 |
Binyavanga Wainaina |
Hordhaca Turjubaanka
Binyavanga Wainaina (1971-2019) wuxuu ahaa qoraa, saxafi iyo u ololeeye xuquuqda Bulshada Miimka oo ku isirran dalka Kenya. Wuxuu ku guulaystay abaalmarinta Cain ee qoraalka Afrika doorkii 2002 sheeko ku cinwaanaysnayd: “Daahfuriddii Guriga/Discovering Home”. Wuxuu faafiyay 2011 sheeko taariikh nololeeddiisa ku saabsan oo iyana ladhkeedu ahaa “Maalin uun Baan Halkan Wax Ka Qori Doonaa/One Day I Will Write About This Place”. Wuxuu tifaftire ka ahaa wargeyska Kawani? (Oo xarafraaciisu; haddaba waa maxay?), waana wargeys Afrikaan suugaaneed ah oo lagu tilmaamo in uu yahay shaki'li iyo hadalla'aan 100 ka wargeys ee ugu saamaynta badan ee ka soo baxa Koonfurta Saxaraha Weyn ee Afrika (Sub-Saharan Africa).
Curiskan oo aad u magac baxay, kana mid ah shaqooyinka ugu caansan uguna muhiimsan ee uu qabtay; wuxuu Mr Wainaina ku jeesjeesayaa oo liidayaa qoraallada waageenigu (ama ninka cad) uu ka qoro "Afrika", sidiiyoo ay tahay hal waddan oo saxare aad u yar ah, astaamo isku wada mid ahna leh dabeetana ay kuu suurtagalayso in aad isku wada qaado. Wuxuu aad ugu tiiqtiiqsanayaa sawirka reer Galbeedku ka bixiyaan bulshada Afrika, iyo in ay yihiin ummad ku nool mucaawinooyinka ama caawimaadaha Galbeedka ku nool oo aan lahayn haba yaraatee kartidii iyo awooddii waxsoosaar ee majaal kasta.
Qoraagu wuxuu u dhintay dhiig madaxa kaga furmay 2019.
Wainaina wuxuu curiskan aan Soomaaliyeeyay ku baahiyay degelka Garanta 2005
Had iyo gooraale cinwaankaaga ka dhigo erayga “Afrika” ama “Mugdi” ama “Socdaal”. Cinwaanhoosaadyadana waxaad ka dhigan kartaa; ‘Sansibaar’, ‘Suulu’ ‘Masaay’, ‘Sanbeesi’, ‘Koongo’, ‘Niiil’, ‘Weyn’, ‘Cir’, ‘Hadh’, ‘Durbaan’, ‘Cadceed’ ama ‘tagto’. Waxa kale oo kuu bannaan erayada kale ee muhimka ah; sida ‘Falaago duur galeen ah’, ‘Aan Wakhti Lahayn’, ‘Qadiimi’ ama ‘Qabiilo’. Sidoo kale waa in aad ku baraarugsanaataa erayga ‘Dad’ in loo la jeedo Afrikaanka aan madowga ahayn, laakiin ‘Dadka’ loo la jeedo Afrikaanka madow.
Waligaa ha ku xardhin jaldiga buuggaaga ama gudihiisa sawir Afrikaan oo waqtiga la noolyahay la haysta, haddii aanu Afrikaankaasi ku guulaysan abaalmarinta Noobasha. Taa beddelkeeda, adeegso sawirada; AK-47 ama feedho qayaxan ama naaso qaawan. Haddii aad se ku jujuubnaatid in aad nin Afrikaan ah ku darsatid qoraalladaada, hubi in aad soo qaadatid mid lebbiska dhaqanka ee Suulu ama Masayda ama Dogoon wata.
Qoraalkaaga, Afrika u la dhaqan sidii oo ay tahay hal dal. Waana mid kulul oo habaasaysan, oo leh dhuldaaqsimeed teelteel ah iyo xoolo badan oo raxan raxan u yaacaya, iyo dad dhaadheer oo caato ah oo gaajo la luudaya. Ama waa mid kulul oo uumi ka baxayo, oo ay ku sugan yihiin dad cilinno ah oo cuna naaslayda. Ha isku wareerin inaad keento qeexid sugan. Waayo, Afrika waa ay wayn tahay: waa 54 waddan, 900 Milyan oo qof oo kaga shuqlan gaajo, geeri, dagaal, iyo qax in ay akhriyaan buuggaaga. Qaaraddan waxa buux dhaafiyay saxare, kaymo, Haylaanno, Safaana, iyo waxyaalo kale oo badan. Balse akhristahaagu waxaas oo dhan ma danaynayo, sidaas darteed, tilmaamahaaga ka dhig mid roomaantigaysan, kicin leh, oo aan sugnayn.
Hubi in aad muujiso miyuusigga iyo jaan dhacu sida qotadadheer ee ay ugu ladhan yihiin ruuxda Afrikaanka, iyo sida ay u cunaan waxyaabo aanay aadanaha kale cunin. Ha soo hadalqaadin, bariiska, hilibka iyo hadhuudhka; madaxa-daanyeerka ayaa ah doorashada u wanaagsan ee jikada Afrikaanka, taas oo ay weheliso, hillib adhi, mas, dirxi, dirindiirro iyo dhammaan jaadadka kala geddisan ee hilibka duurjoogta. Sidoo kale, muuji kartidaada in aad awoodo cunida cuntadaas bilaa yaxyaxaad, waxaad kale oo sifaysaa sida aad ku baratay in aad ku raaxaysatid arrinkaas—maxaa yeelay waad danaynaysaa Afrika.
Mawduucyadda reebban, sida: dhacdooyinka guryaha ee caadiga ah, iyo jacaylka ka dhexeeya Afrikaanka (haddii aanu dhiman labada daraf midkood), iyo tilmaamidda qoraayada ama indheergaratada Afrikaanka ah, iyo xusidda caruurta haddii aanay ahayn kuwo qaba jirro jidheedka Yaws, xummadda Ebola iyo hablaha la guday gudniinka fircooniga ah.
Dhammaan xaashiyaha buugga, akhristaha cod xanshaashaq ah kula faq oo halagaa dareemo murugada iyo u qaadan waaga ku helay. Galin horeba cadee in libaraalnimadaadu biyo kama dhibcaan tahay, meelaha horeba ku xus sidaad Afrika u jeceshahay, siduu jacaylkaasi ku bilaambay iyo sidaanad Afrika la’aanteed u noolaan karin. Afrika waa qaaradda keli ah ee aad sheegan karto in aad jeceshay—ha moogaan inaad sheegato. Haddii aad nin tahay, jubaax kaymaheed dhawrsoon ee dugsoon. Haddii aad gabadh tahayna, Afrika u la dhaqan sidii oo ay tahay nin dhar dhuur ka samaysan gashan, oo ku libdhaya qorax dhaca. Afrika waa in loo diirnaxo, waa in la caabudo ama la maamulo. Xagashaad doonto ka abbaar, balse, waa in aad cadaysaa adiga iyo dadaalkaaga la’aantood iyo waliba buuggaaga muhiimka ah, in Afrika ay halaagsami lahayd.
Shakhsiyaadkaaga Afrikaanka ah waxa ku jiri kara, dagaalyahanno qaawan, iyo shaqaalle daacad ah, faaliyayaal iyo indheergarato dhaqan, odayaal xigmad badan oo ku nool nolol bulshada ka go’doonsan oo heersare ah. Ama siyaasiyiin musuqmaasuqlayaal ah, iyo socoto hagayaasha kartida daran ee xaasaska badan, iyo dhillooyinkii aad la seexatay. Shaqaalaha daacadda ahi had iyo jeerna waxa uu u dhaqmaa sidii ilmo toddoba jir ah oo u baahan gacan addag; waxa uu ka baqaa masaska, carruurtana waa uu u wanaagsan yahay, badankana wuxuu kula wadaagaa daraamada qoyskiisa ka dhacda. Duqaytida Xigmadda lehi, mar walba waxay kasoo jeedaan beelaha sharafta leh (kama soo jeedi karaan qabiillada lmooryaanta ah ee dhaca badan sida Gikuyu, Igbo, ama Shona), had iyo jeeraalena waxa uu leeyahay indho qoyan oo isu dhaw.
Afrikaanka Casriga ahi waa nin buuran oo tuug ah oo ka shaqeeya xafiiska lagu bixiyo waraaqda dal-ku-galka, kaas oo u diidan warqadaha shaqada muwaadiniinta reer Galbeedka ee mutaystay, kuwaas oo waliba dhab ahaan daneeya Afrika. Isagu waa cadowga horumarka, waxa uuna u adeegsanayaa shaqadiisa xukuumadeed in uu ku adkeeyo reer Galbeed qalbiga wanaagsan, Afrikana jecel ee degan inay aasaasaan hay’ado samafal iyo seerayaal sharci ah. Ama waa aqoonyahan Oxford wax ku soo bartay oo isu rogaya siyaasi dilaa ah oo ma naxaan ah, mar walbana ku taagan suudhadh qaali ah oo uu Yurub kasoo gatay. Waa dadqal jecel shaambaynka xoorka badan ee Cristal, hooyadiina waa faaliso sixiroolay ah oo hanti badan leh, waana awoodda dhabta ah ee dalka maamusha.
Waxaa waajib ah in ay ka mid yihiin shakhsiyaadkaaga, Afrikaan gaajoonaysa, taas oo dhex wareegaysa kaamka qaxoontiga iyadoo ku si wacan u asturnayn oo qaawan, oo sugaysa sadaqooyinka Galbeedka. Carruurteeda sunniyahooda ay dul hoganayaan duqsi, caruur calool kuusan, naasaheeduna ay soo dhaceen oo ay gudheen. Waa inay noqotaa mid quus taagan oo taageero lala soo gaadho maayoo aan naf ku nooleyn. Mid aan tagto iyo sooyaal toonna lahayn; waxaasi tiraabta ayay qaloocinayaan oo daraamada ayay burinayaan. Taahu waa wax wanaagsan. Waxa waajib ah in aanay nafteeda waxba ka odhan, waa in ay sifayso uun xaaladda ba’an ee ay ku sugan tahay, waa xaalad aan la helayn ereyo lagu cabiro.
Sidoo kale waa in aad kusoo darto naag kalgacayl hooyanimo iyo naxariis leh oo qosol dheer, taas oo u cabsata badqabkaaga oo ku daryeesha. Keliya ugu yeedh hooyo. Dhammaan carruurteeduna waa kuwo qalqaali ah. Shakhsiyaadkani waa in ay ku hareeraysnaadaan geesiga sheekadaada, ayna ka dhigaan in uu u muuqdo mid wanaagsan. Geesigaagu waa in uu waxbaraa, u qubeeyaa, quudiyaa, had iyo jeer waxa uu xanbaarsan yahay carruur fara badan, geeriduna marar badan ayay sigtay. Geesigaagu waa adiga (haddii buuggaagu yahay warbixin saxaafaddeed) ama shakhsiyad qurux badan oo kadeed badan soo martay, caan ah ama aristokrat ah oo immikana daneeya xayawaanka (haddii ay curin mala’awaal ah tahay).
Shakhsiyaad reer Galbeed ah oo xunxun waa lagu soo dari karaa, waxa ka mid noqon karaya carruurta golaha wasiirrada ee xisbiga muxaafidka ah ee Tory-ga iyo Afrikaanarada [1], iyo shaqaalaha bangiga caalamiga ah. Kolka aad ka hadlayso ku shaqaysiga iyo ku dul noolaanshaha ay ku hayaan qaarada dadka qalaadi, waa inaad xustaa ganacstada Shiinaha iyo Hindiyaanka ah. Xaaladda ay Afrika ku sugan tahay aawadeed, canaanta dusha ka saar Galbeedka. Hasayeeshee ha noqon mid aad u cayiman.
Maqnaanshaha tafaasiishu faa’iido ayaa kuugu jirta. Ka fogow in shaqsiyaadka Afrikaanku ay qoslaan ama ay la halgamaan si ay carruurtooda wax u baraan, ama xataa ay noolaadaan duruufo caadi ah. Waa inay muujiyaan oo u taagnaadaan wax kasta oo ka maqan Yurub iyo Ameerika. Waxaa mudan in shakhsiyaadka Afrikaanka ahi noqdaan kuwo aan iyagoo kale meel lagu arkay ayna jirrin, kuwo yaab leh oo nolosha caadiga ah ba ka gudo balaadhan – balse haddana madhan marka gudahooda la daalacdo, kuwo aan hawraar ay isweydaarsadaan jirrin, kuwo aan lahayn wax kastoo tiraabta dhaqaajiya oo sheeko xiiso u yeela; khilaaf aan ka dhex aloosnay, heshiis iyo xalna haba sheegin, kuwo aan qotonaan lahayn, kuwo aan summad gooni ah oo lagu sii daneeyo lahayn.
Si kala dhigdhigan u sifee naasaha qaawan ee (gashaantida, cajuusadda, asaldoonta, dhowaankufsadka, naasaha waaweyn ama kuwa yar yar) ama xubnaha taranka ee la guday, ama kuwa habab dhaqan kor loogu qaaday. Ama nooc kasta oo xubno taran ah. Sidoo kale faalee maydadka. Ama ka wanaagsanbee, maydadka qaaqaawan. Weliba si gaar ah, maydadka qaawan ee urta qadhmuun ka soo kankamayso. Waxaad xasuusnaataa hawl walba oo aad gudbiso, taas oo dadka ku jiraa u muuqdaan kuwo ku sugan xaalad liidata oo dayro ah, waa markastoo loo aqoonsan doono “Afrikada Xaqiiqada ah”, waana mid aad u baahan tahay aqoonsigaasu. Arrintani yaanay ku walaac galin: Waayo, waxaad isku deyeysaa in aad ka taageerto in ay mucaawinooyin ka helaan Galbeedka. Waxyaabaha mamnuuca ah ee aad ka dheeraanayso marka aad Afrika wax ka qorayso waa in aad soo bandhigto geerida ama kadeedka uu mudanayo qofka cadi.
Dhanka kale waxaa waajib ah in aad xoolaha u la dhaqanto sidii shaqsiyqaad caadi ah oo wax u kala soocan yihiin oo gudo balaadhan. Kuwo hadlaya(ama waa ay ciyayaan oo madaxa kor u qaadayaan markay u baroordiiqayaan maydkooda) sidoo kalana waxay leeyihiin magacyo iyo hiigsiyo iyo rabitaanno. Waxa kaloo ay leeyihiin qaayasoorro qoyseed: Bal fiiri sida libaaxu caga-baruurkiisa wax u barayo! Maroodiyaduna waa kuwo dabci wanaagsan, waa qalanjooyin kalgacal badan iyo arbe raganimo badan. goorrillayaasha sidoo kale waa rageedii. Weligaa waxaad ka fogaataa in aad ka sheegtid hadal taban maroodiga ama goorrilaha. Waxa laga yaabaa in maroodiyadu weeraraan guryaha dadka midhahoodana ay burburinayaan, waxaaba dhici karta in ay dilaan. Waxaad se adiga la jirtaa mar kasta dhanka maroodiga. Bisadaha waaweyn waxay ku hadlayaan lahjada ardayda iskuullada dawliga ah. Dhurwaaga wey banaana tahay in lagu dhug barto, waxayna ku hadlayaan lahjad u dhaw tan dadka bariga-dhexe dega. Afrikaan walba oo gaaban kuwaas oo ku nool kaymaha ama saxarha waxaa loo sawiri karaa inay maad badan yihiin (haddii aanay ahayn kuwo loollan kula jira maroodi ama shimbaansiiga ama goriillaha, maxaa yeelay shar barax la’ ayay isu badaleen).
Ka dib, u dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqaha ee caanka ah iyo hawlwadeena gargaarka, cida soo raacda ee ka mid ah dadka Afrika ugu muhiimsani waa deegaan dhawrayaasha. Ha u gafin. Waad u baahantahay in ay kugu marti qaadaan beertooda taas oo bedkeedu gaadhayo 30,000 oo higtar ama “seerahayaashooda ugaadha loo ooday”, waa jidka keliya ee aad ku kasban karto waraysi ay kula yeeshaan. Badanaa buugga jaldigiisu xanbaarsan yahay degaan dhawre muuqaal geesinimo lehi waa mid aad u iibsama. Cid kastoo cad oo leh dub qoraxdu meged u yeeshay, ku lebbisan dhar kaaki ah, oo mar rabaysan jiray deero ama lahaa beer waa deegaan dhawre, waana mid ka mid ilaalinaya dhaxalka hodanka ah ee Afrika. Kolka aad waraysanaysid isaga/iyada, ha wayddiin xadiga taageero ee dhaqaale ee ay haystaan; ha wayddiin xoolaha ay ka kasbadaan ugaadhsigooda; haysku dayin inaad waydiiso inta ay siiyaan shaqaalahooda.
Akhristayaashu xamaasadda ayay luminayaan haddii aanad sheegin iftiinka Afrika. Iyo qorraxdhaca, waxaa lagamamaarmaan ah in aad xustid qorraxdhaca Afrika. Had iyo gooraale waa mid weyn oo cas. Samaduna waa mid baaxad weyn. Bedadka ballaadhan ee madhan waa kuwo aad muhiim u ah—Afrika waa Dhulka Bededka Madhan ee Ballaadhan. Kolka aad wax ka qoraysid masiibooyinka nolosha dhirta iyo xoolaha, waxaad hubisaa in aad sheegtay in Afriki ay tahay mid dad baahani buux dhaafiyeen. Kolka geesiga buuggaagu uu ku nool yahay saxaraha ama kaynta lana nool yahay shucuubta asalka ah, (shucuubtan waxa noqon kara cid wal oo gaaban oo madow) waa caadi in aad xustid in Afrika ay tahay mid dadkeeda uu xaalufiyay Aydhiska iyo Dagaalku (adeegso far waaweyn).
Waxaad kale oo u baahan tahay kilaab lagu magaacbo Taroobikaana, halkaas oo ay isugu yimaadaan ciidmada calooshood-u-shaqaystayaasha ah, Afrikaanka ladan ee shar wadeenka ah, dhillooyinka, fallaagada iyo soogalootiga dunida dacaladeeda ka kala yimid.
Waa inaad mar walba buugaaga kusoo afmeertaa odhaah Nelson Mandela uu kaga hadlayo qaansoroobaadda ama baraaruga Afrika. Maxaa yeelay waad danaysaa.
_________________________________
[1] Afriikaannadu/Afriikaanku waa koox isireed Yurubiyaan qaxoonti ah oo badankood ka isirran yihiib Dutch, waxayna ku hadlaan afka Afriikaaniyada waana af laga soo jidbixiyay afka Dutch-ka ee caammiga ah.
Comments
Post a Comment