Waa Maxay Faashiyadu?
Curiskan waxa qoray qoraagii waynaa Joorji Orwill oo noolaa intii u dhaxaysay 1903 ilaa 1950. Qormadan oo aan soo turjumay wuxu sannadkii 1944-kii ku faafiyay majaladda Tribune (Tribune Magazine). Wayddiimaha xilligeenan mudnaanta weyn leh ee aan weli laga jawaabin, waxa ka mid ah: Waa maxay Faashiyadu? Mid ka mid ah ururrada indha'indhaynta bulsheed ee Maraykanka ayaa su'aashaa dhawaan wayddiiyay boqol qof oo kala duwan, waxayna ka heleen warcelinno tibaaxaya 'dimuqraaddiyad badhaxtiran' ilaa 'shayddaaniyad badhaxtiran'. Qof si caadi ah isaga fekera oo dalkeenna ku sugan haddii aad su’aashid in uu qeexo Faashiyada, wuxuu badanka ku halcelinayaa in uu farta ku fiiqo nidaamyada Jarmalka iyo Talyaaniga. Balse tani ma aha gebi ahaanteedba mid ina qancinaysa, maxaa sababay dalalka muhiimka ah ee Faashiga ahi si weyn buu ugu kala duwanaanayaa qaabdhismeedka iyo aydiyoolajiyadaaba. Tusaale ahaan, wax fudud ma aha in aad Jarmalka iyo Jabbaan hal qaabdhismeed ku wada ...