Posts

Faallaynta Buugga Decolonising the Mind

Image
Buuggan aynu faallaynayno waxa qoray Ngũgĩ wa Thiong'o (1938-2025) oo lagu tibaaxo in uu ka mid yahay suugaanyahannada culus ee ay Afrika hindistay. Waxqabadkiisu waxa ay ahaayeen kuwo daarran sheeko-faneedda iyo aqoonta guud. Waxa uu ka mid yahay qoraayada ugu culus ee uguna magaca dheer wixii ka danbeeyay madaxbannaanidii Afrika iyo sida oo kale mid ka mid ah aragti-curiyayaasha deraasaadka gumaystaha ka dib. Waxa la isku raacsan yahay in uu ahaa qoraa gaamuray oo qalinkiisa cuddoon keliya aan ugu adeegin dadkiisa balse ku naqdiyay oo hilfaha ugu laabay gumaystaha iyo tabihii kala duwanaa ee uu bulshooyinka ku haloosin jiray. Dhanka kale, cimlaaq iyo rukun adag oo uu ku taagan yahay adabka Afrikaanka ee casriga ahi buu ahaa.  Waxa uu wax ku bartay mustacmaraddii Kiiniya, ka dibna waxa uu ka baxay Jaamacadda Makerere, dabadeedna Ingiriiska ayuu ku idlaystay geeddigiisaa waxbarasho. Intii lagu jiray waayihiisii Jaamacadda ee Leeds buu soo saaray sheekadiisii u horraysay ee qof Afr...

Lamahuraannimada Xeer Ciise iyo Xeerarka Soomaalida

Image
Haddii Plato ku dooday buuggiisa magacaweyn, Republic , in aadanuhu yahay noole bulshaawi ah waxaynu sidaas si la mid ah innaguna ku doodi karnaa in aadanuhu yahay noole xeerku udubdhexaad u yahay oo u abaabulan in uu samaysto oo ku dhaqmo xeerar kala haga oo ay ay qayb ka mid ah dabeecaddiisa tahay. Qoraaga iyo taariikhyahanka reer Ciraaq ee Khazal Al Majidi oo ilbaxnimooyinkii kala duwanaa ee dunida soo maray aad u dersay wuxuu ku dooday in qodobbada looga baahan yahay in ay xaddaaradi ku taagnaato xeerku kaalin weyn ugu jiro. Falsaasifadii hore ee Giriigga waxa laga hayaa in aadane la aragyaaba sharci imanayo. Waa la isla qirsan yahay in xeerku tiirdhexaad u yahay aadanaha oo la'aantiisna la’aad uu noqonayo. Montesquieu oo ahaa faylasuuf aad looga qaddariyo Galbeedka sida oo kalena udubxoog u ah dhidbidda doodaha fekerka siyaasadeed ee dunida ayaa buuggiisa uu kaga hadlay falsafadda iyo aragtiyaha dawladnimada casriga ahi ku ay tahay in ay ku taagnaato, The Spirit of Law , ku xu...

Waa Maxay Faashiyadu?

Image
Curiskan waxa qoray  qoraagii waynaa Joorji Orwill oo noolaa intii u dhaxaysay 1903 ilaa 1950. Qormadan oo aan soo turjumay wuxu sannadkii 1944-kii ku faafiyay majaladda Tribune (Tribune Magazine). Wayddiimaha xilligeenan mudnaanta weyn leh ee aan weli laga jawaabin, waxa ka mid ah: Waa maxay Faashiyadu? Mid ka mid ah ururrada indha'indhaynta bulsheed ee Maraykanka ayaa su'aashaa dhawaan wayddiiyay boqol qof oo kala duwan, waxayna ka heleen warcelinno tibaaxaya 'dimuqraaddiyad badhaxtiran' ilaa 'shayddaaniyad badhaxtiran'. Qof si caadi ah isaga fekera oo dalkeenna ku sugan haddii aad su’aashid in uu qeexo Faashiyada, wuxuu badanka ku halcelinayaa in uu farta ku fiiqo nidaamyada Jarmalka iyo Talyaaniga. Balse tani ma aha gebi ahaanteedba mid ina qancinaysa, maxaa sababay dalalka muhiimka ah ee Faashiga ahi si weyn buu ugu kala duwanaanayaa qaabdhismeedka iyo aydiyoolajiyadaaba. Tusaale ahaan, wax fudud ma aha in aad Jarmalka iyo Jabbaan hal qaabdhismeed ku wada ...

Sidee Cabdalla C. Mansuur u sharraxay Mafhuumka Tolnimada?

Image
  Soomaalida waxa lagu tiriyaa in ay ka mid yihiin bulshooyinka ugu badan ee Geeska Afrika ku dhaqan. Waa bulsho sida laga war hayo u qaabaysan oo u taaltaalla hab qabaa'il iyo beelo ah, waagii gumaystuhu yimida uu u kala jarjaray shan qaybood oo ku kala fidsan Geeska. Waa bulsho leh soojireen, hidde, taariikh, iyo dhaqan fac weyn oo aad u gundheer. Waxa lagu majeertaa oo la isla qirsanyahay in ay yihiin ummaddii gabayga oo mustashriqiintii Geeska Afrika yimi oo uu folaad u ahaa Richard Francis Burton (1821-1890) waxay ku sifeeyeen in aynu nahay bulsho suugaantu meel sare ugu jirto oo door udubdhexaad ah ay ka ciyaarto noloshooda, siiba gabayga oo lagu tilmaamo in uu u boqran yahay. Buuggeeda, A Tree of Poverty: Somali Poetry and Prose, waxay Margaret Laurence ku sheegtay in gabaygu Soomaalida u yahay geedkii ay faqriga ka hoos hadhsanayeen, isla jeerkaana keli ah aanu iska ahayn maanso ay tiriyaan e, balse shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin is gaadhsiin, faan iyo tookh, col...

Goorgi Banti iyo Halbeegaynta Habqoraalka Af Soomaaliga?

Image
Qormadani waxay soo koobid Soomaaliyaysan ku samaynaysaa maqaal uu qoray Goorgi Banti, taas oo qayb ka ah buug-maqaaleed uu tifaftiray Jaamac Muuse Jaamac oo lagu xusayay buunigii weynaa ee Xuseen Maxamed Aadan “Tansaaniya”. Dedaallada far qorista Soomaaligu waxa la isku raacsan yahay in ay soo bilawdeen qarnigii 19-aad oo shakhsiyaad Soomaali iyo waageeniba ahi ay door ka ciyaarayeen sidii ay Soomaalidu u hanan lahayd in ay hesho far qoran oo ay ku wada xidhiidhaan oo farriimahoodana isku gaadhsiiyaan. Dedaalladaasi waxay miradhaleen oo Soomaalidu far rasmi ah yeelatay 1972 oo ay dawladdii kacaanku ku dhawaaqday in fartii Laatiinka ahayd la qaatay oo dalku iyada ku hawlgali doono. Ku dhawaaqistaa waxa laga joogaa dhawr iyo konton sano, sida aanay bulshada Soomaalidu weli u xasilin ayaanu afkuna u saldhigan. Qalaalaasha iyo deggennaan la'aanta bulshadiisu ku jirtay ayuu isaguna ku jiray. Laga soo bilaabo qoristiisii ilaa hadda waxa socda dedaallo badan iyo isku dayo kala duwan oo l...

Gorfaynta Buugga: "The Eton College of Somaliland From Darlington to Eyeingtons"

Image
  Sida aynu ka warqabno waa arrin kamakacdo ah oo mudnaan weyn leh in goobaha taariikhiga ah ee bulshada lagu kaydiyo qoraallo ama qaabab kale oo si uun u anfacaya jiilasha danbe. Buuggan aynu falanqaynayno ee "The Eton College of Somaliland From Darlington to Eyeingtons," oo dhawaan soo baxay masaladaa kore buu ku saabsan yahay. Wuxuu ka mid yahay waxsoosaarka qoraa, saxafi iyo abwaan Bashiir Good, oo arrimmaha Soomaalida ee siyaasadda, suugaanta iyo dhaqanka si dhaw uga faallooda oo wax uga qora. Mawaadiicdaana ka qoray maqaallo iyo curisyo aad u tiro badan. Sida aynu ka arkayno kolka aynu akhrinayno buugga, wuxuu kaydiyay abwaanku buug muhiim ah oo ay ku dhan yihiin xusuuso, taariikh, waaya'aragnimo, iyo casharro nololeedba. Lodadka imika jooga iyo kuwa danbena ay si weyn wax u taransanayaan.  In kasta oo la odhan karo cinwaanka buuggu wuxuu u muuqdaa halxidhaale ama mid si fudud lagu ma fahmi karo haddana qofku wuu dhadhansan karayaa nuxurka buuggu in uu la xidhiidho...