Baatriis Lumuumba iyo Xoraynta Koongo
Qoraalkan waxa baahisay degelka Socialist Worker, aniguna waan Soomaliyeeyay
Silcanayaashu ma xoroobayaan illaa iyo ay sooyaalkooda dib-u-dhugtaan.
Patrice Emery Lumumba, wuxuu aahaa raysalwasaarihii u horreeyay ee mustacmaraddii Biljamka ee hore ee Koongo, waa mid ka mid ah qofafka ugu magaca dheer ee galay halgankii Afrikaannimo ee gumaysiddiidka. Halyeynimada Lumumba waxay si cad u muuqatay maalintii madaxbannaanida ee 30 June 1960. Maalinkaas wuxuu ka horyimid soojeedintii boqorkii Biljamka ee Baudouin ee ahayd in la maamuuso “Howshii Ilbixinta” ee boqorkii Leopold uu Koongo ka waday.
Intii u dhexeysay 1885 iyo 1908, xukunkii Leopold wuxuu goobjooge u ahaa qudhgoynta sagaal milyan oo Kongooliyaan ah. Kumannaan gacmood ayay jareen ciidankiisuna maxaa yeelay, waxay ku guudarraysteen in ay soo gudbiyan xayntii caagagga ee gumaystuhu doonayay. Taliskaasi wuxuu ahaa mid shirkado kala duwan laga soo taageero, sida UMHK oo ah isbahaysiyo ka kooban bangiyo iyo shirkado macdanaynta Biljam iyo Biritish ah. Sidoo kale wuxuu ahaa talis laga dhiirriyo kaniisado Katoolig ah, taas oo Leopold uu doonay u fududaynta gumaysiga iyo “ka fogaynta Kongooliyaanka wuxuushta ah hantidooda baaxadda weyn ee dhulka ku duugan, si aanay hal maalin ugu riyoon in ay talada ay kaa tuuraan.”
Hasayeeshee isagoo ka jawaabcelinaya ammaanitaanka Baudouin uu ammaanay Leopold, madaxweynaha Kongooliyaanka ah ee cusub si yaxyaxaad leh ayuu ugu mahadceliyay.
Hadaljeedin gole-ka-fuul ah se, Lumumba wuxuu ka xanaaqay sheekotebinta Biljameedka ah, isagoo leh madaxbannaanidu waa midhiihii halganka qoomiyeed ee geesinnimeed ee addoonnimada lagaga soo horjeestay. Lumumba wuxuu caalamka kala kulmay milgayn heersare ah, Malcolom X wuxuu u bixiyay “Afrikaanka ugu weyn ee nool”. Maalintaas dabadeed Lumumba wuxuu ka gudbay khadka cas ee Imbiriyaaliyiinta. Dhacdooyin degdeg ah oo taxane ah, reer galbeedku waxay shirqooleen labeenta Kongooliyanka si ay u casilaan una khaarijiyaan.
Lumumba wuxuu dhashay sannadkii 1925 wuxuuna ka dhashay qoys beeraley ah ee gobolka Kasai. Hasayeeshee siyaasaddiisu waxay qaabaysantay kolkii uu u soo gudbay dabaqadda dhexe, dabaqadda ifoliyaanka oo ka koobnayd shaqaalayaal, kalkaalisooyin iyo macallimiin. Dabaqadda ifooliyanku waxay u dhaqmi jireen habdhaqanmaalmeedda Yurubiyaanka, waxayna quudhsan jireen shacabka “aan ilbaxsanayn”. Sannadkii 1955, Lumumba wuxuu gaadhay darajada sare ee bulshada Ifooliyanka kolkii uu isagu wax is baray ka dibna uu isku tababbaray shaqaale boosteejo. Caruurtiisu waxay ku biireen iskuulkada caddaanka, wuxuuna guddoomiye ka ahaa ururrada horumarka ee Stanleyville, ka dibna, caasimadda Leopoldville.
Lumumba wuxuu ayiday indheergaratadii fufka Yurubiyaanka ee mintidka ahaa, waxayna ansixiyeen isaga iyo kuwo kale baaqii barafisoorkii Biljamka ahaa ee Anton Van Bilsen sannadkii 1956 si madaxbannaani loo helo 30 sannadood ka dib.
Kontomeeyadii ifooliyanku waxay abaabuleen xisbiyo qoomi ah illaa xad weynna ah kuwo isir iyo goboleed. Is-gashaanbuuraysiga Shacbiga ee Koongo (akado), ee uu hoggaaminayay Kasavubu, wuxuu u ololeeyay qoomiyadnimada isirka ah ee Bakongo iyo madaxbannaanida afka ah. Katankgana waxa ka jiray Isbahaysiga Midowga ee gobolaysiga iyo Shuuciyaddiidka ee Katanga (Conakata), waxana hoggaaminayay Moise Tshombi. Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ee Koongo (MNC) isagana waxa hoggaaminayay Lumumba waxayna ku baaqeen dowlad midaysan oo madaxbannaan “Muddo xilliyeed maaangal ah gudahood.”
Ka dib xabsi ka siidayntiisii sannadkii 1957 kolkii lagu tuhmay lunsi xilli uu shaqada ku gudo jiray, wuxuu ka soo baxay Lumumba isagoo ku raadoobay mufekerkii Gaaniga ahaa ee Kawami Nakruuma. Dabaqadda ifooliyanku waxay yoolbeegsatay in ay dhisto dowlad cusub oo ay la shaqaystaan reer Galbeedka sidiiyoo ay yihiin shirkado yaryar oo ah dowlad ganacsiyeedda labaad ee ugu weyn Afrika. Koongo waxay hooggaamiyaysay waxsoosaar caalamiyeed ka soo saara dhaymanta, maar, dahabka, cobalt, coltan, iyo yuuraaniyomta loo adeegsado qunbuladaha atoomigga ah ee Maraykanka.
Hasayeeshee waxaa jiray il xooggan oo awood iskacaabbineed ah. Warshadaynta Koongi waxay keentay in ay korukacdo dabaqadda xoogsata, taas oo kor-u-soo-qaadday nus malyuun shaqaale ah dhammaadkii 1950meeyadii. In badan oo ka mid ahina waxay ku burqadeen safafka xisbiyada qoomiga ah. Hilinka halgameed ee ay qaadeen iyo doonitaannadooda mintid ka ah e—masalan madaxbannaanidii islamarkaba ahayd—waxay ku sababsatay khalkhal dabaqadda ifooliyaanka ah. Hayeeshee taasi waxay sababtay ku xididaysiga qayb yar oo ka mid ah, oo Lumumba ka mid yahay.
Ifoliyaanku waxay dooneen dhaqdhaqaaq qoomiyadeed oo u suuraggeliya in uu u furo dhabbada dal ka madhan addoonsiga Imbiriyaaliayadda. Hasaahaatee waxay ka baqanayeen sidoo kale isasootaridda halgannada shaqaalaha ah in ay u caynwareegto kacdoon hantiwadaag.
Ka dib kacdoonkii Ruushka ee gu’gii 1905, hantiwadaagaha kurayga ah ee Leon Trotsky wuxuu dhidbay aragti nuxurkeedu ahaa sababtaas aawadeed cabsida iyo ishoosdhigidda imbiriyaaliyadda, hantigoosatadu iyo labeenta ee dowladaha soo koraya ee danbe may u suuraggelin in ay ku hoggaamiyaan in ay si howlgal leh uga shaqeeyaan halgannada loo galayo dimuqraadiyadda iyo madaxbannaanida waddaniyeed iyo horumarka sida ka dhacday Yurub iyo Maraykanka.
Marxaladaha diiqadda ah labeentaasi waxay la gorgortameen nidaamkii qadiiimka ahaa, iyagoo ka cabsanaya kacoodnka. Keli ah shaqaalaha iyoberalayda isgashaanbuuraysta waa kuwa awoodda u leh hoggaaminta halganka. Hasayeeshe doonitaannada shaqaalaha waxaa waajib ah in ay u tallawdo kacdoonka hantiwadaaggaa ah. Wuxuuna [Trotsky] ugu yeedhay “aragtida kacdoonka joogtada ah”.
Ka dib dhacdooyinkii 1959 ka dhacay Koongo waxay dhayda ka caddaysay sax ahaanshaha aragtida Trotsky. Bartii isbeddelku waxay ahayd Jeneewari 4. 1959, kolkii 35 kun oo shaqaale iyo shaqaalawayaal ah oo Yurubiyaandiid ahi ay ku gedoodeen caasimadda Leopoldvile.
Dhaqdhaqaaqaasi waxay iska horyimaaddeen “xoogagga shacabka” ee uu hoggaaminayay kornaylkii Biljamka ahaa ee Jenssens, waxana lagu gumaaday in ka badan 500 oo qof. “Maalinta Shuhadadu” waxay ahayd xasuuq. Hasayeeshee waxay ahayd astaan ay ku galayso dabaqadda xoogsata awoodda go’aan qaadasho ee halgannada gumaysiddiidnimo iyo u bedeliddooda dhan kacdooneed. Illaa iyo maalinkaasna, waxa ku faafay gedoodyada iyo mudaharaadyada dhammaan nawaaxiga-qaranka.
Fallaagada
Si ay uga hortagaan hortagaya hirka fallaagennimada ee korukacaya, Biljamiyiinta argagaxsani waxay shaaciyeen in taariikhda madaxbannaanida lagu astayn doono June. 30, 1960. Xisbiga Lumumba hoggaaminayo ee Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Koongo ayaa ku guulaystay kuraastii ugu badnayd ee doorashadii madaxbannaanida ka hor, isaga oo aan haddana helin aqlabiyad. Tani waxay keentay in la dhiso dawlad wadaag ah oo Kasavubu uu ka yahay Madaxweyne, Lumumbana Ra’iisal Wasaare.
Khamaarka Biljamiyiintu wuxuu ahaa in ay sameeyaan madaxbannaani dhalanteed ah oo labeenta madow ay gumaysicusub ka dhaliso—kooxdaasina ay u ilaaliyaan maslaxaddooda. Balse ifoooliyaanku waxay ahaayeen kuwo taag daran, kala qaybsan oo bilaa khibrad ah. Waxayna waajaheen dabaqad xoogsata oo halgamaysan. Loollankiina wuxuu qarxay kolkii lagu gudojiray maalmihii madaxbannaanida.
Jamaahiirtu waxay filatay in wax weyn noloshooda ay iska beddeli doonto. Hasayeeshee Julay, 05, jeneraal Janssen wuxuu wargeliyay ciidankiisii oo ku dhowaa Leopoldville in aanay jirin wax isbeddel ah oo dhab ah. Wuxuuna ku qoray sabuurad hortaallay: “madaxbannaanida ka hor = madaxbannanida ka dib”. Taas oo shidaalisay fallaagennimo hor leh oo dalka oo idil ku faaftay sidoo kalana dhalisay kacdoon shacbiyeed soo weeraray caddaankii iyo shirkadihii iyo wadaadaddii kaniisadaha, Janssesna wuxuu dalbay in lagu daabulo xoogagga Biljimka.
Lumumba wuxuu soo hormariyay in uu sameeyo tanaasullo si uu u dejiyo jamaahiirta, wuxuu casilay Janssens iyo dardargalinta ciidanka madow, sidoo kalana wuxuu ku beddelay ciidankii caddaanka. Dhanka kalana Biljamiyiintii waxay ballaysimeen in ay shirqoolaan xulafadooda maxalliyiinta ah si loo burburiyo Lumumba. Waxay bilaabeen bilowgiiba in ay dalka kala qayb-qaybiyaan. Tshombi wuxuu ka faa’iidaystay [hoggaamiyihii Konfedarliyadda Midowyada Katanga] isagoo dhiirrigalin ka helaya Biljamka iyo shirkadda UMHK ee gobolka Katanga.
Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Dag Hammarskjold kaas oo aaminsanaa Lumumba in uu dhiirrigalinayo soo afjaridda gumaysiga wuxuu diiday in uu soo farageliyo. Taabeddelkeeda xoogagga Qarammada Midoobay waxay bilaabeen in ay ilaaliyaan nidaamka Katanga ee ceejiyaha ah. Lumumba wuxuu raadgoobay xulafo cusub wuxuu u jiheystay Ruushka, taasina waxay ka dhignayd in imbiriliyaaliyiinta Galbeedku ay labanlaabi doonaan dedaalladooda lagaga takhallusayo.
Xilliyada qaar, Lumumba wuxuu dhiirriyay in mudahaaradyada, iskusoobaxa, iyo kacdoonka shacbiyeed. Marar kalana wuxuu doorbiday in uu raaco hannaan feejiganaan ku dhisan kariismada shakhsiyeed iyo racfaan u qaadashada dowladaha Afrika, Qarammada Midoobay, iyo Maraykanka, iyo Ruushka kolkii danbe.
Isasookorodh ka dhan ah, jamaahiirtii waxay cabsi geliyeen Biljamkii oo ay ka dhigaan daawadayaal howgallada baarka sare ah ee socda, waxana u suurtagalaysay in ay dib-u-qaabeeyaan Koongo. Madaxweyne Kasavubu ayaa xilka ka xayuubiyay Lumumba 5tii Sibteenbar. Afgenbi Maraykanku taageeray, oo uu hogaaminayey janaraal Joseph Mobutu, ayaa wax yar ka dib dhacay. Lumumba ayaa xabsiga ka baxsaday bishii Diseenber, balse xoogagga Mobutu ayaa ku guulaystay in ay qabtaan iyaga oo gacan ka helaya Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.
Lumumba qiso aan dhammaan
Lumumba waxaa loo gudbiyay Katanga halkaas oo ciidanka Tshombi amar Biljamka iyo Maraykanka ka yimi ay ku khaarijiyeen isaga iyo laba jaallayaashiisa ka mid ah Jenewari, 17. 1961. Jidhkiisiina qurub qurub baa loo jarjaray waxana lagu shubay aashito, hadhaadi ka mid ah ilkihiisana waxaa looga tegay xusuus reeb.
Dilka Lumumba wuxuu ka dhaliyay Yuguslaafiya, Landhan iyo Niyuu York cadho iyo gedooddo. Waxa ku xigay qalalaasaha Kongo, halkaas oo uu ka shidmay dagaal qabow iyo dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen boqol kun oo qof. Fallaagennimada Simba, taas oo ay bilaabeen 1964tii ciidamadii taageerada u ahaa Lumumba iyagoo kaashanaya beeraleyda, waxay ku dhawaaqeen asaaska Jamhuuriyadda Shacbiga ee Koongo ee Shuuciga ah. Waxaa taageeray qayb ka mid ah dalalka Afrika iyo Kuubba, oo muddo kooban u soo diray Che Guevara si uu u caawiyo. Laakin Jamhuuriyaddii Shacabka waa la burburiyay dabadeed markii ay soo farageliyeen Maraykanka, Bilijamka iyo Qaramada Midoobay.
Mobuto wuuxuu suldada ku qabsaday afgenbi kale oo laga soo karkariyay Maraykanka gu’gii 1965. Iyo taageero Galbeedka ah, wuxuu saldhigay mid ka mid ah talisyada digtaytarka ah kuwa ugu musuqmaasuqa iyo bahalnimada badan ee sooyaalka Afrika, oo teedsan illaa iyo gu’gii 1997.
Sheekada Lumumba weli xidhiidh ayay inna la leedahay iyo sida uu qoray taariikhyahanka Biljamka ah ee mintidka ah Ludo De Witte, “daraamadani way ka mug weyn tahay sheeko sooyaal oo tagtay oo hoyatay”. Waa tusaale la anfariir leh waxa ay ka samayn karto dabaqadaha taliya ee Galbeedku kolka ay masaalixdeedo kamakacdada ah ay ka la kulanto handadaad. Intaas ka dib khaarajintu waxay noqonaysaa amar fulintiisa wata.
De Witte wuxuu ku darayaa isagoo leh:”dilka Lumumba, Rosa Luxemburg, Felix Moumie and Malcolm X, iyo sidoo kale xasuuqyadii Guernica, Buchenwald, Dresden, Hiroshima iyo My Lai. Waa tibaaxyo tilmaanbixinaysa nidaam ragga u beddelaya bahallo.”
Lumumba muu ahayn mid dhidibbo adag ku taagan, iskacaabbintiisii gumaysiddiid may guulaysan ugu danbayntii. Balse baaqyadiisii miiggaganaanta ahaa maanta si dhammaystiran bay wax u tarayaan sidii maalinkii laga dhawaaqay oo kale: “Waxa iman doonta maalin ay ay taariikhdu ka sheekayn doonto, hasayeeshee ma aha taariikhda lagu dhigto Brussles, Baariis, Waashinton, ama Gobollada Midoobay. Waxay noqon doontaa taariikhda lagu derso dalalkeenna kuwaas oo ka helay xorriyadda gumaystaha iyo boonbaladiisa. Afrika way qoron doontaa taariikhdeeda waxayna noqon doontaa sheeko ku xardhan milgo iyo maamuus.”Lumumba iyo Xoraynta Koongo
Comments
Post a Comment