Aniga iyo Hargeysa!
Faylasoofyo iyo aqoonyahanno bulsheed waxay ku doodaan in "Qofku uu yahay ina' degaankiisa", maxaa yeelay qofka nafsaddiisa, adduunaraggiisa, habfekerkiisa, iyo habdhaqankiisaba, waxaa si weyn u qaabeeya degaanka uu ku nool yahay lana noolyahay, laga soo bilaabo qoyska illaa bulshada laga soo gaadhayo. Aniga halkaa waxaa iigu jira; Burco iyo Badhan, oo ahaanshahayga iyo shakhsiyaddayda inta badan sameeyay oo qaabeeyay. Waa laba magaalo oo sababay in aan xiiseeyo, wax kasta oo xidhiidh innaga ina la leh, bilmetel, suugaanta, dhaqanka, af Soomaaliga iyo wixii la mid ah iyo sidoo kale Hargeysa oo Sidaas si la mid ah qaadhaan iyo kaashi weyn ugu darsatay garaadkayga, una qaabaysay fekerkayga iyo hab-araggayga, si kale haddii aan u dhigo waa; magaaladii aan Iska Helay, inta eraygaasi macno xanbaarsan yahay.
Caasimaduhu way ka baaxad iyo dhumuc weyn yihiin magaalooyinka kale, sidoo kale way ka saxmad iyo sawaxan badan yihiin, cuf ahaan iyo dad ahaanba way ka culus yihiin. Waxaa ka jira; nidaam dowladnimo, goobo waxbarasho oo iskuullo iyo jaamacado ka kooban, inta badanna ka tayo wanaagsan marka lala barbardhigo magaalooyinka kale, iyo sidoo kale bangiyo iyo hudheello casri ah oo soo-jiidasho leh. Waxaa sidoo kale ka jira had iyo jeeraale caasimadaha loollanno aad u badan oo ka dhex oogan bulshada qaybaheeda kala duwan. Badiyaa caasimadaha ayaa looga arrimiyaa dadka, iyo dalka waxaana lagu soo saaraa go'aanno saamayn weyn ku leh hab-nololeedkooda, waa go'aanno; falsafadeed, tacliineed, siyaasadeed iyo dhaqaale. Badanka dunida magaalooyinka caasimadaha ah iyo magaalooyinka ku soo xigaa wax sidaas u weyn ku ma kala duwana, balse Afrika marka la joogo, caasimadda ayay wax walba iyo wax kasta oo dadku u baahan yihiin ugu soo carraabaan. Waa dhaqan xun oo lagu yaqaanno dowladaha fashilmay, iyo dowladaha ku guuldarraystay maamul-daadajinta (decentralization) iyo dowladnimadu in ay dalka wada gaadho oo wada deeqdo, ugu yaraan.
Waxay sidoo kale gaar u yihiin caasimaduhu, gaadiidka rakaabka dadwaynaha iyo gaadiiddada casriga ee shakhsiyaadku leeyihiin oo badanka aadan ku arkayn magaalooyinka kale. Gaddiidadka dadweynaha ee Hargaysa ka shaqeeya ama xaafadaha u kala baxaa, way kala duwan yihiin: bilmetel xaafadaha Jigjiga yar, Masallaha, Xero-Awr, Caalaamadda, Biibsiga iyo xaafado kale, waxaa u baxa basaska loo yaqaanno Turubbo, halka xaafadaha ay ka midka yihiin Agtoobar, New Hargeysa waxaa u baxa basaska loo yaqaan basas caasiga. Basaskaas intooda badan waan raacay. Waa meelaha laga derso bulshada habfekerkooda, dareenkooda, iyo qaabka ay u wada xidhiidhaan. Hor iyo abbaatoba waxaad dhaadaysaa furfurnaanta bulshada iyo sida ay kaftanka isu waydaarsanayaan, oo laba qof oo aan weligood kulmin ay u wada kaftamayaan ama isugu warramayaan, sidii dad muddo badan is yaqaannay. Bilmetel, waxaad la kulmaysaa dareewalka iyo inan baska soo fuushay oo hadallo kaftan iyo haasawitaan ah oo bilaa turxan ah isku tuurtuuraya, oday iyo islaan bariisamaadkii, iyo Hargeysadii hore ee ay soo gaadheen ka sheekaysanaya, oo si wada jir ah xasuus iyo hilow u galaya.
Hargeysa waa magaalo halgan iyo hayaan, lagu jiro. Dadka ku nool halgan iyo horusocodnimo ayuun bay ka fekerayaan. Qof kasta dantiisa ayaa hagta oo majaraha u haysa. Dhanka kale Hargeysa waa magaalo socotay lana kala socday. Xifaalayn, tartan iyo legdan ayaa bulshada dhexyaalla. Marka aad dhexgashid oo la sheekaysatid waxaad dareemaysa in loollan iyo iyo hirdan macnawi ah uu jiro. Waxaynu u badin karnaa in ay keentay siyaasadda iyo arrimaha kale ee lagu kala aragtida duwan yahay, iyo si guud loollanka ay caasimaduhu gaarka la yihiin. Hargeysa waa caasimad, eraygaas ayaa isagu isqeexaya, oo magaalada xajmigeeda iyo baaxaddeeda si fudud kuugu fasiraya. Sida caadiga ah caasimaduhu waxay hoy u yihiin dad aad u tiro badan, oo kala dabaqado ah, kala xirfado duwan, kala afkaar iyo adduun-arag geddisan iyo kala diin ah. Taasi keli ah caasimad ka ma ay dhigan, waayo caasimaduhu waa muraayado laga dhex arko bulshada; dhaqankeeda, xadaaraddeeda, taariikhdeeda, fankeeda iyo wixii la halmaala. Caasimaduhu waxay xanbaarsan yihiin, bulshada wixii la xidhiidhay oo dhan. Sababtoo ah inta badan waxaa isugu yimaadda dad magaalooyinka kale ee dalka ka yimi, iyo miyigaba, sababaha iyo ujeedku haba kala geddisnaadee. Hargeysa bulshada ku nool waa bulsho furfuran. Kaftan iyo hadaltolmoon baa lagugu furfuraya bilowgaba. Hargaysa qofka yimaadda isagoo afkaar ahaan xidhxidhan wuu furfurmaa oo xagjirnimada fekeradeed wuu ka soo gudba ama caksiga ayaa ku dhaca.
*****
Loollanada ka jira Soomaalilaan, si gaar ahna Hargeysa ka jira waxaa ka mid ah loollanka kooxaha Islaamiyiinta (wadaaddada) ee ku kala abtirsada kooxeedyada diimeed ee kala duwan. Waa loollan shaacsane ah oo caadyaal ah. Loollankani waa mid ku salaysan ama saldhiggiisu yahay kala riixasho awoodeed iyo suldadeed, iyo dano kale. Si guud magaalada waa lagu kala awood badan yahay, waxaa ugu xoog badan kooxaha Salafiyiinta, oo hadhsada dallaayadda weyn ee Wahaabiyo. Dhanka kale suufiyada waxaa laga dareemayay muddooyinkii u danbeeyay is-abaabulid, iyo dib-isugunoqosho, maaddaama ay saaxadda ka maqnaayeen ama uu cadaadis saarnaa. Wadaaddada Wahaabiyada dhexdooda waxa jira loollan ilqabatay ah ama si fiican indhuhu uga bogan karaan, haddii aynu erayo ku soo ururinno waa; "loollan lafo is-jebin ah." Kooxda Ictisaamku waa kooxda ugu awoodda badan, dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin dhanka dhaqaalaha, siyaasadda, suldada iyo si guud saamayn ahaan. Kooxdan waxa liddi ku ah jamaacada Salafiyada, ee loo yaqaanno; "Salafiyada Cusub/السلفية الجديدة"
Islaamiyiinta Hargeysa loollanka duleed haddii aynu ka soo gudubno, waxaa ka jira loollan gudeed oo aad u kulul, oo ka dhexeeya labada koox diimeed ee Salafiya iyo Ictisaamka. Waa laba kooxood oo tartan iyo hirdan uu ka dhexeeyo, Ictisaamku sannaddadii u danbeeyay awood ahaan iyagaa ayaa talinayay, si guud Soomaalilaan iyo Hargeysaba. Balse dhowaanahan, waxaa soo shaacbaxay kooxda Salafiyada Cusub loollan ay kula jirto booskaas iyo kaalintaas. Bilowga, Salafiyada iyo Ictisaamka waxaa ka dhexeeya dagaal afeed aan waxba la isu la hadhin. Waxaynu xasuusan karnaa hadalkii qayaxnaa ee qaawanaa ee Sh. Barbaraawi yidhi "Al-Shabaabku waxay ka soo baxeen ilamagaleenka Ictisaamka." Jeerkaasna loogu halceliayay hawraarro iskacaabbin, iskacelin iyo jawaabcelin ah. Sidoo kale waxa ka dhexeeya loollan dhanka masaajidda ah, kaas oo marka si hoose loo dhugto qabiil isu beddela, si gaar ah tani aalaaba waxaa la arkaa xilliyada siyaasadda Soomaaliland cakiranaan iyo murugsanaan ku sugan tahay. Ugu danbaynta, dhanka mansabyada iyo magacaabista jagooyinka iyo xilalka dowaldnimo, waxaa ka aloosan hirdan iyo dagaal siyaasadeed, oo lagu loollamayo sidii jagooyin sare looga heli lahaa dowladda.
Wasaaradda diinta iyo awqaafta xilligii madaxweyne Siilaanyo waxaa hayey Ictisaamka, qaybihii hore ee xukuumadda Muuse Biixina waxaa hayey Ictisaamka. Balse mar dambe Muuse wuxuu wasaaradda u magcaabay kooxda Salafiyada Cusub. Markii Salafiyadu xilka wasaaradda qabsadeen waxay weerar iyo dagaal ku qaadeen Ictisaamka. Waa marka hore e, Salafiyadu waxay wasaaradda diinta iyo awqaafta ka saartay wixii hadhaa ahaa ee ka joogay jamaacada Ictisaamka. Waa marka xiga e, Salafiyadu waxay wasaaradaha kale ka caydhisay wixii ku abtirsanayey jamaacada Ictisaamka. Wasaaradaha laga eryey hadhaagii Ictisaamka waxaa ka mid ah, wasaaradda warfaafinta, oo gebi ahaanba waxa bannaanka laga dhigay wixii kooxda Ictisaamka ka joogay. Dhacdooyinkan oo idil marka aad akhrin ku samayso waxa kuu muuqanaya dagaalka iyo loollanka u dhexeeya Salafiyada Cusub iyo Ictisaamku in uu yahay loollan lafo isjebin ah.
Sida dabiiciga ah, faylasoofkii Giriigga ahaa ee Heraclitus tibaaxay, noloshu waxay ku jirtaa isbeddel joogto ah, oo koonka jowharkiisa waxaa sees u ah isbeddel, isbeddelka nolosha waxaa la socday in inta uu aadanuhu jiray ay is hirdinayeen oo loollan ay ku jireen aragtiyo iyo afkaar kala duwan, oo aadanuhu hadba waayaha iyo wakhtiga uu nool yahay curinayay. Jaalle Maarkisna wuxuu nolosha gebigeedaba ku soo gunaanaday in ay tahay "fekrad", fekraddaas ayayna wax walba ka dhalanayaan oo aadanaha saamayn togan ama taban ku yeelanaya, sidoo kalana ay jiraan fekrado kale oo dhiggooda ama ka soo horjeeda oo loollan uu ka dhexeeyo. Hargeysa waxay magaalooyinka kale kaga duwan tahay waa goob ay afkaaro iyo aragtiyo kala geddisan aad ugu imanayso. Magaalooyinka Soomaalida waa qodobka u weyn ee ay kaga duwan tahay malahayga. Waa magaalo laga helayo afkaar walba qiyaastii; Shuuci, Calmaani, dheddigoodshe, Alle-koode, wadaad xagjir diimeed ah, iyo afkaaro kale oo kala duwan. Hargeysa waxay ka mid tahay magaalooyinka Soomaalida ee ugu horreeya ama hormuudka u ah, buug daabicista iyo soosaariddaba. Badiyaa buugtaasi waxay xanbaarsan yihiin afkaar, kala geddisan, kuwo galbeedi ah iyo kuwo bari ah, kuwo diimeed, kuwo calmaaniyeed, kuwo dhaqaale, kuwo qaanuun, iyo afkaaraha kale ee nolosha aadanaha si uun u taabanaya. Afkaaraha ka jira sida ay u kala duwan yihiin bay u kala kala awood iyo xoog badan yihiin. Afkaarta inta badanna waxaa shidaaliya oo aanay la'aantood tamar iyo taag yeelanayn, waa dhaqaale. Hargeysa waxaa yaalla afkaarihii Carabta innagaga soo baxsaday, Galbeedka innagaga yimi, iyo kuweennii Afrikaannimo/Soomaalinnimo.
Akhriska, qoraalka iyo turjumaaddu, xidhiidh bay wada leeyihiin. Si gaar ah labada danbe waxay xidhiidh la leeyihiin tan hore. Waxay ka dhigan tahay haddii aadan wax akhrin in aadan waxna qori karin waxna turjumi karaan. Akhriska ayay wax walba ka bilaamaan, wax kastana ku dhammaadaan. Bulshooyinku iyo ummadahu horumarkoodu wuxuu ku xidhan yahay hadba inta ay wax akhriyaan, ama heerka akhriskoodu le'egyahay. Akhrisku iskiis ayuu nolol gaar ah u yahay. Waa caalam kale iyo badweyn aan laga geyoonayn. Hargaysa waxay hoggaaminaysaa waxsoosaarka fekereed iyo buug ee Soomaalida, taasi waxay ka dhigan tahay, Hargeysa in ay tusaale u tahay magaalooyinka Soomaalida dhanka akhriska horkacaya, oo Hargeysa waxaa ku nool bulsho akhriska jaal la ah, waxaana ku yaalla magtabado dadweyne iyo gaar oo wax lagu akhristo. Buugta u badan ee Soomaalidu soo saartay dhowrkii sano ee u danbeeyay waxaa lagu soo saaray Hargeysa. Isla jeerkaas, Hargeysa waxay horkacaysaa oo gadhwadeen u tahay turjumaadda iyo soo afcelinta aqoomaha shisheeye, iyo sidoo kale magaalooyinka lagu daneeyo afkeenna iyo kobcintiisa. Afkuna wuxuu ku hroumaraa sida ay bulshadiisu u danayso oo u ilaaliso. Turjumaadda ayaa ka mid ah waxyaabaha afka kobciya oo ballaadhiya, Hargeysana waa magaalo Soomaaliyaynta buugta qalaad horkacaysa. Si kooban haddii ay Hargeysa ahayd "Hoyga Fanka" hadda waxa weeye "Hoyga Akhriska".
Dhaqaaluhu wuxuu halbowle iyo udubdhexaad u yahay nolosha aadanaha, wuxuu sidoo kale saamayn weyn ku leeyahay qof wal oo bulshada ka mid ah, qofku tallaabo horusocod ma qaadi karo dhaqaale haddii aanu haysan. Dowladuhuna waxay ku kala awood badan yihiin, sida ay dhaqaale ahaan u kala culus yihiin, waxay sidoo kale saamayn iyo raad weyn ku yeeshaan dowladaha dhaqaale ahaan aan xoogganayn, dowladaha aan awood dhaqaale lahayn, waxaana tusaale innoogu filan Maraykanka iyo Shiinaha. Kaaral Maarkis wuxuu ka mid yahay dhaqaleyahannada dunida soo maray kuwooda ugu mugga weyn ugu miisaan culus, wuxuu leeyahay aragtida tilmaamaysa "Loollanka Dabaqadaha/Social Conflict", Maarkis wuxuu ku dooday oo aragtidan kaga warramayaa in taariikhda aadanuhu ay gabigeeduba tahay loollan illaa dura soo taxnaa, loollan u dhexeeya dabaqadaha kala geddisan ee bulshada, dabaqadda burjuwaasiyadda ah iyo dabqadda xoogsata, wadaadka iyo waranlaha, dowladda iyo shacabka, saadada iyo caammada. Hargeysa loollankaas oo dhan kasta ah ayaa ka jira haddii ay tahay afkaar ahaan iyo dhaqaale ahaanba iyo intaas Maarkis xusayba.
Dhaqaale ahaan Hargeysa, bulshadu waxay u kala qaybsan tahay dabaqad tadhahday oo lacagta ka soo baxda guryaha wadhatada ay toos u gasho guryaha dabaqaddaas caloosha salaaxaysa ama burjuwaasiyiinta ah iyo dabaqad berkooda aan beer uga danbayn oo ah dabaqad ciiraysan oo diifaysan. Dabaqadda dhexe ma aha dabaqad aad u weyn oo u culus walow ay tahay dabaqad saamaynteeda leh, balse labdaas ku dhex baaba'day. Nidaamka dhaqandhqaale ee Hargaysa iyo Soomaalilaan si guudba ka jiraa ka jiraa, waa nidaamka ku dhisan suuqa xorta ah (Free Market Economy), oo ah nidaam dhaliil iyo goldaloolooyin aad u badan leh, waa nidaam ku dhisan sinnaan la'aan, iyo in dabaqadda liidata jeebkooda la hagaasiyo. Waa nidaam seeskiisu uu yahay akhlaaqdarro, caddalaad darro iyo is-addoonsi. Waa nidaam waxshi ah oo dhiigmiiradnimo horseedaya. Waa nidaam ku salaysan in wax wal oo khatar ah ama halis ahi ay bulshaysan yihiin si aad ah, wax walba oo macaash iyo dheef ahina ay shakhsiyaysan yihiin ama kooxaysan yihiin, isla wakhtigaa waxaa caasho garatay ah in nidaamkaas aanu si sax ah uga shaqayn oo suuq xor ahi aanu ka jirine Soomaalilaan iyo Hargeysa toonna, iskaba daa e, suuqu dad gaar ah uu kooto (Monopoly) ugu jiro oo iyana ah mid ka mid ah isburinta Hargeysa taalla. Haddii aan erayo ku soo ururiyo dhaqaale ahaan dadka Hargeysa ku nool, dadka qaar hanti bay sii kororsanayaan qaarna faqri bay sii siyaadaanayaan.
*****
Fanku ku waa habka lagu gudbiyo mashaacirta iyo dareemayaasha si kalsooni leh iyadoo loo marayo ama loo soo gudbinayo habab kala duwan, oo ay ka mid yihiin, gabayga, heesta, farsahaxanka, iyo wixii la halmaala. Liyoo Tolistooy (1828-1910) qoraagii iyo sheekoyahankii Ruushka ahaa wuxuu ku qeexay fanku in uu yahay shaacsane (Phenomenon/ظاهرة), insaaniyeed, iyo hab iyo hannaan lagu wada xidhiidho si nolosha loogu waajaho. Haddii aan soo ururiyo fanku waa eraysami iyo falsami. Fanku waa sababta fufka iyo horukaca bulshooyinka, inkastoo wadaadda diimeed kuwii hore iyo kuwa immikaba joogaa qaar ka mid ahi ay diidaan ama is dafirsiiyaan qiimaha fanka, iyagoo aragti diimeed ku eegaya oo ka dabqaadanaya. Fanku intii aadane jirayba wuu jiray oo marba heer ayuu soo marayay, laga soo bilaabo dhagax qoriddii illaa immika laga soo gaadhayo. Fanku wuxuu cabbiraa tariikhda iyo ilbaxnimada bulshada, waxaana lagu soo bandhigaa bulshada habdhaqankeeda, habfekerkeeda. Shaqooyinka uu fanku qabto waxaa ka mid ah in uu daaha ka qaado ama muujiyo xidhiidhka deegaanka iyo qofku leeyihiin. Fanku waa shaqo bulsheed, wuxuu ku socdaa oo inta badan la hadlaa bulshada. Wuxuu xanbaarsan yahay oo sidaa macne iyo dareenno culus oo qofka iyo qofafka si toos ah u abbaaraya, heer lagu daaweeyo xanuunnada nafsadeed iyo jidheedba, fanku wuxuu ka dhashay wayddiinta ah; sirta jiritaanka aadanaha, ujeedka jiritaankiisa, xuduuddiisa iyo musdambeedkiisa. Fanku waa waxa u weyn ee aadanuhu curiyay, maxaa yeelay wuxuu ka jawaabaa su'aalo siyaasadeed, fekereed, ilbaxnimeed, aqooneed iyo kuwo mustaqbaleed oo bulshada hor dhooban. Fanku wuxuu bulshada ka caawiyaa in uu u ilaaliyo dhaxalka iyo soojireenka iyo hiddaha iyo huwiyadda saqaafadeed ee bulshada, sidaas darteed ayuu door weyn uga ciyaara oo ku dhiirriyaa dhalinyaradu in ay sii wataan curintooda kala geddisan. Fanku wuxuu door weyn ka qaataa wada sheekaysiga dhaqannada bulshooyinka ee dunida ku kala nool, sidaas darteed fanku waa af caalami ah, kaas oo jabinaysa teedad iyo gidaarro wal oo saqaafadeed.
Fanku waa qalabka uu aadanuhu ku gudbiyo aragtiyihiisa, waa waxa uu aadanuhu ku wada xidhiidho. fanku wuu ka duwan yahay habka ay bulshadu u wada xidhiidho oo ah hadalka, wuuna ka duwan yahay oo wuxuu sidaa macneyaal iyo dareemayaal kala duwan oo qofkasta uu dareemi karayo. Aadanuhu shan dareen buu wax ku qaabbilaa, fankuna haddii uu dhab yahay qofka si toos ah buu u saameeyaa, qofkuna wuu gudbin karaa. Fanku wuxuu si weyn u saameeyaa bulshada, isla wakhtigaasna xidhiidh aad u weyn baa ka dhexeeya fanka iyo bulshada, shaqada u weyn uu qabtona waxaa ka mid ah in uu beero oo xanbaaro koox kala duwan oo qaayasoorro iyo aragtiyo leh, taas oo saamayn ku leh oo door weyn ka ciyaaraysa dareemayaasha qofka, fanku wuxuu ilaaliyaa oo door weyn ka ciyaara xusuusta bulshada. Si kale haddii aan u dhigo waa kayd bulsheed, oo sooyalka bulsho leedahay haddii aynu doonayno in aynu wax ka ogaanno waa in aynu dib ugu laabannaa fankeeda ku dhisan xaqiiqda ee sebenkaas iyo goobtaas, fankuna waa wada xidhiidh. Sidoo kale wuxuu yahay fanku hab lagu beddeli karo bulshada dhan taban iyo dhan toganba. Fanku waa habka ay bulshadu u wada xidhiidho si toos ah iyo si dadbanba, soo socodkii sannadahana iyo qarnaiyaduna fanku saamaynta uu ku leeyahay nolosha aadanaha way siyaadisay, horumarka tiknoolajiyaddu ay samaysayna wuu la kordhayay, oo la siyaadayay, dadkuna si fudud ayay ula falgalayeen. Fanku wuxuu kale oo door wayn ku leeyahay bulshooyinku in ay ku tallaabsadaan horumar, magaalooyinka fanka, mudnaan iyo misaan badanna siiyaa way ka soo jiidasho badan yihiin magaalooyinka kale, si gaar ah dalxiisayaasha, isla wakhtigaas wuxuu ka qaybqaataa korodhka dhaqaalaha. Fanku waa mid ka mid ah tiirarka jiritaanka ummaddeed. Sida ummad waliba fan u leedahay ayey soomaalidu na u leedahay fan bila, bilciya, oo qurxiya nolosheeda, oo ay ka dhex aragto ahaanshaheeda ummadeed.
Hargeysa waxay jaadgoonni la tahay oo magaalooyinka kale ee Soomaalida aad ugaga duwan tahay waa Fanka. Waxaa lagu naanaysaa "Hoyga Fanka ama Hooyada Fanka", magacaas ayaa muujinaya oo sida macnaha faneed ee ay ku suntan tahay magaaladani. Soomaalidu fanka waxay u adeegsan jirtay, in ay isku dhaafiso howlmaaleedda iyo hayaanka ay ku jirto, wuxuu ugu jiray meel weyn, qiimo gaar ahna wuu u lahaa, sidaas darteed soomaalida fankeedu wuxuu ka soo amuumaday miyiga. Fanka casriga ah ee Soomaalidu wuxuu xadhkaha soo goostay Afartameeyadii qarnigii 20 aad, oo isu rogay jaad cusub. Fanka soomaalida waxaa dhidibbada u taagay, Cabdi Sinimmo, oo loo aqoonsaday in uu yahay aabbaha fanka soomaalida. Cabdi Sinimo wuxuu fanka ku bilaabay "Balwo" oo ka koobnayd heeso badan oo kala jaad ah. Balwo waxay ka hanaqaadday Hargeysa, soomaalidana aad bay ugu faaftay oo u wada gaadhay. Illaa laga soo gaadhayo Cabdillaahi Qarshe xilligiisii oo dogobbo sii saaray dabkii uu shiday Cabdi Sinimmo, sidoo kalana ah aabbaha miyuusigga casriga ah ee soomaalida iyo kooxdii u horraysay ee faneed ee Walaalaha Hargaysa oo ahaa kooxdii qaabaysay oo bilwoday, udubdhexaadna u ah fanka casriga ah ee Soomaalida. 1943 dii markii la sameeyey idaacaddii u horraysay ee afsoomaali ku baxda oo markii hore la odhan jiray “Raadiyow Guda” se markii dambe noqotay “Raadiyow Hargeysa” waxay kaalin mug leh ka qaadatay kor u qaadidda fanka soomaalida, waxa aanay marti gelisay oo inna bartay hooballada ugu waaweyn maanta soomaalida, fannaanaddii u horreysay ee ka heestana waxay ahayd, Shamis Abokor Ismaaciil "Guduudo Carwo".
Kooxdaa Walaalaha Hargeysa waa wershadda soo saartay abwaannada iyo hooballada figta u sarraysa kaga jira fanka soomaalida sida; Xuseen aw faarax, Cumar Dhuulle, Sulub cumar, Cali sugulle, Kuluc, Maandeeq, Sahra Axmed, Guduudo carwo, Huryo, Xudeydi, ismaaciil cagaf IQK. Jiilkaa cusubi waxaay shidaaliyeen oo dhiig cuaub ku shubeen fanka soomaalida. Waxay soo shideen oo qaabeeyeen fanka casriga ah ee Soomaalidu ay ku dhaadato. Mar kale Hargeysi waxay martigelisay koox faneed magaceeda in badan aynu maqalnay "Waaberi". Kol kale waxay Hargeysi fursad u heshay in ay soo saarto hooballo badan iyo abwaanno baarka sare kaga jira fanka soomaalida sida; Hadraawi, Xasan ganey, Maxamed Mooge, Xasan sh Muumin, Tubeec, Khadra Daahir, Xasan Aadan samatar, Aamina Cabdillaahi iyo boqollaal kale oo aanu qalinku ii koobayn. Goobaha faneed ee lagu caweeyo ee Hargeysa ku yaalla waxaynu ka xusi karnaa, Cali Jirde, Jumayra, iyo hidde-dhowr. Burburkii dawladdii dhexe kaddib na weli Hargeysi ma dhigin magacaa ah “Hooyada fanka” oo weli waxa ay ahayd mashiin iyo qalab soo saara fannaaniin iyo abwaanno cusub. Hargaysa waa caasimadda fanka soomaalida, haddii aynu erayo ku soo uruurinno.
Hargeysa waa magaalo halgan iyo hirdan ay ku wada jiraan dabaqadaha kala geddisan ee bulshadu ka kooban tahay. Hargeysa waxay magaalooyinka Soomaalida hormuud ugu tahay dhinacyo faro badan, taariiikh ahaan iyo taagantaba, sida ay caasimad u tahay ayayna waxyaabo faro badan oo Soomaalida xidhiidh la leh ugu horkcaysaa. Waa magaalo Soomaalida udubdhexaad u ah, haddana go'aanno masiiri ah oo Soomaalida lid ku ah lagu soo saaro. Dhanka kale waa magaalo si weyn aniga ii qaabaysay oo wax badan i gashatay. Hargeysa waxay aniga si gaar ah iiga duwan tahay magaalooyinkii kale ee aan ku noolaaday, waa magaaladii aan Iska Helay, inta eraygaasi macnahiisa kala duduwan ee uu xanbaarsan yahay. Waa magaalo fekerkayga iyo adduun-araggayga qaabaysay. Aan markale ku celiyo waa magaalo aan ISKA HELAY!!
Comments
Post a Comment