Aqoonyahankii wuu hoyday, balse aqoontii way hadhay!


Yuusuf al Qardaawi (1926-2022)


Soddon guuro ama in yar ka badanba, waxaan bartay buugaagta Sheekh Yuusuf al Qardaawi Eebbe ha u raxmadee, dhammaantoodna waan akhriyay, ama ugu yaraan badankood, waan la noolaaday, lana falgalay afkaartiisa, sheekhana waxaan ka helay wixii iga lumay ee fiqi iyo fekerba ah, waxaanan jaal la noqday waxsoosaarradiisii, iskabadaa'e, waxaan caashaqay buugaagtiisii, fiqigiisii, iyo fekeradihiisiiba, mana jirin aqoonyahan iiga dhow sheekhiisii, Sheekh Maxamed al Qasaali mooyaane, Eebbe ha u naxariistee, kaas oo aan naftayda ka helay fekradihiisa, laga bilaabo wakhtigaas ma soo saarin buug ama dhambaal illaa waan akahriyay, bal'e waan deraaseeyay, buugtiisana in ka badan hal mar waan akhriyay, qaar ka mid ah buugaagtiisuna waxyba ii noqdeen raadraacyo sees ah oo baadhitaanka ama daraasadaha kolka aan qorayo, ama khudbadaynayo, ama muxaadaraynayo, aan xigto, buugtiisu waxay udub dhexaad u ahaayeen magtabaddaydii cammirnayd ee Jabbuuti, Eebbe Mahaddii.

Waan ku raaxaystay in badan oo ka mid ah khudbadihiisa, waxayna ii ahaayeen koorsaar ruuxi ah, feker ah, waxaanan la noolaaday khudbadihiisa kulansaday, dhumuc weynida feker ahaan, iyo xamaasad isweydiinta, naadir ayayna ku tahay khadiibyada, maxaa yeelay khadiibyadu waxay u janjeedhaan, dhanka xamaasadda iyo isweydiinta caadifaddaysan, halka uu mufekerku u irkado deggenaanshaha iyo qancinta, hasayeeshee Sheekha iyo Sheekhiisa Qasaali si la yaaab leh ayay isugu eegyihiin, hannaankiisa waan jantay, in badanna hannaankaasi raad buu igaga tegay, sheekha khudbaddiisu waa cashar iyo jihayn, aqoon iyo tarbiyo, in la fahmo diinta, waaqacana lagu xidho, mar danbe waxaan ogaaday in khudbadihiisu ay isubeddeleen buugaag, si cusub baan u akhriyay, waxaanan helay iyadoo burqanaysa garasho iyo aqoon, intaa dabadeed waxaan sheekha ku arkay muuq-fidiyaha Al Jazeera, isagoo ah libaaax, libaaxyada dacwadda ka mid ah, gaar ahaan barnaamishkiisii caanka ahaa, Shareecada iyo Nolosha, ammintaas sheekhu wuxuu u beddelay afkaartii Islaamiga ahayd isagoo ka keenay caalamkii labeenta oo geeyay caalamkii jamaahiirta, iyo sidoo kale isagoo ka soo sadcaaliyay saaxaddii tayaarka Islaamiga u soo gelbiyayna saaxaddii shacabka iyo bulshoweynta. Barnaamishkuna wuxuu noqday mid ka mid ah barnaamishayda ugu caansan, shacbiyad faro badanina ay ku xidhan yihiin, isabadaa'e Qardaawi wuxuu noqday, in ka badan dhowr mar shakhsiyaadka ugu saamaynta badan dunida, iyo sidoo kale caalamka Islaamiga ah.

Sheekha waan jeclaaday, waayo, sheekh caadi ah ma aanu ahayn, holac buu wax ku dhex qorayay, sidii ilmaha yar na wuu u ooyay marka uu xusuusto weynida Eebbe, ama marka uu arko in uu xagga Eebbe ka gaabiyay, mana arag dadka waayeelka ah qof ka oohin dhow, sheekh Qasaali iyo sheekh Qardaawi mooyaane, way ooyayaan, oohintooduna waa mid ka duwan, oohinta dadka kale. Wuxuu qorayaa isagoo sii hoyanaya, Fiqiga Salaadda, wuxuuna isku soo uruuriyay buugtiisii hore iyo danbe ee uu ka qoray salaadda, buugguna waa hal cadad oo weyn, bogaggiisuna waxay kor u dhaafayaan in ka badan 700 bog, sidoo kale, wuxuu qoray Fiqiga Dowladda, buuggan wuxuu kaga hadlay, aragti horusocod ah oo dowladeed, wuxuu kaga warramay in dowladaha Islaamka la badiyo [Pluralism], wuxuu kaga warramay aragtida fahanka xisbayda, iyo jiritaanka xisbi aan Islaami ahayn uu ka jiro dowlad Islaami ah, wuxuu halabuuray in xorriyaddu ay ka horrayso dhaqangelinta shareecada, wuxuuna u sababeeyay in dadka xorta ahi ay shareecada dhaqangeliayan ee aanay addoomadu sidaas samayn, xortuna waa kan wuxuu cunayo haysta kuna guulaystay go'aamminta masiirkiisa, xorkuna ma aha kan ka xoroobay xadhkaha iyo seeraha sida ay u fahansan yihiin dadka waxmagaratayda ama maangaabyda ah.

Wuu qoray sheekhu, majaalkiisa Fiqhigana wuu ka soo dhalaalay, buuggiisa Fiqiga Sakada oo illaa iyo hadda ka mid ah buugaagta uu qoray kan ugu halista badan, qaabka uu u qoray, waxaa lagaba yaabaa in aanay uga horrayn qof qaabkaas u qora, welina cidna uma qorin sida uu u qoray. Abu Aclaa' al Mawduudi siduu xusay buuggu weli wuxuu yahay buuggii qarniga. labaatan guuro ka horna wuxuu soo saaray buuggiisii Fiqiga Jihaadka oo aanay mudnaantiisu yarayn, bal'e maanta aynu u qabno baahi la hubo, waayo waxaa jira mid jihaadka dhultusiyaha [khariidada] fiqhiga ka saaraya, baqdin uu qabo awgeed, iyo mid caalamka gebihahaantiisba kula dagaallamaya magaca JIHAAD, sidaas daraaddeed ayuu baabkaasi loo baahnaa in buug cusub laga qoro, kaas oo ka dabqaadanaya ruuxda Islaamka iyo nusuustiisa, iyo fiqhiga culamada iyo ujeeddooyinka shareecada, buuggaasina wuxuu majare xidh u noqday dillaac weyn. waxaana lagu tiriyaa buuggaas in uu ka mid yahay halabuurrada Qardaawi, waxaanan akhriyay geerida sheekha ka hor hal isbuuc, waxaanan dhammeeyay buuggaas, markii afraad, laakiin, kolkan waxaan u akhriyay si xeeldheer, waxaan duljoogsaday qayb ka mid ah ijtihaadaadkiisa cusub, iyo furayaasha sheekha ee baabkan.

Sheekhu wuxuu xardhay buug xanbaarsan caddaymo baac dheer, macneyaal qotodheerna ay ku sugan tahay, iyo beegsashada halka loo socdo iyo hannaanka loo marayo, wuxuu wax ka qoray jiheynta baraarugga islaamiga ah, maxaa yeelay sheekhu wuxuu ogaaday wakhti aad u fog in mashaariic gudeed iyo debedeed ay fashiliniyaan baraarugga, iyo samaynta dagaallo jaanibi ah oo ka dhan ah tayaarka Islaamiga ah, iyo in lagu dilo awoodda muslinka dagaallo qaybqayb ah, xilligaas ayuu bilaabay sheekhu in uu qoro buugtiisa baraarugga ee ka warramaya gaashaanqaadnimada iyo bislaanshaha, iyo baraarugga iyo humuumta dalalka carbeed iyo islaameed, iyo baraarugga Islaamiga ah, kala duwanaanshaha sharciyaysan, iyo kala tagsanaanta dullaysan, iyo buuggiisa aadka u sarreeya,(أولويات الحركة الإسلامية في المرحلة المقبلة) sheekhuna intaas kuma aanu joogsan wuxuu qoray, (الحلول المستوردة ، وكيف جنت على أمتنا ؟), intaa dabadeed wuxuu qoray, (الحل الإسلامي فريضة وضرورة), ka dibna wuxuu soo saaray buug ka warramaya, (بينات الحل الإسلامي ، وعن أعداء الحل الإسلامي ), waxaas oo dhan wuu samaynayaa, lkn asluubka sheekha ayaa kaa dhigaya in aad la noolaatid, buug kastana midka kale ayuu kuu gudbinayaa, sabatoo ah wuxuu leeyahay manhajiyad cilmiyeed oo adag, waayo ma adeegsanayo luuqad laablakaceed, keli ah, wuxuu adeegsanayaa luuqad akaademiyadeed oo baar sare ah, oo xidhiidh ka dhexaysiinaysa tagtadii iyo taaganta.

Sheekhu leebabka cadowga ee gude iyo debedba kaga imanaya wuxuu kaga hortagay si deggan, yoolalkiisana wuxuu ugu dhowanayaa qorshe deggan oo sugan, dhexdhexaadnimadana kama liiliicayo leebabka cadowgu si kastoo ay ugu bataan, wuxuu u qorayaa hab cilmiyayasan, wuxuu u bushaareynayaa qaab xigmadaysan, wuxuu u dardaarmayaa si bilaa baqdin iyo cabsi ah, wuxuuna yoolalkiisa ugu dhaqaaqayaa hannaan bilaa walaac ah, wuxuu wax ka qorayaa (baraarugga, dhacdhaca iyo yididiilooyinka, الصحوة بين المحاذير والآمال ), buugtiisana kagama warramo cabsiyooyinka, sida ay sameeyaan faashiliinta qaar, kamana qoro yidiidooliynaka sida ay ay sameeyaan riyo-nolaashayaasha qaar, badiyaa wuxuu ku dhex nool yahay xanuunka iyo yididiillada, rejda iyo cabsida.

Kolkii uu u fiirsaday weerarkii ba'naa ee lagu qaaday taariikhda ummadda, gaar ahaan taariikhda dowladdii amawiyiinta, taas oo uu aasaasay saxaabigii Mucaawiya bin abi Sufyaan, wuxuu qoray buuggiisii tayaysnaa (taariikhdeenna la innoo soo weriyay/تاريخنا المفترى عليه), sheekhu wuxuu wax ka qoray siyaasadda sharciga, buug tixraac u noqonayaa baabkaas, wuxuuna ka duulayaa fahankii bannaa, AHUN, oo ku aaddan doorka ninka talada dalka gacanta ku haya, buuggu wuxuu ahaa, (السياسة الشرعية فى ضوء نصوص الشريعة ومقاصدها), sidoo kale wuxuu xardhay buuggiisi muhiimka ah ee uu kaga hadlayo xidhiidhka ka dhexeeya diinta iyo siyaaasadda, (الدين والسياسة ، تأصيل ورد شبهات), sidoo kale waxaa jira buug doorroonaantiisa leh oo ku saabsan waajihidda caalmaaniyaynta xaaladda islaamka, (الإسلام والعلمانية ، وجها لوجه), wuxuu ka qoray bilowgii iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa, iyo bilowgii caalamka cusub, buuggiisii, (خطابنا الإسلامي فى عصر العولمة), iyo buuggiisa, (المسلمون والعولمة)


Wuxuu dhidibbada u malaasay aragtida dhexdhexaadka, iyo fiqiga isku dheellitirka, wuxuu ka qoray, buug aad u qurux badan oo ku aaddan, (فقه الوسطية الإسلامية والتجديد), wuxuu kaloo wax ka qoray, (الوطن والمواطنة فى ضوء الأصول والمقاصد الشرعية), wuxuu fahankaas ka qorayمن أجل صحوة راشدة تجدد) الدين ، وتنهض بالدنيا), khudbadihiisiina badankood waxay u janjeedheen dhexdhexaadnimada, dadka aadka u yarna wuxuu u qoray fiqhi gaar u ah, (فقه الأقليات), wuxuuna ka niqaashay masalada jiritaanka Islaamka ee galbeedka, u mana arag jiritaankaasi in uu xaalad kedis ah, bal'e in ay dabiici tahay, maxaa yeelay farriinta Islaamku waa Caalami, dhulka Islaamkuna kuma koobna uun, waddamada Carbeed iyo caalamka Islaameed, bal'e dhulka oo idil juqraafi ahaan, waxay tahay in Islaamka lagu faafiyo, laguna noolaado, wuxuu qoray dhaqanka ummadda, furfurnaanshaha iyo xidhxidhnaanta, wuxuuna ku akhriyay naska nebiga, indho kalw, ma aanu diidin nusuusta nebinnimo ee sugan, sida ay sameeyaan waxmagaratayduo, mana aanu aqblain, dhammaan wuxuu soo weriyay. Wuxuu qoray buuggiisa cilmiga ahaa, ee ay wehelinayeen machadka caalamiga ah ee fekerka Islaamka, (كيف نتعامل مع السنة النبوية ، معالم وضوابط), wuxuu qoray kitaabkiisii mar la aragga ahaa, ee Rasuulka iyo aqoonta (الرسول والعلم) iyo buuggiisii (sunnada Nebiga tixraaca aqoonta iyo Ilbaxnimada/السنة النبوية مصدر للمعرفة والحضارة), wuxuuna leeyahay dulistaagyo ku aadan masalada fatwada ee umadda, iyo Ijtihaadka, waxaynu maktabaddiisa ka helnay, (الفتوى بين الانضباط والتسيب), iyo buuggiisa, (موجبات تغير الفتوى), wuxuu duljoogsaday, hadalladii dadkii hoyday, gaar ahaan aqoonyahankii ibn Qayim, hasayeeshee wax buu ku soo kordhiyay oo halabuuray, wuuna ijtihaaday wuuna asiibay masaladaas ufiirsashada u baahan, sheekhu wuxuu jalleecay masalada dhaqaalaha islaamiga ah, wuxuuna wax ka qoray fiqhiga Sakada, ribada, iyo doorka sakada, iyo doorka qiyamka iyo akhlaaqda ee dhaqaalaha, wuxuuna qoray, buug digitaan ah, waxa lagu magacaabo diiwaanka sakada, guryaha sakada ee caalamka islaamiga ah, si ay u guuleysato ururrada sakada in la dhaqangaliyo casrigan.

Sheekhu wuxuu gorfeeyay qaddiyaddo caalami ah, wuxuuna ka qoray dhambaallo iyo kutub, sida qaddiyadda degaanka,(dareyeelidda deegaanka ee shareecada Islaamka/رعاية البيئة فى  شريعة الإسلام), iyo (xagjirnimada calmaaniyeed ee waajihidda Islaamka/والتطرف العلماني فى مواجهة الإسلام), tusaalena wuxuu u soo qaatay, Turkiga iyo Tuunis. Sidoo kale (Mushkiladda saboolnimada iyo sida uu islaamku u xalliyay/ ومشكلة الفقر وكيف عالجها الإسلام؟) buug buu ka qoray sidoo kale wuxuu gorfeeyay howl iyo si qotodheerna masalda baahida basharka u qabo islaamka, wuxuuna qoray (عوامل السعة والمرونة فى الفقه الإسلامي) iyo (shareecadu Islaamku goor iyo goob walba way ku habboontahay/شريعة الإسلام صالحة لكل زمان ومكان), iyo (baahida basharku u qabo dhambaalka Ilbaxnimeed ee umaddeena/حاجة البشرية إلى الرسالة الحضارية لأمتنا) iyo (Islaamka shubuhaatka kuwo lumay iyo beenta beenwaasyada/الإسلام بين شبهات الضالين، وأكاذيب المفترين), iyo (الخصائص العامة للإسلام), iyo (ملامح المجتمع الإسلامي الذى ننشده),

Sheekhu wuxuu hoyday isagoo ka tegay magtabad aad u mug weyn, soona saaray shaqooyinkiisi oo dhammaystiran, in ka badan boqol majalladood, iyo in ka badan saddex kun oo ciwaan, waxaana jirta in ka badan boqol dhambaal jaamacadeed oo sarsare oo ku aaddan sheekha iyo fekerkiisa, wuxuuna ka tegay boqol arday oo xanbaarsan aqoontiisa iyo afkaartiisa, waxayna joogeen dhultusiyaha juqraafiyeed ee caalamiga ah, wuxuuna ka tegay malaayiin jecel oo qaddariya, wuxuu ka tagay dunida qarni uu howl iyo aqoon ku dhex jiray, halgan iyo dedaalna ku suntanaa, saaxaddana hal lilbidhiqsi kama aanu maqnaan, wuxuu galbaday usago wax qoraya waxna akhrinaya, ruuxdiisana wuxuu rabbi u dhiibay isagoo afkaartiisa dib u raajacaya, wuxuu dhintay isagoo dhoollacaddeynaya sabatoo ah wuxuu arkay midhihiisii, wuxuuna dhintay, isagoo ilkocaddaynaya, maxaa yeelay wuxuu diiday in uu is dhiibo, hayeeshee calanka wuxuu u dhiibay rag ku kacaamay afkaartiisa, wuxuu dunida ka tegay isagaoo wax ka qoray qudus, caadiyayntana diiday wuxuuna iska xarrimay in uu tago qudus illa iyo ay xorowdo, wuxuu tegay dunida isagoo baray lodadka ka danbeeya fiqhiga kala mudnaanta, qifhiga isku dheellitirka, fiqghiga isbeddelka, fiqhiga xaddaaradda, fiqghiga dowladda iyo fiqhiga la noolaanshaha dadka kale, wuxuu taxliiliyay xuquuqda dadka kale ay ku leeyihiin dowladda muslinka ah, wuxuu hortooda ka difaacay keligiitalisyada xuuqda dadka, wuxuu diiday keligiitalisnimada, wuxuu ku beeray quluubta cishqiga xorriyadda, wuxuu difaacay xarakada ikhwaanka iyo tayaarka islaamiga ah, wuxuu beeray aragtida isusoo dhoweynta qowmiyiinta iyo islaamiyiinta, wuxuu la dagaallamay in dowlado la iska rido bilaa beddel, fowdawiyiintana wuxuu ku waajahay, qaab aqoona ah, waxaas oo dhanna waxay dhaceen socdaal dheer.

Wuxuu galbaday dunida ka dib kolkii uu soo saaray buuggiisii, (ujeeddooyinka shareecada ee la xidhiidha maalka/مقاصد الشريعة المتعلقة بالمال ), iyo (Iimaanka iyo Nolosha/الايمان والحياة ) iyo (Cibaadada iyo Islaamka/العبادة فى الإسلام), iyo(innaga iyo galbeedka/نحن والغرب), wuxuu xanbaarsan yahay feker gun dheer, iyo aragti guud, aqoon mawsuuci ah iyo af koobsanya adkaansho iyo fududaansho, iyo fahan dhumuc weyn, iyo caqli wax naqdinaya, ruux sugan iyo qalbi ballaadhan, iyo soojeed aan dhaqdhaqaaqa daynayn, dunida wuxuu ka tegay, ka dib kolkii uu dhisay hay'ado, iyo feker is haysta, xaqiisuna waa in uu ag seexdo Eebbe agtiisa naxariis iyo denbidhaaf dhex ceegago, iyo in uu  Maxammed iyo asxaabtiisii laga ag dhoweeyo,  iyo in uu samada ku la noolaado, raggii dacwadda iyo halganka ku jiray, kuwii u jeclaa ee ibn Taymiyah, Qaymi, Qasali, Juwayni, ina Cabdiwahab, Bannaa', Jeylaani, Sayid Qudun, iyo xoreeyayaashii ummadda iyo qammaamuurtii sooyaalka.

Nabadgelyo korkaaga ha ahaato Sheekhii ummaddow, waxaad ahayd nin ummad ah, iyo ummad nin ah, naxariis korgaaga ha ahaato, waxaad ahayd, wiil baarri u ah Qasaaligii xilligan, waxaadna ka qortay kitaab dhammaystiran، Nadawi waxaad u ahayd arday sharaf badan, kitaab dhammaystiran waad ka qortay, waxaad ahayd mid jecel ibn Baas, iyo Cusaymiin, laba maqaal oo dheerna waad ka qortay, waxaadna bilaa shaki ahayd nin aan cidna calool xumo u qaadayn, waana waxaan kaa bartay, waa lagu dhibay in badan, dhammaantoodna waad ka gudubtay, waadna nagu tarbiyeysay, weli kama suulin in aannu kaa qaadanno anshaxa iyo aqoonta, Ilaahay mahaddii.

Nabadgelyo korkaaga ha ahaato, anigu waan jeclahay Qardaawi EHUN, hasayeeshee ma ihi Qardaawi, waayo waa kii i baray kolkii uu yidhi: ibn Taymiyaha ayaan ugu jeclahay, culamada, hayeeshee ma ihi ibn Taymiyah, xaqa ayaannu ka jecelnahay Qardaawi iyo ibn Taymiyah Eebbe ha u raxmadee, naxariis korkaaga iyo ehelkaagaa; rag iyo dumarba, ha ahaato, iyo kuwa dhabarkooda ku jira ee aan wax danbi ah galin iyo kuwa ku nool meel kasta, nabadgalyo korkooda ha ahaato, kuwa ku jecel meel kasta oo ay joogaan, Eebbe idankiisna, ha innagu kulmiyo jannooyinkiisa lagu waaro.



W.Q. Sh. Cabdiraxmaan Sulaymaan Bashiir

W.T. Cabdicasiis Daahir


Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn