Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn
Turjumaaddan waxaan akhrinayaa markii labaad, sidoo kale mar ayaan turjumaad af Carabi ah ku akhriyay, labaduba aad bay u xiiso badnaayeen, waxayna iba fur iyo gudoggal u noqdeen fahankayga iyo ogaalkayga ku aaddan Hantiwadaagga, Maarkisiyadda iyo Shuuciyadda oo ah erayo inta badan isku dhowdhow dadkuna si u wada arkaan, laakiin kala duwan oo mid kasta macne u gaar ah xanbaarsan tahay. Buuggan waxaa wada qoray 1848 labo nin oo jaal ahaa; Kaaral Maarkis (1818-1883) iyo Feredrig Enjelis (1820-1895), waa labo nin oo taariikhda dunida saamayn iyo raad weyn ku leh, magacooduna uu yahay mid dunida aad looga yaqaanno, siiba Maarkis, oo malahayga in ka badan inta afkaartiisa wax laga yaqaanno, laga fahansan yahay ama laga bowsaday, magaciisa uun la cabsan yahay.
Kaaral Maarkis wuxuu ahaa mid ka mid ah ragga ugu culus ee taariikhda fekerka aadanaha soo mara, wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka, qarnigii sagaal iyo tobnaad (iyo illaa imminka) ugu mugga iyo cufnaanta badan hadday tahay feker iyo saamayn ahaanba. Waa mid ka mid ah cabqariyiinta soo maray dunida si guud. Kaaral wuxuu ahaa aqoonyahan dhaqaale, bulsheed, faylasoof, iyo kacdoonyahan, taariikhda aadanaha raad weyn kaga tegay. Kaaral wuxuu dersay qaanuunka iyo falsafadda. Wuxuu aad ugu raadoobay falsafaddii Hegel, iyo sidoo kale jaallayaal aynu ka xusi karno, Ludwig Feuerbach, Bruno Bauer iyo Moses Hess. Kaaral wuxuu ku gacansaydhay afkaartii siyaasadeed, diimeed iyo dhaqaale ee xilligaas jirtay. Afkaartiisu keli ah Yurub saamayn ku ma ay yeelan balse dunida oo dhan bay isaga gooshtay. Afkaartiisu sidoo kale waxay dhulka la jartay dowlado, nidaamyo iyo xukuumado. Kaaral waxaa jira waji qarsoon oo badankeennu laga yaabaa in aynaan ka ogayn, wuxuu ahaa gabyaa tiriya maansooyinka. Maansooyinkiisu waxay ahayeen kuwo gacaltooyo iyo jacayl, wuxuu u tirin jiray gacalisadiisii Jenny von Westphalen (1814-1881), oo ahayd saaxiibtiisii yaraanta, jacaylkiisii u horreeyay una danbeeyay. Jenny waxay ka soo jeedday qoys dhulgoosi tadhahay ah, aristokraat ah, ama burjuwaasiyad dibusocod ah haddii aad doontaan in aad ku fahantaan suugaanta maarkisiyadda.
Kaaral noloshiisu waxay ahayd; nolol debedmeernimo, waayo wuxuu ahaa, nin aad u afkaar iyo aragtiyo kulul aadna mintid ugu ah fekerkiisa iyo waxyaabaha uu aaminsan yahay, taas oo keentay in uu dalal badan isaga tallaabo. Kaaral, ka dib iscasilaaddisii wargayskii uu tifaftiraha ka ahaa ee Cologne ku yaallay ee lagu magaaci jiray Rheinische Zeitung, oo xukuumadda Jarmalku amar ku soo saartay in la xidho, isaga iyo gacalisadisii Jenny von Westphalen waxay u wareegeen Baariis. Halkaas oo ay isku barteen saaxiibkii Enjelis, oo qoraal ahaan iyo maalba taakuleeyay, wakhti laga caydhiyay, Jarmalka, France, iyo Biljamka. Kaaral wuxuu noloshiisa ku qaadanayaa Iglan illaa uu ka go'ayo (Maarij 14. 1883).

Kaaral Maarkis, shaqadiisu laba waji bay lahayd; ka dhiidhiyid akhlaaqeed iyo falsafadeed xaaladdii ay ku sugnaayeen dabaqadda Boroolitaariyadda ah ee qarnigii 19 aad iyo aragti cilmiyeed uu kaga warramayo nidaamka hantigoosadku in uu isagu isburburinayo oo isagu iska takhallusayo, sidoo kale Maarkis wuxuu ku dooday in haddii aan dimuqraaddiyadda laga fulin goobta shaqada (Democracy in Workplace) in ay adkaanayso in laga dhaqangaliyo siyaasadda, maxaa yeelay burjuwaasigu wuxuu gaadhayaa in uu is kooxayato o is uruursado dabadeedna uu ku amarkutaagleeyo awoodda iyo talada dalka. Kaaral buugta mudan ee uu ka tegay waxaa ka mid ah: Critique of Hegel's Philosophy of Right, Theses on Feuerbach, Capital: Critique of Political Economy (Das Capital), A Contribution to the Critique of Political Economy, On the Jewish Question, Economic and Philosophic Manuscripts of 1844, iyo buugaag kale.
Kaaral, in kasta oo aragtiyaha ugu mudan ee tiirdhexaadka u ah buuggan isagu leeyahay, haddana waxay buuggan wada qoreen Feredrig Enjelis, oo ay ahaayeen jaallayaal ceeshoo milix ah, aadna isugu dhow, waxay soo wada saareen buugaag door ah oo intooda badan lagu uruuriyay Marx/Engels Collected Works, oo uu Enjelis soo saaray. Feredrig Enjelis wuxuu ahaa, faylasoof, saxafi reer Jarmal ah, wuxuu ahaa nin aad u caqli iyo xigmad badan. Wuxuu wax badan ka yaqaannay, culuumta dabiiciga ah, fisiisigiska, bayloojiga, kemistariga iyo culuumta bulshada. Enjelis wuxuu sidoo kale ahaa nin afaf badan wax ka yaqaanna wuxuu xasiliyay afafka Ingiriisida, Ruushka, Faransiiska, Isbaanishka iyo afaf kale. Enjelis wuxuu caan ku yahay buugga uu qoray 1842-1844 ee ah "The Condition of The Working Class in Egland/Xaaladda Dabaqadda Shaqaysa ee Iglan ay ku Sugan tahay", 1845 lagu faafiyay af Jarmal, 1885 lagu faafiyay af Ingiriisi. Maarkis iyo Feredrig buugta ay wada qoreen door ah, waxaynu ka xusi karnaa (dabcan marka Baaqa Shuuciga laga yimaaddo), buugga "The Holy Family/العائلة المقدسة", buuggaas oo ay naqdiyeen Heegaliyiinta yaryar. Waxaana la faafiyay 1845.
Enjelis waxaa feker ahaan saamayn ku lahaa isla ragga Kaaral Maarkis saameeyay badanka, iyo Kaaral Maarkis lafigiisa oo isaguna saamayn aad u weyn ku lahaa, kolkii danbena ay iska kaashanayaan u gargaaridda dabaqadda xoogsata iyo xaqiijinta shuuciyadda. Waxay asaaseen aragtida ah Hantiwadaagga Cilmiyaysan oo markii danbe Leinin iyo raggii la mid ka ahaa dogobyo sii saareen, waxayna sidoo kale dhidibbada u malaaseen Maarkisiyadda. Waxqabadka labadan faylasoof marka aynu wax ka fahanno waxaynu kala ogaanaynaa farqiga qeexitaaneed ee u dhexeeya Hantiwadaag iyo Shuuciyad. Si guud labaduba waxay ka siman yihiin in ay jawaab u ahaayeen dulmigii shaqaalaha ka soo gaadhay kacdoonki wershadaha, iyo in la isu miisaamo dhididka shaqaalaha iyo dheefta uu helayo. Hasayeeshee shuuciyaddu way ka fog tahay ama ka gacan kulushahay hanatiwadaagga, waxay qabtaa in hantida gaar ka ah laga takhalluso, nidaamka dhaqaale iyo baahiyaha asaasiga ahna ay maamusho dowlad dhexe. Balse hantiwadaaggu ma dhibsado in dadku hanti gaar ah yeeshaan. Maarkis wuxuu sheegay dheeraadka qiimaha ay soo saaraan, in ay tahay in laga faa'iidaysanayo dabaqadda xoogsatada ah.
Baaqa Shuuciga (The Communist Manisfesto)
Baaqa Shuuciga, waa mid ka mid ah buugta siyaasadeed iyo fekereed ee ugu saamaynta badan dunida, wakhtigii uu soo baxayna wuxuu noqday buugga labaad ee loogu iibsiga badan yahay, marka laga yimaaddo kitaabka muqaddaska. Waxaa bilowgiisii hore loogu talagalay in uu barnaamish u noqdo Ururka Shuuciga (Communist League) oo ahaa urur shaqaaluhu leeyahay, af Jarmal ayuuna ku soo baxay 1848, mar danbe ayaa lagu faafiyaya afaf kale, yagleelkiisuna wuxuu ku soo beegmay xaaladdii qarasoodiga ahayd ee qaaradda Yurub ay kaga sugnayd waayaha siyaasadeed wixii ka horreeyay 1848.
Shirweyne ururka Landhan ku yeeshay bishii nofenbar ayaa Maarkis iyo Enjelis loo xilsaaray in ay daabacad u diyaariyaan barnaamish siyaasadeed xisbigu yeesho oo aragti uyo howlgalba leh. Kaas oo lagu tiriyo baaqa ugu saamaynta badan sooyaalka bulshooyinka oo idil, kaas oo sababay oo shidaaliyay dabaqadda xoogsatada ah in ay kacdo oo toosto. Wuxuu dhidibbada u taagay nidaamka Hantiwadaagga Cilmiyaysan iyo Shuuciyadda. Saamayntiisana waxay gaadhay in Qarnigii 20 aad badhtamihiisii, ku dhowaad, kala badh dadka dunida ku nool waxay hoos imanayeen xuukamdo Maarkisiyad Hantiwadaag ah. Baaqa Shuucigu waa waa baaqii kacdoonka dabaqadda shaqaysa. Buuggan yari wuxuu u dhigmaa hormooyin sida uu ku sifeeyay jaalle Lenin. Waa dukumentigii u horreeyay ee dabaqadda Boroolataariyadda iyo xisbigeeda loo qoro, iyadoo loo kala dhidgdhigayo Maarkisiyadda Kacdoonka ah.
Maarkis iyo Enjelis waxay ku furfuranayaa bilwoga Baaqan:
Yurub waxaa gashay rooxaan - rooxaanta shuuciyadda. Dhammaan cududihii Yrubta qadiimka ahi waxay isu bahaysanayaan, sidii rooxaanta loo cuudin lahaa oo loo naari lahaal. Taas oo sababtay in xisbiyada mucaaradka ah lagu shaanbadeeyo in uu Shuuci yahay. Waxayna Maarkis iyo Enjelis ku soo uruuriyeen laba xaqiiqo:
1. In quwadaha reer Yurub ay qireen in shuuciyaddu ay quwad tahay.

2. Iyo in la gaadhay wakhtigii ay shuuciyiintu u bandhigi lahaayeen caalamka aragtiyahooda, higsiyadooda iyo docda ay u badan yihiin, oo ay kala hortagi lahaayeen sheekada yabyabka ee gacankurimiska ah ee rooxaanta Shuuciyadda Baaqa Xisbiga qudhiisa.
Burjuwaasiyiinta iyo Boroolataariyiinta
Kaaral iyo Enjelis, qaybtan kowaad ee Baaqa waxay ku sharraxayaan, in taariikhda aadanaha ee illaa wakhti fog soo taxnayd ay ahayd mid ku dhisan loollan dabaqadeed oo u dhexeeya; xorta iyo addoonta, saadada iyo caammada, taagsadaha iyo lagu taagsadaha. Waxay ku soo bandhigayaan horumarka iyo howlgalka ay samaysay dabaqadaha aan sinnayn ee ku dhisan is addoonsiga iyo dhiigmarashada, iyo in nidaamka dhaqaale uu noqday Hantigoosi. Waxay tilmaamayaan in casrigoodu uu ahaa casri Burjuwaasiyiintu fududaysay ismaandhaafkii dabaqadeed, guud ahaanna bulshadu ay u kala jabtay laba dabaqadood oo waawyan oo si toos ah geesaha isu daraya: Burjuwaasiyiin iyo Boroolataariyiin. Waxay xusayaan haddii aan soo koobo: in burjuwasiyaddu tahay, natiijada ka dhalatay isbeddelladdi iyo isgedgeddigii ku dhacay hab tacabsoosaarka iyo habka wax-isudoorinta. In burjuwaasiyiintu horumar walba oo ay ku tallaabsadaan ay ku lammaan yahay tisqaad iyo xooggaanaan siyaasadeed oo ay yeelato dabaqaddaasi. Burjuwaasiyiintu waxaay hanteen qunyarasocodnimo siyaasadeed oo kooto ugu xidhan iyagoo ka faa'iidaynsayan dowladnimada casirga ah ee metaaladda ku dhisan tan iyo asaaskii wershadaha casriga ahi iyo sayladda adduunka. Burjuwaasiyaddu waxay qiimihii qofka ku qastay qiimahii doorinta. Xorriyadihii tirabbeelka ahaa ee aan la loodin karinna waxaa ka soo dhex baxay xorriyad akhlaaq ahaan dhutinaysa oo aan lafdhabar lahayn oo aan la fahmi karinna; Ganacsi Xor ah.
Waxay burjuwaasiyaddu la timid dhiigmiirad axmaqnimo iyo nacasnimo ah, toos ah oo aan gabbasho iyo yaxyaaad toonna lahayn oo qaawan. Burwjuwaasiyaddu waxay u badheedhay hawl kasta oo illaa dura la qaddarinayay xushmayn ka haybadaysi wadatana lagu eegayay, waxay dhakhtarradii qareennadii, wadaadaddii, gabyaayadii iyo saynisyahannadiiba ka dhigtay xoogsato gunnaysan oo ay ku shaqaysato. Burjuwaasiyaddu waxay qoysaska ka jebisay dahaadhki gacaltooyo iyo kalgacal waxayna ku soo koobtay mid lacag iyo hunguri ku dhisan. Burjuwaasiyaddu waxay dhinaca kale u rogtay ama qulubaageddisay agabyadii tacabsoosaarka. Waxay meesha ka saartay filiqsanaantii dadweynaha; way cuftay, hababkii tacabsoosaarka; hal meel bay isugu soo ururisay iyo hantidiina; meesha way ka saartay oo waxay ku soo ururisay gacmo kooban. Burjuwaasiyaddu waxay xoogsatadii (nafahoodu baday in ay helaan wax ay maalin ku baxsadaan) ka dhigtay in ay yihiin badeeco iyo silac la mid ah alaabaha kale ee ganacsiga, sidaas darteedna waxay gosha u galeen tartanka sida qaabka daran isubedbeddela iyo kacaakufka suuqa. Waxay tilmaamayaan in dabaqadaha badan ee maanta ka soo horjeeda burjuwaasiyadda, dabaqadda keli ah ee kacdoonsani ay tahay dadabqadda Boroolataariyadda.
Waxay xusayaan loollanka boroolataariyadku kula jiro burjuwaasiyadda in uu yahay loollan ummaadeed, sidoo kale in dhaqdhqaaqa boroolataariyaadku uu yahay dhaqdhaqaaq u daneeya oo ka shaqeeya danta aqlabiyadda ballaadhan iyo shacbi weynaha. Waxay sidoo kale farta ku fiiqeen in xoogsatadu halkii ay la jaanqaadi lahayd horumarka wershadaha ay ka hoosmartay duruufihii jiritaan ee dabaqadeed, waxay noqdeen dabqad caydh ah oo caydhnimo uun sii siisiyaadsada. Waxay sheegeen in burjuwaasiyaddu aanay u sii qalmayn in ay sii ahaato dabaqadda talisa ee bulshada iyo in ay dadka ku soo rogto duruufo u adeegaya jiritaankeeda, oo liddi ku ah bulshada, oo ay uga dhigto xerar lama dhaafaan ah. Bulshaduna kuma sii noolaan karto burjuwaasiyaddan ama si kale jirtaanka burjuwaasiyaddu lama jaanqaadayo bulshada oo mar walba liddi iyo ka soo horjeed bay isku yihiin. Ugu danbaynta qaybtan waxay ku bishaaraynayaan in ay Boroolataariyaadku libta helayo oo Burjuwaasiyaddu ay dhulka afka is-u-darayso, wax alla waxa ay soo saartaana ay tahay xabaalqodkeedii iyo iil-qodkeedii, iyaduna ay luxudka is jiifinayso. Maxaa yeelay koritaankeeda iyo koboceeda waxay diiradda ku saaraysaa hantida, duruufta dheefsiga ah ee dabaqadda xoogsatda ah oo ah dabqad sii kororsanayso caydhnimo iyo faqri. Qaybtani waa udubdhexaadka iyo tiirdhexaadka Baaqa, badanka si gaar ah baa loo dersaa
Boroolataariyaadka iyo Shuuciyadda
Muggan waxay Kaaral yo Enjelis ku iftiiminayaan, waa maxay xisbiga Shuuciyaddu, waa maxayse ujeedkoodu. Waxay bilowgaba kuu sheegayaan in aanu ahayn Xisbiga Shuucigu, xisbi siyaasadeed sida xisbiyada kale; ee uu yahay xisbi u dhisan metalaadda danta xoogsatada (Boroolataariyadda) si guud. Waana isku ujeeddo iyo isku yool shuuciyaddu iyo boroolataariyaddu.
Waxay tilmaamayaan in ay kaga duwan yihiin dabaqadda xoogsatada ab laba qodob uun:
1. Marka ay taagan tahay loollanka heer qaran ee Boroolataariyaddu kaga jiraan dalalkooda gaargaarka ah in Shuuciyiintu ay farta ku fiiqaan danaha guud ee mideeya iyagoo ka madax bannaan qarammada oo dhan.
2. Iyo marka ay tahay marxaladaha kala duwan ee uu maro loollanka dabaqadda xoogsata kula jiro burjuwaasiyadda waxay shuuciyiintu meel kasta iyo mar kasta metelaan maslaxdaha dhaqdhaqaqa shaqaalaha oo isku qoofalan. Waxaynu ka dhadhansanayanaa in shuuciintu yihiin garabka waaqic ahaan ugu hal-adaygga badan uguna horumarsan xisbiyada dabaqadda xoogsatada ee waddan kasta, waana garabka dhabta ah ee badhitaara. Higsiga Shuuciyiintu iyo Borolataariyaadku waa isku mid oo waxay ka duulayaan in laga takhalluso sarraynta burjuwaasiyadda iyo in burjuwaasiyiintu ay hantaan awoodda siyasadda. Micnaha shuuciyiinta waxaa lagu soo ururin karaa hal weedh: ka takhalkusidda hantida gaarka ah.
Qaybtan waxay kaga warramayaan in shuuciyiinta lagu eedeeyo oo colaadiyo in ay xaqa shakhsiga ah iyo hantida gaar ka ah ka soo horjeedaan in uu qofku tabcado. Balse qolyahaasi uma muuqato ama ma arkaanba in ay ku shaqaysanayaan oo dhiigmiiranayaan xoogsatada gunnaysan ee mushaharka tabalcaarada ah ee aan howshooda u dhigmin ka sugaya burjuwaasiyiinta. Waxaa iswayddiin mudan in xoogsatada gunnaysani wax hanti ah miyay ka semeeyaan gunnadooda. Waxay abuuraan raasumaal keli ah. Waxay ku doodayaan Shuuciyiintu oo xalka u arkaan in raasumaalka loo rogo hanti guud, hanti ka dheexaysa dhammaan bulshada taasi kama dhigna in hantidii gaarka ahayd ee shakhsiyadeed laga saarayo. Balse waxaa la beddelay sifadii bulsheed ee hantida waxaana meesha ka baxay sifadeedii dabaqadeed. Bulshada burjuwaasiga ah marka la joogo xoogsatada nooli (living labor) gebigeeduba waa hab lagu xoolobadsado. Halka bulshada shuuciga ah, lagu hodmiyo, lagu kobciyo, lagu horumariyo jirtaanka xogsatada. Ka takhallusidsa burjuwaasiga madaxbannanidiisa iyo xorriyaddiisa ayay u dan leeyihiin Kaaral iyo Enjelis. Waxay ku doodayaan in hantidii gaarka ahayd koox yar ay yeelatay oo bulshadii ahayd toban meelood oo sagaal meelood ahayd, hantidoodii ay gacanta ugu jirto dadkaasi kooban. Kolkaa waxaad nagu maagaysaan sidii looga takhallusi lahaa hanti gaar ah oo ku samaysantay hantila'aantii aqlabiyadda bulshada, ayay dooddooda ku xoojinayaan.
Intaa ka dib Kaaral iyo Feredrig waxay u galayaan halbeegyada ama higsiyada xisbiga shuuciga waa halbeegyo ku kala duwanayaan dalalka kala duwan, dalalka horumaryna ay si heersare uga dhaqangalin karaan:
1. Soo afjaridda hantiyadda dhulka iyo in dhammaan kirooyinka dhulka lagu dabbaqo hadafyada guud.
2. Cashuur dakhli oo qunyarqunyar ah.
3. Ka takhallusidda dhammaan xuquuqaha dhaxalka.
4. In lala wareego dhammaan hantida soogalootiga iyo fallaagada.
5. Dhex-isugu-keenidda amaahda iyadoo la hoos keenayo baanka dhexe oo uu yaallaan raasumaalka qaranka iyo kelisocodsiin u kootaysani.
6. Dhex-isugu-keenidaa hababka is gaadhiisnta iyo gaadiidka.
7. Ballaadhinta wershadaha iyo aaladaha tacabsoosaarka ee dowladdu leedahay;beerfalid in loo diyaariyo dhulka dayacan, iyo in carrada la horumariyo si guud oo waafaqsan qorshe guud.

8. Waajibaadka shaqo oo loo sinnaado. Samaynta cudud wershadeed oo gaar ahaan yeeshaan beeruhu.
9. Iskudhafka beeraha iyo wershadaha sancaynta, iyo in qunyarqunyar looga takhalluso kalasoocnaanta u dheexya miyiga iyo magaalada, iyadoo si siman dadweynaha loogu kala firdhinayo waddanka.
10. Waxbarasho bilaash ah oo ubadka oo dhammi ka helaan dugsiyada dowladda. Mamnuucidda ku xoogsashada uabdka ee wershadaha sida ay imminka yihiin, iskudhafka tacliinta iyo tacabsoosaarka wershadeed, iwm.
Suuugaanta Hantiwadaagga iyo Shuuciyadda

Qaybtan saddexaad waxay ku soo bandhigayaan, sharraxaad guud oo ku saabsan qaybaha kala duwanaa ee ay u kala baxayeen Suugaanta Hantiwadaagga iyo Shuuciyaddu, ama naqdinta Burjuwaasiyadda wakhtigoodii jirtay; waa Hantiwadaagga Dibusocodka ah, iyo Hantiwadaagga Asalddoonka ah ama Burjuwaasiga ah, iyo Hantiwadaagga iyo Shuuciyadda Dhalanteedka Daran ah.
Waxay ku sharraxayaan nooca kowaad, qaabkii hantiwadaagga dhulgoosiga ah ku soo bilaabmay, iyo habka ay dhulgoosatadu wax u dhiigmaranaysay uu uga duwan yahay habka ay burjuwaasiyaddu wax u dhiigmiirato, iyo sidoo kale in kooxdani marka ay ka lafalgalayso siyaasaddda ay ka qaybqataan nidaam kasta oo jujuub ah oo ka dhan ah dabaqadda xoogsatada, iyo in markii wadaadku garba siman la noqday mulkiilayaasha dhulka, Hantiwadaagga Diimeedna wuxuu sidaas oo kale noqday hantiwadaagga dhulgoosi. Intaas waxay uga soo gudbayaan sida uu hantiwadaagga shaarishaaridu ku samaysmay, iyo in ay yihiin kuwo u kala dabqaada Boroolataariyadka iyo Burjuwaasiyadda. Noocani wuxuu yahay si kooban in dib la eego oo lagu noqdo nidaamkii dhulgoosi, wuxuuna ka soo horjeeda higsiyada Xisbiga Shuuciga. Hantiwaddag Asalddoonka ah ama Burjuwaasiyeed, in uu yahay xubin burjuwaasi hantiwadaage ah oo raba in uu u hadho, dheefta xaaladaha bulsheed ee casriga ah oo dhan isaga oo aan la kulmin loollanno iyo halisyo. Waxay tilmaamayaan in burjuwaasigu sawiro si dabiici ah caalam uu isagu u sareeeyo. Hantiwadaagga Burjuwaasiyeedna uu ka caawiyo ama hore u dhigo sawirrashadaas, waxay kaga baxayaan gooskan in burjuwaasiyaddy ay tahay burjuwaasiyad, oo dheefi ugu jirto dabaqadda xoogsata. Gunaanadka waxay si dhab ah u naqdinayaan qaabdhismeedka dabaqadeed iyo qaabdhismeedka bulsheed, in Hantiwadaagga iyo Shuuciyadda Dhalanteedka ahi hadafkeedu uu yahay in ay abuurto bulshooyin cusub oo liddi ku ah halganka ay ku jirto Boroolataariyaadku.
Sida Shuuciyiintu u arkaan Xisbiyada Mucaaradka ah ee kale

Xaynta u danbaysa waxay ku soo bandhigayaan in xisbiga shuuciga ahi uu dhiirri galinayo dhammaan dhaqdhaqaaqyada kacdooneed ee ka soo horjeedda nidaamka bulsheed iyo siyaasadeed, waxayna ku soo xidhayaan bayaankan, baaq dheer oo ay u dirayaan dhammaan Boroolataariyadka dunida ku sugan, waxyana ugu Baaqayaan; "Shaaqalaha dunidoow, midooba/ياعمّال العالم اتحدوا". Maxaa yeelay, wax kasta oo ay ku kala duwan yihiin ee dhaqan, diin, jinsi, afba leh, waxay wada leeyihiin hal dan iyo ujeeddo. Mashiinka maslaxadda ayaana ah mashiinka dhaqaajinaya midnimadooda.
Turjumaaddan (Soomaaliyayntan)
Turjumaaddan (Soomaaliyayntan)
Buuggan qiimiga iyo mudnaanta badan ee ay waajibka innagu ahayd in aynu af Soomaali u soo rogno, waxaa soo rogay oo maxalliyeeyay Cabdicasiis Guudcadde oo waajibkii ummadeed ee inna saarnaa innaga riday, aad iyo aad ayuu ugu mahadsan yahay jaalle Guudcadde. Isla wakhtigaa Cabdicasiis waxaa kale oo u dheer dedaallo kale oo tujrumaadeed oo iyaguna aad u culus in uu soo afceliyay. Buuggan Baaqa Shuuciga si heersare ah ayuu ugu tiiqtiiqsaday turjubaanku, af Soomaali suugaamaysanna wuu ku turjumay.
Buugta uu soomaliyeeyay, LOOMA'OOYAAN keli ah baanan akhrin, inta kale waan akhriyay. Hor iyo bilowba waa buug feker iyo aragtiyo xanbaarsan oo caammadu aanay fahmi karin, sida uu u dhaliyay kacdoon turjumaadeed ayay buugtiisuna inta badan kacdoonka u la xidhiidhaan. Hal dhaliil ayaan u hayaa oo aan kala kulmay akhrinta buugtan iyo (si gaar ah) Baaqa Shuuciga, waa in af Soomaaliga uu adeegsaday uu yahay af Soomaali kakan iyo erayo mug ahaan iyo cuf ahaanba culus, oo had iyo jeeraale waa in qaamuusku ku agyaallaa, si aad u fahanto nuxurka iyo macnaha buugga, kolkaa daabacadaha danbe waxaan soo jeedin lahaa in Soomaaliyaynta laga fududeeyo si aragtida iyo fekerka uu buuggu uu xanbaarsan yahay loo wada fahmo, ugu yaraan.
W.Q: Cabdicasiis Daahir
Comments
Post a Comment