Ufiirsasho.

W/Q: Sh. Abdirahman Bashir 

W/T: Cabdicasiis Daahir "Bakaar" 





Marka aad horay fiiranayso waxa aad isku dayaysaa in aad ka fekerto timaaddada, si aad uga fekerto waxa soo socdana waa in aad akhridaa kutubta Taariikhda ah, Soyaalka ama Taariikhduna labo jaad ayay u kala baxaan; Dhacdooyin iyo Natiijooyin. Waxyaabihii dhacay iyagu way socdeen, taariikhda ayaana lagu tirinayaa, natiijada ama wixii ka soo baxay ayaa baaqi ahaanaya, oo ka mid noqonaya mustaqbalka, suuro galna ma'aha in lakala saaro timaaddada iyo tagtada. Sida oo kale ma suuroobayso in aynu taariikhda u dhugmo yeelanno innaga oo aynaan dhacdooyinka si guud u oddorasin, daraasad qoto dheerna aynaan ku samayn shakhsiyaatkii sameeyay taariikhdaas, maan galna ma'ahan innaga oon faahfaahin buuxda ka haysan afkaarihii xoog batay xilligaas, sababta oo ah nolosha gabigeeduba waa aragtiyo, ashkaas, iyo dhacdooyin.


Xillguna waxba ma falo, se aadamaha ayaa saamayn ku yeesha xilliga, ka sheekaynta sabankuna waa iska hadal madhan uun mana jiro tagto, taagan iyo timaaddo Insaan la'aan, haddii aanuu insaanku jirinna sabanku qiimo ma yeesheen, iskaba daa e' macno ma yeesheen, Xilliga ama ammintu waa wacyiga insaanka keena dhaqdhaqaaqa taariikheed, wacyiga dhabta ahina waa falka, falkaas ayaana taariikh isu beddela, laakiinse innagu ka muslimiin ahaan sabanka uun ayaynu ka warramnaa, sidii in uu jiro insaan la'aan.


Nabi aadam hortii waxaa jiray makaan ama meel, laakiinse laga yaabaa in aanay jirin nabi aadam CS hortii wakhti, taariikhduna waxa ay ka askuntay xilligii aadam iyo firkii ka farcamay, maaalinkaasna ayuu insaanku la kowsaday diiwaangelinta dhacdooyinka, diiwaangalintaasna ayay ka bilaabantay taariikhdu, waxa aynnu leennahayna ka hor dhalashadii Nabi Ciise (CS) iyo kadib iyo sida oo kale kahor iyo kadib Hijradii, taariikhduna waxa ay ku xidhantahay, dhaqdhaqaaqa insaanka, insaankuna labo nooc weeyaan,  insaan bilaa wacyi ah mafhuumka qur'aanka iyo insaan wacyi leh sida oo kale mafhuumka qur'aanka, kan hore isagu kama warqabo kaalintiisa qofnimo, kan labaadse waxa uu ka leeyahay taariikhda mawqif waxa uuna leeyahay dareen wakhti, wuxuu diiwaangaliyaa dhacdooyinka fikireed iyo cilmiyeed, ama dhacdooyinka fikireed  ama mararka qaar kuwa cilmiyeed. Insaanku daarta aakhiro waxau dareemin makaan, laakiinse weelaynta wakhtigu waa uu istaagin, maxaa yeelay waxa uu yimid meel halbeegyo kale la adeegsanayo, oo ma jirayo wax la dhaho saban (oo qofku wuu waarayaa), laakiinse waxaa jiraya meel iyo sida oo kale insaanka wacyigiisa, sabanku se wax macno ah ma leh, sababta oo ah aadamuhu door ku yeelan halkaas, maxaa yeelay xaaladuhu way is beddeleen markale.


FG; bishatan waxa aan u jeeddaa (Soonqaad) sannadka 1442 Hijri oo waafaqsan 2021 Miladi, waxa uu bilaabay in uu sii galbanayo, tanina waxa ay ka dhigantahay qayb kamid ah wacyiga aadaanaha ee sabanka ee uu ina leeyahay Eebbe Sarreeye: (Maalmo Kooban) iyo aayad kale (Si aad u dhammaystirtaan tirada), waxana aad ba mooddaa in Ramadaan ay inoo tibaaxayso in wakhtigu uu soconayo, oo aanu weelaynayn sabanka mid maankiisu soojeedo mooyaane.

Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn