Dibudhaca Tarbiyadeed.


Dr. Tareq Mohammed Al-Suawaidan; Qoraa iyo gnacsade Kuwaytiyaan ah

 


Kolka aynu ka hadlayno tarbiyadda, waxa aynu hilaadinaynaa timaaddada ummadda, iyo raggeeda soo foolka leh, lodka wanaagsan oo lagu ababiyo tarbiyayn wanaagsan, waxa uu soo saaraa ummad qaayasoorro iyo akhlaaq leh, faca faasidka ah ee aan la tarbiyayn ama la kulma tarbiyad aan suubbanayn, midhihiisu waxa uu noqonayaa ummad burbursan baaba'san, oo la-daalaa-dhacaysa, dibudhac tarbiyadeed, kaas oo fasahaadinaya jirridaheeda.

Barbaariyuhu waxa uu ku ababiyaa ubadka, wixii aabbihii ku ababiyay.

Nebiguna (NNKH), waxa uu leeyahay: "waalidku ubadkiisa in waxa uu siiyo, waxaa uga wanaag badan in uu si wanaagsan u tarbiyeeyo." Mar kalena waxa uu leeyahay nebigu (NNKH), "in uu ninku edbiyo (asluub fiican ku barbaariyo) caruurtiisa ayaa uga khayr badan in uu sadaqeysto saac (4 mud oo ku dhowaad u dhiganta laba litir iyo badh (2.5 Litir), Sakaatul Fidriga, fidyada iyo wixii la halmaala ayaa lagu bixin jiray)."

Kala duwanaanshaha tarbiyaynta iyo daryeelidday
..........................................

Qoysaskeenna Carbeed, badankood maanta tarbiyayn kama jirto, se waxaa ka jira daryeelid. Kala duwanaansho baaxad weyn ayaana u dhexeeya labadaas. Tarbiyaddu door-roonaanteeda¹ iyo weynaanteeda ayay leedahay, si loogu ababiyo caruurta mabaadi’da, qiyamka, aqoonta, iyo isku dheellitirka hab-dhaqanka. Daryeeliddu, waa in door-roonaanta la siiyo dhanka maaddiga ah uun, sida dharka, dhuuniga, hoyga, waajibaatka dugsiyada, xirfadaha, hoggaaminta, iyo waxyaabaha kale ee door-roonaanta la siinayo. Hummaagna kuma jiro, in ay muhiim tahay in jidhka la koriyaa, laakiin kolka lala bar-bardhigo tarbiyaynta nafsadda, garaadka, iyo ruuxda, waxba kama noqonayso.

Haddaba halkee ayay ka joogaan, qoysaskeennu, beeridda caqiidooyinka iyo unkumidda muwaadin hagaagsan? Nafsadda carbi oo u dhammaystir wanaagyadeeda, adigu nafsadda ayaad tahay, jidhka keliya insaan kuma tihid’e.

Door-roonaanta Tarbiyadda
................................

Dadka badh ayaa u haysta in caruurta garaadkoodu yar yahay, sidaas darteedna aanay waxba fahmayn, taas oo ay ka dhasheen in wax badan laga mashquulo, tarbiyayntooda iyo baxnaanintooda. Waxa ayna sidaas ku garawsan waayeen waalidku, in maraxaladda ugu muhiimsan ee dhisidda shakhsiyadda iyo sugidda qaayasoorradu in ay tahay marxaladda caruurnimada, taas oo u baahan tarbiyayn joogto ah, juhdi, iyo dhinacyo badan in laga daraaseeyo, dabadeedna ilmuhu uu ku kacaamo (tarbiyaynta jaadkaas ah) ka dibna uu isku dayo in uu garaadkiisa ku kaydiyo.




Waxaana innagaga filan in Ilmaha yar ee maraya da’aadda Lix jirka uu baran karo 5000 oo eray sannadkii, halka shakhsiga qaangaadhka ah uu baran karo 150 eray oo cusub keliya.

Astaamaha dibudhaca tarbiyadeed
.......................................

1. Anshax xumo ka dhan ah dhallaanka iyo gaashaanqaadayaasha. Waxa ay ka bilaabantaa in ay caruurtu ku dhego-adaygaan (ama caaq ku noqdaan) waalidkood, iyo in uu ixtiraami waayo kan yari walaalkiisa ka wayn, iyo ku xadgudbidda gashaanqaadayaasha, iyo u-hal-celin la’aanta cid kasta oo ka ag dhow oo u nasteexaysa. Waxaaba laga yaaba in halkaas la isla dhaafo, oo aad aragto, in ilmaha yari uu kan ka weyn caayo, ixtiraamna aanuu u muujin, amaba aflagaaddo, jareexayn iyo jaa’ifayn kula kaco.

Waxa uu Imaam Bukhaari² inoo soo wariyey, xadiis mug weyn oo ka warramaya dhaqankii Cabdilaahi Ibn Cumar, isaga oo yar. Waxa uuna yidhi Ibn Cumar: "Farriinsidihii ayaa maalin waxa uu saxaabaddiisa ku yidhi; geedaha waxa ka mid ah, geed aan caleemihiisu dhulka u soo dhicin, waana tusaalaha qofka Mu’minka ah, ee geedkaasi waxa uu yahay ii sheega? Dadkii waxa ay sheegeen geedo badan oo baadiyaha ku yaalla, [qaar waxa ay sheegeen geedka Saytuunka, kuwo kale geedka Canabka, badh kale geedka Maangada, iyo kuwo sheegay Rummaanka], Cabidlaahi waxa uu yidhi, waxa aan maleeyay in geedku yahay timirta. Waxa aan se arkay Abuu Bakar iyo Cumar oo aan hadlayn, sidaa awgeed ayaan u nacay in aan hadlo ama aan erey ku dhawaaqo. Kolkii uu Cumar ogaaday in inankiisu aanuu u sheegin geedka anshax aawadiis, ayuu ku yidhi; 'in aad geedka sheegto, ayaan wax walba ka jeclaan lahaa.’

[Xadiisku waxa uu tilmaamayaa qiimaha iyo weynaynta dadka waaweyn, sida oo kale waxa uu tibaaxayaa xishoodka iyo Af-gaabnidda uu Ibn Cumar laaha, waayo! Ibn Cumar waxa uu ka mid ahaa saxaabadda dadka ugu aqoon badan, se waxa meesha ka muuqata in uu ahaa nin da’yar oo xishood badan, waxa uuna dhibsaday in uu dad ka waaweyn hadalka la qaybsado, ama uu wax ka warceliyo.]³

U fiirso anshaxa inanka Cumar, Eebbe raalli haka noqdee, iyo habka uu u dhaqmay isaga oo inan yar ah, jeerkaasna aabbihiis iyo saxaabadii waaweynayd la jooga.

2. Ku hawllanaanta waxyaabaha aan ribnayn iyo dheeldheesha.

Ceeb ma ahan in caruurtu ama gashaanqaadayaashu ay ciyaaraan waayo taasi waa xaqooda dabiiciga ah ee ay leeyihiin, hasayeeshee waxaa ceeb ah in hammigooda u weyn uu noqdo, waalidkooduna aanay ku dedaalin sidii ay ugu hawlgelin [mashquulin] lahaayeen, dano iyo yoolal waxtar leh, halkaas ayayna ka amaamudaysaa mushkiladdu. Waxaaba jirta in aabbayaasha iyo hooyooyinka qaar ay ku mashquuliyaan caruurtooda waxyaabo madhan oo bilaa qiimo ah illaa uu da' ahaan korayo, sidaasna waxa ay u sameenayaan aabayaashu iyo hooyooyinku si ay uga cararaan in ay ku foogganaadaan tarbiyaynta caruurtooda, waxa ayna illaaween taasi in ay tahay ta u weyn ee ahayd in ay ku ka shaqeeyaan oo ku hawllanaadaan.

3. Maqnaanshaha qiyamka iyo mabaadi’da gaar ahaan caruurta iyo gaashaanqaadayaasha.

Waxaana ugu wacan in aanay la kulmin laguna soo tarbiyayan. Waxa aad arkaysaa aabbe iyo hooyo aan u fiirsanayn caruurtooda oo been sheegaya, ka dibna aan edbinayn, ballamahana aan oofinayn oo ka baxaya, waxaadba arkaysaa aabbe been sheegaya, hooyo been ku hadaaqaysa ama aabbe caruuurtiisa sigaar ku hor cabbaya, haddaba hoggaamin noocma ah ayaad ku jihaynaysaa.

4. Gaashaanqaadayaasha oo aan wax macne ah u arkin karaamada.

Waajibka tuurta ka saaran waalidka waxa weeyaan in ay ku beeraan oo ku ababiyaan nafaha, macnaha hal-adeyga iyo sharafta, ayna dhisaan shakhsiyad adag oo miiggan, falalka foosha xun ee agagaarkooda ka dhacayana aanay wax saamayn ah kaga tagin. Haseyeeshee in badan waxa aynu aragnaa dhalinyaro iyo qaangaadhayaal ku dhiirranaya macsida. daciifnimo iyo u dullinmona ku kacaya caalamkan kakan ee geesinnimada u baahan. Waxaase laga yaabaa shaacsanaha kuwoyaalka isku ekaysiinaya jinsiga kale in aanay doqonniino ka ahayn waana waxa ay ku magacaabaan jinsiga saddexaad iyo afraad, waxa ayna u samaysteen kooxo iyo wax aad mooddo ururro, Eebbe ayaan ka magan galnay’e. Waxaaba la sheegaa: in uu isaga oo sidii naagtii laafyoonaya yimi! Bal waxa aad weydiisaan kuu yahay lab iyo dheddig!?

Sababaha dibudhaca tarbiyadeed
.............................

Waxaa marag ma doon ah, in hawsha tarbiyayntu ay tahay hawl kakan, xilligan carro-edegaynta [Globalization], furfurnaanshaha aqooamaha, sayniska, iyo iswaydaarsigooda. Haseyeeshee waxa aan soo xeerinnay sababaha ugu muhiimsan ee qayb laxaad leh ka qaatay dibudhaca tarbiyadeed ee bulshadeenna aan ka dheehan karno, sababahaasna waxaa ugu mudan:

1. Waalidka oo doorkii tarbiyaynta gabay: taasina waa xaqiiqo taagan oo laga xumaado in badan oo aabbeyaasheen ka mid ah iyo hooyooyinkeen lama sheekaystaan/fadhiistaan caruurtooda, laga yaabaa in ay hal mar la haasaawaaan dhawrkii maalmoodba. Illowse⁴, fadhiyadaas degdega ah iskuma deyayaan in ay ku beeraan wax qiimo ah ama mabda' ah nafaha caruurtooda, waxaa laga yaabaa in noloshan murugsan iyo helidda nolol heer sarreysa in ay mashquulisay, laakiin taasi cudurdaar u noqon mayso in ay ka gaabiyaan mas’uuliyaddooda.

Agoonku ma ahan kan waalidkii ay galbadeen dullimlona ay kaga tageen,
*****
Se agoonku waan ka la kulmay hooyo ka gaabisay ama Aabbo ka mashquulay.

2. Maqnaanshaha hoggaamineed ee guriga: waalidka qaar ayaa u diida caruurtooda in ay sigaar cabaan, ilmahooduna waxa uu arkaa baakidhka sigaar ah ee jeebka aabbihii ku dhex jira! Sidee ayuu inankaasi isaga joojin karaa sigaar cabidda. Kolka uu maqlo, arkona in aabbihii iyo hooyadii been u sheegayaan, dadkana aflagaaddaynayaan, ilmahaas ma waxa aynu ka rejeynaynaa in uu runlow ama mid hadalkiisa anshax u yeelaya uu noqdo.

Waxa aad u daymo badisaa mid ka mid ah Wabarrada kolkii uu ku yidhi edbiyihii edbinayay caruurtiisa, "Waxa ugu horreeya ee aad ka bilaabayso wanaajinta caruurtayda ha noqdo wanaajinta naftaada, waayo indhahoodu, indhahaaga ayay ku maqanyihiin, wixii la suubban iyaga waa waxa aad suubbisay, waxa agtooda la foolxunna, waa wax aad adigu foolxumaysay."

3. Warbaahinta: ha ahaadaan falagga ama internetka amaba ciyaaraha ay ku madadaashaan taas oo xambaarsan macnaha cunfiga iyo xidhiidhada aan bannaanayn, sida oo kale aflaamta cunfiga iyo aflaamta faakihaysiga iwm, taas oo faafinaysa burburitaan dhaqameed.

Daraasado dhowaan la sameeyaynana ayaa tibaaxaya in ilmuhu uu ku qaato muuqaal baahiyaha 1023 saacadood gu’gii. Wakhtigaas ayaana ugu filan in akhlaaqdiisu burburto, haddii aanay jirin in la la socdo waxa uu daawanayo.

4. Fiditaanka furniinka: kaas oo sannadba sannadka ka sii danbeeya sii siyaadayay. Ka sheekayn mayno waxayaabaha keenay in uu fido, ha yeeshee hubsiimo la’aan waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu wacan dibudhaca tarbiyadeed, kaas oo aynu la noolnahay kolka ay labada waalid midkood uu ka fog yahay caruurta kan kalena uu mashquulsanyahay way ku adkaanaysa in uu tarbiyayntooda uu hago. Tirakoob la sameeyay 2005 ayaa sheegaya in kala tagitaanka tirada dadka lammaanaha ah ee Boqortooyada Carbeed ee Sacuudiga in uu gaadhay %46 iyo sidoo kale Dolwladda Imaaraatka. Halka ay Qadarna %38 ka tahay. Halka ay xaddiga Kuweyt 2007 illaa iyo hadda ay kor uga kacaysay %50, taasina waa heer aad iyo aad u sarreeya.

5. Kaalintii culimada oo gaabis ku yimi: in badan eedda waxaa tuurta ku qaadanaya Culimada ummadda, dhaliishana⁵ qaadan mayso cid xaqiiqada soo taabatay mooyaane. Haa, culimadu nafahooda iyo danohooda ayay ku mashquuleen, waxa ayna ka fogaadeen caammadii oo ahaa seeska mujtamaca iyo saldhiggiisa mudnaa.

Doorka Culamadu muxuu ugu kooban yahay oo mudnaanta u siiyaan koox gaar ah, yar oo ka mid ah dhalinyarada sida joogtada ah masaajidda ugu xidhan, salaaddana ilaaliya!? Maxay ugu banbixi waayeen bulshada, si guudna dhallinyarta u jiheen waayeen, u hanuunin waayeen, ula talin waayeen, muxaadaraayooyin Bariga iyo Galbeedkaba ka hadlaya ugu jeedin waayeen, maxayse u badbaadin waayeen, oo arrimaha dahsoon ugu bidhaamin waayeen!? Maxay ummaddu si guud uga dheefi weyday, aqoontooda, iyo waaya’aragnimadooda guunka ah ee ku saabsan nolosha!? Waxa aan doonayaa in aan halkan salaan uga diro walaalahayga ducaadda ah, iyo Culamada aadka u yar ee ka fog dhaliilahaas, oo dhalinyarta la sheekaystay, badhkoodna ay u jeediyeen muxaadarooyim suuqyada dhexdooda, kaas ayaana tusaalaha aan u baahannahay.

6. Faafitaanka shaacsanaha shaqaale: badanka aabbeyaasha iyo hooyooyinku tarbiyaynta caruurtooda waxa ay u gacan galiyaan shaaqaalayaashaas, kuwaas oo aanay u sheegaan in ay hab dhaqan wanaagsan ku ababiyaan, se badi ehel iyo kuwo u heellan midna ma ahan, si ay howshaas halista ah u gutaan, haddii baahi loo qabaa jirto, waa in ay ku koobnaadaan howlaha guriga. Waa in laga fogaadaana in ay qayb ka noqdaan, howlgalka tarbiyadeed, taas oo ah waajibka aabbeyaasha.

7. Daciifnimada doorka bareyaasha: mid ka mid ah cilmi baadhitaan cusub oo dhowaan la sameeyay ayaa tibaaxaysa in ilmuhu uu ku qaato 900 oo saacadood sannadkii madarasadda, waana ammin aad u dheer aadna u dhumuc weyn, taas oo ay muhiim tahay in baruhu dhanka tarbiyayntana uu ka haqabtiro sida uu xagga aqoonta uga haqabtirayo, laakiinse macallimiintii waxa ay noqdeen, kuwo wax laqima uun.

8. Daciifnimada anshaxinta iyo maqnaanshaha ciqaabta: in badan oo aabbeyaasha iyo hooyooyinka ka mid ah, caruurtooda xadhkaha ayay u siidaayaan, wayna daawadaan oo dhegaystaan isaga oo ku kacaya macaasi iyo denbiyo foolxun, qaayasoorrada iyo mabaadi’dana jiidhaya, falcelintooduna waxa ay noqotaa mid aad u liidata amaba meesha ka maqan, horena waxa ay u dhaheen (ciqaabta kan ka nabad gala, bilaa xakame ayuu noqdaa), dadka badhna waxa ay u sameeyaan sidaas in uu yaryahay oo hadhowto uu weynaan doono kana garowsan doono. Alla xujadaasi madhanaa tarbiyaddu gabigeeduba waa yaraanta’e ee weynaanta maba aha.

9. Daciifnimada afka Carbeed: waa xadhiga isku xidhaya, taaganta iyo tagtadeennii, waxa uuna innaga yeelayaa, mid isku tosha qiyamaka Islaamka iyo Carabtii hore, innaga oo akhrinayna oo dhegaysanayna mawaaqifta tarbiyadeed ee nebiga NNKH, iyo casharrada ku sugan sooyaalka, adabka iyo xikmadda. In la baro afkooda, oo aad loogu muquuriyo, ayaa keensanaysa macnaha ragannimada iyo awoodda, waxa uuna u bud-dhigayaa aqoonsigooda (Identity), afkuna waa weelka aqoonsiga.

10. Ka guuridda xukunka [Power] u guuridda amarkutaaglaynta: waxa jira aabbeyaal iyo hooyooyin aan u adeegsan awooddooda in ay tahay xil saaran, balse u adeegsada in ay ubadka ku muquuniyaan/dirqiyaan, waxa ayna ciyaaraa kaalinta argagax gelinta iyo xidhidda caruurta, taa beddelkeeda oo ahayd in ay noqdaan, kuwo dhegaysta oo ka ag dhawaada si ay uga bartaan, murti, suugaan iyo habka loo qaato go’aanka.Laga yaabee in inahaasi ay yihiin kuwa ugu mudan ee sababaha dibudhaca tarbiyadeed, waxa aan u xusnay si gacmaheenna u taabsiinno boogta dabadeedna u dhayno intaa dabadeed. Xalaqaadka soo fool leh, waan sii wadaynaa, haddii Alle idmo, soo koobidda dhibaabaha umadda, ka hor, inta aanan u gudbin soo jeedinta xalalkeeda.

W/Q: Dr. Tareq AlSuwaidan [Af Carabi]

W/T: Cabdicasiis Daahir [Af Soomaali]

______________________________
¹Door-roonaanteeda: ahmiyaddeeda.
²Maxamed ibn Ismaaciil Bukhaari (810 - 870), waxa uu ahaa aqoonyahan Muslin ah, dhalasho ahaanna ka soo jeedaa Beershiya. Shaqooyinka saamaynta leh ee uu qabtay waxaa ka mid ah qoritaanka labada kitaab ee Saxiixul Bukhaari iyo Adab al Mufrad. Safarro iyo socdaallo ayuu ku maray Duinda Islaamka intooda badan, in ka badan kun ninna waa uu la kulmay. Ardaydiisa waxaa ka mid ah Muslim bin al-Xajaaj iyo Maxamed Tirmidi.
³Iftiimin ku saabsan xadiiska.
⁴Illowse: xataa.
⁵Erayga dhaliil ayaan u adeegsaday naqdin. waxa aan ka soo xigtay buugga Jidkii Loo Soo Maray Falsafadda Runta ah.








Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn