Lamahuraannimada Hantiwadaagga¹


Sawir dhuxuleed iyo biyabiyeedkan waxa aslay Alexander Dobkin (1908-1975) oo ahaa farshaxamiiste reer Maraykan ah. 




W/Q:  Albert Einstein (1949) [Af Ingiriirsi]

W/T: Cabdicasiis Daahir (2023) [Af Soomaali]



Miyaanay  suuragal u ahayn  qof aan  xeeldheere ku ahayn  dhaqaalaha  iyo  arrimaha  bulshada in uu uga  dhiibto  aragtidiisa ku aaddan mawduuca hantiwadaagga? Waan  qabaa  dhowr  sababoodba aawadood.  


Ugu horrayn  tixgelinteenna  weyddiintan  aynu  kaga nimdaadno  dhanka aragtida  aqoonta sayniska ah. Waxay  u  muuqataa  in aanu  jirin  kaladduwanaansho manhajiyeed  asaasi ah oo u dhexeeya  cilmi-falagga iyo dhaqaalaha: saynisyahannada  labada dhinacba  waxay isku deyayaan  in ay  daaha-ka-feydaan  xeerar guud  oo la aqbali karo,  jeerkaasna ku xaddidan  koox shaacsanayaal ah,  si iskuxidhka shaacsanayaashaasi u noqdo mid caadyaal ah. Hasayeeshee,  xaqiiqdii,  kaladduwanaanshahaas manhajiyeedi  waa mid jira. Way adag tahay in daaha laga qaado xeerarka guud ee majaalka dhaqaalaha, maxaa yeelay,  shaacsanayaasha dhaqaale ee la arko  waxa raad ku yeesha,  badiyaa, curiyayaal  tiro badan  oo in si kala dhigdhigan loo qiimeeyaa  ay aad u adag tahay. Iyo sidoo kale,  ku raadoobidda  waaya'aragnimada isku biirbiirtay  tan iyo bilowgii  waxa loogu yeedho, xilligii  ilbaxnimada  ee taariikhda aadanaha  waxana—sida laga dheregsan yahay—si weyn u saameeyay, una xaddidday,  sababo aan sinnaba ugu koobnayn dhaqaalaha dabeecad ahaan. Bilmetel,  badanka dawladaha waaweyn ee taariikhda ku dhigani jiritaankooda waxay abaal ugu hayeen  qabsashadii. Waxay isu dhidibeen shucuubtii duullaanka ahayd jirtaankooda, qaanuun ahaan iyo dhaqaale ahaanba, in ay yihiin dabaqad ku karaamaysan dalkii ay ku soo duushay. Waxay qabsadeen oo kooto  ku xidheen dhulkii la iska lahaa, waxayna magacaabeen faaliyayaal dabaqadddooda  ka socda. Faaliyayaashiina  waxay amaamudeen, in ay  tacliinta  xakameeyaan,  kala qaybintii dabaqadeed  ee bulshadana  waxay  ka dhigeen hay'ad joogto,  intaa dabadeedna,  waxay abuureen hannaan  qaayasoorro ah  si dadka loo jiheeyo, xaddi aad u weyn,  si baraadli'i ah, habdhaqankooda bulsheed.


Hasayeeshee  soojireenka  taariikheed  wuxuu ka mid noqday tagtadii, haddii tacbiirkaasi sax noqdo: ilaa iyo hadda, ka ma aannu adkaan, Thorstein Veblen wixii uu u bixiyay "marxaladdii ugaadhsiga" ee horumarka aadanaha. Dhacdooyinka dhaqaale  ee muuqda ee marxaladdaas la xidhiidha iyo xeerarka aynu ka soo dhanbali karno marxaladahaas waxay noqonayaan kuwo aan lagu dabbiqi karin marxaladaha kale. Sidaa darteed, ujeeddada dhabta ah  ee Hantiwadaagguna waa in si dhab ah loo jebiyo, horana looga gudbo, marxaladda ugaadhsashada ee horumarka aadanaha, aqoonta dhaqaaluhuna xaaladda ay hadda ku sugan tahay, waxay in yar tooshka ku ifin kartaa bulshada Hantiwadaagga ah ee mustaqbalka.


Ta labaad, Hantiwadaaggu wuxuu toos ugu ogog leeyahay ujeeddo anshax-bulsho. Hayeeshee, Saynisku, ma abuuri karo ujeeddooyin,  xataa kuma beeri karo aadanaha; saynisku waxa u weyn ee uu inoo qaban  karaa waa in uu inna siiyo hababka inoo saamaxaya in aynu xaqiijinno ujeeddooyin  cayiman. Hasayeeshee, ujeeddooyinkaas waxa halabuura shakhsiyaad leh astaamo akhlaaqeed heersare ah—haddii aanay ujeeddooyinkaasi weli dhalan, balse ay yihiin kuwo muhiim ah oo xooggan—waxana qaada, horana u hinjiya, in badan oo ka mid ah aadanaha kuwaas oo, qayb ahaan, si baraadli'i ah, u go'aamiya horumarka gaabiya ee bulshada. 


Sababahaas dartood, waa in aynu feejignaannaa innagoo aan kabadbadinayn sayniska iyo hababka cilmiga ah kolka ay la xidhiidho masaladu mushkilado aadane; munaasibna innooma aha in aynu qaadanno in xeeldheerayaashu ay yihiin dadka keli ah ee iska leh xaqa sheegidda weyddiimaha saamaynaya nidaamka bulshada.


Codad aad u badan ayaa isqabsaday wakhtiyadan danbe oo tibaaxaya in aadanuhu ka gudbayo dhibaatooyin, xasilloonidiisuna ay si halis ah haddidaad ugu jirto. Astaamaha lagu yaqaanno xaaladdaas waa in ay dareemaan danayn la'aan ama xataa in ay cadowtinnimo u qaadaan kooxda, yar ama weyn, ee ay ku abtirsadaan. Si aan u caddeeyo micnahayga, ii oggolaada in aan halkan kaga hadlo waaya-aragnimo shakhsiyadeed. Dhowaan waxaan la dooday nin caqli badan oo aad u gacalnimo badan halista dagaal kale ku dhici karo, taas oo aan qabo in ay hadhowto si dhab ah khatar ugu tahay jiritaanka aadanaha. Waxaan tilmaamay in halistaas urur qarameed-awoodweyn keliya uu innaga dhawri karo. Dabadeed booqdahaygii, wuxuu si aad u deggan oo qabow, iigu yidhi: “Maxaad sidaa aadka u fog ugaga soo horjeeddaa in isirka aadanaha la waayo?”


Waxaan hubaa wax ka yar qarni ka hor in aanu jirin qof odhaahdaas si fudud u yidhi. Waa odhaahda nin si dheeldheel ah ugu rucleeyay in uu u xaqiijiyo dheellitir gudeed, rejeadii uu si uun ugu guulaysan lahaana gabay. Waa cabbiraad muujinaysa kelinnimada xanuunka badan iyo go’doonka ay tiro badan oo dadka ka mid ahi maalmahan rafaadayaan. Maxaa sababay? Waddo laga baxaa se ma jirtaa? 


Way fududdahay in la isweyddiiyo weyddiimahaas oo kale ah, hasayeeshsee in si kalsooni leh looga warceliyaa aad bay u adag tahay. Waa se in aan isku dayo, si ay ahaataba inta kartidayda ah, inkastoo aan aad ugu baraarugsanahay xaqiiqada ah in dareennadeenna iyo dedaalladeennu yihiin, badiyaa, kuwo isburinaya oo madmadow leh, kuwaas oo ay adag tahay in lagu cabbiro isla’egyo fudud oo sahlan. 

 

Qofku isku mar waa noole keliyoole ah iyo noole bulshaawi ah. Ahaanshihiisa noole keliyoole, wuxuu isku dayaa in uu ilaaliyo jiritaankiisa, iyo jiritaanka shakhsiyaadka u dhowdhow, si uu u haqabtiro doonitaannadiisa shakhsiga ah iyo si uu u kobciyo awoodihiisa dhalanka ah. Ahaanshihiisa noole bulshaawi ahna, wuxuu u guclaynayaa in uu hanto qaddarinta iyo jacaylka jaallayaashiisa, la-wadaagidda farxaddooda,  la-qaybsiga murugadooda, iyo  in uu  horumariyo  duruuftooda nololeed. Jiritaanka  dedaalladaas  kala-gedgeddisan,  mararka  qaarna  is-hirdinaya, waa waxa fasira dabeecadda gaarka ah ee qofka, halka uu go’aamiyo iskudhafkeeda gaarka ahi kartida qofka, si uu u xaqiijiyo dheellitir gudeed iyo si uu wax ugu darsado xaqiijinta fayoobidda bulshada. Waxa aad suuraggal u ah, asaaska awoodda nisbiga ah ee labadaas shiidaalinaya hidde ahaan in ay yihiin kuwo dhidibbadu u malaasan yihiin. Hasyeeshee, shakhsiyadda ugu danbaynta soo muuqataa waxay ku qaabaysantaa, xaddi aad u weyn, degaanka uu ku sugan yahay qofku xilliga barbaariddiisa, qaabdhismeedka bulshada uu ku kacaamayo, soojireennadiisa u gaarka ah, iyo qaddarintiisa jaadad gaar ah oo habdhaqannada ka mid ah. Kolka la joogo qofka keli ah, fahanka badhaxtiran ee "bulshada" uu ka haysto, waa isugeynta xidhiidhadiisa tooska ah (ama aan tooska ahayn) ee uu la leeyahay faciisa iyo dhammaan dadkii ka mid ahaa lodadkii ka horreeyay. Qofku wuxuu karti u leeyahay in uu u fekero, dareemo, halgamo iyo u shaqaysto kelidiisa; balse wuxuu si aad u weyn ugu tiirsan yahay bulshada— jiritaankiisa jidheed, fekereed, iyo caddifadeed— taas oo aanay suuraggal ahayn, qaabdhismeedka bulshada isagoo ka dhexbaxsan in uu naftiisa ka fekero ama isfahmo. Waa "bulshada" siinaysa cuntada, dharka, hoyga, agabyada shaqo, afka, qaababka fekerka, iyo, badiyaa, nuxurka fekerka; noloshiisu waxay noqotay mid ay suuragaliyeen shaqada iyo waxqabadyada malaayiinka tirada badan ee tagtadiisa iyo taagantiisa ka mid ah, kuwaas oo giddigood huwan erayga yar e "bulsho". 


Sidaa darteed, way iska caddahay in ku tiirsanaanta qofku ku tiirsan yahay bulshada ay tahay xaqiiqooyin dabeecadda ka mid ah, taas oo aan la tirtiri karin—sida ay tahay xaaladda qudhaanjada iyo shinnidu. Hasayeeshee, halka geeddisocodka nolosha qudhaanjada iyo shinnidu ay ku jaango'an tahay dhammaanteed, tafaasiisha xeeldheeridooda, rabitaanno kakan oo la iska dhaxlay, sidaas awgeed habnololeedka bulsheed iyo xidhiidhada wax-isweydaarsi ee aadanuhuna waa mid aad isu bedbeddalaya in uu isbedbeddelana qaabbilaya. Xasuusta, kartida lagu samayn karo xidhiidho cusub, hibada xidhiidhada afka ah ee lagu samayn karo horumar ka dhexdhaca aadanaha taas oo aanay baahiyaha bayloojiyeed u yeedhin.  Horumararradaasi waxay ka muuqadaan soojireennada, hay'adaha, iyo ururrada; suugaanta; waxqabadyada cilmiga iyo farsamada ah; iyo shaqooyinka faneed. Taasi waxay tibaaxaysa, micne gaar ah, siday u dhacdo, in qofku uu awoodo in uu noloshiisa saamayn ku yeesho habdhaqannadiisa u gaarka ah awgood, iyo geeddisocodkaas fekeritaanka soojeeda iyo doonitaankiisa in uu door ka ciyaaro shaqadan. 


Qofku wuxuu dhalashada ka helaa habdhaqan bayloojiyeed oo uu hiddaysanayo, waajibna ay innagu tahay in aynu ku tirinno mid sugan oo ismabeddelaan ah, oo ka kooban riixitaannada dabeecadeed ee jinsiga aadanaha ka soocaysa. Taas oo lagu daray, noloshiisa wuxuu ka kasbadaa dhisme dhaqameed oo uu bulshada ka helo, xidhiidhada iyo jaadadka badan ee kale ee saamayneed. Inta lagu gudo jira isusocodka wakhtiga, qaabdhismeedkaas dhaqameed wuxuu la kulmaa isbeddel, kaas oo si weyn u xaddida xidhiidhka u dhexeeya qofka iyo bulshada. Antarboolajiga casriga ahi wuxuu ina baray, isagoo u maraya baadhitaannadiisa isbarbardhigeed waxa lagu magacaabo dhaqannada bilowga ah, in habdhaqanka bulsheed ee aadanuhu uu isbeddelayo si weyn, taas oo ku xidhan jaadadka dhaqameed ee qabsanaysa iyo noocyada nidaam ee shiiqinaya bulshada. Waxa suuraggal ah in kuwa u gucleynaya in ay horumariyaan aayaha insaanka, iyagoo ku seesaya rejooyinkooda: aadanuhu kuma xukunna qaabdhismeedkooda bayloojiyeed, in ay isgumaadaan ama in ay ahaadaan kuwo ku hoos nool musdanbeedka naxariis waxshi ah, oo iyagu ay gacmahooda ku sababeen.  


Haddii aynu isweyddiino sida loo beddeli karo dhismaha bulshada iyo mowqifka dhaqameed ee qofka, si nolosha aadanuhu ay u noqoto mid raalli laga yahay, waa in aynu weelaynaa, had iyo gooraale, xaqiiqada ah in ay jiraan duruufo gaar ah oo aan la cusboonaysiin karin. Sida la soo xusay kol hore, dabeecadda bayloojiyeed ee qofku, waa natiijada dhammaan ujeeddooyinka shaqeed, ma ahan mid la kulmaysa in la beddelo. Sidoo kale, horumarrada tiknoolajiyeed iyo dimugraafiyeed ee qarniyadii yaraa ee tegay, waxay abuurtay xaalado sii soconaya uun. Goobaha leh cufnaanta dadeed ee heerka sare ah, qayb ahaan badeecaduhuna ay lagamamaarmaanka yihiin si ay u sii socdaan, qaybinta xadkabaxa ah ee shaqada iyo qalabka waxsoosaaridda aadka-dhex-isugu-keenidda u ahi aad bay lagamamaarmaan u yihiin. Waagii—kaas oo, haddii aan dib u jalleecno, ahaa berismaaad— gebi-ahaanna wuu galbaday, kolka qofafka ama qayb ahaan kooxaha yaryari ay isku kaaftoomi jireen. Kabadbadin mayno haddii aynu dhahno jinsiga aadanuhu weli in uu yahay ilaa hadda mid qaabeeya bulsho caalami ah oo soosaarta iyo qaadata. 


Imminka waxaan soo gaadhay barta aan si kooban uga caddayn karo, dhankayga, waxa qaabeeya seeska dhibaatooyinkeenna xilligan. Arrinku wuxuu ku tacalluqaa xidhiidhka uu qofku la leeyahay bulshada. Qofku wuxuu noqday mid aad wacyigiisu u sarreeyo ku tiirsanaanta uu bulshada ku tiirsan yahay wakhti kasta oo galbaday. Hasayeeshee ku tiirsanaantaas ku ma waajahayo qiime togan ama urur xubneed, amaba awood ilaalineed, iskaba daa e, waa haddidaad xuquuqdiisa dabeecadeed amaba jiritaankiisa dhaqaale ah. Kaalintiisa bulsheed wuxuu ka dhigayaa mid ay la korodho shidaaliyayaasha anaaniyeed si uu u samaysmo si joogto ah, halka riixitaannadiisa bulsheed, oo marka horaba iska itaaldaran ay tartiibtartiib u hoobanayso. Aadaanaha, idil ahaantiiba, booskooda bulsheed  wuxuu doono  ha ahaadee,  waxay  la-daalaadhacayaan howlgalka hoobadkaas. Waxay maxaabbiis u yihiin anaaniyaddooda ogaalli'i, waxay dareemayaan nabadgelyali'i iyo kelinnimo, waxay iska xaaraantinnimaynayaan raaxada noloshan basiidka ah ee caadiga ah ee aan kakanayn. Qofka suuraggal u ma aha in uu micne ka helo noloshan gaaban ee halisuhu ceegaagaan ilaa uu nafhur u sameeyo bulshada. 


Ra'yigayga, isha dhabta ah ee sharku waa qalalaasaha dhaqaale ee bulshada Hantigoosiga ahi sida ay maanta tahay. Waxaynu arkaynaa koox weyn oo waxsoosaararayaal ah, kuwaas oo si joogto ah ugu guclaynaya in ay qaarkood iska xaaraantinnimeeyaan midhaha shaqadooda wadareed—ma ahan xoog, hasayeeshee, si guud, waa u hoggaansamidda dhammayskatiran ee qodobbada sharciga ah. Tixgelintaas, waxa muhiim ah in aynu garowsanno in hababka waxsoosaarka— yacnii kartida waxsoosaaridda ee dhammayskatiran ee daruuriga ah si loo soo saaro badeecadaha la iibsanayo, iyo sidoo kale badeecadaha raasamaaliga ah ee dheeraadka ah—laga yaabaa sharci ahaan in ay noqdaan, badiyaa, hantida gaarahaaneed ee qofafka. 


Si fudud, waxaan ku tilmaamayaa "shaqaaleyaal" kuwa aan wadaagga ku la ahayn lahaanshaha hababka waxsoosaarka—in kastoo aanay taasi si dhammaystiran u waafaqayn adeegsiga lagu yaqaanno eraybixinta. Qofka iska leh hababka waxsoosaarka wuxuu ku sugan yahay xaalad u oggolaanaysa in uu iibsado awoodda shaqada shaqaalaha. Adeegsiga hababka waxsoosaarka, shaqaaluhu wuxuu soo saarayaa badeecado cusub oo noqonaysa hantida Hantigoostaha. Barta asaasiga ah ee howlgalkani wuxuu dhacayaa xidhiidhka ka dhexeeya shaqaaluhu wuxuu soo saarayo iyo gunnada la siinayo, labadoodabana waxa lagu beegaalayaa qiimaha dhabta ah. Hadba inta uu noqdo heshiiska shaqadu mid "xor ah", wuxuu helayo shaqaaluhu ma go'aaminayso qiimaha dhabta ah ee badeecadaha uu soo saarayo, iskaba daa e, xaddiga u hooseeya ee baahiyihiisa, iyo shuruudda Hantigoosatada awoodda shaqeed haysata, iyo  xidhiidhka ay la leedahay tirada shaqaalayaasha ah ee u tartamaya shaqooyinka. Waxa muhiim ah in aynu fahanno in gunnada shaqaaluhu aanay go'aamin qiimaha waxsoosaarkiisa, xataa dhanka aragtida. 

Raasamaalka gaarka ahi wuxuu u janjeedhsanayaa in uu noqdo mid ay gacmo aad u yar dhexda isugu keenaan, taasna waxa loo aanayn karaa in ay qayb ka tahay tartanka Hantigoosatada, qayb kalana horumarka tiknoolajiyeed iyo kalaqaybinta shaqaalayaasha soo kordhaya, kuwaas oo dardargelinya qaabaynta unugyo waaweyn oo waxsoosaar beddelkii unugyo yaryar. Horumarradaasina waxa ka soo baxaa wuxuu noqdaa in gacanta ay ku dhigto raasamaalka gaarka ah koox yar, taas oo aanay suuraggal ahayn awooddeeda heerkasare ahi aanay si hagaagsan u baadhi karin bulsha-siyaasadeed nidaamsan, dimuqraadiyad ahaan. Waana dhab in xubnaha ka tirsan hay'adaha sharcidejineed laga soo doorto xisbiyo siyaasadeed, si weyn looga maalgeliyo ama dhanka kale ay saamayn ku leeyihiin Hantigoosatada gaarka ah, kuwaas oo ay dhammaan ujeeddooyinkooda shaqeed ay tahay kalaqaybinta wakiillada iyo golaha sharcidejineed. Natiijaduna waa in aanay ilaalin metelayaasha shacbigu danaha looma'ooyaanka bulshada. Sidoo kale, duruufta hadda jirta awgeed, Hantigoosatadu waxay, si bilaa shaki ah, u xukumaan, si toos ah ama si aan toos ahayn, ilaha muhiimka ah ee xogaha (saxaafadda, idaacadda, tacliinta). Sidaa darteed, aad bay u adag tahay, dhab ahaanna suuraggalba ma ahan inta badan xaaladaha, in qofka muwaaddinka ahi uu gaadho dulucyo dhababbaar ah iyo in uu xuquuqdiisa siyaasadeed si garaad badni ah u adeegsado.  


Waxay ku astaamaysan tahay laba mabda' xaaladdan baahaysa ee dhaqaalaha ku qotoma lahaanshaha gaarka ah ee raasamaalka laba mabda' oo asaasi ah: ta kowaad, hababka waxsoosaarridda (raasamaalka) waa lahaansho gaar ah waxana ku tasarrufaya kuwa iska leh qaabka ay u arkayaan in ay tahay munaasib; ta labaad, heshiiska shaqadu waa mid xor ah. Dabcan, nuxurkaas, ma jiro wax magiciisu yahay bulsho Hantigoosi ah oo badhaxtiran. Waxa xusid mudan in qaybo gaar ah oo shaqaalaha ka mid ah ay ku guulaysatay in ay u hesho qaab wanaagsan "heshiiska shaqada xorta ah", taas oo ay ku soo dhacsadeen halganno siyaasi ah oo dheer oo qaadhaadh. Hasayeeshee, haddii aan si guud uga waranno, dhaqaalaha maanta kama duwana in badan Hantigoosiga "badhaxatiran".

Waxsoosaarku wuxuu ku dhammaystirmaa si looga macaasho ee in la adeegsado ma ahan. Shardi ma ahan in, had iyo gooraale, dhammaan kuwa awooda oo doonaya shaqada, boos suuraggelinaya in ay helaan shaqo; had iyo jeeraale waxa jira "ciidan shaqalaawayaal ah". Shaqaaluhu wuxuu si joogto ah uga baqaa in uu waayo shaqadiisa. Kuwa se shaqalaawayaasha ah iyo shaqaalaha qaata gunnooyinka liita ma helaan suuq macaash ah, waxsoosaarka badeecadaha la qaato wuxuu noqdaa mid dabran, adaygyo aad u weyn baana ka dhasha. Badiyaa, horusocodka tiknoolajiyeed wuxuu sababaa shaqa-la'aan sii korodha, beddelkii in dhammaan dadka lagu khafiifiyo culayska shaqeed. Shidaalinta faa'iidaddoonimmo ee iskudheellitirka iyo tartanka Hatigoosatadu waa labada masuulka ka ah, xasiloonnili'ida iskubiiridda raasamaalka iyo adeegsigiisa taas oo sababaysa qaab isa soo kordhinaya hoosudhac daran. Tartankaas aan xuduudda lahayni wuxuu keensanayaa in la waayo shaqaalayaal aad u badan, iyo sidoo kale faaligga wacyiga bulsheed ee qofafka kaas oo aan hore u soo xusay. 


Waxaan qabaa in faaliggaasi uu yahay shararka ugu xun ee Hantigoosadka. Dhammaan nidaamkeenna tacliineed wuxuu la-daalaadhacayaa sharkan. Ardayga wuxuu ku beerayaa maanahag tartameed ka badbadis ah, waxana lagu tababbaray u addoomidda hanashada guusha si uu isugu diyaariyo mustaqbalkiisa muruqmaalnimo.  


Waxaan ku qanacsanahay in hal jid oo keli ah lagaga takhallusi karo xumooyinkan halista ah, waa in dhidibbada loo aaso dhaaqale Hantiwadaag ah oo uu ku lammaan yahay nidaam tacliineed abbaaraya yoolal bulsheed. Dhaqaalahaas oo kale, bulshadu waxay lahaanaysaa hababka waxsoosaaridda, waxayna u adeegsanaysaa hilinno qorshaysan. Dhaqaalaha iskuqasan ee ku sargooya waxsoosaarka baahiyaha bulshada, wuxuu u qaybiyaa dhammaan kuwa awoodda u leh shaqada in la qabtaa ay waajibka tahay, wuxuuna dammaanad qaadaa nolosha nin, gabadh iyo ilmo walba. Tacliintu waxay beegsanaysaa marka lagu daro dhiirrgelinta awoodaha fidriga ah ee qofka, in ay horumariso dareenka masuuliyadeed ee kaga aaddan dadka guud ahaan, halkii la weynayn lahaa bulshadeenna hadda, awoodda iyo guusha. 


Si ay ahaataba, waxa lagamamaarmaan ah in aynu xusno in dhaqaalaha qorshaysani in aanu weli ahayn Hantiwadaagga. Dhaqaalaha sidatan u qorshaysani wuxuu noqonayaa mid ku lammaan addoonsiga dhammayskatiran ee qofka. Xaqiijinta Hantiwadaaggu wuxuu u baahan yahay in la maareeyo mushkilado bulsha-siyaasadeed oo aad u adag: sidee bay suuraggal u tahay innagoo ka eegayna dhex-isugu-keenidda fog ee awoodda siyaasadeed iyo dhaqaale, si in aynu uga hortagno in Buruqraadiyaddu noqoto mid xooggan oo qardajeexda? Sidee baynu u ilaalinnaa xuquuqda qofka, sidoo kalana miisaan Dimuqraaddiyadeed ugu dammaanad qaadnaa awoodda Buruqraadiyadda?  


In la caddeeyo hadafyada iyo dhibaatooyinka Hantiwadaagga mudnaan weyn bay u leedahay casrigeennan kumeelgaadhka ah. Maxaa sababay, xaaladda aynu ku sugannahay aawadeed, doodda xorta ah ee aan dabarnayni ee dhibaatooyinkan, waxay ka mid noqotay kuwa sida xooggan u reebban, waxaan aaminsanahay alkumidda wargeyskan in uu noqonayo shaqo guud oo muhiim ah. 

______________

¹Cinwaankan “Lamahuraannimada Hantiwadaagga” Soomaaliyayntiisa waxa ku beegay Cabdicasiis Guudcadde.


Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn