Maalinta Caafimaadka Dhimirka






Maaddada cilmi nafsigu waxay ka mid tahay sida laga dheregsan yahay maaddooyinka si toos ah u taabta oo u la falgala nolosheenna iyo dabeecadda inagu xeeran. Waxay inta badan isku daydaa in ay ka jawaabto weyddiimo la halmaala sida aynu u fekerno, sida uu habdhaqankeennu yahay, iyo masalooyin ku saabsan dareennadeenna. Sida ay isugu xidhan yihiin culuunta bulshadu iyo aadanuhuba, waxay xidhiidh la leedahay majaallada kala duwan ee culuuntaas. Ha ugu horrayso aqoonta dhaqaaluhu e. Aad bay isu taabtaan oo jidad kala duwan ugu kulmaan in badan. Waayo labaduba waxay ka warramaan QOFka iyo QOFAFka. Waxana lagu doodaa in bedqabka jeebku iyo bedqabka nafsadda xidhiidh ka dhexeeyo. Sida caadiga ah waa adag tahay in qof sabool ahi ka bedbaado xaalado nafsadeed iyo/ama dhimireed. 


Cilmiga dhaqaalaha oo udubdhexaad u ah aadanaha, ilaa haddana lagu derso masalooyinka ay ka mid yihiin aadanaha dhaqaalahee baa u cuntama u saamixi kara in ay horusocod gaadhaan, isla jeerkaasna dhaqaalayahannadu ay u ololeeyaan oo dersaan sidee baa bulsho horumar ku gaadhi kartaa? Sidee baa sinnaan dhan kasta ah lagu heli karaa? Sidee caddaalad bulsheed lagu hirgalin karaa? waxay intaasiba xidhiidh aad ah la leeyihiin caafimaadka dhimireed ee bulsho iyo qof, oo, waa labo isku sidkan bulsho sida iyo nooca dhaqaalaheedu u ekaanayo iyo sida bedqabkooda nafsadeed noqonayo. 


Hantigoosadka caalamiga ahi wuxuu, sida ay qabaan dad badan, halis ku yahay caafimaadkaa aynu raadcaynayo ee muhiimadda weyn inoo leh.

In kastoo dad kala duwan ay ku doodaan in nidaamkaasi uu gaadhsiiyay bulshada hodontinnimo haddana waxa barbarsocda nidaamkan suuqu shidaalinayo, muhiimaddana siinaya waxsoosaarka iyo macaashdoonnimada, mushkilado badan oo si iyo si kalaba lid ugu ah bedqabkeenna iyo fayowgeenna nafsadeed. Waxa taa hubanti u ah in sida Maarkis oo aad u dersay nidaamka hantigoosadka oo u lafagguray in uu tilmaamay nidaamkaasi in uu ku dhisan yahay caddaaladdarro, sinnaan la'aan, dulmi iyo dhiigmiirasho. Enjalis oo jaallihii ahaa door labeeyena ka ciyaaray dhidbidda Maarkisiyadda wuxuu xusay in nidaamkaasi u daran yahay bulshada iyo si gaar ah dabaqadda shaqaysa oo mushkilado badan door ka ciyaaro hurinteeda.


Tusaale ahaan waxa la tibaaxaa in sinnaan la'aanta dhaqaale aadka u sarraysaa ee uu ku dhisan yahay nidaamka hantigoosadku ay ka mid tahay jidadka ugu badan ee uu u saameeyo caafimaadka maanka: qarnigii hore waxa la tilmaamaa in heerarka cashuurtu ay aad ugu badnayd burjuwaasiyiinta (haddii aynu adeegsanno eraybixintii Maarkis) taasina ay muujinayso danaynta la siinayay in lagaga hortago sinnaan la'aanta dhaqaale iyo samaysanka dabaqadeed ee bulshada. Balse xilligii Ronald Regan iyo Margert Tatcher ee dhammaadkii qarnigii hore ay siyaasadahoodii dhaqaale ee ku dhisnaa in cashuuraha la yareeyo suuqana xadhkaha loo siidaayo, ay si weyn u sababtay korodhka sinaan la'aanta dhaqaale ee aadka u weyn ee Marayknaka iyo Ingiriiska iyo sidoo kale dalalkii dhaqaale ahaan aadka u horumarsana ka jirta. Dhanka kale dersaasad la sameeyay 2022 waxay tilmaamaysay in %1 dunida ay hayaan %44 hantida caalamka. 


Buugga ay wada qoreen Kate Pickett iyo Richard G. Wilkinson ee "The Sprit Level" waxay qabaan oo ku doodeen in mushkilad degaaneed iyo caafimaadeed oo kasta ay ku yar tahay bulshada sinnaan la'aantooda dhaqaale iyo heerka saboolnimadooduba hoosayso: taas oo ka dhigan bulsho kasta oo sinnaan la'aantooda dhaqaale ay baaxad leedahay door ay ka ciyaarto korukaca xaaladaha nafsadeed sida: diiqadda, walaaca, werwerka, qulubka, laba'eefka, shakiga iyo kuwo kale.   


Buuggooda kale ee "The Inner Level", isagana waxay tilmaameen in baadhitaanno badan ay tibaaxayaan oo dhiirrigalinayaan fekradda ah in bulshooyinka ay aad u sarrayso sinnaan la'aantooda dhaqaale ay la daalaadhacayaan waxa ay kasmanafeedyahannadu ugu yeedhaan "haddiddaada bulsho-beegaaleed/socio-evaluative threat", oo ah in qofku walaac, werwer iyo wakhtiba ku bixiyo sida bulshadu u aragto ama u qiimaynayso, sabana u noqota in dareennada ceebaalka, khajilaadda, xasilloonidarrada iyo li'idda degganaanta, iyo khalkhalka dareennaduna uu kor u kaco. Dhanka kale, waa waxa ay u yaqaannaan kasmanafeedyahannadu: "walaaca makaanda/status anxiety/قلق المكانة". 


Gebagabadii haawashada iyo gaabka hanti ee aadka u weyn ee caalam ahaan jiraa wuxuu sababay in dad badan ay la halgamaan in ay haqabtiraan baahiyahooda asaasiga ah. Cadaadiska jira ee lagu sugayo baahiyaha ama daruuriyaatka sida: hoyga, hu'ga, daryeelka caafimaadka, tacliinta, iyo wixii la halmaalaa ay door ka ciyaaraan in qofku diiqad, niyadjab, walaac, iyo qulub la daalaadhaco, si gaar ah kuwa ku abtirsada darafka dhaqaale ahaan hooseeya ee bulshada/dabaqadda hoosaysa. Sidaas si la mid ah sicirbararku wuxuu dad badan ku sababaa in ay shaqeeyaan saacado badan oo caqabad ku noqonaysa bedqabka caafimaadka nafsadeed iyo/ama dhimireed. Sidaas awgeed, waxay xusayaan ururrada wax ka baadha sinnaan la'aanta dhaqaale sida The Equality Trust iyo The World Inequality Lab in ay lamahuraan tahay in la yareeyo sinnaan la'aanta baaxadda weyn ee xadhakaha goosatay, ugu yaraan, si loo helo bulsho nafsad ahaan iyo dhimir ahaanba u caafimaad qabta.   


#October10 

#WorldMentalHealthDay

#MentalHealthMonth

Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn