Danayste¹ (Narcissistic)!


  




Maxay kula tahay in uu yahay danayste? Adigu se ma noqon kartaa!? Shakhsiga danaystaha ahi waa kan gebi-ahaantiisba, diida dhaliisha aad ayuuna isu-la-dhacsanyahay, wax kastana in uu isagu u gu sito ayaa ka dhaadhacsan, dadka kalena aad ayaa uu u ga hinaasaa, cidna ma oggola in ay ka sarreyso oo ka horumarto, agtiisana waxa ka soo kamkamaya islaweyni iyo is-bidid, kolka aad la dhaqmayso. Aragtiyaha dadka kalena ma aqbalo wuuna liidaa, waxa uuna rumaysanyahay in Aadamaha dhammidood ay ku qanacsan yihiin, sidaas daraaddeedna ayaad u arkaysaa isaga oo u rucleenaya in uu hanto in lagu ladho oo la huwiyo dhood² iyo tookh, had iyo jeerna waxa aad helaysaa isaga oo qof cusub baranaya si uu u helo jamashadiisa iyo soo jiidashadiisa. Badnkana kadeed ayaa haysta oo iskuma kalsoona sidaas darteedna ayay ugu gucleenayaan in ay helaan hadal-haynta iyo ammaanta dadka kale.


Shakhsiyaddani waxa ay la kowsataa dhallaanimada, natiijo xagjir ah awgeed oo ka dhalatay labada waalid hab-la-dhaqankooda ilmahaas, sida koolkoolin xadkeeda iyo xudeedda dhaaftay, amaba kolka waalidkii dooc iyo dareen ay u qabaan ilmahooda in uu libin gaadho, oo dadka ka duwanaado, ayna cadaadiyaan cadaadis daran, kuna khasbaan wax aanuu tamar, tab iyo taag toonna u hayn. Waxa ayna noqonaysaa in uu ilmuhu fal-celin tarbiyadeed ka muto, halkaas ayayna ka unkamaysaa shakhsiyaddan danaystaha ahi, wayna koraysa oo kobcaysaa kolkasta oo da' ku koradho.

Si’aan u fahanno, biyo-kama-dhibcaanka, halka ay ka amaamuddo shakhsiyadda danaystaha ahi, waa laga ma maarmaan in aynu wax ka garanayno Shanta (5) Marxaladood ee Jacaylka, aqoonyahannada Cilmu nafsigu waxa ay hubaan in jacaylku shan marxaldood maro, ha yeeshee qofka danaystaha ah, waxa uu ku hakadaa marxaladda koowaad, sida oo kalena hore u ga ma gudbo marxaladaha kale. Marxaladda kowaadi waa tan ah jacaylka dhallaanimada xilliga lagu gudo jiro jaqitaanka, Marxaladda labaad waa jacaylka uu ilmuhu jecelyahay waalidkiis, ka saddexaad waa jacaylka barbaarnimada hore sida jacaylka uu u hayo asxbaatiisa, ka afraadna waa jacaylka qaangaadhnimada sida jacaylka uu u qabo cidda ay lammaanaha iyo rafiiqa ay yihiin, ka shanaad isaguna waa jacaylka noloshan sida jacaylka dhex yaalla labada is qaba oo ah in ay isu kaashadaan, sidii ay u samaysan lahaayeen nolol farxad ku dheehantahay, iyo tarbiyaynta caruurtooda

Kolkaa shakhsiga danaystaha ahi waxa aanuu ka soo tallaabin jacaylka naf-ahaantiisa waana kan marxaladda koowaad kuwa kalena uga ma hiyi kaco. Laba tilmaamood ayay leeyihiin qolyahan danaystayaasha ah, waana isu bogid iyo u loollamid naftiisa uun sidii u difaaci lahaa. Isu-bogidduna waa in uu isu arko, naf-haantiisa mid laga haybadaysto oo laga dambeeyo, dabadeedna uu is bido, se tan kale oo ah u loollamidda difaacidda naftiisa waa in uu isu maleeyo in uu dadka ka sarreeyo, jeclaadona in uu arko jabka dadka kale.

Goorta uu ballaysimo³ danaystuhu xidhiidh gacaltooyo, badiyaana bilowga xidhiidhkoodu wuu u heellan yahay, ka dib ayay isu rogtaa dhan kelitalisnimo iyo dhan inuu xoog bato.Laga yaabaa in aad akhriday qaar ka mid ah daraasadaha xulka ah ee laga dheefayo fiditaanka bar-kulannada bulshada, in ay xoojisay is-weynanta, gaar ahaan, kolka uu shakhsigu badiyo sawirrada uu iska qaadayo (Selfie), badankana waxa uu ahaanayaa mid ku sugan, xaalad isu bogitaan, ama in uu naftiisa buunbuuniyo waana waxa loo yaqaanno buunbuunin naf-ahaaneed (Self-promotion) amaba in uu naftiisa wax ka qoro, waxa aadna arkaysaa qof baraha bulshada shantii daqiiqo ee kasta sawir soo galinaya xaaladda uu markaas ku sugan yahayna kaga warramaya, hab-dhaqannadaas oo dhammina waxa ay ka qayb qaadanayaan in ay is-la-weyni dareemaan dadka qaar ka mid ahi, taasina waxa ka dhalan kara in la xoojiyo shakhsiyadda danaystaha ah, dhallinyarada badh ayaana faham khaldan ka haysta jimicsiga iyo daryeelka nafta, dabadeed, waxa uu ahaanayaa mid u haysta ujeedkii iyo yoolkii ubucda ahaa ee murqo dhisidda in uu yahay faan iyo tookh uun, taas ayaana kobcinaysa shakhsiyadda jaadkaas ah ee danaystaha ah.

Shakhsigu in uu dul-danayste yeesho waa dhaqan aan suubbanayn, lidkeeduna ma sahlana in uu qofku noqdo, qof is-dul-dhig badan, rasiinna ah. Shakhsiyadda jaadkan ah waxa habboon in uu barto is-dul-dhigga ama is-dalleeminta, naftiisana ka maydho dareenkan is-la-weynida, isa-sarreyn-siinta, is-bidida iyo astaamaaha kale uu leeyahay ee la mid ka ah, waana daawada keliya ee shakhsiyadda cayn kan ah ka ilaalinaysa isku dhacyada. Waxa uuna baranayaa, xidhiidhka iyo saaxiibtinimada qaabkii ay u noqon lahayd mid isu miisaaman, waxa uuna baranayaa sidii uu u aqbali ahaa dadka kale in ay ka aragti duwanaadaan, iyo in uu ku fiiriyo aadamaha aragti isu-dheellitiran.


W/Q; Dr. Jasem Al-Mutawa⁴
W/T; Cabdicasiis Daahir "Bakaar"

________________________________
¹: Erayga Narcissistic, Af Soomaaligiisa saxda ah waan waayay balse waxa aan ka fursan waayay oo is idhi iyadaa ku habboon: Danayste, inkasta oo Naarsiistik ay ka gudo-ballaadhan tahay ereygaas aan adeegsaday, haddana, maadaama oo aan waayay tarjamadiisa hagaagsan iyada ayaan qaatay. Haddii uu jiro qof soo dhufan kara amaba eray kale oo u dhow wuu nala wadaagi karaa.
²: Dhood; faan, baan, tookh, ammaan.
³: Ballaysimay; bilaabay.

⁴: Diktoor Jasem Al-Mutawa waa xeel-dheere Bulsheed, wariye iyo qoraa Kuwayti ah, jeerkaasna dhigaalladiisu ay ku soo baxaan Afafka kala ah, Beershiyaan, Carabi iyo Afka Shiinaha. Waxa uuna leeyahay 30 sano oo khibrad ah, Arrimaha la xidhiidha qoyska, guurka, tarbiyaynta ubadka, iyo dhallinyarada. Waana ninka iska leh Muuqaal baahiyaha Iqra.

Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn