuuna daawadayaasha si toos ah ugu soo gudbinayaa goleyaasha khamaarka ee ay inta badan tagaan dadka hantiilayaasha ahi, faduuliyiinta, iyo kuwa ka quustay nolosha. Waxaas oo dhan waxa aynu ka dheehan karnaa waxyaabaha qofkasta ku riixaya in uu khamaaro. Filinkan waxaa lagu tiriyaa filinnada ugu quruxda badan ee laga soo naqliyay caalamka sheekoxardhidda si weyn, waxaana soo saaray agaasimaha Maraykanka ah ee karl Riitj.

Filinkan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dalka Jarmalka gu'gii 1938, waxaana isla dabshidkaas lagu soo bandhigay dalka Faransiiska, hilaaddii 1947 waxaa lagu soo bandhigay dalka Arjentiina, dalka Ruushkana 1974 ayaa lagu soo saaray, kol kale waxaa lagu soo bandhigay Jarmalka 2007-dii, iyo dalka Mareykanka 2015. 


Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn