Maxaad haysataa!?
Hantida dahabka ka qaalisani ee uu haysto uumiyaha dunidan ku uunkani waa wakhtiga, qiimona waxa uu ku yeesha wakhtigu sida looga waxtaransado ammaba loo maal-gashto, sidoo kale in aadame in uu saamayn iyo raad ballaadhan ku yeesho dunidan oo la maamuuso waxa ay ku xidhantahay habka ama qaabka uu ammintiisa u maareeyoo oo aanuu u dayicin. Haddii aan isku dayo qeexitaanka wakhtiga ammaba xilliga; waa howl gal aynaan wax saamayn ah ku yeelan karin ka aadame ahaan, ma horumarin karno mana dib dhigi karno, ma keydin karno waxna kama bedellan karno. Waxa uuna ka kooban yahay saddex (3) waaxood oo kala ah; Tagto (Past), Taagan (Present), Timaaddo (Future). Tagtada wax kama bedelli karno, timaadadana waxba kama qaban karno se taaganta ayaynu maamulkeeda, jiheynteeda iyo ka midho dhalin-teeda saamayn baaxad weyn leh ku yeelan karnaa.
Shaqayste iyo ma shaqayste bukaan iyo bedqabe, bare iyo la bare,..., intaasiba waxa ay haystaan 24 saacadood ama 1440 daqiiqadood ammaba 86400 ilbidhiqsi, balse waxtarkoodu iyo wax qabadkooda noloshatan aduunyo iyo tan aakhiroba waxa uu ku kala duwanyahay sida ay uga waxtaransadaan ammintaas. Diintenna islaamku wakhtigu ama xilligu waxa uu ka mid yahay waxa ay mudnaanta gaar ka ah iyo ahmiyaddaba siisay innaguna boorrisay in aynu ka faa'iidaysanno Eebbena in badan ayuu ku dhaartay amminta (sida; Galabta, waaberiga, maalinka, habeenka, iyo barqinka..) taasina waxa ay muujinaysaa ahmiyadda uu leeyahay wakhtigu, isbddel-bedelka dharaarta iyo habeenka, iftiinka iyo mugdiga,..., waxa ay tilmaamayaan dhammaantood in uu innaga mudan yahay wakhtigu ufiirfiirsi iyo wax ku qaadasho mug weyn leh.
Farriinsidaheennii nebi Muxammed (NNKH) waxa uu inooga warramay sida dadku aanay ugu baraarugsanayn wakhtiga iyo caafimaadkaba. Waxa uuna lahaa; "labo nimco oo aadumuha intooda badani ay ku dagmaan waa; caafimaadka iyo firaaqa." Qolyahan cilmi-nafsiyaqaannaduna (Pschologists) waxa ay qabaan qiimaha shayga uu leeyahay marka aad ogaato ayaad ku dedaashaa habkii shaygaas aad sida ugu haboon uga faa'iidaysan lahayd. Aadumuhuna sida badanka ah ma dareemo caafimaadka marka uu bukoodo mooyaane, sidaasna waxa kuu lamid ah wakhtiga oo inta badan kama fekero daqiiqad kasta iyo ilbidhiqsi walba sidii uu tiisa horreysa iyo dambeysa ammaba midkood wax waxtar leh u gashan lahaa.
Wakhtiguna waxa uu kamid mid yahay afarta su'aalood ee laguu waydiin doono, dharaarta qiyaamaha gaar ahaan xilligii aad dhallinyarada ahayd. Ibnu Qayim oo lagu naanaysi jiray Sheekhii Islaamka mar wakhtiga uu wax laga weydiiyay waxa uu yidhi: Wakhtigu waa cimriga dhabta ah ee insaanka/ وقت الإنسان هو عمره في الحقيقة. Sidoo kale wakhtiga waxa uu ka qaalisan yahay dahabka, maxaa yeelay wakhtigu beddel iyo keyd toonna ma aqbalo.
Badi aadamaha waxaad arkaysaa iyaga oo dhaliilaya oo dhaleeceeynayawakhtiga, mar uu dadka jaadkaas ah uu u jawaab celinayayay Imam Al shafici 12 kun sano ka hor waxa uu lahaa maansadiisi:
Waxa aynu ceebayn sebenka
Ceebtuna dhexdeenna ayay ahaatay.
***
Gef la'aan ayaannu u caayaynaa sebenka
Haddii uu dhawaaqi lahaa sebenkuna wuu ina caayi lahaa.
***
نَعيبُ زَمانَنا وَالعَيبُ فينا ** وَما لِزَمانِنا عَيبٌ سِوانا
وَنَهجو ذا الزَمانِ بِغَيرِ ذَنبٍ ** وَلَو نَطَقَ الزَمانُ لَنا هَجانا
Maxaa kula gudboon in aad samayso shakhsiyahow sidii aad uga waxtaransan lahayd ammintaada?
........
Sida aan wada ogsoonnahay aqoonta aadamuhu korriimo iyo isbeddel joogta ah ayay ku jirtaa wayna kobcaysay muddooyinkii u dambeeyay se dhib iyo dheefba waxa ay u yeelataa qoloba qaabka ay u maarayso oo ay uga faa'iidaysato iyo sida ay mushkiladaha taagan xal waara ugu heli lahayd, sidaas si lamid ah ayaa wax qoriddu iyo akhriskuna u kobcayay.
Horraantiina waxa aad ogaataa buugaagta laga qoray maaraynta wakhtiga iyo horumarinta shakhsiyadeed tiro ahaan in ay aad u badan yihiin. Waxa ayna ka mid yihiin buugaagta loogu iibsiga badanyahay looguna akhritaanka badanyahay Tusaalena waxa kuugu filan labada buug ee kala ah; [The 7 Habits of Highly Effective People; stephen covey]: oo laga daabacay in kabadan labaatan iyo shan million oo daabacadood (Over 25 million copies) loona rogay 40 luuqadood. Iyo ka kale oo ah [The 4-Hour Workweek; Tim Ferriss] lagana daabacay labo dhibic hal million oo daabacadood (2.1 million copies) loona tarjumay 40 luuqadood.
Sababaha keensada in uu wakhtigu si dhayal ah kaaga lumo:
.............
Si aad u maarayso ammintaada waxaa laga-ma-maarmaan ah in aad ogatahay ama aad garanayso waxyaabaha sababa in uu kaa lumo wakhtigaagu suuro-galna ma' ahan illaa aad sababahaas garowsato in aad ka midho dhaliso ammintaada, sidaas darteedna waxaa laasim ah in aad ogaato wakhtigaagu meelaha uu kaaga dayacmo. bal aynu taxno qayb ka mid ah qodobadaas;
1: Ujeeddo amma yool cad adiga oo aan lahayn:-
Eebbe wayne ayaatkiisa waxa uu inoo ku sheegay;
﴿ سَابِقُوا إِلَى مَغْفِرَةٍ مِنْ رَبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا كَعَرْضِ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ ﴾
"U tartama dambi dhaaf Eebbihiin xaggiisa ka ahaaday iyo janno ballaadhkeedu la'egyahay balllaadhka samada iyo arlada". [Al-xadid: 21]
Ayaaddaasi waxa ay tilmaamaysa in aad noloshatan maalmaha ah, yool ka yeelato isla jeerkaasna aad ku guulaysanayso badhaadhaha ay farta ku fiiqayso aayaddaasi. Haddaba yool muuqda la'aan iyo ujeeddo cad la'aanba waxa ay ka mid yihiin sababaha keensada inuu wakhtigaagu kaa dayacmo taas lidkeeduna waa in aad guulaysato.
2: la saaxiibitaanka saaxiibbo aan wanaagsanayan:
Suubanaheeenni muxammad NNKH waaa tii uu ku lahaa xadiis hal tebintiisu ahayd;
"المرء على دين خليله فلينظر أحدكم ممن يخالل."
" Qofku waa diiinta/dhaqanka saaxiibkii hakana fiirsado midkiin cidda uu la saaxiib." Gabyaagii carbeedna waa tii uu lahaa
إِذَا كُنْتَ فِي قَوْمٍ فَصَاحِبْ خَيَارَهُمْ ** وَلَا تَصْحَبِ الأَرْدَى فَتَرْدَى مَعَ الرَّدِي
Haddii aad koox ku dhex jirto, jaal la noqo kooda ugu akhyaarsan
***
Hana la saaxiibim kan hooga ka dibna adigu aad la halaagsanto.
عَنِ المَرءِ لاَ تَسْأَلْ وَسَلْ عَنْ قَرِينِهِ ** فَكُلّ قَرِينٍ بالمُقَارِنِ يَقْتَدِي
Qofka midh ha weydiin'e, saaxiibki uun weydii
***
Ku kastoo saaxiib lihiba, saaxiibkii buu ku deydaaye.
Ugu dambayntii waxa aan kusoo gabo-gabayn murtiyo iyo xikmadaha laga soo tebiyo wakhtiga. Murtiyaha micnaha baaxadda weyn xambaarsanna waxaa ka mid ah.
.......
1. Wakhtigu waxa uu bare u yahay cidda aan bare haysan.
2. Wakhti waxa uu lamid yahay nololosha, sidaas darteedna, dayicitaanka wakhtigu waa dayicidda noloshaada.
3. Saacadaha ma tirinno xilliga aan dayacno/lumino mooyaane.
4. khasaare ka wayn oo aadame ku kaco miyaa jira oo aan ka ahayn lumuidda wakhtiga.
4. Wakhtigu waxa uu burburiyaa wixii dhismay oo dhan, carrabkuna waxa uu burburiyaa waxa dhismi doona.
5. Wakhtigu cidna ma sugo.
6. Maalin aanan wax cusub baranin kama tirsana cimrigayga.
7. Samay wax kasta wakhtiga ku haboon, maxaa yeelay samaynta labo shay hal mar waxa ay keensanaysaa in aad u khasaarto si wadajir ah labadaba.
8. Sirta caafimaadka, caqliga iyo jidhkuba waxa ay ku biyo shubanysaa in aanad u ooyin tagtadii, in aanad ka warwarin timaadada iyo in aanad filan masiiboyinka se waa in aad la noolaataa taaganta si xikmad iyo caqliyaysani ku dheehantahay.
9. Wakhtigu waa sida seefta haddii aanad goyn wuu ku goyn.
10. Labada dagaalyahan ee ugu awoodda badani waa wakhtiga iyo dulqaadka.
11. Wakhtigu waa sida martida haddii aanad karaamayn wuu ku dharbaaxi.
12. Saddex shay waligood ma soo noqdaan; wakhtiga, quruxda iyo dhallinyarnimada.
13. Ina aadamoow maalmo ayaad tahay kolka ay maalin kaa tagto badh kamid ah ayaa kaa tagey.
14. Aad u ilaali wakhtigaaga, waardiyee, gaadhka ka hay, samay arrintaa saacad iyo daqiiqad walbaba, waxaadna u fiirisaa daqiiqad walba oo wakhtigaaga ka mid ah in ay tahay shay qaali ah. Macno, aragti iyo wacyina u yeelo.
WQ: Cabdicasiis Daahir (Bakaar)
Comments
Post a Comment