Dubka Madow ee Faanon iyo Dahaadhka Cad ee Gumaysiga




Frantz Fanon (1925-1961) — contretemps.eu


Falanqayntan aan Soomaaliyeeyay waxa qoray Ahmed Zakaria, waxana lagu faafiyay degelka Boring Books. Waana falanqayn uu ku sameeyay buugga uu soo saaray gumaysiddiidkii iyo halgamaagii Frantz Fanon, dabshidkii 1952, ee "Black Skin White Masks" Cabdicasiis Guudcaddena uu mar cinwaankiisa ku turjumay "Dub Madow Dahaadh Cad" 





Dr. Donald Shirley wuxuu dhex lugaynayaa habeen roobaad badhatamaha jidka gudcurka ah ka dib markii u ka tegay gaadhisigiisii, dabadeedna waxa ku qaylinaya dareewalka Tony oo ka dalbanaya in uu istaago. Intaa ka dib ayuu Donald ku qarxayaa Tony oo uu ku dhahayaa, in aanu madow iyo caddaan toona ahayn in ku filan si dadku raalli uga noqdaan. Filinka Buuug Cagaaran (Green Book 2018), wuxuu ka warramayaa qiso laga soo qaatay dhacdooyin dhab ah, oo ku dhacday mu'allifka muusishanka ah iyo biyaano tumaha Donald Shirley  iyo xidhiidhka uu la leeyahay Tony Vallelonga iyo socdaalkoodii lixdaneeyadii qarnigii hore si uu ugu soo bandhigo qaar ka mid ah bandhigyada miyuusigga degaannada kala duwan ee Maraykanka


Qaybtaas filinka ka mid ahi waxay tooshka ku ifinaysaa mushkilad weyn oo ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya ninka Galbeediga ah ee cad iyo ninka madow. Kan danbe naftiisa wuxuu u arkaa mid hoosaysa, wuxuuna la daalaadhacayaa dhibaatada aqoonsiga ee ka dhan ah qoomkiisa madaw, sida oo kale ninka cad u ma arko in uu yahay insaan dhammaystiran, iskaba daa e ninka cadi u maba haysto insaan, keliya [wuxuu u haystaa] agab lagu madadaasho oo lagu faakihaysto. Donald Shirleyga helay tacliin aad u sarraysa oo ku saabsan majaalka Miyuusigga nin madow uun ma dhaafsiisana, kolka laga yimaaddo saqaafadiisa ballaadhan iyo afkiisa codkarnimada ah, iyo habnololeedkiisa aan ka duwanayn qoys walba oo aristokraat caddaan ah oo ku sugan Galbeedka. Se ugu danbaynta wuxuu dareemayaa hoosayn iyo is waa. 


Mushkiladdaas oo si cad looga daawan karo filinka, qoraaga Faransiiska ah ee Faraanz Faanon wuxuu ugaga hadlay si kala dhigdhigan buuggiisa caanka ah (Dub Madow Dahaadho Cad) oo ku soo baxay dabshidkii 1952 afka Faransiiska, turjumiddiisa Ingiriisudana ay soo baxday sannadkii 1967. 


Buugga Faanon waxa lagu tiryaa buugaagta u muhiimsan ee naqdiday oo kidfay marxaladdii Koloniyaaliga ahayd, sidoo kale wuxuu ka mid yahay buugaagta ugu cadcad ee ku saabsan is naqdinta qofeed ee garaadka madowga, wakhti uu Faanon ka soo jeeday mid ka mid ah mustacmaradihii raacsanayd xukunkii Faransiiska ee Mandaqadda Badda Kareebiyaanka, oo uu ku dhashay jasiiradda Maartiniik ee raacsan jasiiradaha Antilles ee yar ee bariga webiga Atlaantigga.


Faanon wuxuu inoo soo gudbinayaa waaya'aragnimadisii qofeed, wuxuu qorayaa fekradihiisii isagoo ku tirinaya in ay yihiin qayb ka mid ah caqliyaddaas, nin madow oo la gumayste ah, lana rafaadaya cunsuriyad. Sidoo kalana wuxuu inoo bandhigayaa waaya'aragnimooyin u kala baxaysa naqdinta waaya'aragnimooyin qofeed oo kale, iyo kidfidda nuxurro iyo nusuus sugaaneed, sinimeed iyo gabayeed ah, isagoo buuggiisa ku isticmaalaya manhajka lafaggurka nafsadeed.


Fekradda u weyn ee uu Faanoon isku deyayaa in uu buuggiisa ku sheego, waa in ninka madow uu la daalaadhacayo cuqdadda hoosaynta xidhiidhka uu la leeyahay ninka cad, taasna waxa u raadraac ah in ninkaa cad ee sameeyay ninkan madow uu u dhawaanayo in uu noqdo caruusad gacantiisa ku jirta. Ninka madow ee dhammaysddoonka ahdhanka Faanon—uu yahay samays suuradaha ninka cad, waana muraayadcelinta fekraddii tanwiirka ee Yurubiyaanka, ma se aha shakhsi dhab ah oo leh taariikh ama xaddaarad, hasayeeshee uu yahay suurad ku dhigan mala'awaalka ninka cad ee Yurubiyaanka ah. Sidaas si la mid ah, ninka cad ee dhammaysdoonka ah waa mutacallinka raacsanaha ah tacliin Yurubiyaan/Faransiis ah, wuxuu la nool yahay loollan gudeed oo mustawe kale ah, ma fahmayo jinsigiisa/isirkiisa, sidoo kale ma fahmayo jinsigiisa/qoomkiisa/isirkiisa. Sidaa awgeed masiirka ninka madow had iyo jeeraale wuxuu ku luqunjibaadhan yahay ninka cad qaabaynta wacyigiisa, shakhsiyaddiisa iyo masiirkiisa


Faanoon wuxuu daahfurayaa khalalka caqliyadda madowga ah, horraantaba, wuxuuna odhanayaa "ninka madow ee doonaya in uu isu beddelo isirka cad wuxuu la tiiraanyaysan yahay sida shakhsiga ku andacoonaya in la karho kuwa dubka caddaanka ah" (Bogga 2.) Wuxuu intaa ku darayaa "ninka madow wuxuu doonayaa in uu noqdo nin cad, ninka cadina wuu iska fogaynayaa si uu u gaadho mustawe insaani ah." (B, 3.) Faanon wuxuu ku tiriyaa in labada ninba ay ku qufulan yihiin labadooda caalam ee midabkooda, kan madow caalamkiisa madow, kan cadna caalamkiisa cad, taasina waxay keenaysaa is cajabinta haleeshay labadoodaba.


Wuxuuna si cad u sheegayaa isaga oo leh "waxa jirta xaqiiqo: nimanka cad waxay nafahooda u tirinayaan in ay ka sarreeyaan nimanka madow. Waxa jirta xaqiiqo kale: nimanka madow waxay doonayaan in isu muujiyaan nimanka cad, kharash walba, heerka hodontinnimada fekerkooda, iyo in ay kala siman yihiin dhanka heerkooda saqafadeed." (B 3.)


Bogagga buugga wuxuu Faanoon ku soo bandhigayaa afkaartiisa habyaalka labaale ah oo liddi isku ah goor kasta (caddaan/madow), (gumayste/la gumayate), (insaani/xayawaani), (qof/bulsho) (ilbaxnimo iyo magaalow/waxshinnimo), (Yurubiyaan/aan Yurubiyaan ahayn), (isaga/cidda kale). (Isasarraysiin/is hoosaysiin), (cagadhigyo/udubdhexaad), (sayid/addoon), (loollan nafsadeed/loollan bulsheed). (Iftiin/mugdi), (khayr/shar).


Mid ka mid ah qodobbada udubdhexaadka ah ee uu Faanon doonayo in uu xaqiijiyo waa iska xoraynta qabsashada gumaystaha Yurubiyaanka ah, iyo ka takhallusidda fekradda ah in xadaaradda Yurubiyaanku ay tahay caalami xukumaysa dhammaan oo hagaysa masiirka insaaniyeed iyo halka uu ku jihaysan yahay. Fahanbixinta (Caalaminnimo/Universalism) ee iska xoraynta gumaystaha uma jeedo micanaha Yurubiyaanka ah, hasayeeshee micnaha guud ee ballaadhan, insaaniyeed, marka laga yimaaddo midabka ama isirka iyo wixii la mid ah. Isweyddiintaas ballaadhan wuxuu ku soo bandhigayaa Faanon soojeedin ah in ninka midabbaysan uu iska xoreeyo qofnimadiisa madow. Wuxuuna arrintaas ku faaqidayaa bogagga u horreeya ee buugga, kolka uu yidhi:

"Xagga bini'aadantinnimada cusub ..
Iyo is fahanka walaaltinnimada..
Maqaarka midabeed..
Dadnimooy, adigaan ku aaminsanahay.."



Afku Isagaa Sameeya Dhaqanka


Faanon buuggiisa uxuu kaga warramay cutub dhan  afka iyo saamaynta uu ku leeyahay qaabaynta dhaqanka, wacyiga qofeed iyo bulsheed, Faanon wuxuu qabaa in ay jirto laba kooxood uu  beegsanayo lafaggurkiisa, madowga la shirqoolay iyo caddaanka la dhagray iyaguna wax khiyaameeyay, labadoodubana way is la' yihiin (alienated), fahanbixinta is la'aantuna (alienation) waa mid ka mid ah fahannada dahsoon ee culuunta bulshada, waxana ka hadlay koox mufekeriin ah sida Émile Durkheim, Max Weber, Karl Marx iyo kuwo kale, wuxuuna la xidhiidhsiinayaa dareemidda insaanku [u dareemayo] si uun kala qaybsanaan ama is waayid waaqiciisa ama qofnimadiisa ama fekradihiisa.


Wuxuu dhaadayaa in aanu awoodin xakamaynta masiirkiisa, xoogna aanu u lahayn si uu u waajaho dhaqdhaqaaqyo kale, kaas oo xaddidaya masiirkiisa sida nasiibka ama ururrada ee samaynaysa qaacidooyinka, taasina waxay soo saaraysaa dareen ah jiritaan la'aan curiye wadaag u ah insaanka is la' iyo bulshadaba, wax micne ahna aanay u lahayn noloshu. Taas oo dhigaysa xaalad go'doon bulsheed ah, wuxuuna raadinayaa koox shabbahaysa, marar badanna waxay yihiin koox yar (sii yar). Ninka madow wuxuu leeyahay laba waji si uu ula dhaqmo caalamka, wajiga kowaad waa jaallayaashiisa madow, wajiga labaadna waa ninka cad, taasina waxay samanaysaa raacsannimada, waxayna abuuuraysaa is burin kulul wuxuuna u sababaynaa Faanon arrinka wuxuu u bixiyay (isdullaynta Koloniyaaleed)


Ninka madow ee ku sugan jasiiradaha Antilles wuxuu sawiranayaa naftiisu in ay ka caddaan badan tahay kuwa kale ee madow, ama si kale, in uu uga dhawaansho badan yahay Faransiiska heerka caddaankiisa, maxaa sababay? Wuxuu si fiican u yaqaannaa Faransiiska in ka badan Sinigaaliga ama Maalaagaashiga ee ku hadlaya isla afkaas, laakiin labada u danbeeyaa ma karayaan in ay barteeda dhigaan.


Muraadka fekraddaasina waa in luuqaddu ay tahay heerkaa kariddeeduba ay tahay mid kor ugu qaadaysa heerka ninka madow waxayna ka dhigaysaa ninka madow mid u dhaw booska insaanka dhabta ah, insaanka dhabta ah ee loo jeedaana waa ninka Galbeediga ah ee cad ee Faransiiska ah. Tixgalintiisana, afku aragtida Faanon waxay samaysay cuqdadda nuqsaanta (is hoosaysiinta) ee shacbiyada la gumaystay, maxaa yeelay waxay ku khasban tahay umadda la gumaystay, "halbeegyada waddanka hooyo ee saqaafiga ah", waana tan kor uga qaadday heerkiisa kaas oo burbursanaa, xadka booska xawayaanka ku sugan kaynta. Afku wuxuu kor ugu qaadayaa heerka ninka madow waxayna ka dhigaysaa mid u dhaw dalkii hooyo, Faransiiska, kolkasta oo uu u dhawaado naygarku—sida uu Faanon qabo—garashada dalkiisa hooyo in badan wuxuu u dhawaadaa in uu noqdo Ilaah u eke.


Faanon, halkan, wuxuu tilmaamayaa in afka uu ku hadlayo muwaaddinka ka yimid jasiiradda Maartiniik la ma heer aha mustawaha Faransiyada Faransiiska, Maartiniikiguna wuu og yahay in ay jirto sawir maskaxeeddabaqadaysanoo ku saabsan afkiisa aan wanaagsananayn ee caqliyadda Faransiiska.


Cuqdaddan waxay muujinaysaa qaabab kale oo ay ka mid tahay in muwaaddinka Antilles/Maartiniikiga ah uu ka fogaanayo in uu ku hadlo afkiisa maxalliga ah, taas oo lagu tiriyo af dhalad ah ama lagu magacaabo afka Kiriyoolka ah (Creole¹), maxaa wacay waxay dhiirrinaysaa cuqdadda is hoosayntiisa, afkaasi wuxuu kicinayaa jeesjeesidda ninka cad. Ka fogaantaasi waxay gaadhaysaa heer ah in qayb ka mid ah qoysaska Maartiniik ay u diidaan carruurtooda in ay ku hadlaan afkii ay ku dhasheen, ayna yasaan haddii ay ku hadaaqaanba, Faransiiskuna uu noqdo afka hadalka, fekradaha, dareemayaasha. Marka uu la sheekaysanayo qof uun oo ah muwaaddin Antillean ah afka uu ku dhashay wuxuu dareemayaa cadho, maxaa yeelay wuxuu dhigayaa bed qaybqaybin ah, wuxuuna ku xukumayaa in uu dadka kale ka hooseeyo.


Samaysankaas/isbeddelkaas dhaqameed ee afku keenayo, iyagoo tajribaynaya kuwa madow kuwaas oo u safraya oo wax ka dhiganaya Faransiiska oo ay u dhammaystirnaanayso dawradooda aqoonta iyo wacyi iyo dhaqaniyadoo lagu eegayo sawirka Yurubiyaanka—nolosha halkaa ka jirta, waxay u noqonayaan waddankii asalka ahaa "iyagoo leh nafo isla weyn oo furan."


Samaysankaas dhaqan wuxuu ku abuurayaa caqabad hor leh bulshada Maartiniigga ah dhexdooda, qof ka ka soo noqdaa Faransiiska wuxuu ku yahay haddidaad, maxaa yeelay wuxuu ula  hadlayaa si aftahannimo ah dadka Faransiiska, wuxuuna si fiican u yaqaannaa Faransiiska, muwaddiniinta maxalliyiinta ahina way ka baqayaan, waxayna bilaabayaan in ay ilaaliyaan, maxaa yeelay wuxuu noqday dhankooda nin cad. Ninka mutacallinka ah sida uu qabo Faanon waxay dadku ku sifaynayaan in uu u hadlayo sida buug, halka ay ku sifaynayaan Maartiniikiyanku dalkooda in uu u hadlayo sida ninka cad. Taasina waxay ka soo muuqanaysaa gudaha bulshada Antilliean ka ah, iyagoo dareemaya in wiilkoodi ka yimi Faransiiska aanu ahayn kii la noolaan jiray, taasna waxaynu u fiirsanayaan ilbidhiqsiyada uu waddankiisa asalka ah yimaaddo isagoo saaran doonta. Marka uu dhaho kan yimid wuu ku faraxsan yahay in uu soo noqdo, balse wuxuu dareemayaa heer kulka Maartiniik oo sarreeya, matalan, mana karo in uu xammilo, bartan bay dhaadayaan in inankoodii uu noqday Yurubiyaan u yimid booqasho.


Faanon wuxuu sii wadayaa bandhigga cuqdadda nuqsaanta (is hoosaysiinta) ee madowga, wuxuuna xaddidayaa koox iyaga ka mid ah, kuwaas oo ah kuwa ugu tacliinta badan, maxaa sababay waxay ku dhisayaan kulliyaddooda qaabka Yurubiyaanka Faransiiska ah, way isu muujinayaan ama isla barbardhigayaan fekradihiisana way ku dhisayaan, wayna gashanayaan dharka Yurubiyaanka ah, wuxuuna u goglayaa gurigiisa qaabka Yurubiyaanka ah, wuxuuna adeegsanayaa af kakan oo aad u murugsan marka uu la hadlayo dadka kale. Qaababkaas oo dhan waxay ka saacidaysaa in uu dareemo waxqabad iyo sinnaan la mid ah Yurubiyaanka ah. Taasina waxay samaynaysaa dabaqad kale, oo cuqdadda nuqsaanta ah ee muwaaddinka Antillean ka ah, waxay isku xidhaysaa laba heer oo midkood ka sareeyo sida Faransiiiska iyo mid kale oo ka hooseeya sida Sinigaaliga.



Naag U Hammadoonaysa Nin Caddaan ah


Falsafadda Labaalayda, caalamku wuxuu ka kooban yahay laba qaybood - labaalayda (iftiin/mugdi)². Iftiinku wuxuu metalayaa khayrka, mugdiguna sharka, labaalaydaasi waxay ka falcelinaysaa ninka cad iyo ninka madow, Yurubiyaanka cad wuxuu ka turjumayaa iftiin, kan madowga ahina waa falcelinta mugdi. Ilaaha naxariista ee wanaagsan shakili'i waa caddaan. Sidoo kale insaanka caddaanka ah dhashaa isagoo karaamaysan, iyadoon taa loo baahnayn in la sugo, waana tan aanu xaqiijinayn insaanka madow.


Isdiiddadaas wuxuu Faanon ku soo bandhigayaa afargeeska xidhiidhada ka samaysan gabadha midabbaysan/madow iyo xidhiidhka ay leedahay ninka cad, iyo ninka midabaysan/madow xidhiidhka uu la leeyahay gabadha cad, wuxuuna samaynayaa in uu u fufuro hab dhaqaneed nafsadeed. Gabadha madow waxay ku taamaysaa in ay nin cad xidhiidh la yeelato hasayeeshee waxay kasheeda ka og tahay in ay ka hoosayso iyo aanu ixtiraamaynxataa haddii uu jeclaadosida uu u ixtiraamayo gabadha cad. Iyadoo la ogsoon yahay gabadha madow in ay tahay nolosheedu mid aan sahlanayn maxaa yeelay samaysankeeda jidheed, iyo karid la'aan teeda in ay dunida ku dhaw ka dhigto mid madow, "waxa keli ah ee ay awooddaa waa in ay caddayso jidhkeeda iyo caqligeeda". Loollankuna halkan waa mid gudeed-debedeed.


Gabadha madow waxay jeceshahay ninka cad, maxaa yeelay wuxuu leeyahay midab cad iyo indho buluug ah iyo timo bunni ah, waxayna ku riyoonaysaa in ay isu beddesho gabadh cad. In ay ku abtirsato abtirsiin caddaan ah waxay ka dhigan tahay in ay tahay insaan aan ku dhalan hawdka iyo kaymaha, oo aan la dhalan xayawaannada. Waxay doonaysaa in ay caddayso qofnimadeeda, nafsad ahaan, dhaqan ahaan, iyo jidh ahaanba.


Labaalaydaas isku midka ahi way ka soo muuqatay xidhiidhka u dhexeeya gabadha madow iyo ninka madow, gabadha Maartiniikiga ahi u oggolaan mayso nafteeda in ay la samayso xidhiidh nin ay isku isir yihiin, inkastoo ninka madow uu u yahay mid u dhigma haddana waxay doorbidaysaa ninka cad.


Taasina waxay dhisaysaa heer cusub oo uu soo bandhihayo Faanon gudaha caalamka gabadha midabbaysan wuxuu ku xidhan yahay laba caalam oo kala jaad ah, caalamka gabadha madow/naygaradda ah iyo caalamka gabadha liidata/isku dhafan/midab ahaanna bunniga ah (The Negress and The Mulatto). Aragtida Faanon labaduba waxay jeclaysanayaan in ay korukacaan, oo ay noqdaan gabadh cad, laakiin taxaddiga u weyn ee gabadha liidata waa in aanay waajib ku ahayn in ay u sinbiririxato xagga danbe oo ay ahaato boos hoose, madow, oo ay halis ku dhacayso haddii ay guursato nin naygar ah, taasina waa mid aan caqligal ahayn. Waxay xaqiraysaa ninka madow, sababtoo ah waxaanu lahayn debecsanaanta, aftahannimada, iyo makaanada uu ninka cad haysto, ugu danbaytana naygarku waa waxshi.


Isasarraysiinta Caddaanka iyo Ku Xidhnaanta Madowga


Prospero iyo Caliban, waa laba shahsiyadood oo ku jira masrixiyadda dabaysha ee Wilyam Shakisbiir. Kan kowaadi waa nin cad, kan labaadna waa addoon madaw oo abuur ahaan dullaysan. Mid ka mid ah qoraayada Faransiisku waxay xigteen Octave Mannoni, adeegsigiisa labaalaydaas si uu u lafagguro caqliyadda Kolooniyaalka buuggiisa "Prospero and Caliban: labada saykoolaji ee Gumaysiga".


Faanon buuggiisa wuxuu u gaar yeelay cutub si uu ugu jawaabo Mannoni, kan u danbeeyaa ma arko cunsuriyadda Yurubiyaanka ee liddiga ku ah shakhsiyaadka Yurubiyaanka ah ee shaqeeya, sida waddankaas la gumaysto sida ganacsatada yaryar ama shakhsiyaadka aan awoodin in ay ku guulaystaan Yurub. Hasayeeshee Faanon jawaabcelintiisa Mannoni waxay ahayd in ninka cad uu mustacmaradaha ka yahay tiro aad u yar, laakiin had iyo jeeraale uu ku dareemayo sarrayn ka dhan aqlabiyadda badan ee dadka madowga ah, wuxuuna arrintaa u soo markhaati qaatay in 200 oo niman cadddaan oo ku sugan jasiiradda Maartiniik ay ku dhex dareemayaan sarrayn iyo madaxbannaani in ka badan 300 kun shakhsi oo madow ah. Sidaas si la mid ah Koonfurta Afrika laba Malyuun oo nin cad ah ay hoggaaminayaan dhaqanka dad tiradoodu tahay 13 malyan oo Koonfur Afrikaan maxalli ah, caksiguna ma dhaco, kan madow Yurub gudaheeda ma awoodo in uu ku dareemo sarrayntaas ka dhanka ah ninka cad.


Faanon wuxuu u arkaa in kala soocidda iyo cusuriyadda uu ninka cad kula dhaqmayo ninka madow ay samaysay noole dulsaar ah xidhiidhka kala dhexeeya caalamka uu ku hareeraysan yahay, mid waxshi ah, oo faa'iidali'i ah, wuxuuna qabaa in xalka keli ah ee lagaga hortagi karo ay tahay margigaas in uu isu beddelo nin cad, hasayeeshee Mannoni wuxuu qabaa in aanay taasi suure ahayn, waayo? Ninka madow laabtiisa waxa deggan cuqdadda ku tiirsanaanta/ku xidhnaanta ninka cad, mana karo in uu sameeyo fal isagoon ka amarqaadan.


Habyaalkaas Faanon wuxuu ku raddiyay Mannoni isagoo leh ninka cad wuxuu u samaynayaa dhaqannadaas maxaa yeelay wuxuu qabaa cuqdadda suldada ama hoggaaminta. Kan madow ee ku tiirsanaha/ku xidhnaha ah wuxuu u arkaa kan cad ee amarkutaagleeyaha ah sayidka la sugayay ee daacadda ah. Sidaa awgeed Faanon wuxuu u tixgaliyay in doorkiisu yahay xaaladdaas in uu kiciyo wacyiga bayshankiisa (Madow) si uu isaga daayo malaha khaldan ee caddaanka, una gucleeyo in uu beddelo dhismaha bulsheed. Faanon wuxuu leeyahay "qofka cunsuriga ahi waa kan is abuuraya isaga la'aantiis."


Ninka cad wuxuu xaqirayaa kan madow wuxuuna dareemayaa cabsi natiijo ka soo baxday sawirro Galbeedku ka sameeyeen cidda kale. Bartan buu Faanon wuxuu ku xidhayaa aragtidiisa cidda kale iyo suuradihiisa isagoo ka hadlaya khuraafaadka, sheekooyinka, taariikhda iyo taariikhaynta ama xaqiijinta taariikheed (historicity). Sheekooyin ay ka mid yihiin The Jungle Book ama Uncle Tom's Cabin waxay samaysay suuradahaas maskaxeed ee Galbeediga ah ee ku aaddan ninka madow. Qoraaguna wuxuu u tiriyay in suuradahaas oo kale ay ku xanbaartay culays weyn oo ka dhigtay in uu masuul ka noqdo saddex shay, jidhkiisa, isirkiisa, iyo salafkiisa, waxaaba aad mooddaa in uu noqday saddex shakhsi oo hal jidh ku wada yaalla. Waxa kale oo aad mooddaa in uu bixinayo kharashka midabkiisa madow isagoo wakiil ka ah, cid kasta oo leh midabka dubkiisa oo kale. Natiijada taas ka dhalatayna awooddiisa uu u leeyahay iska xoraynta dabarradaas iyo guntimahaas ku dhex beeran, suuradahaas aawadood, waxay noqotay arrin aan suuraggal ahayn, sidaa darteed qofka madow waxa lagamakacaan ku ah in uu naftiisa u qeexo caalamkan, cabsi iyo madmadow la'aan.


Faanon wuxuu ka hadlay sidoo kale, suuradaha jira ee in badan oo kuwa madow ay ku riyoonayaan in ay dhisaan waddan ama ummad madow, hayeeshee u ma arko fekradahaas in ay waxtar leeyihiin, gaar ahaan wuxuu naftiisa u arkaa in uu yahay nin Faransiis ah oo danayn siinaya wax kasta oo xidhiidh la leh Faransiiska, masalada umadda madowna aanay micne u samaynayan.


Faanon buuggiisa wuxuu ku soo gunaanadayaa wax iska weyddiinta aragtidiisa ku aaddan caalamka, isagoo u dhex maraya qaayasoorro caalami ah oo kala jaadjaad ah, oo diidaya labaalaydaas. Wuxuuna naftiisa u kala saarayaa in uu qabto shaqada badbaadiyaha ee ku aaddan jaallihiisa madow ama in uu burburiyo tagto aan samaynayn taaganta ama timaadadda, maaddaama oo uu ku eedaysan yahay denbiga iyo nuqsaanta. Maqaarkiisa madow ee aanu dooranna aanu xaddidayn masiirkiisa iyo doorashooyinkiisa ku aaddan nolosha. Iyo in nin kasta u ordayo si uu ugu guulaysto qaayasoorrada karaamada uu yahay walaalo ku yihiin insaaninnimada. Wuxuuna leeyahay "anigu ma ihi addoonka addoonnimada taas oo ka siibtay insaaniyadda kuwii iga horreeyay". Wuxuuna aaminsan yahay in ay suuragal tahay in uu faan iyo tookh uu ku dareemo xadaaradda ninka madow ee qarniyadii tegay, laakiin had iyo jeeraale wuxuu isweyddiinayaa heerka saamaynta ay ku leedahay tagtadaasi qaab togan carruurta jasiiradaha Antilles ee mucaasiriinta ah dhismahooda nafsadeed iyo caqli.


_____________

¹Waa af ay ku hadlaan koox dadweyne ah, iyagoo isku qasaya koox afaf ah, oo midhuhu noqonayo af cusub muddo xilliyeed aan dheerayn. Afka Kiriyooligu xeerarkiisa naxweed buu leeyahay kaas oo ay baranayaan barbaartu oo ay ku hadlayaan ilaa yaraantaba.


²Waa falsafad/diin uu ku asaasay Maani ama Maaniikoos qarnigii saddexaad ee Milaadiga Baabal, waxayna caalamka u aragtaa in uu ka kooban yahay laba shay oo isku rakiban oo ka soo jeeda laba asal oo qadiimi ah midkood uu yahay iftiin kan kalana mugdi (mabda'a diibta Saardaashiyada) 
 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn