Posts

Filimmo koobsanaya sheekooyinka Dostoyevsky, jaadadka kala geddisan ee nafsadda basharka!

Image
Maqaalkan isagana waxa aan Facebook ku baahiyay, 11 Nov, 2021. Waxa aan sidoo kale ka soo turjumay mareegta (Website) mugga weyn ee  aljazeera.net Fyodor Mikhailovich Dostoevsky; Russian Novelist Waxa ay ku beegan tahay maanta (11 Nov, 2021) sannad guuradii 200-aad ee dhalashada sheeko-faneedyahanka Ruushka ah ee Fiyodoor Dostoyevsky, kaas oo lagu tibaaxo sheekoxardhayaasha sida xeesha dheer u quusay nafta aadanaha ged-geddoonkeeda iyo isbeddelkeeda. Sheekooyinka Dostoyevsky qofka akhrinaya hal shakhsiyad ka dhadhansan maayo, maxaa yeelay, dhinacyo kala jaad ah ayuu Dostoyevsky shakhsiyaddiisa kaa tusayaa, waxa uuna ina fahamsiinayaa waxyaabaha ku riixaya dhammaan falalka aadanuhu ku kaco xataa kuwa aynaan raallida ka ahayn, sida shakhsiyaddii faroolaha ahaa "Soosiima/زوسيما" ee riwaayaadiisii caanka ahayd "Walaalaha Karaamaasoof/الإخوة كارامازوف", silsiladda aadanuhuna aad bay isugu maran tahay, oo falkasta oo bashar ku kaco, hal qof dhakada loo saari maayo. Riwa...

Dibudhaca Fekradeed!

Image
FG: qoraalkan 19 Agtoobar, 2021, ayaan ku faafiyay boggayga Facebook. Dibudhaca fekradeed. __________________________ W.Q: د. طارق السويدان Dr. Tareq AlSuwaidan  W.T: Cabdicasiis Daahir    Aafooyin karaar dhaafay ayaa ummadda carbeed iyo ta Islaameedba dul hawaarsaday, xalaqaadkii hore si kooban waxa aynu u soo qaadaa dhignay, aafooyinka dibudhaca tarbiyadeed, aqooneed, iyo tiknoolajiyeed, maantana waxa aynu si kooban uga hadlaynaa, dibudhaca fekradeed, ujeedka aan uga hadlaynona ma ahan, in aan ku dhex fidino bulshada ruuxda quusta (sida aan hore u soo sheegayba), hayeeshee waa ogaanshaha jirrada/xanuunka, si aan u gogol xaadhno dhayidda, maxaa yeelay garashada dhibkeenna ayaa sees u ah furdaamintiisa, innaguna maanta wax aynu uga baahi badannahay ma jirto, in aan garanno dhibaabaheenna si qoto dheerna u lafa gurno, xadka ballaceeda, iyo garashada waxyaabaha daahan, illaa aan ka gaadhayno, dhitaynta maaraynteeda ku haboon. Dhanka ama jaanibka fikirka, maanta waxaa lagu t...

Dibudhaca Tarbiyadeed.

Image
Dr. Tareq Mohammed Al-Suawaidan; Qoraa iyo gnacsade Kuwaytiyaan ah   Kolka aynu ka hadlayno tarbiyadda, waxa aynu hilaadinaynaa timaaddada ummadda, iyo raggeeda soo foolka leh, lodka wanaagsan oo lagu ababiyo tarbiyayn wanaagsan, waxa uu soo saaraa ummad qaayasoorro iyo akhlaaq leh, faca faasidka ah ee aan la tarbiyayn ama la kulma tarbiyad aan suubbanayn, midhihiisu waxa uu noqonayaa ummad burbursan baaba'san, oo la-daalaa-dhacaysa, dibudhac tarbiyadeed, kaas oo fasahaadinaya jirridaheeda. Barbaariyuhu waxa uu ku ababiyaa ubadka, wixii aabbihii ku ababiyay. Nebiguna (NNKH), waxa uu leeyahay: "waalidku ubadkiisa in waxa uu siiyo, waxaa uga wanaag badan in uu si wanaagsan u tarbiyeeyo." Mar kalena waxa uu leeyahay nebigu (NNKH), "in uu ninku edbiyo (asluub fiican ku barbaariyo) caruurtiisa ayaa uga khayr badan in uu sadaqeysto saac (4 mud oo ku dhowaad u dhiganta laba litir iyo badh (2.5 Litir), Sakaatul Fidriga, fidyada iyo wixii la halmaala ayaa lagu bixin jiray)....

Ufiirsasho.

Image
W/Q: Sh. Abdirahman Bashir  W/T: Cabdicasiis Daahir "Bakaar"  Marka aad horay fiiranayso waxa aad isku dayaysaa in aad ka fekerto timaaddada, si aad uga fekerto waxa soo socdana waa in aad akhridaa kutubta Taariikhda ah, Soyaalka ama Taariikhduna labo jaad ayay u kala baxaan; Dhacdooyin iyo Natiijooyin. Waxyaabihii dhacay iyagu way socdeen, taariikhda ayaana lagu tirinayaa, natiijada ama wixii ka soo baxay ayaa baaqi ahaanaya, oo ka mid noqonaya mustaqbalka, suuro galna ma'aha in lakala saaro timaaddada iyo tagtada. Sida oo kale ma suuroobayso in aynu taariikhda u dhugmo yeelanno innaga oo aynaan dhacdooyinka si guud u oddorasin, daraasad qoto dheerna aynaan ku samayn shakhsiyaatkii sameeyay taariikhdaas, maan galna ma'ahan innaga oon faahfaahin buuxda ka haysan afkaarihii xoog batay xilligaas, sababta oo ah nolosha gabigeeduba waa aragtiyo, ashkaas, iyo dhacdooyin. Xillguna waxba ma falo, se aadamaha ayaa saamayn ku yeesha xilliga, ka sheekaynta sabankuna waa iska ha...

Danayste¹ (Narcissistic)!

Image
   Maxay kula tahay in uu yahay danayste? Adigu se ma noqon kartaa!? Shakhsiga danaystaha ahi waa kan gebi-ahaantiisba, diida dhaliisha aad ayuuna isu-la-dhacsanyahay, wax kastana in uu isagu u gu sito ayaa ka dhaadhacsan, dadka kalena aad ayaa uu u ga hinaasaa, cidna ma oggola in ay ka sarreyso oo ka horumarto, agtiisana waxa ka soo kamkamaya islaweyni iyo is-bidid, kolka aad la dhaqmayso. Aragtiyaha dadka kalena ma aqbalo wuuna liidaa, waxa uuna rumaysanyahay in Aadamaha dhammidood ay ku qanacsan yihiin, sidaas daraaddeedna ayaad u arkaysaa isaga oo u rucleenaya in uu hanto in lagu ladho oo la huwiyo  dhood² iyo tookh, had iyo jeerna waxa aad helaysaa isaga oo qof cusub baranaya si uu u helo jamashadiisa iyo soo jiidashadiisa. Badnkana kadeed ayaa haysta oo iskuma kalsoona sidaas darteedna ayay ugu gucleenayaan in ay helaan hadal-haynta iyo ammaanta dadka kale. Shakhsiyaddani waxa ay la kowsataa dhallaanimada, natiijo xagjir ah awgeed oo ka dhalatay labada waalid hab-la...

Maxaad haysataa!?

Image
Waxba! Warcelintan iyo kuwa kale oo fara badan ayaa maankaaga ka guuxaya se weydiintaas warcelinteeda maqaalkaan kooban ka dheeho.. Hantida dahabka ka qaalisani ee uu haysto uumiyaha dunidan ku uunkani waa wakhtiga, qiimona waxa uu ku yeesha wakhtigu sida looga waxtaransado ammaba loo maal-gashto, sidoo kale in aadame in uu saamayn iyo raad ballaadhan ku yeesho dunidan oo la maamuuso waxa ay ku xidhantahay habka ama qaabka uu ammintiisa u maareeyoo oo aanuu u dayicin. Haddii aan isku dayo qeexitaanka wakhtiga ammaba xilliga; waa howl gal aynaan wax saamayn ah ku yeelan karin ka aadame ahaan, ma horumarin karno mana dib dhigi karno, ma keydin karno waxna kama bedellan karno. Waxa uuna ka kooban yahay saddex (3) waaxood oo kala ah; Tagto (Past), Taagan (Present), Timaaddo (Future). Tagtada wax kama bedelli karno, timaadadana waxba kama qaban karno se taaganta ayaynu maamulkeeda, jiheynteeda iyo ka midho dhalin-teeda saamayn baaxad weyn leh ku yeelan karnaa. Shaqayste iyo ma shaqayste b...