Soomaalida iyo Canfarta Loollanka Isireed Muxuu Weli Uga Taagan Yahay Jabbuuti

 






Qoraalkan waxa qoray Xaamud Fatxi waxana lagu faafifay degelka Raseef22, turjumidduna waa Cabdicasiis Daahir



Halka ay u dabbaaldegeen muwaaddiniin xuska madaxbannaanida 46 aad ee Jamhuuriyadda Jabbuuti, 27 Juuntii inna dhaaftay, qaar kale waxay dabbaaldegga ku eegeen indho-tiiraanyaysan; waxayna uga dhigan tahay bilaabitaanka ka saaridda iyo maquuninta xaqooda. Waa Canfarta.

Jabbuuti waxaa ku nool saddex isir oo waaweyn oo qaabeeyay dabeecadda dalka iyo dhaqankiisa; Soomaalida, Canfarta, Carabta, iyo kooxo kale oo ka mid ah tirayarta. Hasayeeshee waa immisa tirada Canfartu iyo Soomaalidu? Waxaa jira laba warcelinood; ta kowaad in Soomaalidu ay ka yihiin 60%, Canfartuna 35% iyo 5% soo hadhayna waa Faransiis, Carab, Yurubiyaan Afrikaan, iyo kuwo kale oo aan xaddidnayn sida laga soo dheegtay degelka CIA-da.

Jawaabta labaad waxay ku soo noqnoqanaysaa in badan oo ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha Canfarta ah ee Jabbuuti, kuwaas oo u arka tirada Canfarta ahi in ay ka yihiin 70% wadarta guud ee dadka Jabbuuti, amaba qiyaasta ugu yar tiradaasi in ay intaas ahayd maalintii madaxbannaanida.

Kaladduwanaanshahaasi wuxuu soo bandhigayaa mid ka mid ah dhibaatada dowlad-qoomiyeedda ah ee Jabbuuti, jirridihiisuna waxay ku aroorayaan waagii isticmaarka Faransiiska, kaas oo waajahay qaddiyaddaas, dhowr tobanguurro ka dib oo uu maamulayay gobolkan maanta loo yaqaan Jabbuuti, waxayna ahayd kolkii uu bilaabay diiwaangelinta dadka iyo kalaqaybintooda, ujeeddooyin cashuurro iyo codaynta aftiqaadyadii ka dhacay dalka aawadood, iyo sidoo kale deraasaynta dadka iyo bulshada, si loo sameeyo aqoon ballaadhan, iyo si looga xaddido shacbiga dalka dowladaha kale ee deriska dadka ka soogelaya.

Qaybintaasi waxay ahayd welina ay tahay curiyaha asaasiga ah ee qaabeeya wacyiga qofafka, tusaale ahaan, bilowgii hay’adaha sokeeye ee cusub, sida kooxaha ciyaaraha, xisbiyada iyo jamciyadaha siyaasiga ahi waxay ku dhisnaayeen dadka, si gaar ah beesha Ciisaha iyo qoomiyadda Canfarta. Kolkii dalku helay madaxbannaanidiisa 1977, si asaasi ah, wafdigii la gorgortamay Faransiiska wuxuu ka koobnaa Ciisaha iyo Canfarta.

Hayeeshee, 46 sano ka dib hadaljeedintii madaxbannaanida ee Madaxweynihii u horreeyay Xasan Guuleed, weli riyada “Ummadda Jabbuuti iyo Jabbuutiyaanku” ma aha mid dhabawday, welina kala qaybsanaanta Canfarta iyo Ciisuhu waa mid firfircoon, waxaadna dayaankeeda ka dhex helaysaa loollanka dabadheeraaday ee ka dhex socda Ciisaha ku nool Degaanka Soomaalida iyo Canfarta deggan Gobolka Canfareed, oo labadooduna ay yihiin laba gobol oo ka tirsan xuduudda Dowladda Federaalka Itoobbiya.

Jabbuuti waxay ka koobantahay shan gobol oo kala ah: Jabbuuti, Carta, Cali Sabiix, Dikhil iyo Tajuura. Dhammaan qoomiyadaha kala duwan waa laga helayaa caasimadda Jabbuuti, taas oo lagu tiriyo magaalada dad ahaan u weyn. Caasimadda waxaa ku nool 623 kun oo muwaaddin oo ka noqonaysa marka la isku daro 1.13 Milyan ka wadarta guud ah ee tirada dadka, sida warbaxinno ay ku soo saartay Qarammada Midoobay sannadkan 2023. Canfartu waxay degan yihiin goobaha woqooyiga iyo badhtamaha, koonfurtana waxaa dhaca Soomaalida.

Canfartu maxay leeyihiin?



Tabashooyinku kalasoociddu qoomiyadda Canfarta kuma gaar aha, iskaba daa e waxay isaga kala tallaabaysaa beelaha dhammidood oo ay qoomiyadda Soomaalida ee Jabbuuti ka mid tahay taas oo ka cabanaysa ta kale, waxayna u arkaan in qabiilka Mamaasaan ee Ciisaha in uu yahay kan awoodda ku keliyaystay la’aantood, oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha dalka ee kowaad iyo kan labaad.

Cali Ibraahin dhaqdhaqaaha Siyaasadeed ee Canfariga ah ee Yurub ku sugan wuxuu xusayaa in tan iyo 1977 Jabbuuti ay talada hayso hal qoys, waana qabiilka Mamaasan, kaas oo madaxtinnimada dalka kooto ku qabsaday tan iyo madaxbannaanidii. Degelka Raseef22 wuxuu u sheegay in qoyskaas ku abtirsada qabiilka Ciisaha ee Qoomiyadda Soomaalida uu ka shaqeeyay maquunita Canfarta tan iyo kolkii ay la wareegeen suldada ka dib madaxbannaanidii, iyagoo u maraya in ay meesha ka tuuraan shakhsiyaadkii Canfarta ahaa ee suldada shurakada kula ahayd, iyo in ay ku beddelaan Canfar iyaga daacad u ah. Ibraahin wuxuu ku soo ururinayaa mawifka Canfareed ee Jabbuuti in shacabka Canfartu astaamihiisa guduhu iyo debedduba aanay raalli ku ahayn siyaasadda dowladda ee handadaysa jiritaanka bulshada Canfareed. Wuxuuna xukuumadda Jabbuuti ku eedaynayaa in ay raacday hannaanka wax-ka-beddelka dimograafiga dhowr gobol oo dalka dhaca.

Cilmibaadhaha taariikhda Canfareed ee Khaalid Shariif isaguna wuxuu doorkiisa ka eegayaa sooyaalka masalada Canfarta. Wuxuuna u sheegay Raseef 22, in loollanka Ciisaha iyo Canfartu aanu ahayn mid cusub, oo uu dib-ugu-noqonayo qarniyo tegay, waxana jirta cadaawad xididaystay oo sooyaal ah, lehna fogaan diineed.

Cilmibaadha Jabbuutiyaanka ah ee Yurub deggani, wuxuu tibaaxayaa, in kolkii ay soo dhowaatay ka bixiddii Faransiiska ee Jabbuuti in Canfartu ay ka ahaayeen dadka celcelis ahaan 80%, maanta se tobanguurro ka dib oo ay ciisuhu suldada qabsadeen, waxay noqotay tirada Canfartu wax ka yar 35%, waana arrinka laba jid ku dhacay; dhalasho siinta Soomaalida Ciisaha ah ee Itoobbiya iyo Soomaaliya (Madaxwaynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu ku dhashay 1947 degaanka Soomaalida ee Itoobbiya), gaar ahaan kolkii ay duntay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, iyo ku dheeldheelidda dukumintiyada rasmiga ah si dalka loogu dhidibtaago Ciisaha.

Shariif wuxuu isku xidhayaa loollanka Canfareed-Ciiseed ee Jabbuuti iyo dhiggiisa Itoobbiya; halka uu dagaalka dhuleed u dhexeeyo Ciisaha ku sugan degaanka Soomaalida iyo Canfarta ku nool degaanka Canfareed, labadoodubana waa laba gobol oo dowladda federaalka Itobbiya ka tirsan taas oo ka kooban 11 gobol.

Sida oo kale wuxuu cilmibaadhe Shaariif qaadaadhigayaa, khilaafka Canfarta dhexdeeda ka jiray madaxbannaanida ka hor, kaas oo ku khasabtay Canfarta, oo u dhexeeyay Cali Caarif Burhaan Abukar Basha madaxweynihii golaha xukuumadda maxalliga ee gu’gii 1967, iyo siyaasiga Canfareed ee Axmed Diini Axmed, oo ka soo shaqeeyay jagadii xoghayaha guud ee Isbahaysiga Qaranka (Ururka Shacbiga Afrikaanka ee Madaxbannnida). Waxa uu xusayaa in Madaxwaynihii isbahaygsiga siyaasadeed ee ururku oo Xasan Guuleed ahaa, uu noqday Madaxweynihii u horreeyay ee Jamhuuriyadda.

Wuxuu hindisay Cali Caarif Burhaan aragti tibaaxaysa lagamamaarmaannimada joogitaanka isticmaarka, iyadoo laga cabsanayo in Jabbuuti ay hoostagto taliska Dowladda Soomaliyeed ee dhowaan madaxbannanida qaatay iyo Itobbiya, halka uu Axmed Diini uu dalbay madaxbannanida, wuxuuna ka soo shaqeeyay jagadii madaxwaynanimmo ee xukuumadda dhowr maalmood ka dib madaxbannaanidii, muddo aan dhaafsanayan toddoba bilood. Caddaynta ah in aanay Canfartu raalli ku ahayn habsocodka dowladda ka dib madaxbannaanidii, Axmed Diini wuxuu ahaa hoggamiyihi Kacdoonkii Hubaysnaa ee Canfarta ee 1991, inkastoo uu haddana ahaa hggaamiyihii Canfareed ee dhiirriyay doonitaanka madaxbannaanida, iyo dhidib-u-aasidda jamhuuriyad dhaxasha gobolkii Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha (magacaasi wuxuu beddelay booskii magaca Soomaalida Faransiiska). Sheekada canfareed ee aad ka doqonimagaratyda u ah labadii hoggaamiye waxay isku waafaqaeen Axmed Diini iyo Xasan Guuleeed in ay Canfartu jagada madaxtinnimada xukuumadda [Raysal Wasaarannimada] ay qabtaan halka ay Ciisuhu qabanayaan jagada madaxtinnimada dowladda. Si ay golaha wasiirradu u soo yageelaalaan awoodda fulineed.

Kalasoocidda dhaqaale waa mid ka mid ah kala soocidda Canfartu ay hadalhayaan. Sidaas darteed ayuu u xusay cilmibaadhaha iyo dhaqdhaqaaqaha Khaalid Shariif, in nidaamka taliyaa ee Jabbuuti uu horjoogsanayo horumarka goobaha Canfarta oo keliya sida woqooyiga iyo badhtamaha, xataa kuwa ay ku deeqayaan ururro iyo jihooyin duwali ahi.

Doodda Soomaalida



Dhanka kale, cilmibaadhayaal iyo mufekeriin badan oo Soomaali ah oo Jabbuuti ku nool (waxay isku qeexayaan in ay yihiin muwaaddiniin keli ah), oo aanay dalka ka jirin wax kalasoocid isir sees u yahay, waxayna marag ka dhinagayaan in Canfartu ay boosas sarsare hayso, sida madaxtinnimada xukuumadda iyo guddoomiyaha baarlamaanka (Golaha Qaranka), iyo xilal wasaaradeed iyo wixii la halmaala.

Yaasiin Axmed Muuse Warfidiyeenka iyo dhaqdhaqaaha siyaasadeedna wuxuu tibaaxay: “nidaamka Geelle bulsho gaar ah ma beegsanayo, istaraatiijiyaddiisuna sidaas ma aha”. Mucaaridkan Yurub ku nool, wuxuu u sheegay Raseef22, in nidaamka Madaxwayne Geelle uu raacayo siyaasadda qaybi oo xukun, maxaa yeelay haddii uu beegsado qoomiyadda Canfar taliskiisa wax taageero ah u ma helayo, sidaas ayuu yahay xaalka digtaytarku: cid kasta wuu shaqaalaysiiyaa.

Docdiisa, warfidiyeenka qoomiyadda Soomaaliyeed ka socda ee Jabbuuti ku sugan wuuxuu Raseef22 u sheegay, in Soomaalidu ay yihiin badi dadka Jabbuuti ku nool, hasayeeshee Canfartu taariikh ahaan xagga dhulka waxay ku nool yihiin bed aad u weyn. Wuxuu ka maragkacayaa warfidiyeen ka cudurdaartay in magiciisa la sheego waaqaca carabta ee Jabbuuti ku sugan, si uu u caddeeyo in aanay ka jirin dalka kalasooc isireed, isagoo daaha-ka-qaadaya in Carabtu ay ka yihiin dadka Jabbuuti 10% waxayna imanayeen qarniyaal badan oo soo taxan gaar ahaan xilligii Gumaystaha Yaman iyo Cadan si gaar ah, madaxbannaanidii waxay noqdeen muwaaddiniin sida Soomaalida iyo Canfarta, xuquuqdooda oo kalana leh awooddana ka qaybgelaya.
Qaddiyadda Canfarta se, wuxuu u arkaa in qolyo Canfarta ka mid ahi ay ku dheggan yihiin wadaniyadda iyo muwaaddinnimada dadka oo idil, una halgamaya arrintaas, iyo mid la doonaya Jabbuuti dhul Canfareed oo muwaaddin kasta oo Canfari ah, ha ahaado mid ka soo jeeda Ereteeriya ama Itoobbiya. Wuxuu kale oo qoray in Ciisaha ay ka mid yihiin mid u haysta meel kasta oo Jabbuuti dhul Ciiseed, waana ka kale.

Balse tuhunnada loo jeedniayo nidaamka xukumka ee kalasoocidda isir ku dhisan, wuxuu u arkaa in uu saamaynayo dhammaan nidaamka taliya, isagoo deeddifaynaya jiritaanka kalasooc ee ku dhisan isirka ee ciidanka iyo amniga, iyo isagoo caddaynaya in beelaha Ciisuhu ay ku celcelinayaan tuhunnadaas laftigooda beesha xukunta, taas oo ay haystaan qofaf ka mid ah qabiilka madaxwaynaha (Mamaasan), dhammaan jagooyinka waaweyn, ee ay ka mid yihiin, taliyaha ciidanka, taliyaha ciidanka badda, iyo taliyaha ciidanka nabadsugidda qaranka iyo sirdoonka.
Indha-indhayntiisa, wuxuu diiday in ay ka jirito kalasoocid ku dhisan isir ee dhanka tacliinta, shaqaalaysiinta dowladeed iyo siysaasdeedba leh, iyadoo aan la dafirayn in ay si weyn uga jirto “qaraabakiilka iyo eexashadu” helidda shaqooyinka guud.

Isirrada iyo Qaanuunka



Dastuurka Jabbuuti wuxuu reebayaa dhisidda xisbiyo siyaasadeed oo seeskoodu yahay diin iyo isir. Galabtii madaxbannanida Jabbuuti waxay dhistay nidaamka xisbiga keli ah illaa Gu’gii 1994, dabadeed waxay dalka ka saamaxday jiritaanka afar xisbiyo siyaasadeed, intaa ka dibna dabshidkii 2002 waxaa la laalay xaddiditaankii, waxana si bilaa dabar tireed ah loo furay diiwaangelinta xisbiyiyada. Xilligii xisbiga keli ah, (Xisbiga Isurursiga Shacbiyeed ee Horumarka), hoggaamiyayaasha waaweyn ee xisbigu waxay ahaayeen shakhsiyaad Soomaali, Canfar iyo Carab ah.
Hasayeeshee fahanka “muwaadinnimada” waa seeska dastuurka lagu dhisay, oo aan sheegayn saamiqaybsi xileed oo madaxtinnimada iyo raysalwasaarannimada ah in lagu dhiso saldhig isireed. Hasayeeshee muwaddinnimadaasi waxa lagu tiriyaa mid cusub qayb ahaan, xataa ka hor xilligii madaxbannaanida, awoodihii isticmaarka Faransiiska waxay u diiwaangelin jireen dadka kooxkoox ahaan iyagoo ku dhisaya isir iyo qabiil. Kalaqaybinta ku dhisnayd isir waxay ahayd mid goobjoog ah wadahalladii la galay galabtii madaxbannaanida.

Ciisuhu wuxuu diiday isagoo dhayda ka caddaynaya qaybinta boosaska golaha qaranka sidan soo socota; 31 kursi oo dhammaan Ciisaha iyo Canfarta ah, iyo saddex kursi oo carabta ah, iyagoo ku dacwoonaya in tiradoodu ka badan tahay. Intii lagu gudajiray xilligii ka horraysay madaxbannaanida waxa jiray doonitaanno ka imanayay Ciisaha oo ah in aan Carabta loo diiwaangelin muwaaddiniin ahaan, lana tarxiilo, iyadoo cabsidaasi jirtana qaar ka mid ah Carabtii waxay u guryanoqdeen Yaman iyo Masar.

Deraasad cinwaan keedu ahaa “Citizenship and the logic of sovereignty in Djibouti” waxay falanqaysay, qaddiyadda muwaaddinninimada ee dalka gumaystaha ka hor iyo ka dib, waxay xustay in ku dhowaad 10% dadka waddanku aanay sidan jinsiyaddiisa sidoo kalana aanay haysan jinsiyad kale, waana muwaaddiniintii loo diiday aabbayooshod in muwaaddiniin ahaan loo diiwaangeliyo ka hor madaxbannanidii. Ka hor inta aanay aftiqaadyadu ka dhicin Jabbuuti, awoodihii isticmaarku waxay qaybiyeen kaadh aqoonsiyeed cadadkoodu yahay 186,522 kaadhah, Ciisaha waxaa la siiyay 98,640 kaadh, Canfartana 74, 490, Carabtana 10,014, iyo kooxo kale oo la siiyay 3,414 kaadh.

Deraasaddaas hore waxay tibaaxbixnaysaa in ay gundhigyada isireed ee gumaystihii Faransiisku adeegsaday uu sees u ahaa la dhaqmidda Jabbuuti, waxay ahayd mid raacsan illaa iyo madaxbannanidii ka dib, haddii aanayba si toos ah u soo muuqan. Taas darteed curfigu wuxuu noqday in la qaybsado suldada, iyadoo aanay jirin caddaymo dhiirrinaya sheegashada Canfartu in booska raysalwasaaruhu uu ahaa mid la isku waafaqsan yahay in uu lahaado dhammaan awoodaha, sida Biritan oo kale ay tahay. Siyaaqaas laftigiisa saqaafada siyaasadeed ee Faransiiska ahi ma dhiirrigelinayso weyddiinta Canfarta; halka raysalwasaaraha uu soo doorto madaxweynaha jamhuuriyadda, mana haysto awoodo fulineed marka lala barbardhigo asaaggiisa ku sugan jamhuuriyadaha kale, oo madaxwaynaha lagu tiriyo loo aqoonsan yahay sharafeed, sida xaalku yahay Ciraq, Israa’iil iyo Itoobbiya.

Waxana la odhan karaa nidaamka xukun ee Jabbuuti wuxuu dhacaa goob u dhexaysa sheekada Canfareed ee ka saaridda hannaanaysan ee xaqa Canfariyiinta iyo aragtida Soomaaliyeed ee muwaaddinnimada; doorashayinkuna waxay u dhacaan si loo xaddido boosaska Canfarta, Ciisaha, iyo Carabta iyadoo hadba loo eegayo joogitaankooda juqraafiyadeed ee gaarka ah ee mustawaha gobollada shanta ah iyo caasimadda Jabbuuti.

Iyo sidoo kale deraasado Galbeed ah ayaa ka hadashay masalada muwaaddinnimada Jabbuuti, waxayna tilmaantay in “kaadhadhka aqoonsiga” la shaqageliyay ka hor gumaystihii, dabadeedna si ay ugu shaqayso masaalixda siyaasaadeed, sida ku cinwaanaysan deraasadda “Afars, Issas – and Djiboutians: Toward a History of Denominations”, hasayeeshe sida ay carrabka dhaqdhaqaaqayaashu ay lafagurayaan qaddiyadda Canfareed, oo ay ku jirto hadalka ah in 80% maalintii madaxbannanida dadka Jabbuuti ay ahaayeen Canfar, iyadoo aanay jirin caddaymo dhexdhexaad ah oo tiibaxbixinaya.

Muwaaddinnimada nugaylka ah



Hadaynu ka nimaadno loollanka isireed ee ka aloosan geeska Afrika iyo Bariga Afrika si guud, kolka ay isdhexgalayaan qoomiyadaha iyo isirradu, mushkiladda kalasoocidda Jabbuuti fasirkeeda ugu aqbalka badan wuxuu ku biyashubanayaan dhibaaatada kelitaliska siyaasadeed, balse loollanka isireed ma aha.

Marka lagu daro, mashaariicda iyo ururrada cusub ee uu huriyay gumaystihii Faransiiska ee Jabbuuti, mid ka mid ah sababaha shidaalinayay kalaqaybsanaanta jirta ee qoomiyadda Canfarta iyo Soomaalida-Ciisaha ah waxay ahayd, kolkii mustacmarkii uu shaqaalaysiiyay dad ka mid ahaa Ciisaha, gaar ahaan markii uu ka heeryagurtay xuddintiisii Obokh ee uu dhidbay magaalada Jabbuuti oo u dhow goobaha Soomaalidu joogaan. Qaddiyadda “shaqaalaysiinta guud” waxay inna siinaynaysaa fure aynu ku fahmaynno waaqaca Jabbuuti.

Sida laga soo xigtay Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha, Jabbuuti waxay la daalaadhacaysaa dibudhac dhanka beerashada dheefta ah, waxayna ku tiirsan tahay soodhoofinta si ay u haqabtirto baahiyaheeda cunteed. Waxay leedahay wax ka yar 1000km² dhulalka ku habboon beeraha, wadar ahaan bedkeeda guud oo dhammaystiran 23.2 kun km². Warbixninta Sanduuqu waxay tilmaamaysaa in Jabbuuti ay tahay “mid aad u dareenta jugta debedeed, oo ay ka mid yihiin korukaca badeecadaha cuntada iyo shidaalka”. Sida ku xusan warbixinta Sanduuqa, boqollayda Saboolnimada Qarameed, wuxuu gaadhayaa 79%, caasimadda debeddeedana wuxuu gaadhayaa 94.2%, boqollayda xaddiga saboolnimada xadhkaha goosatayna ee goobaha miyiga wuxuu yahay 72.5%. Waxana miyiga ku nool ku dhowaad 30% dadka, iyadoo taasi jirto misana beeruhu ma horumarsana, halka ay ka qaybqaadanayso keli ah 4% korodhka qoomiyadeed.

Xaaladdaas dhaqaale ee aadka u kakan, shaqada xukuumadeed waxay noqonaysaa mid ay cid walba tartan u gasho, iyo sookoobnaanta shaqaalaynta xukuumadeed dhammaan dadku waxay dareemayaan kalasooc. Qaabyaalkaas lafteeda, suldada xukuntay dalka tan iyo madaxbannaanidii waxay xanbaaraysaa masuuliyadda ah dibdhacaas dhaqaale iyo midhaha bulsheed ee ka dhasha.

Doc kale ayaa sii siyaadinaya nugaylka fahanka muwaadinnimada, waana ku tiirsanaanta sheekooyinka qoomiyadaha Jabbuuti iyo goobo Afrikaaneed oo kale, oo ku sugan tagtadii si ay u caddeeyaan lahaanshaha. Xaaladda Jabbuuti canfartu waxay sheegaan in magaalada Saylac ee taariikhiga ah ee dhacda gobolka Soomaalilaan ay hoos iman jirtay xukunno saldanooyin Canfareed, taasina waxay muujinaysaa in qoomiyadda Soomaalidu ay isku ballaadhisay Canfarta.

Hasayeeshe waxa waaddix ah in ka dib madaxbannaanidii tan iyo 1977 nidaamka xukunka ee ka asaasmay Jabbuuti, in uu masuul ka yahay sii socodka sheekada qoomiyadaha isireed beddelka mafhuumka muwaaddninnimada. Taasna waxa caddayn u ah waxa loo tiiriyaa fallaagadii Canfarta ee awoodda ka soo horjeedday waxay ku dhisnayd isir oo ka dhigaysa mid bogga gelinaysa shaqada siyaasadeed, inkastoo dhaqdhaqaaqasi haddana aanu ka dhisnayn astaamaha aan waddaniga ahayn, hasayeeshee doonitaannadu waxay ahaayeen waddani. Sidaas si la mid ah doonitaannadu waxay ahaayeen xilligii jabhadda “FDLD” ee Canfareed ka hor intaas, hilaaddii 1979.

Cilmi-baadhaha Samson A. Bezabeh wuxuu ku soo bandhigayaa deraasaddiisa ku cinwaanaysan “Citizenship and the logic of sovereignty in Djibouti”, markhaati nool oo ku aaddan waaqaca mawdduuca isireed ee Jabbuuti intii uu joogay wixii uu golakajoogga u ahaa, wuxuuna u arkaa muwaadinnimada Jabbuuti in ay tahay mid weli burbursan, wax walbana dabaqad baa xukunta. Sida uu carrabaabay taliska Jabbuuti ku sugan, in ay ku dhisan yihiin asaaska isirka; oo ay ugu sarrayso qabiilka uu ka mid yahay madaxwaynaha waddanku “Mamaasan”, intaa ka dib beesha ciisaha Soomaaliyeed, ka dib Canfarta, ka dib Carabta, ka dibna inta soo hadhay, dhammaantoodna waxay ku xidhan yihiin booska awoodeed.

Innagoo ku dul dhisayna wixii hore, caddaynta fahannada cusub sida muwaadinninimada ku sugan dastuurka iyo qawaaniinta, iyo hubaal in sinnaanta xoogga la saaro, waxay ahaanayaan nuxurkoodu kuwo madhan haddii aan lagu dabbiqin waaqaca, sida ku cad dastuurka Jabbuuti oo Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha lagu tiriyo qayb lamataabtaan ah, inkastoo ay jirto diiwaangelinta aadka u hoosaysa ee dalku kaga sugan yahay xuquuqdaas.

Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn