Dibudhaca Fekradeed!
FG: qoraalkan 19 Agtoobar, 2021, ayaan ku faafiyay boggayga Facebook.
Dibudhaca fekradeed.
__________________________
W.Q: د. طارق السويدان Dr. Tareq AlSuwaidan
W.T: Cabdicasiis Daahir
Aafooyin karaar dhaafay ayaa ummadda carbeed iyo ta Islaameedba dul hawaarsaday, xalaqaadkii hore si kooban waxa aynu u soo qaadaa dhignay, aafooyinka dibudhaca tarbiyadeed, aqooneed, iyo tiknoolajiyeed, maantana waxa aynu si kooban uga hadlaynaa, dibudhaca fekradeed, ujeedka aan uga hadlaynona ma ahan, in aan ku dhex fidino bulshada ruuxda quusta (sida aan hore u soo sheegayba), hayeeshee waa ogaanshaha jirrada/xanuunka, si aan u gogol xaadhno dhayidda, maxaa yeelay garashada dhibkeenna ayaa sees u ah furdaamintiisa, innaguna maanta wax aynu uga baahi badannahay ma jirto, in aan garanno dhibaabaheenna si qoto dheerna u lafa gurno, xadka ballaceeda, iyo garashada waxyaabaha daahan, illaa aan ka gaadhayno, dhitaynta maaraynteeda ku haboon.
Dhanka ama jaanibka fikirka, maanta waxaa lagu tiriyaa dhinacyada ugu muhiimsan ee ummadda, maxaa yeelay, afkaaruhu timaaddada iyagaa sameeya, ummad kasta waxaa lagu halbeegaa/beegaalaa habka ay u fekerto, sababta oo ah fekerku waa sambabka uu ka neefsado jidhka ummaddu. Neef qaadashadeedu iyo neef tuurideedu, waa unkumidda horumarka, ama samaynta burburka. Waxaana innagu filan, in aan ogaanno tallaabooyinka istaraatiijiyadeed, ee xukuumaduhu samaynayaan, waa mid ka dhalatay afkaarta jaallayaasheeda. Haddii afkaarahoodu ay ahaayeen kuwa hiyi fog leh oo wax dhisaya, waxna daraaseynaya, waxna nidaaminaya, tallaabooyinkooda ayaa sida oo kalena ahaa kuwa daraasaysan, nidaamaysan aqbalaysana xaqiijinta.Dhibaatooyinka dibudhaca fekradeed oo qodobbaysan:
1. Murugsanaanta soojireennada iyo dhaqammada.
Fekradaha wadamadeenna yaallaa waa kuwo facyaalkii hore ee galbaday laga dhaxlay, kolka laga yimaaddo in uu hagaagsan yahay iyo khaldan yahay, waa hadhaa culus oo aynu tuurta ku qaadannay, walina kama tallaabayno, in aynu maalin kasta ku bawhaarno, oo aan difaacno, innaga oo aan nafaheenna kansho u siin sidii aan dib ugu noqosho, iyo qiimayn, iyo dhugasho ugu samayn lahayn heerka ay suubban tahay, innagu ma dhiirrigalinayno, in dhaqanka iyo soojireennada xaga dambe laga tuuro, se waxa aan ku baaqaynaa in la hubiyo wixii ku jira ee wanaagsan lagana qaadan karo, wixii tawafmay ee laga tagayna ama ku dhisan oo sees u yahay duruuf gaar ah, ammin gaar ah, in la iska laalo.
Soojireennadeeduna dalalka qaar, way ka horjoogsadaan caruurta yar-yar in ay ka hadlaan oo ra’yigooda cabbiraan golayaasha dadka waawayn. Dalalka qaar aragtiyaha oo dhan ayaa la isku xeeriyaa dabadeed ayaa la hordhigaa aragtida ugu weyn ee qoyska, qabiilka ama tolka, wasiirka ama madaxweynaha, innaga oo wada ogsoon in Islaamku yahay diin wada-tashi, nebi Muxammed NNKH, arrin ma go’aamin jirin illaa uu asxaabtiisa la tashto, ra’yigoodana uu qaato. Aragtidiisana ma qaadan jirin haddii aanu ahayn waxyi soo degay ama arrin xaga Eebbe ka ahaaday, sida oo kalena uu helo ra’yi ama feker saxnaanshiiyaha u dhow, ama ku muunadaysan xikmad.
Soojireennadeenna iyo dhaqankeenna ayaynu u daba-fadhiisanna arrimo faro badan, oo sharcigu uu ka mid yahay, waxana aynu leennahay soojireenno liddi ku ah Islaamka, oo la xidhiidha guurka iyo furitaanka, iyo soojireenno maalmaha ciidda iyo munaasabaatka, oo fasaxaya in macaasi lagu dhaco iyadoo la huwinayo waa xilli farxadeed, haweenkuna wali kama samatabixin cadaadiska soojireennada iyo ab-laga-soogaadhka, waxa ay ka horjoogsanaysaa in ay ka qayb qaadato, dhanka bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo dhammaan dhinacyda nolosha, waxaan idiin soo bandhigayaa soojireennada shacab kasta oo shacabkeenna ka mid ah waxa aan helaynaa in badan oo ka mid ahi in ay weydaarsanyihiin diinteenna suubban, kuwaas oo laga dhaxalay aabbayaasha iyo awoowayaasha, iyada oo aan qofna ku dhiirranayn in uu duro amaba uu ka sheekeeyo, iskabadaa'e in nacdal lagu ladho, keliya in uu ka hadlay uun.
Halista ay ku dayashooyinkaasi iyo soojireennadaasi, ay leeyihiin waa in ay ku hor gudbanaanayaan, fekerka iyo fekeritaanka horukaceed. Fekeritaanka horumarineed wuxuu u baahan yahay, cimillo xor ah oo aanay xidhayn soojireennada dadka iyo ku dayashooyinkooda taasi aanu Eebbe soo dejin. Keliya waxa ay koobsanaysaa xeerarka islaamka iyo xeerarka akhlaaqiga guud iyo mandiqa iyo garaadka, wixii intaas ka soo hadha cidina isku sandullayn mayso.
2. Murugsananta ku dayashada iyo dhakafaarka.
Dhinaca kale, waxaad ka helaysaa ka leexasho dhan kasta ah, maadaama dad badani ay caabudayaan, moodooyinka [الموضة] iyo agabka la isku qurxiyo ee cusub ee Galbeedka oo leh wejiyo kala geddisan, iyada oo aan loo dhugmo yeelan oo loo fiirsan, ku dayashadaas indho-beelka-ah iyo la ashqaraaridda daran waxa ka imanaya dibedda, ayaa sida oo kale caqabad ku ah fekerka xorta ah, iskabadaa’e waxa uu sii giijinayaa xadhkaha fekerrada kale, waxana uu ka yeelayaa mid daba luudaya fekerradaas, waxa uu dahsoominayaa in wax la curiyo, waxaana meesha ka baxaysa arigtida fayow ee waaqaca laga haysto.
Liidnimadaasi waxa ay Jaal la tahay, kalsooni darro fekradaheenna iyo garaadkeenna innagaga habsatay, la yaabka fekerrada kale, waxa uu innaga maankeenna ka dhigayaa mid dhagax ah (oo aan wax soo saarayn) wax kasta oo cusubna iyaga uun ka sugaya, mid wax curinaysa ama abuuraysa ma ahan, innaga oo haddana haysanna cuquusha ugu xariifsan, feker ahaanna awood/taag leh, laakiin kolka ay tagto cuquusha dibedda, dhinac ayaan iska dhignaa keenna! Ma ogsoon tahay, tirooyinka shahaadada curineed, ee la diiwaan galiyay hal gu’, marka aynu isku darno dawladaha Carbeed dhammidood 70 shahaado curineed kor u dhaafi mayaan, halka Israa’iil, keliya la diiwaan galiyay, 1031 shahaado curineed!
Kolka aynu is dhahno kalsoonida nafaheenna kor u qaada, waxaan isugu sheekaynnaa in ummadaha kale innaga dheereeyeen. Hitler shacabkiisii waxa uu ka dhaadhiciyey in ay yihiin shacabka kowaad ee ugu mudan dunida, Yuhuudduna waaba kuwii yidhi (Eebbe caruurtiisa iyo kuwa uu jecelyahay baannu nahay), aragtiyaha liita, jabka iyo dibudhacu maxay bulshadeenna u hogaaminayaan haddaba!?
3. Murugsanaanta fekerdiimeedka.
Badanaa fahamka diinteenna sugan waynu kharribnaa, hadalka diimeed maanta waxa uu u baahanyahay, in boodhka laga hufo, iyo aragti dhaafsiisan gommodaha dhegaystayaasha - waa haddii la ii oggolaado in aan cabbiro hawraartayda. Khudbadaha diimeed ee la jeediyo waxa ay u baahan yihiin in ay koobsadaan qof kasta oo ummadda ka mid ah, ayna gaadhaan kan san iyo kan silloon [faajirka ah], indheergaradka iyo kan caammada ah, hoggaamiyaha iyo la hoggaamiyaha. Waxa aynu u baahi qabnaa in aan kobcinno hadalkaas innaga oo u marayna manhaj cilmiyeed, kaas oo gaadha dhamaan gaaradka aadmiga iyada oo aan qofku u faruur xidhnaanayn, aragti, mad’hab, koox ama dhaq-dhaqaaq ama xisbi, maamul ama dawlad.
Sidoo kale dusheenna waxaa ahaaday in aynu diinteenna ku tookhno, daacadna ay innaga ahaato Islaamnimadeenna, oo culays aanay innagu noqon kolka aynu qurbowno ama socdaalno, waxaana innagu waajib ah in aan ku qanacsanaano dhabtii in diinteennu tahay diinta ka saxda diimaha dhulka dushiisa oo dhan ka jira, nafaheenana aan ku kalsoonaano, in aan raacno diinta Islaamka, dhaabad innaga hortaaganna ayna ahaan in aan ku dhex baahinno hadalkeenna fekradeed ummadaha iyo ilbaxnimooyinka kale.
Dhibaatooyinka dibudhaca fekerka diimeed waxaa ka mid ah, lamataabtaanka, oo tiro badan oo dadka ka mid ahi si ka badbadis ah u ilaalinayaan, hadalladooda iyo aragtiyahooduna ay noqdaan kuwo aan dood aqbalin ama in laga fekero, kama hadlayno Ixtiraamka waajibka sharciga ah, hase ahaato’e waxa aynu tibaaxaynaa, lamataabtaanka oo ka hor imanaya sharciga iyo diinta, dadka qaarna ka dhigay, in ay garaadka adeegsan waayaan, kolka ay la kulmaan hawraar nin buuni ah oo dadkii hore ama kuwan dambeba ka mid ahi uu yidhi, haddii uu doono haba yidhaahdee hadal ka hor imanaya maanka iyo mandiqa.
Fekerdiimeedku waxa uu u baahanyahay in xadkaha loo sii daayo, dabarradana laga furfuro, si uu u gudo-ballaadho, maaha keliya ummaddeenna Islaamka ah, se ummadaha kale si uu ugu gudbo, dadkuna u maqlaan dhammaan aqoonta iyo milgaha diinteenna suubban, waxaana laga ma maarmaan ah in lagu celiyo dhismaha wixii waafaqsan garaadka, iyo mandiqa, iyo shuruudaha xillagan horumarka ku suntan, iyo tixgalinta amminta, meesha, duruufta iyo xaaladaha.
4. Murugsanaanta cabsida iyo addoonsiga.
Xorriyad la’aantu waa cadowga ugu kakan ee fekerka bedqaba, suurogal ma ahan, in fekerku dhasho, cimilo xor ah mooyaane, maadaama aynu asalraac cabsi noqonnay oo aynaan ku dhawaaqi karayn afkaaraheenna fekerkeennu xor ma ahaanayo haddaba, waxa aynu la daalaa-dhacaynaa asalraac cabsiyeed, oo ka dhan ah ururrada siyaasiga ah iyo ka baqitaanka ilaalada gudaha iyo dibedda, suurena ma ahan in ay ka hirgasho fekradaha waaweyni saaxadda xorriyadda madaxa bannaan mooyaane, bulshooyinka hadhka gumaysiga ku hoos nool, ha ka yaabin in ishaadu qabato, aragtiyo heersare ah oo iftiimaya, waxaaba u wanaag badan in ay maankooda ku xabbisnaato, intii ay banka u soo bixi lahayd, oo ay ahaan lahayd mid saldhigyada ku xidhan.
5. Murugsanaanta aqoondarrada iyo go'doonka.
Asalraaciddaasi waa asalraacidda u weyn ee umaddeenna haysata, walina xaga dambe ayaynu kaga jirnaa kaalmaha ummadaha aqoon ahaan, waxaaba innoogu filan, in ku dhowaad, ummaddeenna carbeed ay tahay amuume kuwa aan waxba qorin waxna akhrin, sidee ayuu ku gaadhayaa fekerkan aynu ka sheekeenaynaa? Warbixin ay soo saartay Golaha Carabta Ee Caruurta Iyo Koritaanka ayaa amuumanayaasha diiwaan galisay tiro argagax leh, waxa ay caddeysay in kala badh dadka ay da’aaddoodu ay kor u dhaaftay 15 sano ay la ildaran yihiin amuumannimo, waxaa kaloo jira 70 Malyuun Carab ah oo amuume ah, saddex meelood oo meelna ay yihiin caruur iyo haween. (Sida ay Yuniseef warbixin ku xustay)
Kolkasta aynu ka go’doonsanaanona aqoonta waa kolkasta aynu ka go’doonsanaano in aynu fikirkeenna cusboonaysiino, maxaa yeelay labadooduba way isku xidhan yihiin oo lama kala furfuri karo, suurogalna ma ahan, in aan kobcinno, Fekerkeenna innaga oo aan la dagaallamin aqoondarrada iyo go’doonka, toddobaatan boqolkiiba (%70) manaahijta dawladaha Carbeed ee lagu dhigto dugsiyada waa mid qadiim ah in ka badan 20 gu' oo la soo dhaafay, marka lala barbardhigo, manaahijta caalamiga ah.
Haddii aynu ka hadli lahayn maaraynta, ee aanan dhibaatooyinka ka hadli lahayn, abdooyinka ee aanan boogta sarneen, riyada lagu hamminayo ee aanan taaganta qadhaadh tibaaxneen, asalraacitaannadaasna waxa aan isu dul taagay sidii aan u jeexi lahaa jidka horumarinta fekradeed ee ummaddeena, natiijadii ka soo baxdayna waxa ay ka qayb qaadatay, kordhinta dareenka niyadjabka iyo quusta, waxana aynu galnay in aynu ka cararno dhibaabaha, taagantana u jabno, buuniyadii hore u galbadayna aynu ku kaaftoonno, taasina waa waxa ka dhigaya dhaqankeenna mid taban, taanagtana aan la jaanqaadayn, jiitinta ilbaxnimada fekerkana ka fog.
Waxaa inoo dhiman sheegitaanka dhibaatooyinku in ay bilaabeen in ay suulaan, Eebbe ayaana ku mahadsan, badanka indheergaradka ummaddanina way ku baraarugeen aafooyinkaas, tallaabadaas barakaysan ayaana ah maaraynta/xallinta aafooyinka dibudhaca fekradeeed, hayeeshee wali marinku waa dheeryahay, hawsha la qabtayna way yartahay, waxaana laga-ma-maarmaan ah in la dadajiyo howsha hore u kaca fekerka ummadeed. Kulan dambe, ha inoo ahaato, Eebbe idankii.
W.Q: Dr. Tareq Al-Suwaidan
W.T: Cabdicasiis Daahir
Comments
Post a Comment