Falanqayn Akhris; sheekada Maana-faay
![]() |
Marka ay kulmaan curin jaadgoonni ah, hodontinnimo afeed figta sare ah; dareennada aadanaha ee kala duwanna si sahlan loogu falkinayo, naqdin bulsheed oo aad u xeeldheer, iyo soo ururinta/lafaggurka shaacsaneyaal kala geddisan oo bulshada ka aloosan; waxaad si fudud u soo tuuraysaa in intaasba iyo in kale oo badanba aynu ka dheehanayno oo aynu kala dhexbaxayno sheekada "Maana-Faay" ee Dr. Maxamed Daahir Afrax.
Sheekada Maana-Faay waa sheeko-taariikheed (historical novel/رواية تاريخية), waxay kolkii hore si joogto ah ugu soo bixi jirtay iyada iyo sheekooyin kale ay ka mid tahay "Ayaan Daran" hab taxane ah wargeyskii Xiddigta Agtoobar. Sida Ibraahin Hawd oo ka mid ahaa akhristayaashii ku taxnaa waagaas sheekooyinka uu wargeysku daabici jiray, wuxuu xusay in ay ahayd sheeko xiise iyo xamaasad weyn u lahayd dhallinyaradii ku xidhnayd. Wuxuu kale oo carrabaabay, in ay madadaalo iyo wacyi kobcin u ahayd kumanyaal dhallinyaro ahaa oo ku taxnaa.
Daabacaddeedii kowaadi waxay soo baxday, 1981, waxa ka danbeeyay dhowr daabacadood oo ay u danbaysay 2018, mid soo baxday. Waxa kale oo laga sii daayay cod ahaan idaacado kala geddisan. Qoraageeda Afrax (1952-2021) si fiican baynu u naqaannaa, wuxuu caan ku ahaa naqdintiisa joogtada ahayd ee ku aaddan dowladnimada iyo bulshada. Waa qoraa hodon ah, dhaxal buugeed, tiro ahna uga tegay bulshadiisa, oo ku soo kala baxay Af Soomaali, Af Carabi iyo Af Ingiriisi. Waxana ugu magacdheer sheekadan aynu faaqidayno.
Qisadu waxay Soomaalida iyo waageenigaba, ka kasbatay bogaadin iyo ammaan heer sare ah, maxaa yeelay, hibada halabuurnimo iyo Af Soomaaliga ay ku qoran tahay oo aad u sarreeya iyo intaas oo lagu daray, fudaydka ay ku qoran tahay ayay ku hanatay. Waxa ka mid ah dadkaas; Prof. Guush, oo, wuuxu ku tilmaamay in ay tahay sheeko la meeqaam ama la heer ah sheekooyinka dunida. Lidwien Kapteijns, oo, barafisoorad taariikhda ku takhasustay ah, iyana dhankeeda waxay ku tibaaxday in ay tahay sheeko laga akhrisanayo habnololeedka, habdhaqanka iyo habfekerka Soomaalida. Waa sheeko aad ka baranaysid Soomaalida, bay ku soo ururisay.
Waxay si qaayasarraysa u soo bandhigaysaa boogo halis ku ah jiritaanka bulshadeenna, sidoo kalana daaha ka feydaysaa. Waxay door ka ciyaaraysa korinta wacyigeenna siyaasadeed iyo nololeed.
Sheekadu waxay iftiiminaysaa belaayooyin iyo aafooyin bulshadeenna ka dhex oognaa xilligaas iyo xilligeenanba. Waxay ka warramysaa casriyowga, cusboonaanta, dhaqanka magaalada, iyo sida aanay isu qabanayn hiddaheennii iyo dhaqankii aynu miyiga kala nimi. Waxay ka warramaysaa is-maandhaafka iyo is-qaban-waaga habfekerka qof Soomaaliga ah iyo waayaha cusboonaantu ay la kowsatay. Sheekadu waxay soo bandhigaysaa, dareennada kala duwan ee aadanaha saaqa hadba marxaladda uu ku jiro weliba si gaar ah jilayaasha sheekada isagoo adeegsanaya hadba erayga nafsadeed ee ku habboon. Wuxuu si toos ah kuu dhexgeynayaa oo goobjooge kaaga dhigayaa dhammaan xaalaadaha kala duwan ee ay sheekadu marayso, min bilow illaa dhammaad, ama, si kale, min Maana-Faay oo iskuulka ka soo rawaxday oo marxaladdii qaangaadhka gashay, oo, uu ku dhacay foolkaano dareenno ah iyo bislaansho jidheed illaa dhammaadka iyo garnaqsiga Beyddan Shabeel.
Doc kale, waxay sheekadu xanbaarsan tahay, naqdin kulul oo bulsheed oo sheekadu waxaynu gelin karnaa amaba ay tahay suugaanta naqdinta (Literary criticism). Wuxuu naqdinayaa iskudhaca dhaqankii raacatada, dhaqanhoosaadka qoyska Banaadiriga ah ee Xaaji Muumin. Wuxuu tibaaxayaa in magaalowgii aynu eednay, dowladnimadii khalad fahannahay, dhibaatooyinka u badan ee ina haleelayna ay magaalowga la bilowdeen. Wuxuu dhan kale innaga tusayaa dhammaan mushkiladihii wakhtigaas taagnaa, oo, uu, taariikhaynayaa waayahii iyo xaaladihii dalku iyo dadkuba ay ku sugnaayeen (waa kalagguurkii toddobaatneeyadii iyo siddeetaneeyaadii). Wuxuu kale oo si heersare ah u naqdinayaa saamayntii gumaystaha iyo raadadkii fooshaxumaa ee uu ka tegay, si gaar ah, gumaystihii Talyaanigu kii uu ina baday.
Wuxuu naqdinayaa caqliyadda iyo cirweynida burjuwaasiga, wuxuu farta ku fiiqayaa sida Jaamac Dhegaygii saboolka ahaa kolkii uu burjwaasiga noqday akhlaaqda iyo anshaxa uga tegay, wuxuu si aad ah ugu nuuxnuuxsanayaa doorkii magaalowgu ka ciyaaray in anshaxu innagu lumo, khusuusan, dadkii iyo bulshadii waagaas. Wuxuu tilmaamayaa in aan dowladnimada daacad laga ahayn ee danta shakhsiga ahi ay wax walba ka horreeyeen, waana masalo illaa immika taagan oo ay sheekadu dhowr iyo afartan sano ka hor carrabaabtay. Mar kale, wuxuu tibaaxayaa in erayga "Danta Qaranka" la foolxumeeyay oo micnihii uu lahaa la qiimadilay sida dhabta ahna micnaha uu sido loo fasirtay ama kaga dhigtay in danta qofku ka horrayso wax walba.
Waxay sidoo kale soo bandhigaysaa doodda ka dhexaysa samaha iyo xumaha. Si gaar ah, doodda dhexmaraysa Kulmiye iyo Axmed Jaamac ee ku aaddan habfekerkooda kala geddisan ee ay dumarka ka haystaan iyo jacaylka. Waa dood ku saabsan sida qof ku kobcay nolol burjuwaasinnimo oo anshaxu ka madhan yahay iyo qof dabaqada shaqaysa ah oo had iyo gooraale ay akhlaaqda gundhig u tahay dhammaan indhaha uu ku eegayo qaybaha kala duwan ee nolosha.
Waxa kale oo cajiib ah, jilaayaasha qisada iyo hannanka uu u muujinayo dabeecaddooda dhabta ah. Waxa kale oo mudnaan leh in la xuso habka uu soo bandhigayo lahjadaha kala geddisan ee jilaa walba ku hadlayo inta lagu guda jiro sheekada. Taasina waa ta keenaysa in aad xiise kale u qaado oo bogba bog kuu dhiibo.
Gunaanadkii, sheekadani, mar kale, sida ay akhristayaasheedu xuseen, hanbalyayn aad u weyn buu ka mutay qoraa Maxamed D Afrax. Waa sheeko qiimi faneed iyo qaayo suugaaneed oo heer ah iska leh. Waxaan qabaa sheekadu haddii ay asalkeedii ku soo bixi lahayd Afka Ingiriisiga abaalmarinta Noobaasha ayay heli lahayd. Si kooban, sida la isla qiray, waa sheeko faneed, astaan u ah oo hoggaaminaysa dhammaan sheekooyinka qoran ee Soomaalida. Waana sheeko daaqad cusub oo qotodheer kaa tusaysa waayaha Soomaalida, iyo hoogga ay waagaas/waaganba la-dalaadhacaysay/so immikana weli ay la raafadayso.
Comments
Post a Comment