Posts

Falanqayn Akhris; sheekada Maana-faay

Image
Marka ay kulmaan curin jaadgoonni ah, hodontinnimo afeed figta sare ah; dareennada aadanaha ee kala duwanna si sahlan loogu falkinayo, naqdin bulsheed oo aad u xeeldheer, iyo soo ururinta/lafaggurka shaacsaneyaal kala geddisan oo bulshada ka aloosan; waxaad si fudud u soo tuuraysaa in intaasba iyo in kale oo badanba aynu ka dheehanayno oo aynu kala dhexbaxayno sheekada "Maana-Faay" ee Dr. Maxamed Daahir Afrax.  Sheekada Maana-Faay waa sheeko-taariikheed (historical novel/رواية تاريخية), waxay kolkii hore si joogto ah ugu soo bixi jirtay iyada iyo sheekooyin kale ay ka mid tahay "Ayaan Daran" hab taxane ah wargeyskii Xiddigta Agtoobar. Sida Ibraahin Hawd oo ka mid ahaa akhristayaashii ku taxnaa waagaas sheekooyinka uu wargeysku daabici jiray, wuxuu xusay in ay ahayd sheeko xiise iyo xamaasad weyn u lahayd dhallinyaradii ku xidhnayd. Wuxuu kale oo carrabaabay, in ay madadaalo iyo wacyi kobcin u ahayd kumanyaal dhallinyaro ahaa oo ku taxnaa.  Daabacaddeedii kowaadi wax...

Lamahuraannimada Hantiwadaagga¹

Image
Sawir dhuxuleed iyo biyabiyeedkan waxa aslay Alexander Dobkin (1908-1975) oo ahaa farshaxamiiste reer Maraykan ah.  W/Q:  Albert Einstein (1949) [Af Ingiriirsi] W/T: Cabdicasiis Daahir (2023) [Af Soomaali] Miyaanay  suuragal u ahayn  qof aan  xeeldheere ku ahayn  dhaqaalaha  iyo  arrimaha  bulshada in uu uga  dhiibto  aragtidiisa ku aaddan mawduuca hantiwadaagga? Waan  qabaa  dhowr  sababoodba aawadood.   Ugu horrayn  tixgelinteenna  weyddiintan  aynu  kaga nimdaadno  dhanka aragtida  aqoonta sayniska ah. Waxay  u  muuqataa  in aanu  jirin  kaladduwanaansho manhajiyeed  asaasi ah oo u dhexeeya  cilmi-falagga iyo dhaqaalaha: saynisyahannada  labada dhinacba  waxay isku deyayaan  in ay  daaha-ka-feydaan  xeerar guud  oo la aqbali karo,  jeerkaasna ku xaddidan  koox shaacsanayaal ah,  si iskuxidhka sha...

Baatriis Lumuumba iyo Xoraynta Koongo

Image
  Qoraalkan waxa baahisay degelka Socialist Worker, aniguna waan Soomaliyeeyay  Silcanayaashu ma xoroobayaan illaa iyo ay sooyaalkooda dib-u-dhugtaan. Patrice Emery Lumumba, wuxuu aahaa raysalwasaarihii u horreeyay ee mustacmaraddii Biljamka ee hore ee Koongo, waa mid ka mid ah qofafka ugu magaca dheer ee galay halgankii Afrikaannimo ee gumaysiddiidka. Halyeynimada Lumumba waxay si cad u muuqatay maalintii madaxbannaanida ee 30 June 1960. Maalinkaas wuxuu ka horyimid soojeedintii boqorkii Biljamka ee Baudouin ee ahayd in la maamuuso “Howshii Ilbixinta” ee boqorkii Leopold uu Koongo ka waday. Intii u dhexeysay 1885 iyo 1908, xukunkii Leopold wuxuu goobjooge u ahaa qudhgoynta sagaal milyan oo Kongooliyaan ah. Kumannaan gacmood ayay jareen ciidankiisuna maxaa yeelay, waxay ku guudarraysteen in ay soo gudbiyan xayntii caagagga ee gumaystuhu doonayay. Taliskaasi wuxuu ahaa mid shirkado kala duwan laga soo taageero, sida UMHK oo ah isbahaysiyo ka kooban bangiyo iyo shirkado macdan...

Soomaalida iyo Canfarta Loollanka Isireed Muxuu Weli Uga Taagan Yahay Jabbuuti

Image
  Qoraalkan waxa qoray Xaamud Fatxi waxana lagu faafifay degelka Raseef22 , turjumidduna waa Cabdicasiis Daahir Halka ay u dabbaaldegeen muwaaddiniin xuska madaxbannaanida 46 aad ee Jamhuuriyadda Jabbuuti, 27 Juuntii inna dhaaftay, qaar kale waxay dabbaaldegga ku eegeen indho-tiiraanyaysan; waxayna uga dhigan tahay bilaabitaanka ka saaridda iyo maquuninta xaqooda. Waa Canfarta. Jabbuuti waxaa ku nool saddex isir oo waaweyn oo qaabeeyay dabeecadda dalka iyo dhaqankiisa; Soomaalida, Canfarta, Carabta, iyo kooxo kale oo ka mid ah tirayarta. Hasayeeshee waa immisa tirada Canfartu iyo Soomaalidu? Waxaa jira laba warcelinood; ta kowaad in Soomaalidu ay ka yihiin 60%, Canfartuna 35% iyo 5% soo hadhayna waa Faransiis, Carab, Yurubiyaan Afrikaan, iyo kuwo kale oo aan xaddidnayn sida laga soo dheegtay degelka CIA-da. Jawaabta labaad waxay ku soo noqnoqanaysaa in badan oo ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha Canfarta ah ee Jabbuuti, kuwaas oo u arka tirada Canfarta ahi in ay ka yihiin 70% wadarta g...

Falanqaynta buugga; Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay; Soomaaliya Dib Ma u Dhalan Doontaa?

Image
Hordhac Buuggani wuxuu ka mid yahay waxsoosaarka Dr. Maxamed Daahir Afrax (1952-2021). Dr. Afrax wuxuu ahaa suugaanyahan, taariikhyahan, naaqid bulsheed iyo sheekofaneedyahan gaamuray. Wuxuu wax ku qori jiray saddexda luuqadood ee Ingiriisida, Carabiga iyo dabcan Soomaaliga. Sheekooyinka uu Afrax magtabadda Soomaaliyeed gashtay waxaa ka mid ah Guur Ku Sheeg (1975), Maana-faay (1979) oo ah sheekooyinka qoran ee Soomaalida ta ugu magaca dheer, iyo Galti Macruuf (1980). Buugta af Carabiga uu ku soo saarayna waxa ka mid ah الصومالية الثقافة في نظرات iyo الحرية نداء) 1976). Sidoo kale, wuxuu leeyahay cilmibaadhisyo uu ku faaqidayo fanka Soomaalida guud ahaan iyo cilmibaadhisyo kale waxana ka mid ah: Fan-masraxeedka Soomaalida iyo نافذة على االبداع في منطقة خليج عدن: دراسات فى الثقافة والفن فى الصومال واليمن و جيبوتى Wuxuu Afrax ugu jilibdhigay in uu ku faaqido fanka Soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna fan masraxeedka. Waana sees waxtar leh oo laga anbaqaadi karo darsidda fanka Soomaalida. D...