Posts

Aniga iyo Hargeysa!

Image
    Sawirka: Baraha Bulshada.  Faylasoofyo iyo aqoonyahanno bulsheed waxay ku doodaan in "Qofku uu yahay ina' degaankiisa", maxaa yeelay qofka nafsaddiisa, adduunaraggiisa, habfekerkiisa, iyo habdhaqankiisaba, waxaa si weyn u qaabeeya degaanka uu ku nool yahay lana noolyahay, laga soo bilaabo qoyska illaa bulshada laga soo gaadhayo. Aniga halkaa waxaa iigu jira; Burco iyo Badhan, oo ahaanshahayga iyo shakhsiyaddayda inta badan sameeyay oo qaabeeyay. Waa laba magaalo oo sababay in aan xiiseeyo, wax kasta oo xidhiidh innaga ina la leh, bilmetel, suugaanta, dhaqanka, af Soomaaliga iyo wixii la mid ah iyo sidoo kale Hargeysa oo Sidaas si la mid ah qaadhaan iyo kaashi weyn ugu darsatay garaadkayga, una qaabaysay fekerkayga iyo hab-araggayga, si kale haddii aan u dhigo waa; magaaladii aan Iska Helay, inta eraygaasi macno xanbaarsan yahay. Caasimaduhu way ka baaxad iyo dhumuc weyn yihiin magaalooyinka kale, sidoo kale way ka saxmad iyo sawaxan badan yihiin, cuf ahaan iyo dad a...

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn

Image
Turjumaaddan waxaan akhrinayaa markii labaad, sidoo kale mar ayaan turjumaad af Carabi ah ku akhriyay, labaduba aad bay u xiiso badnaayeen, waxayna iba fur iyo gudoggal u noqdeen fahankayga iyo ogaalkayga ku aaddan Hantiwadaagga, Maarkisiyadda iyo Shuuciyadda oo ah erayo inta badan isku dhowdhow dadkuna si u wada arkaan, laakiin kala duwan oo mid kasta macne u gaar ah xanbaarsan tahay. Buuggan waxaa wada qoray 1848 labo nin oo jaal ahaa; Kaaral Maarkis (1818-1883) iyo Feredrig Enjelis (1820-1895), waa labo nin oo taariikhda dunida saamayn iyo raad weyn ku leh, magacooduna uu yahay mid dunida aad looga yaqaanno, siiba Maarkis, oo malahayga in ka badan inta afkaartiisa wax laga yaqaanno, laga fahansan yahay ama laga bowsaday, magaciisa uun la cabsan yahay. Kaaral Maarkis wuxuu ahaa mid ka mid ah ragga ugu culus ee taariikhda fekerka aadanaha soo mara, wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka, qarnigii sagaal iyo tobnaad (iyo illaa imminka) ugu mugga iyo cufnaanta badan hadday tahay feker iyo s...

Tobanka Istraatiijiyadood ee lagu xukumo bulshooyinka

Image
Noam Chomsky: af yaqaan iyo Indheergarad reer Maraykan ah.  FG: Qoraalkan bilowgii waxaan ku faafiyay in uu Chomsky qoray, balse, waxaan xaqiijiyay baadhitaan dabadii in isaga loo tiirinayo ama loo xaglinayo tobankan Istraatiijiyadood ee aan anigu soo turjumay ama soomaaliyeeyay. Warbaahinta wax walba oo la soo galiyaa run ahaan looma qaadan karo, xaqiiqada dhammayska ahna in ay soo gudbinayso ka ma dhigna, kooxaha suldada ah iyo gadhwadeennabua intooda badan waxay hoosraacsadaan ajandayaashooda iyo higsiyadooda iyagoo adeegsanaya warbaahinnta iyo baroobagaandada. Labadaasi door weyn ayay ka ciyaaraan in ay sameeyaan oo qaabeeyaan aragti wadareedka, dhaqdhaqaayo iyo ururro ayaa dhulka lala jaraa, kuwo kalana waa la nooleeyaa, sicirbararrada dhaqaale iyo korukaca maciishaddana wax sahlan baa laga dhigaa, dagalladana waa la caadiyeeyaa gelitaankooda, waxaa kale oo la huriyaa oo la shidaaliyaa khilaafaadka aydhilajiyoodaha kala duwan. Qoraaga, afyaqaanka iyo indheergaradka magaciisu...

مقديشوتي (1988-1977)

Image
       ( Ibraahin-Hawd Yuusuf ) بقلم: إبراهيم هود    (Cabdicasiis Daahir)  ترجمة: عبد العزيز طاهر  في الليلة الماضية مقال القصير الذي تكلّمت عن حمر (مقديشو)، طلبني كثير من الشُبّان أن أُعطي صورة في حقبة الذي كنت أعيش في المدينة، أرجو أن يكون حاضرين في هذه المنصة [يتكلم منصته في الفيسبوك] وبعضكم الذين يعرفونهم أشيروا إليهم.  الوقت بطيء الى حد ما في الصِغار، وسريع جداً في الكبار، شهر الصغير طويل عن العام عند الكبير. السبب هو المخ، والمشاعر، والخبرة الجديدة، وبشكل شامل حياة الصغير في كل لحظة كل شيء جديد يقع فيه يتعلم شيئاً. وهي أهم من حياة الشخص الكبير التي تدور عن أشياء ليست جديدة ومشغول لن يزيد عن شيء جديد. لهذا، العقد الذي كنت أعيش في مقديشو قد أخدت سنة من المدرسة الابتدائية، وأربع سَنوات من الاعدادية، واربع سنوات من الثانوية، وسنة أخرى عن دعم الدولة، عندما أنظرها من بعيد، أظن أنّها هي عمري جلها.  مقديشو لم تكن عاصمة جميع الصوماليين لأن هيئات الدولة تقع فيها، بل لقد كانت مدينة طبيعية لأجل أن تكون أمّ الصومال. لقد كانت أكبر مُدن البل...

Quraanka Rajmin ku ma Qorna

Image
W.Q: Cisaam Taliima  W.T: Cabdicasiis Daahir  Wuxuu ciwaan u yahay buug xajmi ahaan yar, hasayeeshee ku diiradaysan qoraalkiisa, oo uu soo saaray Digtoor Mustafa Zalami, mid ka mid ah culamada Ciraaq ee kulansaday deraasaynta fiqiga Islaamka iyo qaanuunka, sidoo kale wuxuu ku tiiqtiiqsaday dhexgelidda usuusha fiqiga Islaamka, wuxuuna ka qoray xagalahaas buugaag door-roonaantooda leh, sida kan; Quraanka Rajmin kuma Qorna. ***** Keliyaysiga Zalami Mawdduuca buuggu wuxuu ku saabsan yahay xadka rajminta, iyo doodda ku aaddan. Waxaana gorfeeyay mawdduucan tiro culamada xilligan ka mid ah, aragtiyahoodana way ku kala duwanaadeen, badankood waxay u arkaan in uu ka mid yahay xadka ay tahay in la dhaqangeliyo, koox kalana waxa u muuqatay edbin [تعزير] keli ah, arrinkana xaakinka ama garsooraha faraha looga qaado, haddii uu doono ha dhaqangeliyo, haddii kalana yaanu dhaqangelin, iyo qolyo kale oo iyaduna u aragta in la tirtiray [ama la nasakhay], oo lagu kaaftoomi karo keliya wixii ...

Timaaddada Soomaaliya PDF

Image
Lingaxan hoose waxaad kala degi kartaa; qoraalkii aan ku dhowaad saddex bilood ka hor soomaaliyeeyay, ee ahaa "Timaaddada Soomaaliya; Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo geddoonka gobolka" 👇 https://drive.google.com/file/d/1VJzMUN3DWjUseDdVlipdNcdKyO1KhVmx/view?usp=drivesdk  

Aqoonyahankii wuu hoyday, balse aqoontii way hadhay!

Image
Yuusuf al Qardaawi (1926-2022) Soddon guuro ama in yar ka badanba, waxaan bartay buugaagta Sheekh Yuusuf al Qardaawi Eebbe ha u raxmadee, dhammaantoodna waan akhriyay, ama ugu yaraan badankood, waan la noolaaday, lana falgalay afkaartiisa , sheekhana waxaan ka helay wixii iga lumay ee fiqi iyo fekerba ah, waxaanan jaal la noqday waxsoosaarradiisii, iskabadaa'e, waxaan caashaqay buugaagtiisii, fiqigiisii, iyo fekeradihiisiiba, mana jirin aqoonyahan iiga dhow sheekhiisii, Sheekh Maxamed al Qasaali mooyaane, Eebbe ha u naxariistee, kaas oo aan naftayda ka helay fekradihiisa, laga bilaabo wakhtigaas ma soo saarin buug ama dhambaal illaa waan akahriyay, bal'e waan deraaseeyay, buugtiisana in ka badan hal mar waan akhriyay, qaar ka mid ah buugaagtiisuna waxyba ii noqdeen raadraacyo sees ah oo baadhitaanka ama daraasadaha kolka aan qorayo, ama khudbadaynayo, ama muxaadaraynayo, aan xigto, buugtiisu waxay udub dhexaad u ahaayeen magtabaddaydii cammirnayd ee Jabbuuti, Eebbe Mahaddii. W...