Fanku Ma Awoodaa in uu Abuuro Dhaqdhaqaaq Kacdooneed?
W.T: Cabdicasiis Daahir [af Soomaali]
Waxaa jira had iyo jeeraale wayddiin xidhiidh la leh funuunta iyo daneeyayaashiisa ama tuhun ah. Taas oo ah; danaynta fanku in ay tahay madadaallo dheeraad ah oo aanu awoodin in uu kharashkeeda bixiyo saboolku, gaajaqabuhu iyo baahiqabuhu. Iyo in daneeyayaasha funuuntu ay yihiin labeen bulshada ka mid ah oo soo afjaray dhammaan dhibaatooyinkii nolosha illa ay u soo hadhay danayntaas uun. Maxay nuxur samaynaysaa in la daneeyaa funuunta, caalam uu 15 kii ilbidhiqsiba gaajo u dhimanyo ilmo caruur ah? Waa maaxayse inta ay le'eg yahay culayska isbeddelka bulsheed ee aynnu ku xisaabtami karno in fanku ka danbeeyo? Wa'ayo se kan yidhi fanku wuxuu badbaadinayaa caalamka?
Waa dhowr wayddiimood oo si caadi ah loo wayddiiyo daneeyayaasha funuunta, farshaxan ha ahaato ama yaysan ahaan e. Jawaabcelinta wayddiimahaasina waa mid dhibaato miidhan, hasayeeshe fahanka dabiicadda awoodeed ee riixaysa isbedellada bulsheed waxay diiradda saarayaan muhiimadda fanka. Fanku ma awoodaa in uu dhaliyo bulshada dhexdeeda isbeddel seeseed? Haa, wuu awoodaa. Waayo, had iyo jeer fanku wuxuu ka falceliyaa si qotadheer isbeddellada bulsheed iyo kuwa loogu cabsi badan yahay. Ha ahaadaan, isbeddello bulshheed kuwaas oo hoggaaminaysa fanka ama fanku hoggaaminyo isbeddelka bulsheed, xidhiidh daylatikaal ah. Isbeddelka seeseed ee fanku samaynayo ma ahan in uu abuuro xaalad fallaagoobid oo lid ku ah xaalad guud ama [in uu] ka falceliyo keliya dhibaato uun.
Fanku wuxuu leeyahay door weyn oo udubxooggaysan haddana halis badan. Wuxuu daneeyaa quruxda, wuxuu nafsadda aadanaha ku dhaliyaa wax aynu ku tilmaami karno ujeedka jiritaanka aadanaha; laga soo bilaabo abuurkii kowaad illaa hadda ee dhulka guudkiisa. Waana doorka ah in uu bilo aadanuhu waxa quruxda leh, foolxumeeyona waxa foolxun, dullinimadana naftiisa iyo qayrkiisa toonna aanu u oggolaan.
Fanku ma awoodaa in uu beddelo bulshada?
Fanku ma awoodaa in uu beddelo bulshada?
Fanka waa mid ka mid ah agabyada xasaasiga ah kaas oo keensanaya in lagu fahmo bulshadu dawga allaale ee ay ku socoto. Isagu kuma xidhna hadba socodka dabiicadeed ee dhanka bulsheed iyo dhacdooyin, inta uu ka falcelinayo ama dhaqaajinayo dhacdooyinkaas. Doorkaas ayayna si gaar ah keligitalisyadu ugu beegsadaan, fanka iyo fannaaniinta, mucaaradiintooda siyaasadeed. Maxaa yeelay cabbiritaanka xorriyadda qaab kasta oo ka mid ah qaababka fanka, waxaa suure ah in uu holciyo dabka fallaagoobidda. Haddii fannaanku ugu dheggan yahay si qotodheer qaddiyadaha waddankiisa; wuxuu awoodaa shaqadiisa faneed in uu ku xalliyo qaddiyadaha ugu badan ee miigganaanta u baahan. Habka uu u daweenayaana ha ahaadaan dariiqa funuunta aragga ah, ama suugaaneed, maxaa yeelay seeskeeda shaqo bulsheeneed, isla falgaleed, waxay shidaalinayaan rabitaanno isbeddel, ama in ay keento saaxadaha fekerka xorta ah.
Ku loollamidda cimillada siyaasadeed, xaaladda bulsheed iyo ku abuuritaanka nafaha dadka fekradda ah "baahida loo qabo xaalad wanaagsan" waxay ku filan tahay in ay fanka ka dhigto mudnaanaha labeen kasta oo kacdooneed ama awood bulsheed oo saamayneed leh. Wufuudda siyaasadeed ha ahaado dirqiye ama cabbudhiye, ma awoodo in uu qabto khayaalka haddii ay tamanniyaan shacbigu duni wanaagsan.
Jidka isbeddelka loollanka uu kala kulm fanku
Fahanka fiican ee qaddiyadaha iyo baahiyaha bulshada iyadoo loo baahan yahay dhaqdhaqaaq kacdooneed oo weyn, waxaa lagu tiriyaa loollanada culus ee uu waajahayo fanku iyo kooxaha fannaaniintu ama daneeyayaasha shaqooyinka curineed, si guud. Wakhtiga la helayo boqollaal buun warbaahineed taas oo u shaqaynaysa dhidib aasidda nidaam kasta oo kelitaliseed; waxay dusha ka saaran tahay labeenta faneed ee u guclaynaysa isbeddel dhab ah, mas'uuliyadda ah in la soo bandhigo mashaariic faneed howlgalaysa oo daweynaysa qaddiyadaha xorriyadda aragtida, cabbiraadda iyo caddaaladda bulsheed.
Mashaariicdaasina kolka ay u shaqaynayso fanka; farshaxmiiste ama sawirqaade ama masraxi ama qoraallada hal-abuureed, waxay ku gudo jirtaa beeritaanka fahannada xorriyadda, caddaaladda iyo quruxda si loo waajaho cunfiga, dulmiga iyo gaboodfalaha. Sidaas darteed halkan iyo haddaba, waxaa loo baahan yahay caddaalad, xorriyad iyo sinnaan, ee in aynu ku noolaanno ma ahan rejo nololeed, geeri naxariis leh iyo janno innoo iman doonta.
Doonitan aan suuroggal ahayn ma aha in la beddelo dunida, bal e waa u suure maskax leh aragti iftiimaysa oo ka dabqaadanaysa waaqaca. Sidaas buu fanku u noqonayaa agab guuritaan dimuqradiyadeed dal aan la kulmin guuritaan aan ka ahayn in xumaan looga gudbo xumaan, iyo xumaan looga sii tallaabi xumaan ka sii badan. Sidaas darteed abuuritaanka waaqac ka geddisan iyadoo laga duulayo mashruuc faneed yoolalkiisu cad yihiin laguna kalsoon yahay agabyadiisu in ay noqdaan unug ay ka shidaal qaataan dhaqdhaqaaq kacdooneed oo ka xoraynaya cabbudhitaan iyo duqyaan. Inkastoo waaqaceenna aanay jirin wax hiraal ah oo rejo cusub abuuraya, haddana se suuraggalnimada ka dhaqaaqidda mashaariicdaas iyo suuraysiga suuraggalnimo la'aanteeda ayaa wuxuu furayaa albaab rejo ah, muuqaas madow dhexdiisa.
Fanku ma yahay shardi kamakacdo ah dhaqdhaqaaq kasta oo kacdooneed?
Si wayddiintaas looga jawaabo, waa in aynu dib u eegnaa kacdoonkii 25 jannaayo ee Masar, tusaale ahaan, xaaladdii dhaqdhaqaaqa kacdooneed waxa wehelinayay tobannaan shaqo faneed oo dhiirrinaysa dhalinyaradii 25 Jannaayo, isbeddel lagamamaarmaaneed ee lagu gaadhi karo, lagagana takhallusi karo xaaladdii taagnayd.
Heesaha kacdooneed, sawir-gacmeedyada, qoraallada iyo sawirrada fotoogaraafiyada, way kala duwan yihiin hababka loo cabbirayo riyada kacdooneed iyo musdambeedkiisa. Doorka fanku halkan ma ahayn oo keli ah in uu ka jawaabceliyo xaaladda dhaqdhaqaaqa kacdooneed, se waxay in badan ahayd muujinta burburka kacdoonnada iyo ka leexasbada jidkiisa. Ka dib dhirbaaxooyinkii isdabajoogga ahaa ee kacdoonku kala kulmay maamulladii hore, waxaa soo muuqday shaqooyin badan oo faneed taas oo isku dayday in ay mar kale dogobyo sii saaraan ama huriyaan cadhada loo qabo xukunkii taliska. [Sawir] gidaareedyadiii caanka noqday [ee la xardhay] waxay buuxiyeen jidka Maxamed Maxamuud ee Taxriir, in ay tahay kuwa ugu cabbiri taanka badan bahalnimada xukunkaas. Dabcan, lacagaha mashaariicdaasi faneed waxay noqonayaan kuwo qaali ah. Innagu waxaynu kulminaynaynaa fanka iyo xorriyadda, dhaqdhaqaaqa kacdooneed, kama fogaan karno tobannaanka hal-abuureed ee u huray nafahoodii fankoodii iyo hadalkoodii, dadka liiskaas hoggaaminaya waa; farshaxamiiste Karikateerkii Falasdiiniga ahaa Naaji al-Cali, iyo sidoo kale suugaanyahankii iyo saxafigii Falasdiiniga ahaa Qasaan Kanafaani.
Curintu kuma koobna farshaxanka, heesitaanka ama masraxa, iskaba daa e, difaaca codka shacabka iyo in uu dhammaan astaamaha qabsashada, dulmiga iyo amarkutaaglaynta ka hor cabbiro ra'yigiisa waa shaqo curineed iyo kacdooneed isla hal mar. Xadgudubka siyaasadeed ayaa qabsaday waaqaceenna carbeed, taas oo keensanaysa in labeenta faneed in ay galaan dagaalka fanka dhaqdhaqaaq kacdooneed oo aan laga baxsan karin awgiis. Jidkii oo dhanna wuu go'ay illaa dariiq la maraa oo aan kaas ka ahayni uu jirin. Labeenta faneed iyo fekereed waa in ay dhigtaa mashaariic sees ahaan ku tiirsan fanka, maxaa yeelay in uu yahay agab firfircoon oo kara in uu abuuro dhaqdhaqaaq kacdooneed oo liddi ku ah dhammaan qaababka addoonnimada iyo kelitaliska.
Goobjooge, jihaynta kacdooneed ee waaqaca wuxuu dusha ka saaran yahay fanka ma ahan arrin doorasheed ee waa arrin lagamakacaan ah. Suuroggal ma ahan shaqo faneed ama curineed in uu ku abqaalmo degaan aanan garanayn keli ah silsiladaha, xabsiyada iyo katiinadaha. Si gaar ah, wewerka siyaasaded ee bulsho wal oo ku dhacday addoonnimada faashiyadda siyaasadeed, waa labeenta faneed sidoo kale.
"Xorriyaddu waa seeska keliya ee innooga hadhay saxmadda cadaadisyada maalinlaha ah."
Immanuel kant
"Xorriyaddu waa seeska keliya ee innooga hadhay saxmadda cadaadisyada maalinlaha ah."
Immanuel kant
Howlgalka curineed hubanti waxay qaadanaysa qaddar weyn oo xorriyadda ra'yig, fekerka, iyo cabbiritaanka ah. Xorriyaddu waa baahi lagamamaarmaan iyo dabiici ku ah nafsadda aadanaha. Xataa haddii aan gaadhno, aadanuhu wuxuu karaa in uu qurxitso wixii qurux leh, wixii foolxunna uu foolxumaysto; dullinimadana naftiisa iyo qayrkiisba umma oggola.
Comments
Post a Comment