Falanqaynta buugga; Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay; Soomaaliya Dib Ma u Dhalan Doontaa?












Hordhac


Buuggani wuxuu ka mid yahay waxsoosaarka Dr. Maxamed Daahir Afrax (1952-2021). Dr. Afrax wuxuu ahaa suugaanyahan, taariikhyahan, naaqid bulsheed iyo sheekofaneedyahan gaamuray. Wuxuu wax ku qori jiray saddexda luuqadood ee Ingiriisida, Carabiga iyo dabcan Soomaaliga. Sheekooyinka uu Afrax magtabadda Soomaaliyeed gashtay waxaa ka mid ah Guur Ku Sheeg (1975), Maana-faay (1979) oo ah sheekooyinka qoran ee Soomaalida ta ugu magaca dheer, iyo Galti Macruuf (1980). Buugta af Carabiga uu ku soo saarayna waxa ka mid ah الصومالية الثقافة في نظرات iyo الحرية نداء) 1976). Sidoo kale, wuxuu leeyahay cilmibaadhisyo uu ku faaqidayo fanka Soomaalida guud ahaan iyo cilmibaadhisyo kale waxana ka mid ah: Fan-masraxeedka Soomaalida iyo نافذة على االبداع في منطقة خليج عدن: دراسات فى الثقافة والفن فى الصومال واليمن و جيبوتى Wuxuu Afrax ugu jilibdhigay in uu ku faaqido fanka Soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna fan masraxeedka. Waana sees waxtar leh oo laga anbaqaadi karo darsidda fanka Soomaalida. Dr. Afrax si guud waa qof Soomaalida dhif iyo naadir ku ah oo qaadhaan weyn ku darsaday qoraalka, af Soomaaliga iyo kobcinta aqoonta, fanka iyo faaqiddaaddiisa.

Buuggan "Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay: Soomaaliya Dib Ma u Dhalan Doonta? wuxuu ka dhashay qoraal xagaaggii 2002 lagu faafiyay dhowr mareeg oo ay ka mid yihiin, SomaliTalk, Somaliweyn, Gacal, Galgaduud, Balcad, ikk, sidoo kalana waxaa lagu siidayaay wargeysyo dalka gudihiisa iyo debeddiisaba ka soo baxa, qoraalkaas oo akhristayaashiisii falcelinno, doodwadaag, talo-bixin iyo jawaabo togan ka soo celiyeen, talooyinkaas waxaa ka mid ahaa in qoraalkan buug ahaan loo daabaco. Buuggu wuxuu ka dabqaadanayaa wayddiimaha ku salaysan dood qaran ee aan laablakaca ku dhisan, maangalnimadana ka fog oo ay ka mid yihiin; maxaa dumiyay dowladnimadii? Masiibadan yaa ka mas'uul ah? Maxay Soomaalidu dad ahaan ka samaysan tahay? Maxaa naga qaldan oo loo baahan yahay in aan habdhaqankeenna aan ka beddelno si aan u hawaysanno, mustaqbal kan aan ku
sugannahay mid dhaama?. Wayddiimahan ayuu Dr. Afrax ku furfuranaya bilowga buuggiisaba culaysakana uu saarayaa ka halcalintooda.

Buuggani wuxuu ka mid yahay buugta sida dhabta ah u taabtay mushkiladda iyo dhibaatooyinka Soomaalida haysata. Wuxuu si toos ah oo cilmiyaysan u soo bandhigayaa dalkeenna waxa burburiyay ee ay ka mid yihiin: damiir xumada hoggaamiyayaasheenna, qabiil caabudka dadkiisa iyo dibindaabyada shisheeye. Isla wakhtigaas wuxuu soo bandhigayaa buuggu waddada iyo dawga loo mari karo badbaado qaran iyo xal waara, docda kale buuggu wuxuu adeegsanayaa hannaan dood-curis ah (argumantative), sidoo kale buuggu wuxuu ka shidaal qaadanayaa ciwaankiisa dabeetana uu ku jaangoynayaa jaawabaha uu cutubyada ku bixinayo.

Waxaa kale oo xiiso badan Dr. Afrax isaga oo awooda in uu af Carabi ama af Ingiriisi ku qoro ayuu ku qoray af Soomaali (oo ma af kale ayaa u bannaan lahaa haddii uu Soomaali la hadlayo) aad u farshaxamaysan oo macno iyo miisaan weyn. Dhanka kale qoraa Maxamed D Afrax haddii aad ku baratay deggenaan iyo qalin qabow buuggan waxaad ugu kulayl iyo gooddi iyo dhaliil uu u soo jeedinayo hoggaamiyayaasha siyaasadeed, waxgaradka, tacliinleyda, ganacsatada, dhalinyarada, iyo bulshoweynta kale. Jeerkaasna waa buug yidiidillo iyo rejo xanbaarsan oo agtiisa aadan quus ku dareemayn, dabaqabadna leenahay. Qoraagu wuxuu soo bandhigayaa in saddex qolo ay dhibaatada Soomaalida haysta masuul ka yihiin: qolada siyaasadda, qolada fekerka (tacliinleyda) iyo qolada dhaqaalaha ama ganacsatada. Intaas dabadeed, buuggani waa buug aqoonyahan Soomaaliyeed uu qoray isla wakhtigaasna Soomaali loo qoray oo loo warramayo. Waa buug qiimi badan oo qof Soomaalida dhif iyo naadir ku ahna uu qoray.

Buuggu wuxuu ka kooban yahay 245 bog, iyo shan cutub. Waxaanan qabaa in uu yahay buugta Afrax kuwa baarka sare kaga jira, sidoo kalana mudan in aad loo derso aafooyinka uu soo bandhigayo iyo marinnada uu soo jeedinayo ee looga huleeli karo. Waaxaha danbe ee qoraalka, waxaan isku deyi doonaa in aan ku falanqeeyo cutubbada buuggu uu ka kooban yahay falanqayn iyo faallaynna aan ku sameeyo:



Cutubka Kowaad: Dal Dadkiisii Gabay


Cutubkani oo ah cutubka ugu badan bogag ahaan buugga; wuxuu dhereran yahay  41 - 113. Wuxuu kaga hadlayaa qoraagu in dalkan dadkiisu gabay shaqadii loo baahnaa in ay qabtaan ee waajibka ku ahayd, wuxuu ku furfuranayaa in Eebbe Somaaliya ku galladay khayraad dabiici ah iyo in uu yahay dal juqraafi ahaan meel istraatiiji ah ku yaalla, sidoo kalana leh xeebta u dheer afrika oo ay khayraad iyo macdan dhex ceegaagaan. Hasayeeshee dadkiisu aanay fahansanayn oo aan qiyaastii Eebbe ku galladin xigmaddii, dhugashadii iyo habkii khayraadkaas looga faa'iidaysan lahaa. Maxaa wacay nimcadaas iyo barwaaqadaas ayaa dadkiisu maalin wal macluul iyo gaajo ugu le'enayaan, dadkiisuna ay carruur iyo cirrooleba ka carareen.


Wuxuu xusayaa in shacabkii lagu mashquuliyay xintan qabiil, hoggaamiyayaashiisuna ay ku shuqlan yihiin xukundoon indhala', xusul duub xoolo lagu helo jid xaaraan ah. Tartanka noocan ahina wuxuu  sababay qof Soomaali ah oo maan la' iyo shacab dadnimadiisii ay burburtay oo haadaan ku sii dhacay, heer la gaadhay in ay dunidu ku war heshay ummad wadajir u waalatay, hiygii ay ku noolaydna dab gelisay. Wuxuu ku faaqidayaa cutubkan in magaca Soomaali uu qiimadhacay ama dhulka galay in eedda iyo danbigeedana tuurta ku qaadanayaan gadhwadeenka siyaasadeed ama hoggaamiyaasha siyaasadeed muxaafid iyo mucaaradba, oo shaqadoodi si hagar la'aan ah aan u gudan, sidoo kalana dalka dhibaatada haysataa ay tahay; hoggaanxumo, bulsho qabiil ku deyeysan iyo dibindaabyo shisheeye.


Wuxuu ku furfuranayaa cutubkan mawdduuc aad muhiim u ah oo tilmaaymaya "ummad dhan ma waalan kartaa", wuxuu ku doodayaa isagaoo xiganaya buugga The Sane Society "Bulshada Miyirka Qabta" Erich fromm, in sida hal qof uu u waalan karo in ay bulsho dhan iyana u waalan karto oo maryaha dhigan karto wuxuu carrabaabayaa; "Haddii aynu qirno waallidu in ay tahay cudur madaxa ku dhufan kara mujtamac dhan, shaki kuma jiro Soomaalidu maanta waxay joogtaa in ay tahay ummad waalatay, ama mujtamac maandoorsamay. Wadar ahaan iyo waaxid ahaanba sidii aan u dhaqmaynay, dhawr iyo tobankii sano ee u dambeeyay waxay muujinaysa in aan nahay dad is madax maray, maskaxdoodu hawl gabtay maankooduna fayoobi ka fog yahay." Wuxuu qabaa in ay bulshadu tahay bulsho jirran oo aan bedqabin, xubinta ay ka jirran tahayna ay tahay ta u muhiimsan ee jidhka taas oo ah; xubinta maskaxda. Waxaa bukaan ah maanka wadareed ee mujatamaca soomaalida, maankii baa is dhalan-rogay, maskaxdii baa asqowday, miyirqabkiina wuu dhintay. Waana sababta aynu burburka, dibudhaca, iyo meehannowga uga bixi la'nahay, waayo maskaxdii baa innaga jirran duniduna maskax bay magan u tahay. Goorma ayaa u danbeysay maskax Soomaaliyeed oo caadi u shaqaysa, maskax Soomaaliyeed oo ka soo baxa wax lagu diirsado ama loo riyaaqo? Wuxuu xusayaa in xaahajadeennu dhaafi weyday "Tashan weydaye waa lagii talin". Waaxidku marka uu waasho waxaa lagu yaqaan, jar-iska-tuurnimo, iyo wax burburin, wadarta waalataa iyana waa sidoo kale. Waana sababta ay Soomaalida caqligeeda wixii ka soo dhiiqaa ay yihiin, wax burburin, halakayn, foolxumayn iyo eedaad. Wuxuu xusayaa in dhowr iyo toban Milyan oo qof laga waayay dhowr iyo toban waxgarad ah oo daacadnimo iyo xilkasnimo weheliso si ay ummaddan uga furdaamiyaan belaayooyinka iyo mushkiladaha ku habsaday toban-guurooyinka, sidii ay uga soo dhex bexeen dhowr iyo konton sano ka hor dhalinyaradii LEEGADA "SYL". 


Wuxuu kaga hadlayaa oo kale in magaceennii uu ba'ay, ama magicii mar lagu faani jiray Soomali oo hadda uu gumoobay, indho yasid iyo liididna lagu eego, taasina ay caddaynayso gunnimada heerka sarreysa in uu gaadhay magaceennii, in laga soo kabtaana ay adag tahay ama muddo qaadanayso. Wuxuu isagoo innagu baraarujinayaa, sida magaceennii dunida galbeedka iyo si guud dunidaba uga qiimadhacay oo dhulka galay mar haddii uu ahaan jiray beri magac dunida qaali ku ah oo laandheere ah hadda in dhulka soo taabtay.


Wuxuu tusaale u soo qaadanayaa in xumaheennu debadda yaallo, wuxuu xusayaa dhacdo 2002 April ka dhacday Yemen oo laanta Af soomaliga ee BBC du soo werisay barnaamij uurxumo weyn leh. Wuxuu soo tebinayay; in hablo Soomaaliyeed oo boqol kor u dhaafaya da'dooduna u dhexayso 17 - 23 oo ay Booliiska Yemen ka xaaqeen waddooyinka magaalada Cadan, iyagoo ku eedaynaya in ay magaaladooda ku noqdeen dhegxumo iyo qudhun aan loo dulqaadan karin, hablahaas waxa ku kallifay in ay laamiyada cadan dadka ka tuugsadaan kolkii ay waayeen si kale oo ay u noolaadaan. Yemen oo bulsho muxaafid ah (conservative) oo qoraaguna ku noolaan jiray; wuxuu tilmaamayaa in marka ay xaaladda noocaas ah la kulmaan gabdho dawarsanaya ama jidhkooda ka beecmushtaraynaya; in mujtamaca Soomaalida iyo magacii Soomaalida feker aan hagaagsanayn iyo suurad khaldan ay ka qaadanayaan, sidoo kalana ay buubuuniyaan dhacdadan iyada iyo dalal kale oo carbeed Soomaalida ku tilmaaman in ay yihiin dad dhintay oo aan waxba isku falayn.


Magacaas ba'ay ee dhulka galay waxaynu iswayddiinaynaa magacaas yaa bi'iyay, yaa halkaa dhigay, yaa haadaan dheer ka shalwiyay? Dr. Afrax isagoo ka halcelinaya wayddiintaas wuxuu qabaa in magaceennii uu bi'iyay ciddii bulshadan masuulka ka ahayd. Bulshadana laba qaybood ayu u kala qaadayaa si uu masaladaas u furfuro; gadhwadeen (elite) iyo la-wadeen, wuxuuna u kala qaybinayaa gadhwadeenka saddex qaybood:


1. Gadhwadeenka Siyaasadda (Political Elite)
2. Gadhwadeenka Fekerka (Intellectual Elite)
3. Gadhwadeenka Dhaqaalaha (Economic Elite)


Sida caadiga ah dowladaha horumaray saddexdani iskuma qasna mid kastana wuxuu hayaa shaqo u gaar ah, hasayeeshee dalalka dibudhacay saddexdan qolo way isku milan yihiin oo lama kala guri karo, awoodduna waxay isugu biyashubataa qolada siyaasadda, wax walbana iyagaa ayaa luqunjibaadhiya oo afduubta, hantiilayna noqda. Sidoo kalana iyagaa awoodda u weyni gacanta u gashaa waxayna saamayn iyo qaabayn ku yeeshaan fekerka bulshaweynta. Wuxuu tilmaamayaa qoraagu in gadhwadeenku (saddexdiisa qoloba) masuul uu ka yahay burburka Soomaaliya iyo magac bi'inta iyo gunnimo u soo jiididda magaca Soomalida, la wadeenkuna aanu eed weyn ku lahayn, dhibaatadaas.


Wuxuu xusayaa in Soomaalidu ay dhalma daysay oo hanaddadii iyo indheergaradtadii SYL aanay cid ka danbayn, sida uu Axmed F Cali Idaaja uu tilmaamayna "Leego Cidi kama danbayn" in ay innagu dhabowday. Shacbiga Soomaaliyeed haddii ay heli lahaayeen hoggaan hagaagsan oo waddo toosan ku hanuuniya in shacabka Soomaliyeed oo laab furan, dacaadnimo, karti iyo firfircoonaan leh ay raaci lahaayeen hoggaamiyahaas. Waxana marag ka ah taariikhda la soo maray. Waxaynuna tusaale u soo qaadan karnaa, taageeradii ay ka heleen shacbiga: 1. Xisbigii SYL waqtigii Isticmaarka. 2. Inqilaabkii Maxamed Siyaad barre 3. Gurmadkiii Jabbuuti 2000. Saddexdaasiba waxay ka marag kacayaan daacadnimada iyo isbarbartaaga naf iyo maal waxay hayeen u hureen.


Wuxuu qoraagu qabaa in gadhwadeenka siyaasadeed uu kaalin laxaad leh oo aad u weyn uu kaga qaybqaatay burburka dowladnimadii Soomaalidu haystay. Wuxuu ku doodayaa in gadhwadeenka dhaqaalaha iyo fekerku (hanitiilayda iyo tacliinleyduna) ay gabeen doorkii ay kaga hortagi lahaayeen burburka dowladnimadii Somaalida. Dadkii dowladnimada faa'iidada iyo naasnuunijnta u weyn ku qabay ay burburiyeen oo dhulka la simeen. Waa halka abwaanku ka leeyahay "Kuwii dararta maandeeq dhamaa dilay dhegteediiye."  Burburka dowladnimadiina ay ka dhalatay saddexdan oo kaalintoodii gabay halka ay ka yihiin qoladani kuwa ilaaliya dowladnimada dalalka kale. Madaxda iyo maalqabeennada soomaaliyeedna ay yihiim kuwo ka dheer indheergaradnimo oo ay yihiin indha-kugaraadle maalin la nool ah ama maangaab aan talo ehel u ahayn.


Wuxuu xusayaa in mushkiladda Soomaalida haysataa ay tahay hoggaanxumo. Hoggaamiyaayasha Soomaliyeedna aanay lahayn hiraal qaran "National Vision". Hoggaamiyuhuna wuxuu door weyn ka ciyaaraa in bulshadu ay horumarto oo dunida la tartanto, wuxuu tusaale u soo qaadanayaa Mahatir Mohamd oo 20 sano xilka hayay sida uu Malaysiya uga qaaday dhulka oo u geeyay cirka, ugana mid noqotay dowladda saddexaad ee ugu hodonsan qaaradda Eeshiya. Mahatir wuxuu ka keenay Malaysiya saboolnimo, jahli iyo dibudhac, wuxuu sababay in bulshada Malaysiya ay sumcad ku yeeshaan dunida oo uu noqdo dal horumar dhaqaale iyo dhan kastaba ku tallaabsada. Wuxuu noqday dal nabad iyo xasillooni iyo wadatashi ku nool. Sidaas awgeed bulshooyinku in ay ilbaxnimada iyo horumarka dib ugu soo noqdaan waxaa lagamamaarmaan ah in la helo hoggaan suuubban oo dadkiisa ka fekeraya sidii uu  sumcad iyo sharaf ugu soo jiidi lahaa. Kana feejigan in uu dadkii ku tuuro godka saboolnimada, jahliga iyo dibudhaca.


Dr Afrax isaga oo ka sii anbaqadaaya gadhwadeenka gablankeeda baday, wuxuu lafa-gurayaa mid kasta sida uu u sababay burburka iyo doorkii uu ka ciyaari lahaa ka hortagga ama bedbaadinta dalka:


Gadhwadeenka siyaasadda: qoraagu isaga oo taariikhaynayaa isbedellada ku socday gadhwadeenka wuxuu ka soo bilaabayaa gadhwadeenkii siyaasadeed ee 1960. Wuxuu soo bandhigayaa in marba marka ka danbaysa facii kowaad ee leegada siyaasiyiintii ka danbeeyay ay soo xumaanayeen kuwa talada dalka haya iyo kuwo mucaarad ahba, siyaasiyiintii talada dalka dhaxlay ee 1960 kii waxay marba marka ka danbaysa ku dhacayeen bullaacadda qabyaaladda musuqmaasuqa iyo danaysiga. Gadhwadeenkii asxaabtuna waxay ahaayeen kuwo aan waxba dhaamin ee ay ka wada sinnaayeen in ay ku wada jiraan goobadaas bullaacadda ah, ee ay xukunka uun ku wada loollamayeen ee aysan kala fogayn oo wax weym ku kala geddisnayn.


Wuxuu uga soo gudbayaa gadhwadeenkii Taliikii Siyad Barre; gadhwadeenkaasina bilwogii wuxuu muujiyay dardar iyo hoggaamin wanaagsan, dadkuna way u wada riyaaqeen, waxaqabadka degdegga ah ee uu ku tallaabsaday, waxaa muuqatay in ay dadku islahaayeen waxaad hesheen oo hirgashay himiladii ahayd in ay helaan dowlad tiirar adag ku taagan oo bulshada xasillooni iyo nolol barwaaqosooran ah u horseedda. Waxa muuqatay in la helay dowlad dhexe oo awood badan iyo dhiirranaan badan leh oo umaddan ugu baaqaysa in ay aanay burburin ayna ka fogaadaan qabyaaladda iyo jirrooyinka kale ee dowladnimada caqabadaha ku ah. Intaas waxaa si cad loogu qeexay labada bayaan ee xaashidii kowaad iyo xaashidii labaad ee towradda. Wuxuu tilmaamayaa Dr Afrax in bayaannadaasi ay dadka dareensiiyeen in gadhwadeenkani ku hubaysan yahay hiraal cad oo qaran dhis ah (Clear Vision of nation building).


Saddexdii sano ee u horreeyayna waxaa qabsoomay waxqabad iyo horusocod weyn iyo tallaaboyin waawayn oo ay ka mid yihiin in af Soomaaligii la qoray mashaariicdii dhismaha ee ku caan baxay Iskaa Wax u Qabso iyo in Soomaaliya ay Afrika iyo dunidaba magac weyn ku yeelatay, muddooyin koobanna horumar degdeg ah ku tallaabsatay. Balse, nasiibxumo, markii Maxamed Siyaad ku xoogaystay xukunka wuxuu noqday keligataliye macangag ah, duunyada iyo dadka ba haddii uu dabqabadsiinayana aan juuq laga daba odhan. Wuxuu curdindhadhiyaya nadaamkii dimuqraadiyadeed ee curdinka ahaa, wuxuu baabbi'iyay labadii gole ee Barlaamaanka, wuxuu tirtiray mucaaradkii oo uu ka dhigay denbi qaran, dalkiina wuxuu u sameeyay hal xisbi. Qofkii ka aragti duwanaadana sida lagu yaqaanno keligitaliyaha qudha ayuu ka gooyay waxana tusaale kugu filan saddexdii nin ee golaha sare ee kacaanka ay ka wada tirsanaayeen ee afganbiga la abaabulay oo uu qudhgoynta ku ballaysimay; Salaad Gabayre oo kuxigeenkiisa ahaa, Maxamed Caynaashe, iyo Cabdiqaadir Dheel.


Kolkii Maxamed Siyaad kursiga ku miciyaystay waxaa ku dhabowday in uu noqday "awrkii reeryadiisa cunay", wuxuu isu rogay dhanka kale oo marba marka ka danbaysa, wuxuu ku sii siqayay oo dib ugu noqanayay halkii laga yimi. Wuxuu umadda isaga horkeenay jilib jilib iyo jibsin jibsin, ugu danbayntiina wuxuu dalkii ka tuuray haadaan dheer oo illaa immika uu ka soo noqon la' yahay. Intaas Siyad barre raadkiisu kuma eekaan wuxuu noqday dugsi si gaar ah ay ugu daba tukadaan siyaasiyiinta Soomaalidu, wuxuu u noqday bare ay ku dabafaylaan oo ummadda ku barbaariya burburinta ummadnimadeeda. Wuxuu noqday dugsi soo saara fac dhan oo siyaasiiin ah oo u tartama dugaagnimada iyo dal burburinta. Waxaa dadkii la aamminsiiyay in loo kala dheereeyo boobka, beenta boolida iyo burburka wixii hortaada soo mara. Dhaqan siyaasadeedkaasi wuxuu siyaasiyiinta Soomaalida u aamminsiiyay si indha la' saddex aafo oo saldhig u ahaa xukunkaii keligitaliska waa; qori, qabiil iyo kursimaroorsi aan lahayn indho wax arka iyo dhego wax maqla.


Gadhwadeenka dhaqaalaha; wuxuu ku doodayaa qoraagu in qolodan kaalintoodu iyo shaqadoodu ay ahayd in ay sii gartaan burburka dalka ku soo wajahan, cidda wax ku la'na ay iyaga yihiin qarannimada oo la waayo iyo dalka oo bilaa sharci noqda. Waxay ahayd in ay hantidooda ku badbaadiyaan dalka ee aanay hantidooda kaga qaybqaadan burburinta dalka iyo baabbi'intiisa. Waxay shaqadoodu ahayd in ay u caqliceliyeen qoladii xukunka haysay iyo jabhadihii ka soo horjeestay oo heshiis nabadeed iyo xal siyaasadeed gaadhsiiyaan iyaga oo adeegsanaya awooddooda dhaqaale. Balse taa cagsigeeda dagaalkii ayay baasiin iyo batrool ku sii shubeen waxayna ku kala biireen labadii dhinac ee xabbadda isla horfadhiyay, hantidoodiina waxay ku iibiyeen hub ay qabiilladu isku gumaadaan. Sidaas ayaana loo dhaxlay burbur iyo khasaare illaa hadda aynnu ka soo waaqsan la'nahay. Dhanka kale hantidoodii waxaa qaaday daadkii dagaalka sokeeye, oo waxna way burbureen waxna waa la bililiqaystay.


Hantiilayda hadda joogatana wuxuu ku tilmaamay qoraagu in ay yihiin dagaalkutaajir dib ka naax ah oo ka arrdan haybaddii hantiilayda soojireenka ah, habrasho dareen qarannimo aan lahayn. Waana qolyo aynaan siin karin sifada gadhwadeen ee aynu ugu yeedhi karno Raq Ku Nool. Waxay ku xiiqsan yihiin oo si walba uga fekerayaan sidii ay hanti uga samayn lahaayeen raqda qaranka burburay iyagoo dabar goynaya wax walba oo hadhsan. Dhibaatooyinka kale ee lacag-dooniimada damiir la'aanta ah iyo sharci la'aanta waxaa ka mid ah dadkii oo lagu sumaynayo dawooyin dhacay iyo cunto kolkii horena liidatay waqtigii loogu talagalayna soo dhaaftay. Haddaba inta raq ku noosha ah ee ku taajiray bililiqada iyo sharci la'aanta waxay la tahay in dantoodu ku jirto dowlad la'aanta iyo xeer la'aanta iyo dal ay kaligood hantiilayaal ka yihiin cidda ay doonaanna iibsan karaan. Wuxuu qabaa in ganaacsadaha soomaaliyeed ay tahay in shaqada u weyn uu ka fekeraa in dalka dowlad iyo nadaam hagaagsan lagu soo celiyo cidda u weyn ee ka waxtaransanaysaana ay isaga tahay, sababta oo ah isaga ayaa faa'iidada u weyn ku qabaya.


Gadhwadeenka fekerka; wuxuu tibaaxayaa in aanay ka dhaliil yarayn labada kooxood ee aynu hore u soo qaadaadhignay, sidoo kalana qoladan in aan loo adeegsan karin erayga aqoonyahan ama indheergarad. Wuxuu tilmaamayaa in dadka jaamacadda dhammeeyaa in ay yihiin badankoodu shaahaado xanbaar oo ay la mid yihiin in ay yihiin sidii quraanku sheegay inay la mid yihiin kuwo ka maran waxyaalo badan, oo ay yihiin "Sidii dameer kutub waawayn lagu raray". Wuxuu tibaaxayaa in ay yihiin tacliinleey ee aanay ahayn Indheergarad, dalkuna aanu lahayn; waayo ma hayno indheergaead maskax maal ah oo bulashada hab fekerkeeda hagaajinaya.


Shaqadanna ay ahayd in tacliinlaydu ka gaabisay, waxay karti iyo bisayl u yeelan waayeen in ay ku noqoto mid ku hoggaamisa shicibweynaha wacyigiisa, waddo toosanna u tilmaamnta, khataraha iyo halisaha uga digta mustaqabalkana u bidhaamiyaa. Wuxuu tilmaamayaa in dunida kaalintaas hagidda bulshada ay ugu jiraan indheergaradka oo tacliinlaydu horumuud yihiin wuxuu xusayaa in lagu hungoobay oo lagu fashilmay. Kaalintaasina markii ay bannaantay qabqablayaasha qabyaaladda iyo siyaaasadduba ay yihiin kuwo buuxiyay in ay jiheeyeen wacyiga bulshada iyo habka ay u fekerto, iyo sidoo kale in ay ku guulaysteen in ay beeraan dhaqan-siyaasadeed sumaysan. Wuxuu tilmaamayaa in tacliinlaydaasi shaqadoodu ahayd in dalka dhibka ka saaraan balse aanay gudan shaqadoodii.


Qoraagu wuxuu cutubkan ku soo afjarayaa laba cinwaan oo muhiim oo iyagana loo aanayn karo ka hortagga burburka iyo halaagga Soomaalida in aanay ka ciyaarin doorkii loo baahnaa in ay ka qayb qaataan; waa dabaqadda dhexe iyo dhalinyarada. Wuxuu tilmaamayaa bulshadu in ay saddex qaybood ka kooban tahay dabaqad sare oo damac iyo doonitaan waalli ah leh, dabaqad dhexe oo heerkii caammada ka soo gudubtay damaca dabaqadda sare iyo calooshii la ciyaarka awoodda siyaasadeed ee uu helay ku takrifalaya iyo dabaqad hoose oo caammo waxmagaratay ah u badan.


Wuxuu qabaa in dabaqadda dhexe kaalinteedii isudheellitirka labadaas dabqadood ay gabtay iyo shaqadii, kartidii iyo kasmadii ahayd in ay dalka burburka ka bedbaadiso. Dabaqadda dhexe waxaa ka mid ah; ganacsatada, maskaxmaalka, saraakiisha howlaha dowladda kala socod siiya, tacliinlayda, waxgaradka, iyo xirfadlayaasha. Wuxuu ku doodayaa maaddaama oo dabqadda dhexe burburka ka hor ay isuruursan weyday oo burburka doorkii loo baahnaa in ay kaga hortagto ay ka gaabisay, in ay tagoogta ka jabtay oo ay maanta darxumo iyo dhaqaala xumo ku sugan yihiin, ayna galeen halkii dabaqadda hoose. Sida Dr Alice B. Hashim buuggeeda "The Fallen State" ku xustay waxay qabtaa in burburka soomaaliya ay u gogolxaadhay koox bulsheeddan muhiimka ee dabqadda dhexe ka dibna si fudud uu daadku u qaaday oo ugu shubay qabiil iyo qabqablayaal dagaal. In kaalintaas dib loo buuxiyaana muddo ayay qaadan doontaa maaddama oo kooxdan ay meeshii ka baxday facii beddeli lahaana ay la kulmeen qax iyo tacliinxumo.


Cutubkan oo ah cutubka ugu culus buugga wuxuu ku soo afmeerayaa in dhulkani uu yahay dhul dhalinyaro beelay oo dhalinyaradii taariikhda casriga ah ee soomaalida saamaynta iyo raadka weyn ku lahaa, ee halgankii gobannimodoonka iyo xornimodoonka ka soo qaybqaatay aanay ka soo bixin oo dhalinyaro iskeed isu abaabusha oo aragti iyo feker ku midaysan aanay jirin. Wuxuu soo bandhigayaa in taariikh ahaan ay bulshada soomaaliyeed dadkii qarannimada iyo qoomiyadnimada ku shiday oo maskaxdooda ku bisleeyay ay ahaayeen dhalinyaro, iyagoo adeegsanaya qaybaha kala duwan ee fanku ka kooban yahay ee gabayo, heeso, ruwaayado iyo wixii la halmaalaba leh. Balse hadda dhalinyaro shaqada noocaas ah qabataa aanay jirin oo dalkuna sidaas uu ku noqday dal dhalinyaro beelay.


Cutubka labaad: Dibindaabyada Dibadda


Qaybtan qoraagu wuxuu kaga hadlayaa, saamaynta debedda iyo faragalinta shisheeye doorka ay ka ciyaarayaan in Soomaaliya ay xasili waydo. Wuxuu ku doodayaa in dhibaatooyinka Soomaalida haysataa aanay keliya ahayn hoggaan xumo iyo karti la'aanta bulshada, balse ay jirto sabab kale oo iyana laxaad iyo qayb weyn ka qaadanysa in Soomaalidu burburkaas iyo baabba'aas ku sugnaato. Dowladaha horkacaya faragalintaas iyo in aanay soomaalidu dhisan dowlad awood weyn leh oo dhiddibbo adag ku taagan waxaa ka mid ah; dowladaha galbeedka oo Talyaanigu ugu horreeyo, iyo dowladaha deriska oo Kenya iyo Itoobbiya ay horkacayaan, siiba Itoobbiya ay ugu mintidsan tahay. Wuxuu Dr Afrax ku soo koobayaa dhibaatada Soomaalida erayadan; "qalladan Soomaalida ku habsatay; waxaa la oran karaa burburinta Soomaaliya waxaa isu kaashaday "dadnimo-xumada iyo damiirla'aanta siyaasiyiinteeda, dammanaanta shicibkeeda iyo dibindaabyo shisheeye la daba joogay muddo hal qarni  ka badan."


Duni Damiir Beeshay

Qarnigii 20 aad waxaa dunida ka jiray laba awoodood Midowgii Soofiyeet iyo huwantii Galbeedka oo Maraykan hoggaaminayo, kolkii Midowgii Soofiyeet uu dumay waxaa soo ifbaxay in labadii awoowdood ee issdheellitirayay oo loollan iyo tartan ka dhexeeyay ay meesha mid ka baxday  taas oo dan weyn ugu jirto dunida saddexaad ama dalalka soo koraya, oo ay hadba labada aowodood ay ku dedaali jireen in ay dalalkaas soo koraya soo jiitaan oo si uun tixgalin iyo mudnaan loo siin jiray. Balse galbashadii midowga soofiyeet dunidii waxay noqotay mid burbursan oo baabba'san, hal awoodna wax walba ku biyashubteen oo dunida sida ay rabto ka yeelaysa, ayna ugu weyn tahay mashruuca Carro-edegaynta "Globalasitaon" oo nuxurkiisu yahay in dalalka soo koraya saboolnimo loo siyaadiyo kuwo horumarsan burjuwaasiyad iyo dibudhaca.

Dr Afrax wuxuu ku doodayaa in dagaalkii qaboobaa uu Soomaaliya burburkeeda kaalin laxaad leh ka qaatay, wuxuu tilmaamayaa ku loollamiddii labada awoodood ee Bariga iyo galbeedka ku loollamayeen sidoo kalana ay ku soo fatahayeen hub ay dalka soo galiyaan iyo naasnuujis ay lagu dhiirrigaliyo kelitaliskii Siyaad Barre iyo musuqmaasuqii horseeday in dalku burburo. Waana hubka ay Soomaalidu eedday oo dagaalkii sokeeyana isku gumaaday. Taas oo caddaynaysaa in dowladaha shisheeye damiirkii iyo dadnimadii ay ka dhimatay oo dantoodu uun hagayso. 


Godobta reer-Galbeedku goormay dhammaan


Afrax wuxuu ku doodayaa in quwadaha waawayn ee galbeedku Soomaalida ay ka galeen godobbo aad u waaweyn sidoo kalan weli gaboodfalladaasi ay socdaan oo aanay wakhti ku egayn, waa gaboodfal maalinba heer marayay oo waji lahaa, qaybtan wuxuu qoraagu ku soo bandhigaayaa godobbo ay  huwanta reer galbeedku ka galeen Soomaalida waxaynu ka xusu karnaa:

1. Kala qaybintii dhammaadkii qarnigii 19 aad shanta qurub loo kala jabiyay, tani waa godobta u weyn ee gumaystuhu innaga, waayo ummad isku dhaqan, isku af, isku diin, isku sooyaal iyo wax walba oo aadane wadaago ayay kala qaybiyeen. Sida ay ku doodaan ama isku raacsan yihiin xeeldheerayaasha taariikhduna; kala qaybintaas arxan la'aanta ah ayaa Soomaalida u horseedday dhammaan ayaan darrada ku habsatay ee ay la dhisan kari la' yihiin dal deggan oo xasilan ama dowladnimo Soomaaliyeed, iyo sidoo kale taas oo abuurtay in si wada jir ah dagaal ay ugu wada jiraan dalalka deriska la ah, Itoobbiya ha ugu darnaatee. Waana mushkilad iyo dhibaato ay abuureen quwadihii isticmaarku oo illaa hadda aynu ka soo waaqsan la'nahay.

2. Godobta sidoo kale aan halisteedu yarayn ee ay innaga galeen waa in ay dab iyo baasiin ku sii qabteen dowladdii duntau, waxayna awoodeen in mushkiladdaas laga baaqsan karayay oo ay iyagu waliba awoodeen in ay baajiyaan sidii ay uga qayb qaateen in aanay taliskii Mingistu ee Itoobbiya burburin.

3. Nin ku dilay hadh kuuma jiidee, Jamhuuriyaddii Somaaliyeed kolkii ay burburtay oo dagaalkii sokeeye daashaday, masuuliyaddeedu waxay ku soo wareegtay beesha caalamka, sidaas darteed halkii dowladaha kale ee burburay loola gurmaday qorshe daacad laga yahay in dowlad laga dhiso, Soomaaliya waxaa loo diray ciidammo jahwareerin ah, oo aan la siin xil qeexan aan amar lagu siinin xataa in ay hubka ka uruuriyaan dhinacyadii dagaallamayay in ay dawlad dhis ka qaybqaataan haba danbaysee.


Cutubka saddexaad: damqashada Jabbuuti; dadaal diiwaangalin mudan.


Qaybtan wuxuu qoraagu kaga hadlayaa kaalinta iyo doorka ay ka ciyaaratay Jabbuuti dibudhiska dowladnimada Soomaaliya, taas oo ah kaalin muggeeda iyo miisaankeeda leh oo la mid ah tan Itoobbiya oo kale, oo labaduba ahmiyad iyo mudnaan gaar ah bay siiyeen burburkii ka dib, laakiin howlgalka ay hayaan iyo mid kasta shaqada uu ka hayo waa kaaf iyo kala dheeri, isweydaar ah si toos ahna cagsi isugu ah. Qoraagu wuxuu xusayaa in Jabbuuti ay arrinta Soomaaliya iyo dibuheshiintii ay kaalin weyn iyo tallaaboyin horusocod ah ay ka qaadatay oo taagteeda iyo tamarteeda ka weyn marka lagu xisaabtamayo in Jabbuuti ay tahay dal sabool ah oo aad u yar. Tallaabooyinkaasi waa kuwo raad weyn ku yeeshay nolosha Soomaalida sidoo kalana keenay isbedello dhaxal-reeb ah. Wuxuu xusayaa qoraagu khudbaddii uu Ismaaciil Cumar Geelle 1999 kii ka jeediyay qarammada midoobay iyo hawlgalkii dowladda Jabbuuti u guntatay bilihii ka danbeeyay ee la magac baxay "Hindisaha Jabbuuti" in ay Soomaalida ka qaadeen wahabkii iyo quustii dul hognaysay Soomaalida. Hindisahaasi wuxuu dadka Soomaaliyeed u bidhaamiyay Ilays ay ugu hirtaan dibudhis qarannimadii ka duntay (nation-building vision). Si kooban waxay reer Jabbuuti soomaalida u noqdeen gacal iyo gurmad dhibaatada iyo balaayada ka saara, xilli ay u baahnaayeen cid u soo hiilisa oo u gurmata.


Qoraagu wuxuu intaas uga gudbayaa wayddiinta ah "Shirkii Carta 2000" maxaa loogu guulaystay, maxaase laga dhaxlay? Kadib 12 shir oo dibuheshiisiineed oo guuldarro ku soo idlaaday, wuxuu farta ku fiiqayaa dhowr qodob oo aynu ka xusi karno:



1. Awood siinta iyo la-tashiga bulshaweynta


Qodobkani wuxuu ka mid yahay qodobbada muhiimka ah ee sababay Hindisaha Jabbuuti in uu guulaysto. Shirkani wuxuu sababay in talada bulshaweynta Soomaaliyeed ay ka xorowdo af duubkii dagaal oogaayaasha ee ay tobanka sano dhiirrgalinayeen quwadaha debeddu, wuxuu kaalin laxaad leh ka geystay in taladii dib loogu soo celiyo bulshawaynta Soomaalida qaybaheeda kala duwan, taladana laga soo xoreeyo af duubka kooxda yar ee ka beecmushtaraysa dagaal hurinta iyo dhiig-daadinta dibna loogu sooro bulshawaynta.

Boggaas cusub ee furmay wuxuu abuuray in uu calankii qabqablayaasha dagaalku uu dhulka galo, jeerkaasna bulshawaynta qaybaheeda kala duwan sida hoggaamiye dhaqameedyada, dumarka, ganacsatada, aqoonyahannada, ururrada bulshada rayidka ah iwm, ay dib uga soo muuqato saaxadda talada iyo guddoonka. Waxayna ka ciyaareen door kii loo baahnaa miiska talada lagu kala goynayayo.


2. U-babac-dhig wakhti aad u dheer:


Martigalinta shirweynihii Carta Jabbuuti waxay u hurtay oo wakhti aad u dheer oo iska furan, innaga oo ogsoon martigalintaas kharashka ku baxaya baaxaadda uu la eegyahay, madaxweynaha iyo dowladda Jabbuuti waxay mar walba bulshada ku dhiirrinaysay oo ku kalsooni galinayeen wakhtiga aad doontaan jooga ee lakiin go'aan gaadha. Wakhtigaas aadka u dheer iyo kharashka xad dhaafka ah ee ku baxayay wuxuu dhaliyay midhaha ah in shir ay hor yaalleen arrimo xasaasi ah aadna u qallafsan in go'aan laga gaadho. Waana mid ka mid ah casharrada waaweyn ee laga bartay Shirweynihii Carta. 


3. Naf-la-qaybsi iyo isku-tashi


Waxay ahayd wax aad u weyn oo duniduna rumaysan weyday in Jabbuuti ay dhabarka u ridato kharash baaxaddiisu aad u ballaadhan oo lagu martigalinayo ka qaybgalayaashii Shirka Carta, waxa aad loola yaabay dowlad yar oo sabool ah siday ugu suurta gashay in ay culayska intaas la'eg ka soo baxdo. Jabbuuti waxay ku doodday "jeebkaygaan u baadhaynaa dadkan aan walaalaha nahay, furinkaan kala jabsanaynaa, gacal isma cidhiidhiyo e". Naf la qaybsigan waxaa loo galay olole qaran oo aan loo kala hadhin, laga bilaabo madaxweynaha illaa miyijoogga.

Mucjisadan waxa suurtagalisay isxilqaanka qof wal oo reer jabbuuti ah, isagoo ku faraxsan in uu iska xilsaaray in ay walaalihiis roodhiga kala jabsadaan oo ceeshka wada wadaagaan. Wuxuu xusyaaa in shaqaaluhu bilowgiiba ay ku deeqeen bil mushaharkeed, ganacsatadu doorkeedii ayay ciyaareen, xataa islaamaha danyarta ee wadhatada ah ayaa iyaguna doorkoodii ka qaatay, hirgalinta shirkan, hay'aduhu waxay ku tartameen tabarrucaad, xaafaduhuba sidoo kale waxay Iska uruuriyeen qaadhaan dumarku hoggaaminayo, iyo ugu danbayn xoolodhaqatadii oo iyaguna maalinkasta neef u soo hadyaynayay oo magaalada imanaysay. Si kooban ma ahan arrin ay dowlad keli ah wadato ee wuxuu ahaa OLOLE QARAN iyo gurmad shacabka jabbuuti oo idil ka qaybqaateen, si kale wuxuu ahaa Gurmad Gacal. Run ahaan Jabbuuti waxay door weyn ka qaadatay dibuhesiinta iyo isku dayga xasilinta siyaasadeed iyo nololeed ee Soomaalida.

Wuxuu kale oo cutubka isku wayddiinayaa qoraagu Maxaa Qaldamay? Dabcan, waxqabad kasta iyo howl kasta oo wax ku ool ah oo la qabto waxay yeelanaysaa dhaliilo, howlgal sida Shirka Carta ahna wuu ka sii xagjirayaa, wuxuu xusayaa in aymuhiim ahayd in wakhtidheeraad ah lagu bixiyo hawlihii tabaabushaygsiga iyo qorsha-dejinta, naatiijada ka soo bixi lahaydna ay noqon lahayd mid ka fiican ta soo baxday. Aqoonyahanno badan oo uu ka mid ahaa Dr Afrax waxay qabeen in shirka laba bilood dib loo dhigo, balse dowladda Jabbuuti oo ka baqaysa in dib u dhigidda shirku uu sumcad dil u keeno ay qabatay.

Cutubkan wuxuu ku gebogebaynayaa midhihii laga dhaxlay Gurmadka Jabbuuti oo aynu ka xusi karno; dibusoonoolayn dareen waddaniyadeed oo dhintay, abuurista isku kalsoonaan, garowsiga iyo aqoonsiga xuquuqda dadka dulman taas oo uu madaxweyne Geelle xoogga saaray, iyo ugu danbayn dugsigii dib u heshiisiinta soomaalida.


Cutubka afraad: Tijaabadii dowlad kumeelgaadh ah


Qaybtan wuxuu qoraagu kaga faalloonayaa oo ku lafagurayaa tijaabadii dowladdii ka dhalatay Shirweynihii Carta 2000, wuxuu falanqaynayaa waxqabadkeedii iyo waxaqabad la'aanteedii, isla jeerkaas isagoo ka afeefanaya mawdduucan oo cutubkan horraantiisa ku sheegayo in ay tahay arrin culus oo aan looga bogan karo hal cutub oo ka mid ah buuggab. Wuxuu haddana ku dhiirranayaa oo wax ka taataabanayaa dowladdani waxay soo kordhisay iyo waxa ay ku guuldarraysatay, iyo sababaha guuldarrooyinkaas loo aanayn karo.

Intaas oo dhammaantood ah qodobbo lagu cibro qaadan karo oo cashar laga baran karo. Sidoo kale wuxuu tilmaamayaa qoraagu in Soomaalidu ahayd bulsho qaayasoorro leh sidoo kalana ummad anshax ahaan heersare ah; xaqa u hiilisa, xaqdarradana ka hiilisa. Wuxuu tusaale u soo qaadanayaa garyaqaankii u caansanaa Soomaalida ee Ina Sanweyne la odhan jiray faslafaddii uu dajiyay ee caddaaladda iyo sinnaanta iyo xaqa ku dhisnayd,  falsfaddaas oo ahayd; "gartu soddog ma taqaan, seeddi ma taqaan, wiil ma taqaan, walaal ma taqaan, Ilaaheeday taqaan", kolkii danbena dhaxalkaa uu innooga tegay lagu soo uruuriyay oo lagu soo koobay maahmaahda ah "gartu Ilaaheeday taqaan". Wuxuu tilmaamaya in runta iyo hadalka la caddeeyo waxay ahayd qiime sare (Supreme Value), sidoo kalana garta loo siman yahay, bulshaduna ay tahay bulsho caddaalad ku dhisan. 

Dr Maxamed Afrax wuxuu ku doodayaa in burburka ku dhacay qiyamka iyo qaayasoorradu u ay horseedeen in dowladnimadii ay burburto. Aragtidaasna wuxuu ku lafagurayaa oo si faahfaahsan ugu faaqidayaa aragtidaas buuggiisa Cilmibaadhista ah ee "The Somali Challenge: From Catestrophe to Renewal" iyo deraasad kale oo lagu faafiyay Wargeysaka Gobaad oo Maraykanka ka soo baxa sidoo kalana soo baxday horraantii sagaashannada oo ladhkeedu ahaa "Ma Dhab baa in Soomaalida Dhaqankeedaa Buburka baday".

Intaa kadib wuxuu uga soo gudbayaa dowladda kumeelgaadhla ahi, wixii ay soo kordhisay iyo wixii ah ku guuldarraysatay, iyo sababihii keenay in ay ku guuldarraysato, iyo cidda loo aanayn karo:


Maxay soo kordhisay?


Wuxuu soo bandhigayaa qoraagu in Shirkaasi wixii ugu mugga weynaa ee uu soo kordhiyay ay tahay dimuqraadiyadda la illaaway, wuxuu ku doodayaa in unkankii iyo howlgalkii DKMG ay ahayd shaybaadh dowladeed oo lagu tijaabinayo in ay Soomaalidu mar kale isku maamuli karto hab dimuqraaddi ah, kadib sannado badan oo keligitalis cabbudhinayay iyo laba fac oo ku barbaabaray maamul kelitalis iyo xukun qori caaradiis ah. Shirweynihii Carta wuxuu noqday mid lagu cayn wareejiyo hidde siyaasadeedkii noocaas ah markii u horraysay muddo 30 sano ah. Waxaa la dhisay barlamaan xubnihiisu ay xor ka yihiin keligitaliye. Golihii sacabka loogu yeedhi jirayna waxaa beddelay Golihii Shacabka.

Shirkaas wuxuu Soomaalida qarnigan u furay waddo iyo albaab cusub ay dib ugu soo naalaato. Waxaa u baryay waa cusub, waxaa u dhashay barlamaan awood u leh la xisaabtanka xukuumadda iyo qaybaheeda kala duwan. Shirkani wuxuu keenay horumar siyaasadeed goldoloolyin badan haba lahaadee balse Soomaaliya u furtay waddo cusub oo beddesha waddadii la caadaystay ee Cabbudhinta shacbiga.

Wuxuu kale oo shirkani ku guulaystay dib u yagleelka hay'ado qaran, waxaa la unkay gucun ay mar labaad ka dul tolmaan hay'adihii qaranka (state institutions) ee dabar go'ay kadib sannado badan oo dowlad la'aan ah. Waxaa dib boodhka looga jafay hay'ado qaran iyo xafiisyo dowladeed taagtoodu iyo tamartoodu ha liidatee. Waxaa la yagleelay unugyo u taagan xafiisyo dowladeed, xag maamul, iyo xag ciidan intaba. Waxaa kaloo dib loogu sees-dhigay hanti qaran oo ma guurto ah iyo maguurtaba leh. Balse waxaa isasoo tari waayay dedaalkii, kartidii, maamulwanaaggii iyo awooddii dhaqaale ee saddexduba lagamamaarmaanka u ahaa taabbagalinta dib u yagleelkaas.

Waxaa kale oo iyana ah caasimadda dalka laga dareemay dib u dhalin dareen dowladnimo, iyo dhammaan qaybaha iyo tiirarka dowladdu ku taagan tahay oo muddo dheer illaaween. Waxay mar kale arkeen xafiisyo dowladeed, madax dowladeed, bilays, iyo maxkamado dowladeed, warfaafin si joogta ah uga hadlaysaa shirar iyo go'aanno ka soo baxay golayaal dowladeed. Waxaa dadka dib ugu beermay dareenkii qaran ahaaneed iyo qabkii qarannimo (National Pride) oo qabriga inyar inyar uga soo baxayay. Waxaa kale oo ugu danbayntii la helay adeegyo bilow ah oo aan sii ridnayn.


Maxay ku guuldarraysatay?


Qoraagu qaybtan wuxuu kaga hadlayaa DKMG waxyaabihii ay ku guuldarraysatay iyo fadhiidnimadii ama gaabiskii ay ku sifowday. Wuxuu tilmaamayaa dowladdaasi ay eeddeda qaadanayso:


1. Fursado la dayacay; waxaa jiray fursado qaali ah oo soo maray dowladdii KMG lixdii bilood ee u horrayeeyay balss la dayacay oo la beerdareeyay, dowladduna aanay sidii loo baahnaa uga hwolagalin. Fursadahaa qaaliga ah ee la lumiyay waxaa ka mid ah: curdandhadhintii taageerada shacabka; DMKG markii ay dhalatay oo ifka timi waxay la kulantay oo dhaxashay taageero xad dhaaf ah oo shicib weynihii Soomaaliyeed markii ay dhalatay waxaa lagu soo dhoweeyay caleemo qoyan, farxad iyo damaashaad, habeenkii doorashada madaxweynuhuu wuxuu ahaa habeenkii dhafarka ummadeed. Si kooban waxaa loo diyaar ahaa in DMKG ahi in meesha ay ummadda u jihayso oo u dhaqaajiso loo raacayo. Hasayeeshee nasiibdarro madaxdii cusbayd way gaabisay in ay la jaanqaaddo jawgii wakhtigaas cusub. Way heli kari waayeen hal-abuur ay hilin cusub ugu hor kacaan hirarka kacay ee umadda isbeddelka u harraadan. Hurdo dheer bay la gataati dhaceen sidii rag muraadkoodii gaarey. Yididiilladii ay dhaliyeen Shirweynihii Carta iyo dibudhiskii dowladnimada waxay noqotay dhays bakayle kadib markii ay ku guuldarraysteen oo ka gaabiyeen in ay umadda u horkacaan hiraal qaran dhis ah "national Vision".


Waxay kale oo beerdarraysay in ay fidiso dadka wada gaadhsiiso Maamul Dowladeedka, Dr Afrax wuxuu soo bandhihayaa in bilihii ugu horreeyay ay aad u sahlanayd in maamulka la daadajiyo oo lagu fidiyo gobollada iyo degmooyinka dalka, intooda badan, marka laga reebo Soomaalilaan iyo Buntilaan. Maaddaama oo shacbigu xiiso iyo taageero badan u hayeen, waxana hubanti ahayd in gacmo furan lagu soo dhowayn lahaa, balse fursaddaasina waxay ka mid noqotay mid la dayacay ama seegay. Waxay kale oo dowladdani ku guuldarraysatay in ay ka faa'iidaysato dunida debadda iyo aqoonsigii caalamka iyo taageeradii bilowga hore meelo badan diyaar ahaa haddii loola tagi lahaa qorshayaal cayiman oo cilmiyaysan ula tagto ama hordhigto. Waxay ku fashilmeen in ay dunida xeeldheerayaal waydiisato ulana tagto mashaariic wax looga qabanayo dhinacyadaas oo dhan, maddaama oo loo muujiyay in ay qolo walba ka gacan gaysanayso hawlaha dibuheshiininta; maamulhagaajinta iyo xoojinta dhismaha hay'daha dowladda iyo baarlamaanka: amniga iyo hubkadhigista. Waxay kale oo ku guuldarraysatay in ay safaaradihii dibadda dib u howlgaliso oo boodhka laga jafo maaddaama oo ay furan yihiin.



2. Xasilin wanaagga nabadgalyada amar



Mid ka mid ah imxtixaannada iyo shaqooyinka lagu beegaalayay waxqabadka dowladda KMG waxay ahayd in xamar ay nabad iyo xasillooni ka dhaliso, dabcan, inkasta oo ay ka soo fiicnaatay xag dhaqaale, iyo amniba haddana laguma guulaysan xasilin buuxda oo la xasiliyo amniga magaalada. Waxay kale oo ku dmkg ku guuldarraysatay in ay ka bedbaaddo maamul xumo, iyo soocelin la'aantii hantidii dowladda. Waxa kale oo sumcad dil weyn u keenay DMKG ahayd in ay la gashay hoggaamigo kooxeedyo dagaallo jaantaarogan ah sida Muuse Suudi, laguna ceeboobay iyo qaar si aan qorshaysnayn gurmad hiillo oo caaddifad ku dhisan loogu diray kooxo dagaal qabiil ku salaysan kula jiray kooxo kale oo ay marba dhan isu cayrsadaan. Taas oo dowladda dhegxumo u soo jiidday.



Ugu danbayntii cutubkan wuxuu ku soo xidhayaa sababaha keenay guuldarrooyinkaas ay DMKG ah la kulantay ama geyaysiiyay gebidhaclaynta aan soo tilmaamnnay, wuxuu xusayaa dhowr qodob oo ay ka mid yihiin:


Dhaqaale la'aan; dabcan dhaqaaluhuna nolosha wuxuu u yahay halbowle oo wax kasta oo la qabanayo dhaqaale ayay ka ballaysimaan. Jawi aan lagu shaqayn karin; oo ay ka mid yihiin dhibaatooyin amni iyo dhibaatooyin dhaqan-siyaasadeed soo xididdaystay dhowr iyo toban sano oo u curmyaamiyay geeddisocodka dowladda. Dhabar jabin debedeed; caqabadahaas gudeed iyo jallaafooyinkaas iyagoo jira ayaa debedda Itoobbiya caqabad kaga noqotay iyo ugu danbayntii qabyaalad ku saynsaabantay hay'adihii qaranka.


Sababta u danbaysa ee illaa hadda ahna mushkilad jirta waa gadhwadeen wuxuuna Afrax tilmaamayaa sababta ay umaddani horumar ugu tallaabsan la'dahay waa gadhwadeen xumada Leadership problem" oo ummaddeedana ku habsatay waana wixii burburiyay dowladdii Soomaaliyeed. Wuxuu xusayaa in goldaloolooyinka ay dowladdani laga soo galay ay tahay hoggaan xumadaas, sidoo kalana ay ummaddani dhalma deysay.



Cutubka shanaad: Gunaanad: Soomaaliya dib ma u 
dhalan doontaa?



Cutubkan wuxuu kaga hadlayaa qoraagu ummaddani rejo ma leedahay innaga oo ay innoo muuqato oo ogsoon buburka baaxadda weyn ee dadnimadeeda ku dhacay, hoggaanxumada ku habsatay, iyo ciddii dedaal isku dayda lagu fashilinayay majaxaab debedeed iyo maangaabnimo Soomaali ku badan, mar guddoonku iyo xaalku sidaa yahay Soomaaliya rejo ma leedahay ayuu cutubkan ku lafagurayaa, iyo ma dhici kartaa in Soomaalidu dibuhanatido kartidii iyo miigganaantii ay ku soo ceshan lahayd Jiritaan Wadareed (Collective Existence) waara? Wuxuu qabaa in jawaabtu labada dhinacba u dhacayso oo mar haa noqonayso (oo waayo, inta la nool yahay rejo wey jirta, noloshuna isbeddel joogto ah ayay ku jirtaa) iyo mar ay Maya noqonayso (oo haddii sidan wax lagu wado habkan hadda loo fekerayona aan la beddelin in aan isbeddel iman doonin) waa haddii sidoo kale cudurka fardaha kaa galaa aan dameeraha laga gubin, iyo sidoo kale inta laga joojinayao in dawo ahaan loo sii cabbo suntii loo dhintay.


Dr afrax wuxuu qabaa in saddex aafo ay Soomaalida halkaa dhigtay: Damiir Xumada iyo daymogaabnida siyaasaddeeda, Qabiil Caabudka lagu wada indho la' yahay iyo gacan shisheeye oo ka faaiidaysanaysa labadaas aafo ee soomaalidu la nooshahay. Wuxuu tilmaamayaa in saddexdaas aafo ay iskaashigooda maanta ka xun yihiin oo ka daran yihiin wakhtigii burburka dowladdii dhexe. Sidoo kalana weli ay Soomaalidi ugu afduuban tahay saddexdii aafo ee ay u dhimatay oo welina isla saddexdaas qudha laga jaray xalka laga raadinayo. Wuxuu xusayaa inta uu caqli wadareedkii maqan yahay ama curyaansan yahay ha sugin in qaran kuu dhasho, inta dadku ay maandoorsan yihiin oo la deyeysan yihiin qabyaalad indha la', ha u malayn in qaran kuu dhalanayo, inta uu dadka ka haysto dhaqansiyaasadeed kii dhibaatadan dhalay (Destructive Political Culture) oo xaaladdaas lagu jirayo roob lama sadaalin karo.


Wuxuu ku doodayaa in aan loo baahnayn dowlad dhalanteed ah oo maanta la dhoobdhoobo berrina noqota dhays bakayle iyo in la saxiixo heshiisyo ku salaysan munaafaqnimo iyo maangaabni ismehersaday, waxaa loo baahan yahay isbeddel dhab ah oo midhadhal ah, isbeddel gudaha ka yimaadda, isbeddel bulshadan ka saara cudurradii sababsaday in ay dhibaatadan keenaan. Iyo saddexdii dhibaato ee aan gogoldhigga ku soo xusnay oo mid kasta la beddelo; qabiilkuburburka oo lagu beddelo qarandoon 2. Qorikufaanka oo lagu beddelo qori ka faan 3. Kursi u qooqa oo loo aqoonsado in uu yahay hunguri xumo laga xishoodo.


Darxumadaas Soomaalidu ku sugan tahay oo u dabran tahay illaa iyo si toos ah looga takhalluso oo lagu beddelo saddex caafimaad qaba Soomaalidu xalka gaadhi mayso oo kadeedkaasna uga bixi mayso. Mar haddii Miyirku soo noqdo maskaxduna inna shaqayso oo hawlgasho mugdiga iyo dayowga waa laga baxayaa.


Qabyta ku xigta ee Adduun Rejo kama Dhammaato Dr afrax wuxuu ku doodayaa in Soomaalidu mar uun dibudhalan doonto oo dowlad taabbagal ah dhisan doonto, wuxuu qabaa in rejo weyn jirto, inta la nool yahayna rejo ay jirto. Wuxuu qabaa haddii cudurrada la daaweeyo in mar uun la gaadhi doono waxa la higsanayo. Waxa taa uga marag kacaya Pro. Guush oo isaguna tilmaamay in Soomaaidu ay dibudhalan doonto oo rejo weyn leedahau, ayna ku  qaadan dooto shan boqol oo sano. Waana hadal aan nafta lagu sasabayn, hoodo dhalanteed ahna ahayn oo had dhow la gaari doono balse ay jiraan hubaal ifbaxyo laga bidhaansan karo bilow saadaal wacan.


Wuxuu xusayaa in jiilka cusub ee qurbaha ku barbaaray kuna kacaamay ay yihiin jiil laga fili karo maskax cusub oo ka maran oo ay noqon karaan hiraalka iyo hormuudka hungada laga taagan yahay in ay halkaa ka soo ifbaxaan; in ay debedda ku hanaqaadaan dadkoodana hiil u noqdaan oo aqoon ku hubaysan yihiin caqliyadda qabiil ku burburka iyo haybtana ka sara marsan.


Guntii iyo gunaanadkii buuggani waa buug cilmi-bulsheed, siyaasadeed iyo fekradeed. Aragtiyo iyo fekerro badan oo midhadhal ah ayaadna ugu tagaysaa, wuxuu ka mid yahay waxsoosaarka Afrax ee inta badan la xidhiidha Soomaalida iyo waayaheeda kan ugu miisaanka culus, wuxuu farta ku fiiqayaa dhibaatooyinka ka hortaagan dowladnimada. Si kooban waa buug cilmi ah oo boogaha saraya ee aan dusha ka dhayayn. Waa buug mudan in la akhriyo oo la derso.





W.Q: Cabdicasiis Daahir

Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn