Faallaynta Buugga Decolonising the Mind
Buuggan aynu faallaynayno waxa qoray Ngũgĩ wa Thiong'o (1938-2025) oo lagu tibaaxo in uu ka mid yahay suugaanyahannada culus ee ay Afrika hindistay. Waxqabadkiisu waxa ay ahaayeen kuwo daarran sheeko-faneedda iyo aqoonta guud. Waxa uu ka mid yahay qoraayada ugu culus ee uguna magaca dheer wixii ka danbeeyay madaxbannaanidii Afrika iyo sida oo kale mid ka mid ah aragti-curiyayaasha deraasaadka gumaystaha ka dib. Waxa la isku raacsan yahay in uu ahaa qoraa gaamuray oo qalinkiisa cuddoon keliya aan ugu adeegin dadkiisa balse ku naqdiyay oo hilfaha ugu laabay gumaystaha iyo tabihii kala duwanaa ee uu bulshooyinka ku haloosin jiray. Dhanka kale, cimlaaq iyo rukun adag oo uu ku taagan yahay adabka Afrikaanka ee casriga ahi buu ahaa. Waxa uu wax ku bartay mustacmaraddii Kiiniya, ka dibna waxa uu ka baxay Jaamacadda Makerere, dabadeedna Ingiriiska ayuu ku idlaystay geeddigiisaa waxbarasho. Intii lagu jiray waayihiisii Jaamacadda ee Leeds buu soo saaray sheekadiisii u horraysay ee qof Afr...