Posts

Maalinta Caafimaadka Dhimirka

Image
Maaddada cilmi nafsigu waxay ka mid tahay sida laga dheregsan yahay maaddooyinka si toos ah u taabta oo u la falgala nolosheenna iyo dabeecadda inagu xeeran. Waxay inta badan isku daydaa in ay ka jawaabto weyddiimo la halmaala sida aynu u fekerno, sida uu habdhaqankeennu yahay, iyo masalooyin ku saabsan dareennadeenna. Sida ay isugu xidhan yihiin culuunta bulshadu iyo aadanuhuba, waxay xidhiidh la leedahay majaallada kala duwan ee culuuntaas. Ha ugu horrayso aqoonta dhaqaaluhu e. Aad bay isu taabtaan oo jidad kala duwan ugu kulmaan in badan. Waayo labaduba waxay ka warramaan QOFka iyo QOFAFka. Waxana lagu doodaa in bedqabka jeebku iyo bedqabka nafsadda xidhiidh ka dhexeeyo. Sida caadiga ah waa adag tahay in qof sabool ahi ka bedbaado xaalado nafsadeed iyo/ama dhimireed.  Cilmiga dhaqaalaha oo udubdhexaad u ah aadanaha, ilaa haddana lagu derso masalooyinka ay ka mid yihiin aadanaha dhaqaalahee baa u cuntama u saamixi kara in ay horusocod gaadhaan, isla jeerkaasna dhaqaalayahannadu a...

Lamahuraannimada Suugaanta

Image
Curiskan oo asalkiisu ahaa "Why Literature?" waxa qoray Mario Vargas Llosa, 2001 ayuu ku baahiyaya majalladda The New Republic Badiyaa waxa ii yimaadda, q of i weyddiinaya saxeex kolka aan ku suganahay bandhig buug ama maktabad . Xaaskiisa, inantiisa ama hooyadii, ama cid kale buu u doonayaa, wuxuuna ku cudurdaaranayaa "in ay tahay akhriste aad u fiican oo jecel suugaanta." Isla markaba, waxaan weyddiiyaa: "Adiguna? Akhriska ma jeclid miyaa?" Badankana jawaabtiisu waxay noqotaa: "dabcan akhriska waan jecelahay, laakiin waxaan ahay shakhsi mashquul badan." Waxaan maqlay sharraxaadaa tobannaan jeer: qofkaa iyo kumannaan la mid ah waxyaalo badan oo muhiim ah, waajibaadyo aad u badan, masuuliyado aad u badan oo ay qabtaan oo nolosha ah bay hayaan. sababtaas baanay u awoodin in ay wakhtigooda qaaliga ah ku lumiyaan sheeko, diiwaan gabay, ama curis sugaaneed saacado xidhiidh ah. Innagoo ka dab qaadanayna fahanbixintaa faaftay, akhriska suugaantu waa...

Buugaagta ugu fiican ee Qaanuunka

Image
Qaanuunku wuxuu ku jiraa maaddooyinka cilmiga ah ee maamuuska leh ee la barto. Wuxuu ahaa intii ilbaxnimada aadanuhu soo bilaabantay mid kaalin muhiim ah ugu jira bulshada; muhiimad weyn bayna leedahay barashadiisu, dersiddiisa iyo u kuurgaliddiisaba maaddaama oo uu udubdhexaad u yahay aadanaha. Qaanuun waxay dadka qaar ku doodaan in uu ka soo jeeddaa asal ahaan eray Giriig ah "Kanun" oo noqonaysa ushii toosnayd oo tilmaamaysa qallooc la'aan iyo toosnaan. Sidaa darteed mudnaanta uu u leeyahay aadanaha waxa ka mid ah in uu toostoosiyo oo qaabeeyo oo nidaamiyo habdhaqannadiisa iyo falalka ka soo fulaya. Waa in uu hagaajiyo oo farta ku fiiqo maxaa "sax" ah maxaa se "khaldan", waajibaad iyo xuquuq noocee ah baa qofka saaran, xorriyaddiisu halkee bay se ku xaddidan tahay, maxaa ka dhalanaya haddii uu qofku fal sharciga khilaafsan sameeyo ama uu gabo, iyo qodobbo kale oo soo hooosgalaya arrimahaas. Qaanuunku wuxuu door ka ciyaaraa; in bulshadu xasillooni si...

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Image
Dhammaanteen waynu isla qirsannahay kaalinta qiimaha iyo qaayaha leh ee tacliintu ay ugu jirto ummadaha. Siiba waxaynu si fiican isu la hubnaa in ay kaalin udubdhexaad ah ugu jirto ummadaha la kulmay gumaysiga agabyadiisa kala duwan, ee aadka loogu yaqaanno, sida: cadaadiska, cabbudhinta, cunsuriyadda, dadnimatirnaka iyo dullaynta. Kolkaa, tacliintu laba shaqaba way u haysaa bulshooyinka (gumaysiga la kulmay), horraantii waxay tacliintu u saamaxdaa in ay tubta lagu tanaaday ee horusocodka ay qaadaan, iyo in tacliintu ay iskeed u tahay curiye asaasi u ah ilbaxnimada iyo fufka. Buuggan turjuman ee aynu falanqaynayaa waxa qoray Baawlo Farayre (1921-1997) oo ahaa faylasuuf iyo macallin dalka Baraasiil ku isirran w uuxu ku dhashay magaalada Reciefe oo ku taalla waqooyiga dalkaas. Wuxuu ka dhashay qoys dabaqadda dhexe ah oo u janjeedha saboolnimada, waayahaasna la daalaadhacaayay busaaraddii weynayd ee ku sababtay mushkilado maaliyaadeed qoysas badan oo ku sugan dunida iyo Baraasiilba. Waa...

Dubka Madow ee Faanon iyo Dahaadhka Cad ee Gumaysiga

Image
Frantz Fanon (1925-1961) — contretemps.eu Falanqayntan aan Soomaaliyeeyay waxa qoray Ahmed Zakaria, waxana  lagu faafiyay degelka Boring Books . Waana falanqayn uu  ku sameeyay buugga  uu soo saaray gumaysiddiidkii iyo halgamaagii Frantz Fanon, dabshidkii 1952, ee  "Black Skin White Masks" Cabdicasiis Guudcaddena uu mar cinwaankiisa ku turjumay "Dub Madow Dahaadh Cad"  Dr. Donald Shirley wuxuu dhex lugaynayaa habeen roobaad badhatamaha jidka gudcurka ah ka dib markii u ka tegay gaadhisigiisii, dabadeedna waxa ku qaylinaya dareewalka Tony oo ka dalbanaya in uu istaago. Intaa ka dib ayuu Donald ku qarxayaa Tony oo uu ku dhahayaa, in aanu madow iyo caddaan toona ahayn in ku filan si dadku raalli uga noqdaan. Filinka Buuug Cagaaran ( Green Book — 2018 ), wuxuu ka warramayaa qiso laga soo qaatay dhacdooyin dhab ah, oo ku dhacday mu'allifka muusishanka ah iyo biyaano tumaha Donald Shirley  iyo xidhiidhka uu la leeyahay Tony Vallelonga iyo socdaalkoodii lixdanee...