Maxaynu ugu Baahannahay Culuunta Aadanaha?


 




Hor iyo horraanba, aqoontu waa udubxoogga ugu muhiimsan si loo dhiso ilbaxnimo. Waxayna ka mid tahay baahiyaha asaasiga ah ee nooluhu u baahan yahay. Waxay aadanaha ka dhigtaa mid la jaanqaada waaqaca iyo casriga uu nool yahay, saamyanna ku yeesha isbeddellada ka socda dunida. Sida aynu ogsoonnahay, aqontu waxay dabargoysaa amuumennimada, aqoondarrada, dibdhaca, faqriga, iyo saboolnimada, iyo arrimaha kale ee sababa in ay umaddu dibdhacdo. Cidina ma dafiri karto in ay aqoontu tahay udubdhexaadka asaasiga ah ee horumarka dhaqaale iyo bulsheed ee dawladaha, iyo in ay ka qayb qaadato door muhiim ah geeddisocodka iyo horusocodka dawladaha. Dhanka kale, door muhiim ah oo lagamakacaan ah bay ka ciyaartaa in ummaduhu ilbaxaan ama  horumar gaadhaan. Waa rukun haddii la waayo aanay suuragal ahayn in laga horukaco dhinacyo badan oo nolosha ku saabsan, sida; dawladnimada, tacliinta, fanka, qoyska, suugaanta iyo wixii la halmaala.


Sidoo kale barafisoorradu waxay ku doodaan haddii aad u baahan tahay in aad qiyaastid heerka ay bulsho horumarka ka taagan tahay: waxa lagamamaarmaan ah in aad eegtid heerka ay tixgelinta iyo ahmiyadda siiyaan baadhitaannada iyo deraasaadka cilmiga ee lagu maaraynayo mushkiladaha dhabta ah ee bulshooyinka iyo qaddiyadaha kala duwan ee la soo gudboonaada, isla wakhtigaasna ay la rafaadayaan.

Deraasaadkaas cilmiga ahi, waxay ummadaha u yihiin; iyo si gaar ah bulshooyinka "Dunida Saddexaad", kuwo aanay ka maarmayn oo ay tahay in ay kharashaad iyo wakhti badan ku bixiyaaan. Doorka xukuummaduhu iyo jaamacaduhuna uu noqdo mid saamayntiisa iyo joogiddiisaba leh, si loo ogaado, looguna sameeyo lafaggur naqdi ah (critical analaysis), dhibaabaha iyo mushkiladaha dhaqaale, falsafadeed, siyaasadeed iyo nafsadeed ee bulshooyinka dunida saddaxaadi ee gumaysiga iyo cadaadiska la kulantay ay la tacaalayso; iyo sidoo kale, habkii looga hortagi lahaa oo looga takhallusi lahaa aafooyin kala geddisan oo foodda ku soo haya bulshada

Mudnaanta aqoontuna kuma koobna uun in la helo xogo. Aqoontu waxay abuurtaa nolol wanaagsan, waxayna qofka u shashaa in uu noolaado nolol milgaysan. Xaddaaraduhuna taariikhda aadanaha ma soo muuqan ilaa insaanku uu karti u yeeshay in uu aqoonta iyo macrifada xoojiyo, oo uu si dhab ah uga faa'iidaysto, qayrkiina uga faaiideeyo, mana horumarin ilaa iyo ay aqoontu horumartay, mana dibdhicin ilaa iyo ay aqoontu istaagtay. Sidaa awaadadeed, aqoontu waxay xaddaaradaha ugu jiraan boos jiritaan ah. Kolkaa, culuunta dabiiciga ah iyo culuunta aadanaha ku tacalluqdaba waa muhiim kolka dhisidda xaddaaradaha iyo ummadahaba laga warramayo. Waana qodob lagamakacaan. Dhammaan xaddaaradihii qadiimiga ahaa (kuwii Bariga iyo kuwii Galbeedkaba) haddii aad eegtid waxay xoogga saareen aqoonta labadeedaas jaad si ay u horumaraan. Dumitaankooduna wuxuun buu ku tacalluqay ka gaabsiga iyo joogsiga aqoonta iyo waxsoosaarkooda aaqooneed.

Arnold J. Toynbee (1889-1975) wuxuu ahaa taariikhyahan iyo faylasuuf, ka soo jeeda waddanka Ingiriiska, waan mid ka mid ah taariikhyahannadii ugu saamaynta badnaa qarnigii labaatanaad. Wuxuu falsafadda taariikhda (philosophy of history) ku soo kordhiyay shaqooyin muhiim ah. Toynbee wuxuu dersay afafka Giriigga iyo Laatiinka, wuxuu qabay in xaddaaradda "Hellenization" ku ay asaas u tahay si loo fahmo xaddaaradda Galbeedka, sidoo kale, Toynbee wuxuu goobjooge u ahaa dhacdooyinkii labadii dagaal ee dunida oo uuna la falgalay, taas oo natiijo u noqotay in uu soo saaro mawsuucadiisa culus ee A Study of History oo ka kooban 12 hormood, muddo ku siman 1921-1961 uu qoraalkeeda ku jiray.

Buuggaas uu qoray, wuxuu ku xusay "aragtida Caqabadda iyo Falcelinta" (The Challenge and The Response Theory). Aragtidan wuxuu ku lafaggurayaa sababma iyo sidee ayay ilbaxnimooyinku ku tadduwaraan iyo u dhintaan. Wuxuu aragtidan ku dabbaqay 26 ilbaxnimood oo soo maray taariikhda aadanaha. Wuxuu ku dooday in xeerkan "caqabadda iyo falcelintu" ay tahay xeer asaasi u ah horumarka, koritaanka, kobcidda iyo dumitaanka, dhimashasa, iyo abaaditaanka ilbaxnimooyinka. Sidaa darteed wuxuu xusayaa in si looga falceliyo masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aadane sameegaba ah in la helo doorkii aqoonta. Maaddaama oo aqoontu ay tahay hub wax walba lagu maarayn karo lagagana hortagi karo.
 
Dr. Khascal Maajidi oo ah buuni iyo akaadiimi Ciraaqi ah oo ku takhasusay aqoonta iyo taariikhda diimaha, iyo ilbaxnimooyinka wuxuu ku dooday, oo uu buugaagtiisana ku xusay in tiirarka ilbaxnimooyinku ku taagan yihiin ay laba kala yihiin kuwo maaddi ah iyo kuwo saqaafi ah/macnawi ah, kana kooban yihiin 15 tiir. Wuxuu qabaa in aqoontu tahay tiirdhexaad aan laga maarmi karayn si xaddaarad u dhalato oo loo dhiso, loona hinjiyo.

Sidaa darteed haddii aynu derisno xaddaaradda Galbeedka, waxay horumar iyo horukac ku tallaabsatay kolkii ay aqoonta xoojisay oo ay kacdoonno waaweyn oo aqoonta ku saabsani dhaceen, iyo, sidoo kale kolkii laga xoroobay kaniisadda iyo wadaaddadii diinta, oo loo banbaxay sidii aqoonta loo dardargelin lahaa. Si gaar ah, faylasuufyadii xilligii fufka (The Enlightenment Philosophers), kolkii ay daaha ka qaadeen oo ay halabuur dhanka aqoonta ah la yimaaddeen, oo ay kacdoon iyo fuf ka dhaliyeen dhinacyo kala duwan oo aqoonta ku saabsan. Faylasuufyadaas kacdoonnadaas sameeyay oo u badnaa Faransiis waxaynu ka xusi karnaa, iyaga iyo shaqooyinkoodii muhiimka ahaa ee ay qabteen: John Locke (The Second Treatise of Civil Government), Thomas Hobbes (Leviathan: Or the Matter, Forme and Power of a Commonwealth, Ecclesiasticall and Civil), Montesqiue, (The Spirit of Law), Jean Jacque Rousseau (The Social Contract), Voltaire (Candide), Rene Descart (Meditations On First Philosophy) Isaac Newton (Philosophiæ Naturalis Principia Mathematica) iyo faylasuufyo kale.

Ka jawaabidda weyddiinta ah "Maxaynu ugu Baahannahay Culuunta Aadanaha?"  Waa mid gudaballaadhan oo in laga jawaabaa ay u baahanayso dersid qotodheer oo dabcan, iyana,  gudaballaadhan. Inta aynaan ka jawaabin baahida loo qabo, aan labada eray ee isa saaran ee 'aqoon' iyo 'aadane' falkiyo:

Falsafad ahaan, markaynu joogno erayga aqoon qeexiddiisa ninba meel buu kala dhacay. Si guud; aqoontu waa aaminad run ah, balse ma ahan aaminaad kasta oo run ah, ama haddii aan soo qaato qeexitaanka qaamuuska Oxford: "waa xaqiiqooyin, xogo, iyo xirfado lagu helay waaya-aragnimo ama waxbarasho; waa fahanka aragtiyeed ama tijaabeed ee mawduuc." Aadanahuhuna, aan soo xigto sida qaamuusyada ku dhigan: waa noole ka kooban lab iyo dheddig, oo kaga duwan xaywaanka kale garaadka iyo garashada, awoodda hadalka cad, iyo joogga toosnaanta ah. Sidaa awgeed, culuunta aadanuhu waa dersidda bulshada. Waxay ka warrantaa habka ay dadku u dhaqmaan, waxay deristaa qaabka ay bulshadu u shaqayso iyo qaabka ay isu la falgasho iyo habka ay u wada xidhiidho. Waxana ka mid ah antarboolajiga, cilmi nafsiga, qaanuunka, cilmiga bulshda, afafka, taariikhda, dhaqaalaha aqoonta siyaasadda iyo qaar kale.

Culuunta aadanuhu, si kooban, waa dersiddda aadanaha, habdhaqankiisa iyo habnololeedkiisa. Dhanka kale culuunta aadanuhu waxay leeyihiin manhaj dhababbaar ah oo ku tiirsan baadhitaan iyo xaqiiqooyin cilmi ah. Culuunta aadanuhu waa koox aqoommo ah oo lagu derso insaanka, maaddaama oo insaanka keligii aan laga warrami karin ama laga hadli karin bulsho la'aanteed, sidoo kalana bulsho aan laga sawiri karin insaan la'aantiis.

Dhanka kale, waxa xusid mudan in culuunta aadanaha iyo culuunta bulshadu kala duwanaansho qotodheer uma dhexeeyo, balse abala'ablayn ahaan ayay ku kala duwan yihiin, iyo in culuunta aadanuhu ay ka gudaballaadhan tahay culuunta bulshada, iyo in ay yihiin labo isku lammaan oo isku lifaaqan, iyo sidoo kale in culuunta aadanahu ay insaanka deristo asalkiisa, saqaafadiisa, jiritaankiisa, isirkiisa iyo waxqabadyadiisa, iyada oo aan la eegayn bulshada uu ku isirran yahay ama uu ka soo jeedo, halka ay culuunta bulshadu ay u deristo insaanka islafalgalkiisa gudaha bulshada, iyo dhaqdhaqaaqyadiisa bulsheed, siyaasadeed iyo dhaqaale.

Sidaa awgeed, weyddiintaas sare, waa weyddiin qotodheer, balse waxaan filayaa in aynu dhammaanteen isla hubno in ay tahay mid aad u weyn baahida aynu u qabnaa kolka aynu ka warramayno dunidan saynisku qarqiyay, dersidda iyo fahmidda habka ay bulshadu u dhaqanto iyo qaabka ay u wada xidhiidho, waxay inaga saacidi kartaa in aynu dhisno bulsho hagagsan oo horusocod ah. Waxaynu horumarin karnaa habka ay dawladdu u shaqayso, waxaynu u horumarin karnaa nidaamka tacliinteenna, waxaynu abuuri karnaa bulsho dhammaan qaybaha nolosha ee kala duwan ka horumarsan dhanka dhismayaasha iyo dhanka dadnimadaba.

Culuunta aadanaha inta badan ardaydu waxay u arkaan takhasusaad aan sii ridnayn amaba faakihaysi iyo madadaalo loo dhigto. Waxay u arkaan in ay tahay aqoon lagamaarmi karo oo sayniska ayay aad u daneeyaan, waxana lagu doodaa in saynisku inoo beddelay diintii sidaa darteed danayn gaar ah ama intiisa ka weyn loo siiyo. Waaqacaa Soomaalidana taasi way ka xagjirtaa maaddaama oo ay ina daashadeen maamulxumo, saboolnimo, gaajo iyo bayhoof waxa ardayga Soomaaliga ah lagamakacaan ku noqotay si uu waayaha nololeed u waajaho in uu barto aqoommaha la xidhiidha sayniska. Ogaalkay, jaamacadaha dalkeenna waxa u badan ee lagu dhigtaa, ardayduna ay bartaan waa saynis ama in la halmaasha.

Dabeecad ahaan, culuunta aadanuhu, waa fallaag waxayna leeyihiin ruux kacdoonyahannimo ah, waxay ku durduriyaan sheegashada awoodaha mid diineed, siyaasadeed ama saynis. Culuunta aadanuhu waxay ina siisaa ma hubanti, sheki iyo iskebtinnimo. Halka saynisku ina siiyo hubanti iyo aaminaad dhab ah. Waxay inagu hubeeyaan in aynu noqonno noole isweyddiin badan, noole xis naqdi ah leh, oo faaqidaadda iyo lafaggurka naqdiga ahi hub iyo gaashaan u yahay. Culuunta aadanuhu waxay door ka ciyaaraan sidii loo loo maarayn lahaa mushkiladaha bulsheed iyo siyaasadeed ee bulshada ka dhex oogan, weliba hab kacdoonnimo ah.

Professor Cary Cooper oo ah barafisoor Maraykan-Ingiriis ah oo ku takhasusay cilmi nafsiga wuxuu tilmaamay in aynu culuunta aadanaha iyo culuunta bulshadaba aynu ugu baahannahay, maaddaama oo ay inoo qabanayaan shaqo carrageddin ah oo ku saabsan habdhaqannada taban ee dadka, sidoo kalana la qaabeeyo oo la toostoosiyo.

Ummaduhu way noolaadaan wayna dhintaan, dib bay u dhacaan wayna horumaraan, si masaladaas jiritaanka iyo dhimashada ah ee halista badan ee ahmiyadda fogna leh looga gungaadhana waxa lagamakacaan noqonaysa in culuunta aadanaha aad loo derso oo doorka jiritaanka ilbaxnimada u ah rukun adag. Sidaa awgeed, waxaynu mawduucan xoogga ku saaraynaa baahida aynu u qabno culuunta aadane ama bulsho ee kala duwan ee aynu aad ugu baahannahay, falsafadda, suugaanta, cilmiga bulshada, cilmi nafsiga, dhaqalaha, iyo wixii la mid ah.

Maaddaama oo aynu la kulannay gumaysi, cadaadis iyo dadnimatiran, culuunta aadanuhu mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee aynu ugu baahannahay waxa ka mid ah; si aynu xorriyad, gobonnimo iyo madaxbannani aan maqaarsaar ahayn u gaadhno. Kol kale, maaddaama oo aynu nahay Dunida Koonfureed (Global South) ee cadaadiska duleed iyo nafsadeed ku habsaday culuunta aadanuhu waxay inaga caawinaysaa in aynu iska furfurno xadhko iyo silsilado badan oo gumaystuhu inagu jeebbadeeyay oo inagu tigtigay. Si xorriyaddaas iyo in la iska furfuro silsiladahaas, waxaynu u baahannahay mufekeriin, hagaajiyayal, siyaasiyiin, faylasuufyo ka niqaasha oo soo bandhiga mushkiladaha iyo qaddiyadaha bulsheed iyo falsafafadeed ee ina hor dhooban, iyo si loo maareeyo iyadoo la raacayo habab iyo nidaamyo bulshada ku qotoma, oo lagu xallinayo mushkiladahaas. Waana barta ay imanayso doorka culuunta aadanuhu in ay ka qaybqaadato horukacaas.

Deraasaynta majaalaadkaas kala geddisan ee culuunta aadanaha ee leh falsafadda, taariikhda, suugaanta, culuunta bulshada, iyo wixii la mid ah, waxay inaga saacidaysaa mashruuc umaddan dib loogu dhisayo, iyo sidoo kale aynu u ilaashanayso huwiyaddeeda iyo afkeeda waayahan aynu nool nahay ee carra'edagayntu xadhkaha goosatay. Culuunta aadanuhu sida caadiga ah waxay qofka ka dhigtaa qof sheki iyo gorfayn badan gaar ahaan masalooyinka ay tahay in la sugo, oo la xaqiijiyo, ha ahaadaan kuwo la xidhiidha bulshada, falsafadda iyo diinta. Culuunta aadanuhu sidoo kale waxay door ka qaadataa sidii loo heli lahaa bulsho faaqidaadda iyo fasiraad ku gaashaman oo dedaal gelinaysa in shay kasta si gundheer loo ogaado.

Mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee aynu ugu baahannahay culuunta aadanaha waxa weeye in aan saynisku ka halcelin karin dhammaan baahiyaha aadanaha, waxa ka gunballaadhan culuunta aadanaha maaddaama ay ku tacalluqdo, xidhiidhna ay la leedahay dhinacyo kala duwan oo nolosha aadanaha ku saabsan, sida; shaacsanayaasha (phenomonolgy) bulshada, taariikhda, dhaqaalaha, siyaasadda, saqaafada, antarboolajiga, nafsadda basharka iyo wixii la mid ah. Culuunta aadanuhu waxay inaga caawisaa in aynu yeelanno feker iyo wacyi naqdineed (critical consciousness), waxay inagu hubaysaa in aynu aaminaadaha la xidhiidha fekerk, bulshada, iyo diintaba weyddiinno maangal ah ka keenno, waxay ka dhigtaa qofka mid ugu yaraan wax walba kala hufa oo kala haadiya. Culuunta aadanuhu waxay door ka qaadataa in aynu isfahanno oo nafaheenna fahanno, iyo sidoo kale in aynu lafaggur naqdi ah saarno masalooyinka, iyo boogaha ee dawlad la'aanta, maamulxumada, hubanti la'aanta qaanuuneed (legal uncertainty) saboolnimada iyo dagaallada ee ay bulshadeennu la rafaadayso.

Guntii iyo gunaanadkii, si aynu u fahanno, uga gungaadhno, una maaraynno mushkiladaha kala duwan ee bulshadeennu la daalaadhacayso, waxaan qabaa, aad baynu ugu baahannahay in aynu u derisno culuunta aan xagga hoose ku xusay oo aan soo xulay:


1. Falsafadda (Philosophy)

Falsafaddu af ahaan waa in aad jeclaatid murtida (love of wisdom), waxana si ballaadhan loogu dersaa ogaalka, garashada, garaadka, xaqiiqada, runta, fekerka, afka, qaayasoorrada, aamindaaha, cilmiga jiraalka iyo in kale oo intaa ka badan. Laamaheeda waxa ka mid ah ibistimoolaji (oo lagu qaadaadhigo aqoonta iyo runta), metaafisigis (oo lagu falanqeeyo; maxaa dhab ah iyo ahaanshaha), loojigga (oo lagu derso doodidda iyo caqliga), falsafadda siyaasadeed (oo lagu lafagguro dawladda iyo xukuumadda) iyo aksiyoolajiga (oo lagu faaqido bilcanayaasha iyo akhlaaqda).

Falsafaddu sida lagu naanayso waa hooyada culuunta ama boqoradda culuunta, dhammaan culuunta kala duwani iyada ayay ka soo faracmeen, waa agab lagu fekero, iyada ayaana isu tixraac ah. Falsafaddu ujeedkeedu waa in ay ka fekerto aadanaha noloshiisa, masiirkiisa, musdanbeedkiisa, mushkiladihiisa, jiritaankiisa iyo wax wal oo la xidhiidha. Dhanka kale, doorkeedu waa in ay ka halceliso weyddiimaha asaasiga ah ee ku saabsan xaaladaha iyo xilliyada uu ku sugan yahay aadanuhu. Werwerkeeda keli ahina waa in ay ka fekerto sidii aadanuhu ugu noolaan lahaa dunidan farxad iyo liibaan.

Shaqooyinka ay qabato, sidoo kale, waxa ka mid ah lafaggurka seesaska (fundamentals) iyo wax iska weyddiintooda. Dersidda falsafaddu waxay inoo sahlaysaa in aynu fahanno seesaska asaasiga ah ee culuunta, akhlaaqda, fanka, diinta, caqlaaniyada iyo bulshada. Falsafaddu waxay inaga saacidaysaa in aynu daaha ka feydno ictiqaadaatka diiniga ama falsafiga ah ee xukuma noleeshanna. Falsafaddu waxay ka qayb qaadataa, sidii aynu u qiimayn lahayn adillooyinka iyo xujooyinka iyo sidaynu ugu fekeri lahayn qaab manhaji ah oo mandiqi ah. Xirfadahan asaasiga ah waa ta lagu xallinayo mushkiladaha iyo in go'aanno la qaato sidii loogu noolaan lahaa caalamkan murugsan.

Dhanka kale, falsafaddu waxay qayb libaax ka ciyaartaa in aynu waajahno taxaddiyaadka cusub ee bulshooyinka casriga ahi la rafaadayaan, sida taxaddiyaadka ku aaddan tiknoolajiga, akhlaaqda, siyaasadda iyo saqaafada. Falsafaddu waxay inaga taageeraysaa. in aynu horumarino fahanno iyo fekrado inaga caawinaya in aynu u waajahno taxaddiyaadkaas qaab hagaagsan oo heersare ah. Falsafaddu waxay dhiirrisaa wada sheekaysiga furan iyo isfahanka qofafka iyo dhaqannada kala duwan. Doodaha falsafadeed waxay suurageliyaan in lays weydaarsado aragtiyo iyo xujooyin door ka qaadanaya sidii looga horumari lahaa dhinacyo badan oo ku saabsan nolosha aadanaha.

Slavoj Zizek faylasuufka reer Isloofiiniya mar uu ka warramayay shaqada falsafaddu ay qabato, wuxuu xusay in shaqadeedu aanay ahayn in ay maarayso mushkiladaha balse ay tahay in dib u qeexdo mushkiladaha (Redefining Problems). Ludwig Wittgenstein (1889-1951) oo isna ka mid ah faylasuufyada abid ugu saamaynta badan taariikhda falsafadda, gaar ahaanna qarnigii labaatanaad, aragtiyihiisii iyo falsafaddiisii waxa ka unkamay dugsiyo badan oo falsafadeed matalan; falsafadda lafaggurka (Analytical Philosophy/الفلسفة التحليلية) iyo kuwo kale, wuxuu sheegay in "falsafaddu ay tahay dhaqdhaqaaq balse aanay ahayn aragti", kolka aynu labadaa faylasuuf isku dhafno dooddooda ku kala aaddan shaqada falsafadda iyo waxay tahay laftigeedu, waxa muhiimad weyn yeelanaysa, in aynu dib u qeexno ama qeexitaan kale aynu saarno dhammaan mushkiladaha bulsheed iyo siyaasadeed ee ina ragaadiyay laga soo bilaabo kolkii dawladnimada la qaatay ilaa hadda. Waxay fuf iyo bilaw cusub u noqon doontaa in jihada aan hagaagsanayn ee aynu haysanno in aynu dib u qeexno oo bal marin kale oo ka suubban aynu ka dusno si loo gaadho nolol dhaanta hadda aynu ku jirmo, ugu yaraan; iyo waa ta muhiimka ah e loo helo dawlad xerudhalan ah oo gun ka soo dhis ah.


2. Dhaqaalaha (Economics)

Noolaha marka aynu ka warramayno qeexitaannada lagu qeexo waxa ka mid ah in nooluhu yahay "noole dhaqde ah/كائن إقتصادي", taasi waxay ka turjumaysaa in noolahu leeyahay dareen wax dhaqasho iyo dhaqaalayn. Noolahana fidradiisa ay ku abuuran tahay in uu wax dhaqdo oo mareeyo hantida uu hayo si uu xasiliyo noloshiisa.

Karl Marx (1818-1883) oo ahaa faylasuuf iyo aqoonyahan dhaqaale, oo siyaasadda casriga ah iyo taariikhda fekerka aadanaha saamayn weyn ku leh, soona caansaaray oo kacdoonna ku sameeyay hantiwadaagga inta badanna loogu magacdaro afkaartiisa Maarkisiyadda, mar uu ka warramayay aragtidiisa ku aaddan wareegga dhaqdhaqaaqa taariikhda, wuxuu xusay "taariikhda aadanuhu in ay tahay taariikhda baadigoobidda cuntada/إن تاريخ البشرية هو تاريخ البحث عن الطعام" holaca ka baxaya dhammaan dagaallada iyo loollanka aadanaha u dhexeeya, waxa shidaalinaya oo ay ka dabqaataan waa in cunto la helo, iyo in lagu amarkutaagleeyo agabyada waxsoosaarka iyo hannaankooda. Dabci ahaanna aadanaha waxa ku abuuran in uu buuxiyo baahiyaha asaasiyaadka ah ee ku saabaan nolosha, kolkaa in uu cunto helaa waa lamahuraan, waana curiye udubdhexaad u ah sooyaalka aadanaha. Abraham Maslow (1908-1970) oo ahaa cilmi nafsiyaqaan Maraykanka ka soo jeeda, wuxuu ku xusay aragtidiisa dabaqadaha baahiyaha ee Maaslow (Maslow's Hierarchy of Needs), in cuntadu ay tahay qodob asaasi ah oo uu aadanuhu u baahan yahay waayihiisana jaangoynaysa. Kolkaa, dhaqaaluhu wuxuu udubdhexaad u yahay jiritaanka iyo nolosha aadanaha, laga soo bilaabo qoys ilaa qaran. Waxana uu ka mid yahay curiyayaasha lagamakacaanka ah ee ilbaxnimada. Sidaa darteed, awoodda dhaqaale iyo awoodda siyaasadeed had iyo gooraale, waa laba isku xidhan oo aan kala baxayn.

Noam Chomsky mar uu ka warramayay cududdda dhaqaale wuxuu xusay in dunida laga danbeeyo, oo, laga haybadaysto, dabcan lagana baqo ciddii awood dhaqaale leh. Aqoonta dhaqaalaha waxa lagu dersaa, bulsho sidii ay hodontinnimo ku gaadhi lahayd, sababaha ku keena in ay saboolawdo, maciishaddu siday u ekaan lahayd iyo waxyaalaha saameeya, sidii loo dejin lahaa siyaasado dhaqaale oo saameeya mugag badan oo nolosha bulshada ka mid ah, bilmetel, sinnaan la'aanta dhaqaale, caddaaladda bulsheed, carra'edagaynta iyo saamaynteeda iyo in kale oo la mid ah. Taasina waa ta sababtay in kolka aqoonta dhaqaalaha la joogo dugsiyo badan oo dhaqaale ay u soo baxaan maaddaama uu dhaqaaluhu intaas aan soo taxay iyo in kalaba uu ku shuqlan yahay ka halcelinteeda iyo ka warramiddeeda.

Si guud, kolka abla'ablaynta aqoonta la samaynayo, dhaqaaluhu waa culuunta bulshada. Cilmiga dhaqaalaha waxaynu ugu baahannahay waxaa laga dheehan karaa qeexitaankiisa oo ay ugu badan tahay si loo xalliyo mushkiladda suquqlka oo ay wax badani ka sii dhashaan sida in wax la kala doorto. Dhanka kale, cilmiga dhaqaaluhu waa cilmi intaa ka  ballaadhan oo nolosheenna dhinacyo badan ka taabta sida shaqala'aanta, sicirbararka, cashuurta, dakhkiga, dhaqandhaqaalaha, siyaasadda iyo siyaasad dejinta, iyo wixii la halmaala.

Dhanka kale, Soomaali ahaan waxaynu nahay dal sabool ah taas muran ka ma taagna, balse ma nihin dad iyo deegaan sabool ah hubaal hodan baynnu ka nahay dhankaas. Laakiin, maaddaama oo aynu ku fashilannay in aynu xallinno saboolnimadaas iyo hababkii aynu uga bixi lahayn waxa loo aanaynayaa doorkii dawladnimada oo ka maqan meesha iyo  doorkii lagu soo saari lahaa aqoonyahanno dhaqaale oo hab iyo hannaan cusub u qeexa mushkiladaha dhaqaalexumadu iyo saboolnimada ee loo baahan yahay in la furdaamiyo. Waxsoosaarka iyo koboca dhaqaalana la jid cusub jeexa sidii loogu gaadhi lahaa hodontinnimo.

Aqoonta dhaqaaluha muhiimadda ay inoo leedahay in aad loo bartaa iyadoo lala dersayo afkaarta iyo dugisyada falsafad dhaqaale ee jira waaqaca iyo xaaladdeenna dhaqandhaqaale aynu ku sugannahay waa mid muhiim ah. Waxana xusid mudan in dugsiga dhaqaale ee Hantiwadaagga iyo xidhiidhka ka dhexeeya Soomaalida isagana aad loo lafagguro oo loo baadho, maaddaama oo taariikh ahaan iyo haddaba nidaamkeenna dhaqandhaqaale uu yahay mid ku dhisan ama u soo eeg nidaamka Hantiwadaagga.


3. Qaanuunka (Law)

Qaanuunku wuxuu ka mid yahay culuunta si toos ah u taabanaysa habdhaqanka qofafka. Waana cilmi kale oo barashadiisu aad ay inoogu yar tahay. Wuxuu kale oo xidhiidh toos ah leeyahay aragtiyaha siyaasadeed ee bulshooyinka. Xaddaaradihii dunida soo marayna xeerarku kaalin lagamakacaan ah bay ugu jireen, xaddaarad dunida soo martay oo aan xeerarka dejintooda iyo horumarintooda mudnaan siin ma jirin ilaa waxay ku xukunnayd dumitaan. In la bartaa waxaynu lagamamaarmaan u tahay, hor iyo abbaatoba xeerarku aadanaha waxay u yihiin tiirdhexaad. Faylasuufyadii Giriigguna mar ay arrintaa ka warramayeen waxay xuseen: "qaanuun la helyaaba bulsho la hel, bulsho la helyaana qaanuun la hel". Waa labo shay oo mid kastaba uu kan kale ku xidhan yahay. Sidoo kale xeerarku waxay door ka ciyaaraan nidaamka iyo hannaanka bulsho ay doonayso in ay u noolaato; ha ahaato hannaankeeda siyaasadeed, dhaqaale iyo dawladeed.

Xeerarku laba shaqo oo muhiim ah bay bulshada u hayaan, waa: xakamayn bulsheed (social control) iyo caddaalad bulsheed (social justice). Labadaas shaqo ayaa asal ah oo ay dhammaan ama inta badan xeerarku shaqooyinka ay qabtaan ka hoos farcamayaan. In uu xakameeyo bulshada waxay ka dhigan tahay in uu xidhe u noqdo dhammaan falalka gurracan ee qofafka iyo dawladdaba liddiga ku ah ha ahaadaan kuwo madani ah oo magdhaw ka dhalanayo ama kuwo denbi ah oo ay ciqaab ka dhalanayso.

In si aad ah loo dersaa oo loo bartaa qaanuunka waxay door laxaad leh ka ciyaaraysaa in aynu dib u hufno aragtiyaha ku aaddan dawladdhiska iyo falsafadda ku aaddan dhaqangelinta xeerarka. Waxay ka qaybqaadanaysaa sidii loo maarayn lahaa mushkilado badan oo ka dhashay in aan lagu dhaqmin xeerarka iyo cawaaqib badan oo ka dhalanaysa masaladaas.

Montesquieu (1689-1755), faylasuufkii iyo qaanuunyahankii Faransiiska ahaa, oo kacdoonkii Faransiiskana ay udubdhexaad u ahaayeen fekradihiisu wuxuu danayn gaar ah siiyay xaaladdii siyaasadeed iyo nidaamyada xukun ee Yurub, taasi wa ta ku kelliftay in uu halabuuro falsafad u gaar ah oo ku aaddan xukunka taas oo dhalisay muran ballaadhan, hase ahaatee ugu danbayntii waxay noqotay tixraaca qaanuuniga ah ee in badan oo dasaatiirta caalamka ah, ilaa haddana qaanuunka xuquuqda insaankuna wuxuu ku tiirsan yahay aragtiyihiisii ku saabsanaa qaanuunka. 

Montesquieu waxa aragtiyihiisa ka mid ah "Kala Saaridda Awoodaha/Separation of Powers" oo dawladnimada casriga ah iyo aragtiyaha siyaasadeed ee immika udubdhexaad u ah. Wuxuu kale oo uu qoray buugga "Ruuxda Xeerarka/The Sprit of Law", wuxuu ku dooday in xeerarku ay aadanaha iyo xaaddaardahaba ugu jiraan boos culus, wuxuu buuggaas "Ruuxda Xeerarka" oo ka mid ah shaqooyinkii dhaliyay Kacdoonkii Faransiiska, ku xusay in qaanuunku uu dhinacyo kala duwan uu xidhiidh la leeyahay, sida xukuumadda, caadooyinka, soojireennada, cimilooyinka, diinta iyo ganacsiga iyo wixii la mid ah. Sidoo kale, wuxuu xaddidayaa dabeecadda qaanuunka isagoo xusay in qaanuunku uu ku raadoobo cimillada dalka iyo ciiddiisa, iyo sidaas si la mid ah dabeecadda shacabka iyo dhaqandhaqaalihiisa iyo hiddihiisa. Kolkaa, Qaanuunku waa majaalaadka aadka u daneeya dhisidda iyo unkidda dawlad loo dhan yahay. Si loo helo dawlad hagaagsan door muhiim ah buu inoogu jiraa.


4. Cilmiga Bulshada (Sociology)

Sida uu faylasuufkii Giriigga ahaa ee Aflaadoon ku xusay buuggiisa Republic, "nooluhu dabci ahaan waa noole bulsheed". Sidaa awgeed si uu u guto ama u helo baahiyihiisa gaarka ah ee shakhsiga wuxuu u baahan yahay bulsho u fudaydisa, waxayna ka dhigan tahay in nooluhu uu bulsho ku dhex noolaado ay tahay shay fidri ah, iyo in uu xidhiidh bulsheed sameeyana ay tahay mid aan laga baxsanayan. Qaamuusyada qaarna waxa ku dhigan in erayga Insaan uu ka yimi weheshi (الأنس), maxaa yeelay, insaanku ma noolaan karo keli ahaantiisa iyo qofnimadiisa. Auguste Comte (1798-1857) oo ahaa faylasuuf Faransiiska ku isirran, oo lagu tilmaamo in uu yahay asaasaha cilmiga bulshada iyo wadciyada (positivism) wuxuu ku tilmaamay in cilmiga bulshadu uu yahay aabbaha culuunta. Si loo fahmana bulshada ay tahay agab iyo furayaal la adeegsanayo.

Si guud cilmiga bulshadu waa cilmi gudaballaadhan wuxuu xoogga saaraan oo daboolaa mawduucyo kala duwan oo nolosha aadanaha la xidhiidha. Cilmiga bulshadu wuxuu ka kooban yahay laba eray oo Faransiis ah, oo ah isku dhaf uu sameeyay Comte, waa sociologie oo ka kooban socio; oo ah bulsho iyo logie: oo aha barasho ama deraasayn. Qeexitaankiisuna waa deraasaynta bulshada si cilmi ah. Waxana la higsanayaa in la daahfuro ama la ogaado xeerarka xukuma nidaamkiisa, isbedelladiisa iyo maaraynta mushkiladihiisa iyadoo la adeegsanayo manhaj cilmi ah.

Cilmiga bulshadu wuxuu door muhiim ah ugu jiraa fahanka isgedgeddoonka ama isbeddelbeddelka  dunida. Wuxuuna ahaa cilmi qarniyaal badan soo taxan la dersi jiray ama mudnaan gaar ah lahaa. Wuxuuna ahaa cilmi ay rag badan dogobbo sii saareen oo sida lagu doodo barbilawgeedii uu lahaa Cabdiraxmaan Ibn Khalduun ragga aragtiyaha ku kordhiyayna ay ka mid yihiin Aougust Comte iyo Émile Durkheim. Waa barashada nolosha bulsheed, isbeddelka bulsheed iyo sababaha keena iyo natiiyooinka ka soo baxa habdhaqanka aadanaha. Cilmibulshayahannadu waxay baadhaan qaabdhismeedka kooxaha iyo bulshooyinka, iyo qaabka ay isu dhexgalaan una wada dhaqmaan.

Cilmiga bulshadu ujeedaddiisu uun ma ahan in la derso bulshada sidoo kale wuxuu door ka ciyaaraa sidii loo horumarin lahaa bulshada. Wuxuu kale oo door ka laxaad leh ka qaataa sidii bulshada looga dhalin lahaa isbeddello waawayn oo saamayn ku leh dhaqandhaaalahooda, siyaasaddooda iyo wixii la mid ah. Aqoonyahannada bulshadu waxay sharraxaan oo faaqidaan shaacsanayaal bulshada ka dhex oogan. Waxay ka hadlaan, arrimaha qoyska, sinnaan la'aanta siyaasadeed ama bulsheed, maamulxumada, dhaqaalexumada, tacliinxumada, kalasarraynta ama/iyo loollanka dabaqadeed, iyo wixii la halmaala. Cilmiga bulshadu wuxuu qayb ka qaatay dib u hagaajin bulsheed in la sameeyo oo ku aaddan xuquuqda haweenka, hagaajinta xabsiyada iyo daawaynta dadka la tacaalaya xanuunnada dhimirka. Perer L. Berger (1963), buuggiisa Invitation to Sociology: A Humanistic Perspective, wuxuu ku qeexay aqoonyahanka bulsheed in uu yahay cilmibaadhe beegsanaya in uu fahmo bulshada isagoo adeegsanaya majaallo manhaji ah. Isla wakhtigaa, aqoonyahanka bulsheed waxa micne iyo danaynayn gaar ah u sameeya dhacdooyinka maalinlaha ah ee qofafka.

Cilmiga bulshadu waa majaal shaqadiisu ay tahay in uu ka jawaabo weyddiimo cusub oo mintid iyo fallaag ah oo ku saabsan bulshada. Taasina waa halka ay muhiimadda cilmiga bulshadu ay taallo. Isla wakhtigaa waa sababta aynu ugu baahannahay inagu cilmiga bulshada maaddaama oo ay ina hor yaallaan weyddiimmo qadhaadh oo ay laasim tahay in aynu si kacdoonnimo ah uga jawaabcelinno: waxa ka mid ah weyddiimahaas, kuwa la xidhiidha dawladdhiska iyo qaabdhismeedka qabiilka sidii la isku waafajin lahaa, dhaqannada taban ee dawladnimadu in ay kacdo inaga hortaagan, fahanka khaldan ee uu qofka Soomaaliga ah si guud uu ka hasyto dawladnimada iyo sidii loo sixi lahaa ama xalalkii lagu maarayn lahaa mucdiladaas.

Bade. (2024), wuxuu xusay in majaalka cilmiga bulshadu uu yahay mid ka maqan tacliinta sare Soomaalida. Markii ay meesha ka baxday dawladdii Militarigu dalku wuxuu galay burbur, qalalaase iyo xasillooni darro. Iyadoo caqabadahaasi jiraan haddana waxa jiray jaamacado badan oo shaqaynaya, balse waxay ku fashilmeen in ay cilmiga bulshada bixiyaan, ama danayn gaar ah siiyaan culuunta bulshada. Deraasaddaasi waxay tilmaamaysaa in la galay khalad muhiim ah oo loo kasay, si loo fahmo oo loo derso mushkilado bulsheed oo ay la tacaalayso bulshadan kadeedan. Waraaqdu gunaanadka waxay soojeedniaysaa si dibudhis iyo horumarin loogu sameeyo bulshada in xoogga la saaro cilmiga bulshada oo ay jamaacaduhu booskaas bannaan buuxiyaan.


5. Cilmi Nafsiga (Psychology)

Cilmi nafsigu isaguna waa cilmi madaxbannaan oo ku dhawaad lagu dabbiqi karo dhammaan dhinac kasta oo ku saabsan tajribooyinkeenna aan xaddidnayn. Cilmi nafsigu waa cilmi xeeldheer oo qadiim ah, wuxuu la kawsaday ku baraaruggii aadanaha jiritaankiisa ku saabsan kownka, shaacsanayaasha, jiraalka, iyo dhammaan waxyaalaha ku shidaaliyay in uu weyddiimo iska weyddiiyo qaddiyadahaas. Cilmi nafsigu waa barashada si cilmiga ah ee maskaxda iyo habdhaqanka aadanaha. Cilmi nafsigu wuxuu joogaa meel walba wuxuu daboolaa dhinac kasta oo nolosha ku saabsan. Wuxuu ku saabsan yahay aadanaha iyo wax walba oo la xidhiidha

Maaddaama oo aynu nahay, bulsho dagaal sokeeye ka soo baxday oo weli raadadkiisii ay inaga muuqdaan, cilmigani wuxuu door ka ciyaarayaa sidii nabarradaas iyo doogahaas dagaalku inagu reebay iskaga dawayn lahayn ama ugu yaraan ugu baraarugsanaan lahayn. In la helo cilmi nafsiyaqaanno waxay door ka ciyaaraysaa sidii aynu dib ugu kaban lahayn nafsad ahaan.

Cilmi nafsigu wuxuu ku abtirsadaa aqoonta derista insaanka, si gaar ah wuxuu dersaa; habdhaqanka, habfekerka iyo dareenka qofka. Wuxuu ka mid yahay aqoonnada kacdoonka weyn samaysay qarnigii labaatanaad. Wuxuuna saamayn iyo xidid ku yeeshay laan walba oo ka mid ah aqoonta insaanka haddii ay noqoto xag; bulsheed, siyaasadeed, diimeed, dhaqammeed, fekradeed iyo dhaqaaale. Kasmanafeeddu wuxuu noqday aqoonta lagu fahmo isbeddellada nafsadeed, bulsheed, fekradeed iyo dhaqammeed ee insaanku sameeyo. Waa aqoon lagamakacaan u ah bulsho walba oo rabta in ay ilbaxnimo iyo horusocodnimo ummadeed ku tallaabsato. Aqoontani waxay bulshooyinka casriga ah ugu jirtaa boos udubxoog ah, waxayna lamahuraan u tahay isku-xidhnaanta bulsheed (social cohesion).

Cilmi nafsigu Soomaalida dhexdeeda wuxuu ka yahay aqoon suququl ah oo noloshooda ummadeed si walba ugu yar. Waxa yar abwaannada cilmi nafsiga bartay ee Soomaalida ah ee fahanka durugsan u leh habka iyo hannaanka uu u fekero ruuxa Soomaaliga ah. Cilmigani wuxuu inaga kaalmaynayaa in aynu si gudaballaadhan u derisno ruuxa Soomaaliga ah ee xooladhaqatada ah. Tani waxay qaadhaan ka geysan doontaa in aynu fahan xididdo dheer u yeelanno arrimaha shidaaliya nafsadda, dhaqanka iyo dareenka ruuxa Soomaaliga ah. In aad bulsho habnololeedkeeda iyo saykoolojiyaddeeda fahanto waxay u gogolxaadhaa in aad bulshadaas xukumi karto isla mar ahaantaana aad fahmi karto waxa nafsaddooda bulsho ku weyn ama ay tixgalinta siiyaan. Tacliinta cilmi nafsigu kaalintaas aynu xusnay bay inoo buuxinaysaa. Barashada, lafaguridda, baadhidda iyo derisidda cilmi nafsigu waxay kaalin xooggan ka geysanaysaa in aynu si walba u fahanno saykoolojiyadda Soomaalida xoolaraacatada ah.

Cilmi nafsigu waa tacliin lamahuraan u ah bulsho walba oo rabta in ay soosaarto jiil nafsad ahaan, maskax ahaan iyo bulsho ahaan ba caafimaad qabta. Cilmi nafsigu waa aqoonta keli ah ee dibudhis loogu samayn karo nafsadda ruuxa Soomaaliga ah ee ay soo gaadhay dakharrada iyo doogaha nafsadeed/maskaxeed. Soomaalidu waa bulsho la nool dayac iyo darxumo nololeed. Waxa nolosha Soomaalida si walba u asqeeyey; saboolnimo, busaarad, dagaallo sokeeye, qadoodi, xasillooni darro bulsheed, dhaqaale, fekradeed, diimeed, dhaqan iyo cunfi jaad walba ah. Ummad jaadkan u burbursan oo doogaysan, waxa lagamakacaan noloshooda ku noqonaysa in ay si walba u samayso baanid iyo dhayid nafsadeed/maskaxeed. Tan aqoonta qudha ee lagu gaadhi karo waa cilmi nafsiga. Sababtaas muhiim ugu yahay  Soomaalida. Waa aqoon caynad gooni ah ku astaysan, waxay wax weyn ka geysan doontaa dibudhiska bulsheed, siyaasadeed, nafsadeed iyo qoyseed ee Soomaalida. Cilmi nafsigu waa in uu galaa laan walba oo ka mid ah nolosheenna, waa in tacliinteenna ummadeed udubtaag u noqdaa. Taas ayeynu ku qabsan karnaa dawga horumarka iyo horusocodnimada ummadeed. Qof nafsad ahaan caafimaad qaba ayaa samayn kara horumar iyo horukac insaanku la fajaco.




Tixraac

1. Plato (375 BC). Republic.

2. Peter L. Berger (1963) Invitation to Sociology: A Humanistic Perspective.

3. Introduction to Sociology 2e.

4. Dr. Shah Vikas (2023). The Role of Philosophy in Our Lives. https://thoughteconomics.com/the-role-of-philosophy-in-life/

5. Toynbee J. Arnold (1934). A Study of History.

6. Hawd-Ibraahin. Soomaalida iyo Dawladnimada. Qoraal laga soo garoocay "Gorfaynta Silsiladdii Deelleey"

7. Guudcadde Cabdicasiis (turjumid 2018), Maxaynu uga Baahannahay Culuunta Aadanaha (Humanities)? https://aragtixora.wordpress.com/2018/01/05/maxaynu-uga-baahannahay-culuunta-aadanaha-humanities/

8. Bade, A. Zakaria (2024). Bridging Educational Voids: The Emergence and Significance of Sociology in Somali Higher Education. European Journal of Contemporary Education and E-Learning, 2(1), 66-77. DOI: 10.59324/ejceel.2024.2(1).06

 9. السلطان، جاسم (2005). فلسفة التاريخ في الفكر الإستراتيجي في فهم التاريخ. الطبعة الرابعة، مؤسسة أم القرى للترجمة والتوزيع.

10 ٢. إبن خلدون، عبد الرحمن (1377). المقدمة.

11. ٣. الماجدي، خزعل (2019). أديان أم أساطير. برنامج مختلف عليه. https://youtu.be/i8W36ifA3_8?si=cO4xEccJOE7N-oRG














Comments

  1. Talo seejidin: haddii aad awoodi karto in aad u sameyso Option-ah Download, maqaaladda sidan oo kale u dhaadheer aad bey u fiicnaan lahayd qofkuna uu inta printigaraysto sidaa ku akhrisan karao.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ku mahadsanid soojeedintaada, walaal. Qoraallada danbe ee sidaa u dhaadhaadheer, waan u samayn khiyaarkaas la degitaanka.

      Delete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn