Lamahuraannimada Suugaanta




Curiskan oo asalkiisu ahaa "Why Literature?" waxa qoray Mario Vargas Llosa, 2001 ayuu ku baahiyaya majalladda The New Republic



Badiyaa waxa ii yimaadda, qof i weyddiinaya saxeex kolka aan ku suganahay bandhig buug ama maktabad. Xaaskiisa, inantiisa ama hooyadii, ama cid kale buu u doonayaa, wuxuuna ku cudurdaaranayaa "in ay tahay akhriste aad u fiican oo jecel suugaanta." Isla markaba, waxaan weyddiiyaa: "Adiguna? Akhriska ma jeclid miyaa?" Badankana jawaabtiisu waxay noqotaa: "dabcan akhriska waan jecelahay, laakiin waxaan ahay shakhsi mashquul badan." Waxaan maqlay sharraxaadaa tobannaan jeer: qofkaa iyo kumannaan la mid ah waxyaalo badan oo muhiim ah, waajibaadyo aad u badan, masuuliyado aad u badan oo ay qabtaan oo nolosha ah bay hayaan. sababtaas baanay u awoodin in ay wakhtigooda qaaliga ah ku lumiyaan sheeko, diiwaan gabay, ama curis sugaaneed saacado xidhiidh ah. Innagoo ka dab qaadanayna fahanbixintaa faaftay, akhriska suugaantu waa dhaqdhaqaaq aan daruuri ahayn, shaki kuma jiro in uu aad u sarreeyo oo waxtar u leeyahay in uu abqaalo dareen iyo habdhaqan wanaagsan, hasayeeshee asaas ahaan waa madadaalo, dadka keliya ee haysta wakhti ay madadaalo ku bixiyaan faakihaysi buu u yahay. Waa wax aan ka dhicin ciyaaraha, filinnada, ama ciyaarta biriijka ama jesta; waxana loo huri karaa labalabayn la'aan kolka uu qofku "horraysiinayo" shaqooyinka iyo waajibaadyada daruuriga u ah halganka nolosha.

Si cad bay ugu muuqataa in suugaantu ay in yar in yar isugu beddelayso dhaqdhaqaaq dheddig. Dukaannada maktabadaha, shirarka ama akhriska caamka ah ee qoraayada, iyo xataa qaybaha jaamacadda ee dedaalka ku bixinaya culuunta aadanaha, dumarku si cad bay tiro ahaan uga badan yihiin ragga. Fasiraadda aynu soojireen ahaan haysanno waa in dabaqadda dhexe ee dumarku ay in badan akhris sameeyaan, maxaa yeelay waxay shaqeeyeen saacado yar, sidaa darteed in badan oo ka mid ah waxay awoodaan in ay wakhti badan u gaaryeelaan si ay u akhriyaan buugaagta mala'awaalka ah iyo u banbaxidda dhalanteedka. Aniguna si waxaan uga xasaasiyadoonayaa sharraxaadaha ragga iyo dumarka u kala qaybinaya qaybo badan oo ay ka dhalanayso in mid kasta oo labada jinsi ka mid ah ka siibaysa samihiisa iyo iimiihiisa; hasayeeshee shaki ku ma jiro in ay jiraan akhristayaal aad u yar oo  suugaanta ah, inta akhristayaasha ah ee ka badbaaddayna dumar ayay u badan yihiin.

Ku dhowaad meel walba wuu ka jiraa kiiskani. Isbayn, tusaale ahaan, indha-indhayn ay sameeyeen Jimciyadda Guud ee Qoraayada Isbayn waxay tilmaamaysaa in kala badh dadka ku nool waddanku aanay weligood buug kala furin. Indha-indhayntu waxay xustay sidoo kale tiryarta wax akhrida, in dumarku 6.2 boqolkiiba korudhaafayaan ragga, kala duwanaanshahaasina xilliga ayuu la kordhayaa. Waan u faraxsanahay dumarkaa, xumaan baan se u dareemayaa raggaas, iyo malaayiinka dadka ah ee awooday akhriska hayeeshee go'aansaday in aanay akhris samayn. 

Diirnaxayga ayay mutaysteen, ma ahan in aanay ku baraarugsanayn farxadda ka maqan, hasyaeeshee, sidoo kale, sababtoo ah waxaan ku qanacsanahay in bulsho bilaa suugaan ah, ama bulsho suugaantii lagu quudhsaday—sida denbi qarsoon—haamishyada nolosha bulshada iyo shakhsiga ah, loona beddelay wax u eg kooxdiineed ay tahay bulsho si xooggan ugu khasban in ay ruux ahaan dugaag noqoto, bal e xorriyaddeedu halis ku jirto. Waxaan rejaynayaa in aan soo bandhigo doodo yar oo liddi ku ah fekradda tilmaamaysa in suugaantu ay tahay madadaalo tagtadii ah, iyo u tixgalinta in ay tahay mid ka mid ah shaqooyinka asaasiga ah ee caqliga, iyo dhaqdhaqaaq lamabeddelaan ah oo u qaabaynaya muwaaddiniinta bulsho casri ah oo dimuqraaddi ah, bulsho ay xor yihiin qofafkeedu.

Waxaynu nool nahay casriga gaaryeelidda aqoonta, horumarka weyn ee uu sameeyay sayniska iyo tiknoolajiyaddu awegeed iyo natiijada ka dhalatay u kala qaybinta aqoonta unugyo yaryar oo badan. Waxayna u badan tahay in dhankaa saqaafadeed uu korriin joogto ah ku jirayo sannaddada soo socda. Waxa hubaal ah in takhasusku uu keenayo faa'iidooyin badan. Wuxuu saamaxayaa daahfurro qotodheer iyo tajribooyin waaweyn; waa injiinka horusocodka. Iyadoo taasi jirto, haddana wuxuu leeyahay cawaaqib taban, wuxuu tirtirayaa sifooyinka fekerka iyo saqaafiga ah oo u samaxaysa ragga iyo dumarka in ay wada-noolaadaan, wada-xidhiidhaan, oo ay dareemaan midow. Takhasusku wuxuu keenayaa waayidda fahanka bulsheed, taasi waxay keenaysaa kala qaybinta basharka in uu u qaybiyo getowyo¹ farsamayqaanno iyo takhasusley ah. Takhasusyeelidda aqoontu luuqado gaar ah iyo astaamo dahsoon bay u baahanaysaa, iyo sidoo kale in ay xogtu noqonayso mid in aad u badan xaddidan oo kala firdhisan. Taasi waa takhasuska iyo kala qaybinta ay innooga digayaysay maahmaahdii qadiimka ahayd: "diiradda aad ha u saarin laan ama caleen, si aanad u illaawin in ay qayb ka yihiin geedka, ama diiradda ha saarin geedka si aanad u illawin in uu qayb ka yahay kaynta." Wacyiga ah in la joogo kayn wuxuu dhalaa dareen ku guudnimo, dareenka ku tirsanaantaasi oo bulshada isugu xidha si wadajir ah oo ka hortagaya in ay u kala firirsanaadaan qaybo badan oo anaaninnimo iyo khusuusiyado ah. Waxay abuuraan anaaniyaddaas ummadaha iyo shakhsiyaadku waallida islaweynida iyo burburka, foolxumaynta waaqaca taas oo dardargelinaysa necayb, dagaallo, iyo xataa gumaad.

Xilligeennan, suuragal u ma aha aqoonta iyo tiknoolajiyadda in ay is dhammaystiraan, sababtoo ah hodontinnimada aqoonta ee aan xaddidnayn iyo xawaaraha tadduwurkeeda, oo ay ka dhalatay takhasusaadyo iyo madmadawyadiis. Laakiin suugaantu waxay ahayd oo ahaanaysaa, ilaa inta ay jirto, mid ka mid ah dhufsanayaasha guud ee waaya'aragnimada aadanuhu ay wadaagaan, taas oo ay isku aqoonsanayaan aadanuhu nafahooda oo ay ka wada hadlayaan, ha kala duwanaato xirfadahoodu qorshayaasha noloshoodu, degaannadooda juqraafiyadeed iyo dhaqameed, xaaladahooda shakhsiyadeed. Waxay u oggolaatay dhammaan qofafka, dhammaan waxyaabaha ay ku takhasuseen noloshoodda, in ay kaga gudbaan taariikhda: sida akhristayaasha Cervantes, Shakespeare, Dante, iyo Tolstoy, waynu is fahmaynnaa inta lagu gudajiro goobta iyo goorta, waxaynuna dareemaynaa nafaheenna in aynu ahaanno xubno ka tirsan isku nooc maxaa yeelay, shaqooyinkaa ay halabuureen qoraayadaasi, waynu ka baranaynaa waxaynu wadaagno aadane ahaan, waxa si guud inoo hadhay dhammaanteen iyadoo ay jirto xaddi kala duwanaansho ah oo inna kala qaybinaya. Ma jiro wax ka wanaagsan oo aadane ahaan innaga ilaalinaya nacasnimada iilashada, cunsuriyadda, kooxaha siyaasadeed ama diineed, iyo qowminninada kooban ee had iyo gooraale ka soo muuqanaysa xaqiiqada suugaanta weyn: in raggaa iyo dumarkaa dhammaan qarammada iyo goobaha ay yihiin asaas ahaan kuwo siman, iyo in dulmigu keliya uu dhexdooda ka beerayo faquuq, cabsi iyo dhiigmiirasho.

Ma jiro wax ka wanaagsan suugaanta oo ina baraya in aynu aragno, hodontinnimada dhaxalka aadanaha, iyadoo ay jiraan kala duwanaanshaheenna isir iyo dhaqameed, iyo in aynu u qadarinno kala duwanaanshahaas sidiiyoo ay tahay astaan ka mid ah astaamaha halabuureed ee aadanaha wajiyada badan. Akhrinta suugaan wanaagsan waa waaya'aragnimo nayaayiro dabcan; sidoo kale waa tajribaynta barashada waxaynu nahay iyo sidaynu nahay, korranaanteenna insaaninnimo iyo nuqsaanteenna insaanninimo, iyo falalkeenna, riyooyinkeenna, iyo rooxaanaheenna, qudheenna iyo xidhiidhada innagu xidhaya cidaha kale, suuraddeenna caamka ah iyo suuraddeenna sirta ah ee qarsoon ee wacyigeenna.

Isugeyntan murugsan ee iska horimanaysa ee xaqiiqooyinka ah—sida uu tilmaamay Isiah Berlinwaxay qaabaynaysaa jowharka xaaladda aadanaha. Caalamka maanta, aqoontan gudaballaadhan ee nool ee aadanaha waxa laga yaabaa in laga helo suugaanta keli ah. Xataa lagamahelaan weeye laamaha kale ee culuunta aadanaha—falsafadda, taariikhda, ama funuunta, iyo hubanti laga ma helo culuunta bulshada—in ay ilaaliso aragtidam hufan iyo khidaabkan caalamiyaysan. Culuunta aadanuhu, sidoo kale, way isu dhiibtay kala qaybinta kansareed iyo u jajabinta aqoonta, naftoodiina waxay ku go'doomiyeen si isa soo taraysa waaxyo kala googgo'an iyo farsameed taas oo fekradahoodu iyo erayadooduba ay dhacaan in ka fog wadasheekaysiga ninka iyo naagta caadiga ah. Qaar ka mid ah naqdiyayaasha iyo aragticuriyayaashu waxay jecel yihiin in ay suugaanta u beddelaan saynis. Laakiin tani weligeed ma dhacayso, maxaa sababay mala'awaalku u ma jiro in uu wax ka baadho uun hal 'mandaqad' oo waaya'aragmimo. Waxay u jirtaa in ay hodontinnimayso dhammaan mala'awaalka nolosha aadanaha, taas oo aan la jarjari karin, gabal gabal loo yaryaryn karin, ama loo nuqsaamin karin taxanayaal qorshayaal iyo qaabab ah iyadoo aan meesha ka bixin. Tani waa micnaha indha-indhaynta Proust in "nolosha waaqiciga ah, ee iftiimaysa ee kashifan ugu danbayn, ay tahay nolosha keliya ee loo noolaanayo si dhammays ah." Ka ma uu badbadinayn, mana uu cabbirin keliya jacaylkiisa ku aaddan martiqaadkiisa. Wuxuu ahaa mid hore ugu soconaya soojeedintiisa gaarka ah taas oo ka dhalatay in ay tahay natiijadii suugaanta noloshu in si fiican loo  fahmi karo, si fiicanna loogu noolaan karo; iyo in nolosha la nool yahay ay u baahanayso in la noolaado oo lala wadaago dadka kale si dhammaystiran.

Dabarkaa walaaltinnimo, ee suugaantu ka dhidbayso aadanaha dhexdooda, ayaa ku shidaalinaysa in ay wadasheekaysi ka sameeyaan oo ku baraarugsanaadaan in ay asal guud iyo yool guud ay wadaagaan, si looga gudbo dhammaan caqabadaha kumeelgaadhka ah. Suugaantu waxay inoo raraysaa tagtadii, waxayna innagu xidhaysaa kuwii qorsheeyay, raaxaystay, riyoodayna xilliyadii tegay iyadoo u maraysa qoraalladii innaga soo gaadhay, qoraallada hadda inoo oggolaanaya in aynu raaxaysanno oo riyoonno. Dareenkaas ku abtirsanaanta waaya'aragnimada guud ee aadanaha ee goorta iyo goobta waa guusha u weyn dhaqanka, mana jiro wax ka qaybqaadanaya cusboonaysiinta jiil walba in ka badan suugaanta.

Badiyaa Boorkhees wuxuu ka cadhoon jiray in markasta la weyddiiyo "waa maxay faa'iidada ku jirta suugaanta" waxay ugu muuqatay su'aashaasi in ay tahay su'aal nacasnimo ah, oo wuxuuna kaga falcelin jiray: "ma jirto cid isweyddiinaysa adeegsiga heesta [shinbirta] Kanary ama qorraxdhac qurxoon." Haddii waxyaabahaa qurxoon ay jiraan, iyo haddii, nolosha wanaaggeeda ilbidhiqsina ha ahaadee ay tahay mid foolxumo yar ama murugo yar, miyaanay madhnaan ahayn in la baadigoobo hawl qiildayid ah? Hasayeeshee weyddiintaasi waa weyddiin fiican. Sheekooyinka iyo gabayadu ma ahan cod shinbireed ama eegmada qorraxda taas oo ka soo baxaysa korka, maxaa yeelay ku ma ay abuurmin fursad ama kansho. Waa halabuuurro aadane, sidaa awgeedna waxa sharciyayasan in aynu is weyddiinno sidii iyo sababtii ay ku yimaaddeen dunidan, iyo wuxuu yahay ujeedkoodu, iyo sababta ay muddo badan u sii jireen.

Shaqoyinka suugaaneed waxay ku dhasheen gudaha wacyiga qoraaga, sidiiyoo ay yihiin kuwo ah rooxaan bilaa qaab ah, waxayna u dhacaysaa iyadoo u maraysa quwadda duunka hoose, iyo xasaasiyadda uu qoraagu u hayo caalamka ku hareeraysan, iyo dareennada qoraaga; kuwaasina waa waxyaabaha qoraaga ama sheekatebiyaha ka dhigaya, mid loollan kula jira erayada, oo si tartartiib ah u siinaya qaab, jasad, dhaqdhaqaaq, habdhac, ishaysasho, iyo nolol. Nolosha dadsameega ah, hubaal, nolol la mala'awaalay weeye, waa nolol laga sameeyay luuqadmisana ragga iyo haweenku waxay raadinayaan nolosha dadsameega ah, qaar si joogto ah, qaar kalana si noqnoqosho ah, maxaa yeelay, nolosha dhabta ah way ku yar tahay, mana siinayso waxay doonayaan. Suugaantu ka ma bilaabanto in ay u jirto hal shaqo oo qof leeyahay. Waxay u jirtaa keliya markay kuwa kale dhisaan oo ay qayb ka noqoto nolosha bulsheed—kolka ay timaaddo, akhriska wanaaggiisa, waaya'aragnimo la wadaago.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee ay ku fiican tahay [suugaantu] waxay ku arooraysaa heerka afka. Bulshada aan lahayn suugaan qoran nafteeda waxay u cabbirtaa qaab aan xeeldheerayn, iyo hab aan hodontinnimo ku dhisnayn, iyo hannaan ay caddaanteedu yar tahay kolka lala barbardhigo bulsho mabda'eeda asaasiga ah ee lagu wada xidhiidho, ee erayga, la beeray oo la dhammaystiray jidka suugaanta qoran iyadoo loo marayo. Insaaninnimada bilaa akhriska ah, oo aanay suugaantu taaban, waxay u eg tahay bulsho dhego-afla' oo cilladda hadalka la nool, afkooda basiidka ah ee bilawga ah awgiisna la daalaadhacaya mushkilado waaweyn oo xidhiidhka ah. Tani way ku dhaboobaysaa sidoo kale qofafka. Qofka aan akhrin, ama in yar akhriya, ama akhriya keliya qashinka, waa qof lixaad la': wuu hadli karaa in badan laakiin wuxuu odhanayaa in yar, maxaa yeelay erayadiisu way ka nuqsaaman yihiin is cabiridda qofeed.

Tani keli ah ma ahan xaddidaad hadal. Waxay metalaysaa sidoo kale xaddidaad garaadka iyo mala'awaalka ah. Saban fudud waa saboolnimada fekerka, waayo fekraduhu, fahanbixinnadu oo aynu ku garanno siraha xaaladaheenna, erayada ka ma foga. Waxaynu ka barannaa suugaanta fiican, sidaynu si sax ah ugu hadalno—iyo si qotodheer, adag iyo xirfadeed—keli ah suugaanta fiican. Ma jiro takhasus ama laan ka mid ah funuunta oo geli kara booska suugaanta kolka la joogo farsamaynta afka ay u baahan yihiin in ay ku wada xidhiidhaan dadku. In aad si fiican u hadasho, iyo in aad u lahaato tasarrufaadkaaga af qani ah oo kala noocnooc ah, iyo in aad awood u lahaatid in aad heshid tacbiir sax ah fekrad walba iyo dareen walba oo aynu doonayno in aynu gudbinno, waxa wanaagsan in aad diyaar u ahaatid in aad fekertid, bartid, baratid, la sheekaysatid, iyo sidoo kale mala'awaashid, riyootid, oo dareentid. Hab qarsoon, erayadu waxay ka jabaqceliyaan dhammaan falalkeenna, xataa falalka u muuqda in ay si dhammaystiran uga fog yihiin afka. Horumarka uu afka samaynayo, wanaagga suugaanta awgeed, iyo in uu gaadhay heerar aad u sarreeya horukac iyo qurux ahaan, waxay koruqaadday suurtagalnimada raaxaysiga aadanaha.

Suugaantu waxay xataa u adeegtay in ay bixiso jacayl, rabitaan iyo fal jinsiyeed laftigiisa booskii halabuurka faneed. Suugaan la'aan, kacsigu ma jirayo. Jacaylka iyo farxaddu waxay noqonayaan kuwo aad u sabool ah, waxayna waayayaan dhimirsanaanta iyo layaabnimada, waxay ku fashilmaayaan in ay gaadhaan xoogga uu soo bandhigayo mala'awaalka suugaaneed. Ka badbadin mayno haddii aynu dhahno haddii lammaane akhriyay Garcilaso, Petrarch, Gongora, ama Baudelaire ay qiimaynayaan farxadda oo ay tijaabinayaan in ka badan dadka amuumanayaasha ah kuwaas oo ay taxanayaasha telefishannadu u beddeleen doqonno. Caalam ummi ah, jacaylka iyo rabitaanku ka ma duwanaanayaan waxa raalligeliya xoolaha, kamana gudbayaan buuxinta bahalnimada ah ee rabitaannada bilawga.

Warbaahinta daawasho-dhegaysiga ah ma ahan agab beddelaya suugaanta shaqadan la barayo aadanaha in ay u adeegsadaan qaab kalsooni iyo xirfad leh suurtagalnimooyinka cajiibka ah ee faneed ee luuqaddu ay koobsanayso. Caksiga, warbaahinta daawasho-dhegaysiga ah waxay u janjeedhaa in ay erayada u rarto heer labaad iyadoo la ixtiraamayo sawirrada, taas oo ah luuqadda asalka ah ee warbihannadaas, iyo in ay luuqadda ku koobto tacbiirkeeda afeed, xadkeeda u hooseeya, marka in fog laga yimaaddo fogaanshaheeda qoran. In lagu qeexo "suugaaneed" filin ama barnaamij telefishan waa hab ilbaxnimo ah oo loo soo bandhigayo in uu yahay caajis. Sabataas, barnaamijyada suugaaneed ee idaacadda ama telefishanka waxa dhif iyo naadir ah in ay soo jiidato dadweynaha. Inta aan ka ogahay, kan keliya ee laga reebi karo xeerkaa waa barnaamijkii Bernard Pivot, Hamsayaasha, ee Faransiiska. Tanina waxay igu hagaysaa in aan ka fekero in suugaantu keli ahi aanay daruuro ahaan aqoonta dhammays tirin iyo ka soo dhalaalidda dhammayska tiran ee afka, hasayeeshee masiirkiisu sidoo kale wuxuu ku xidhan yahay qaab aan la kala saari karayn masiirka buugga, waxsoosaarkaas warshadeed taas oo ay kuwo badan hadda u iclaaminayaan in ay tahay qadiimi.

Tani waxay isoo xasuusinaysaa Bill Gates. Wuxuu ku sugnaa Madrid wakhti aan sii fogayn wuxuuna booqday Akadeemiyadda Boqortooyada ee Isbaanishka taas oo jidaysay mashruuc ay wadagaan Maykrasoft. Waxa ka mid aha areimaha kale, Gates wuxuu shakhsi ahaan u dammaanadqaaday xubnaha Akadeemiyadda in xarfaha "fl" weligood aan laga saari karin softiweerka kumbiyuutarka—waana ballanta u saamaxday afar boqol oo milyan oo Isbaanishka ku hadla oo ku kala nool shanta qaaradood in ay neefsadaan neefta raysashada, haddii laga fogayn lahaa xarafkaas asaasiga ah saaxadda elektaroonigga waxay abuuri lahayd mushkilado waaweyn. Iyadoo taasi ay jirto, si toos ah ka dib tanaasulkiisii wanaagsanaa ee afka Isbaanishka, Gates wuxuu iclaamiyay xataa ka hor tegitaankiisii, kulan saxaafadeed oo uu filayo in uu xaqiijiyo yoolkiisa ugu sarreeya ka hor inta aanu dhiman. Wuxuuna caddeeyay in yoolkaasi yahay in uu xad u yeelo warqadaha ka dibna buugaagta.

Aragtidiisa, buugaagtu waa shay qadiimi ah. Wuxuu ku dooday Gates in shaashadaha kumbiyuutarku ay awoodaan in ay beddelaan dhammaan shaqooyinka ay hadda ka hor hayeen. Wuxuu sidoo kale ku dhiirraday in, iyadoo taa lagu daray in ay ka daal yar tahay, kumbiyuutarradu waxay qaataan bannaan yar, waxayna yihiin kuwo si fudud loo qaadan karo; sidoo kale in lagu gudbiyo wararka iyo suugaanta warbaahinta elektaroonigga ah, beddelkii wargeysyada iyo buugaagta, waxay yeelanaysaa faa'iido degaaneed oo ah in ay joojiso burburka kaymaha, waana aafo ka dhalatay shirkadaha warqadaha sameeya. Dadku way ku soconayaan in ay akhriyaan, Gates wuxuu uhubiyay dhegaytayaashiisa, in ay akhriska ku sii wadayaan shaashadaha kumbiyuutarka, sidoo kalana waxa jiraya in degaanku kaloorafiil badan yeelanayo.

Ma joogin hadalkaa yar ee Gates; waxaan ka ogaaday tafaasiishaas saxaafadda. Haddii aan halkaa joogi lahaa waan ku foorin lahaa Gates sheegashadiisa yaxyaxa ah ee niyaddiisa ah in uu aniga iyo saaxiibbadayada, qoraayada buugaagta, si toos noogu tuuro khadka shaqala'aanta. Si adagna waan uga hor iman lahaa taxliilkiisaas. Ma awoodaa dhab ahaantii in shaashaddu ay beddesho buugga dhammaan dhinacyadiisa? Aad u ma hubo. Waxaan si rasmi ah ugu baraarugsanahay kacdoonka weyn ee ay tiknoolajiyadaha cusub sida Internetka ay ku sababtay majaalaadka wada xidhiidhka iyo isweydaarsiga xogaha, waxaanan qirayaa in internetku uu ii siinayo caawimaad aan lagu beddelan karin lacag maalin walba shaqadayda; hasayeeshee mahadnaqayga ku aaddan fududeeyayaashaas aadka u sarreeya ma keenayso aaminaad ah in shaashadaha elektarooniggu uu galayo booskii warqadaha, ama ka akhrinta kumbiyuutarka ay galayso booskii akhriska suugaanta. Taasina waa xujo aanan ka gudbi karin. Ma aqbali karayo fekradda ah falka akhris ee aan shaqaynayn ama dhaqangalka ahayn, kan aan baadhayn macluumaad ama wada xidhiidh faa'iido leh oo degdeg ah, waxa suuragal ah in ay isku qasto shaashadda kumbiyuutarku riyooyinka iyo farxadda erayada isla dareenka gacaltinnimada. Isla diirad saarista caqliga ah iyo keli ahaanshaha ruuxiga ah taas oo lagu xaqiijin karo akhrinta buug.

Waxa laga yaabaa in janjeedhkaasi uu ka dhashay tijaabin la'aanta, iyo midowga dheer ee aan la yeeshay suugaanta, iyo buugaagta iyo warqadaha. Inkastoo aan ku raaxaysto in aan ka baadho Webka wararka caalamka, hasayeeshee weligay u ma tegayo in aan ka akhristo shaashadda gabay uu leeyahay Gongora ama sheeko uu qoray Onetti ama curis uu iska leeyaahay Paz, maxaa sababay waxaan hubaa in saamaynta akhris noocaas ah aanu isla samayntiisii yeelanayn. Waxaan ku qanacsanahay, inkastoo aanan caddayn karin, in qarsoonaanta buugaagtu, suugaantu ay la kulmayso darbad halis ah, xataa mid dil ah. Eraybixinta "suugaan" ma qarsoomayso, dabcan. Iyadoo taasi jirto haddana ku dhowaad hubaal waxa loo adeegsan doonaa in ay tilmaanto nooc ka mid ah naska oo ka fog sidaynu u fahmaynno suugaanta maanta sida taxanayaasha ka yimi tiiraanyooyinka Sophocles iyo Shakespeare.

Sabab kale oo muhiim ah baa weli jirta oo nolosha ummadaha suugaanta siinaysa boos muhiim ah. La'aanteed, caqliga naqdiga ah, oo ah mashiinka dhabta ah ee isbeddelka taariikheed iyo ilaaliyaha u wanaagsan ee xorriyadda wuxuu la rafaadayaa khasaare aan laga soo kaban karin. Tan maxaa sababay suugaanta wanaagsan waa tan raadhikaal ka ah, sidoo kalana su'aalo raadhikaal ah ka keenaysa oo ku saabsan caalamka aynu ku nool nahay. Dhammaan qoraallada suugaaneed, badanaa iyagoon qoraayadeedu ujeeddo ka lahayn, waxa jira leexasho kicin ah.

Suugaantu waxba ma dhahdo aadanaha raalli ku ah nasiibkooda, oo ku qanacsan nolosha ay nool yihiin sida ay u nool yihiin. Suugaantu waa quudka ruuxda fallaagga ah, ku baaqaha leexashooyinka, iyo hoyga kuwa haya in badan ama in aad u yar nolosha. Qofku wuxuu ka baadhayaa meel uu u baxsado suugaanta si aanu u noqon mid aan faraxsanayn iyo si aanu u noqon mid aan dhammaystirnayn. In aynu la fuulno Rocinante ka taagtadaran iyo Faraska dawakhsan beeraha La Mancha, iyo si loola dabbaasho badaha dhabarka xuutka oo uu weheliyo Kabtan Ahab, iyo si loola cabbo sharaabka sarniikha Emma Bovary si aan ula noqonno cayayaan Gregor Samsa ah: kuwaasi dhammaan waa hababka aynu ikhtiraacnay si aan nafaheenna uga saarno khaladaadka iyo qaadashooyinka noloshan dulmiga ah, nolol inagu cadaadinaysa had iyo jeeraale in aan noqonno isla shakhsigii kolka aynu doonno in aynu noqonno shakhsiyaad kala duwan, si aan isugu qancinno rabitaannada tirada badan ee aynu doonno.

Suugaantu waxay dajinaysaa quusashadaas keliya ilbidhiqsiyo—laakiin ilbidhiqsigaas mucjisada ah iyo  faalladaa kumeelgaadhka ah ee nolosha, dhalanteedka suugaaneed ah wuxuu inoo rarayaa oo inoo qaadayaa debedda taariikhda, waxaynuna noqonaynaa muwaaddiniin ku sugan dhul waaraya, jidkaas ayaynunu ku waaraynaa. Waxaynu noqonaynaa kuwo cufnaan, hodontinnimo, murugsanaan, farxad, iyo caddaan badan waxaynu kaga sugannahay rootiinka noloshan caadiga ah ee dabran. Marka aynu xidhayno buugga oo xannibayno mala'awaalka suugaaneed, waxaynu dib u soo celinaynaa jiritaankeenna dhabta ah waxaynuna la barbardhigaynaa dhulkii wanaagsanaa ee aynu ka tagnay. Maxaa quus inna sugaysa! Iyadoo taasi weheliso, garasho weyn baa ina sugaysa, gaar ahaan, in nolosha la mala'awaalay ee sheekada ay ka wanaagsan tahay—ka qurux badan tahay, ka kaladuwanaasho badan tahay, ka fahan iyo dhammaystirnaan badan tahay—nolosha aynu noolnahay kolka aynu soo toosno, nolol ku shuruudaysan xuduud iyo caajisnimo. Qaabkaa, suugaanta fiican, suugaanta daacadda ah, had iyo jeeraale waa mid wax burburinaysa, aan muddeec ahayn, fallaag ah: ka soo horjeedda waxa jira.

Sidee baynaan u dareemayn khiyaano ka dib kolka aynu akhrinno Dagaal iyo Nabad ama Xuska Waxyaalihii Tegay iyo dib ugu noqonno caalamkeennii ka buuxay tafaasiisha aan muhiimka ahayn iyo xuduudda iyo reebitaannada ina sugaysa meel walba, taas oo ina fasahaadinaysa dhalanteedkeenna tallaabo walba? In ka badan inta baahi loo qabo joogtaynta saqaafada iyo hodontinnimaynta afka, ka qaybqaadashada u weyn ee suugaanta ee horusocodka aadanaha waxa lagayaabaa in ay ina xasuusiso (iyadoon ujeeddo laga lahayn, badi xaaladaha) in caalamku si xun uu u samaysmay; iyo kuwo iska dhigaya caksiga, kuwa awoodda iyo nasiibka leh, been bay sheegayaan; iyo in erayga la horumarin karo, oo laga dhigo karo mid u eeg caalamka uu awoodo khayaalkeennu luuqaddeenuna ay awooddo in ay curiso. Bulshada dimuqraaddiga iyo xorta ah waa in ay leeyihiin muwaaddiniin masuuliyiin iyo naqdiyayaal ah oo ku baraarugsan baahida in la baadho erayga aynu u la qabsannay si joogto ah iyo in aynu isku dayno, inkastoo ay aad iyo aad u tahay shaqo aan suuragal ahayn, si looga dhigo mid u dhaw caalamka aynu doonayno in aynu degno. Sidoo kale ma jirto jid ka wanaagsan si loo dhiso muwaaddiniin naqdiyayaal ah oo madaxbannaan oo aanay ku ciyaari karin qolyahaa talada haya, oo ku raaxaysnaya dhaqdhaqaaq ruuxi ah oo joogto ah iyo mala'awaal firfircoon.

Weli, in loogu yeedho suugaanta mid kicin ah maxaa yeelay waxay ku kicinaysaa wacyiga qoraaga ceebaha caalamka ka ma dhigna—sida kaniisadaha iyo xukuumadaha mid u fekeraysa in ay ka dhigan tahay kolka ay dhisayaan faafreeb—in qoraallada suugaaneed ay kicinayaan khalkhallo bulsheed oo degdeg ah ama ay karaarinayaan kacdoonno. Saamaynta bulsheed iyo siyaasadeed ee gabayga, masrixiyadda, ama sheekada lama saadaalin karo, maxaa yeelay si wadajir ah loo ma samayn ama la ma tijaabin si wadajir ah. Waxa loo abuuray qofaf waxana akhrinaya qofaf, si weyn bay ugu kala duwanaanayaan gungaadhayada ay samaynayaan qoraalladooda iyo akhriskooda. Sababtaa darteed, way adag tahay, amaba xataa waa mid aan suuragal ahayn, si loo abuuro noocyo xaddidan. Intaa waxa dheer, saamaynta bulsheed ee shaqo suugaan xidhiidh la ma laha tayadeeda quruxeed. Waxay u muuqataa in sheekada Harriet Beecher Stowe ee liidata ay ka ciyaartay door jaango'an koruqaadidda wacyiga bulsheed iyo siyaasadeed bahalnimada addoonnimada ee Maraykanka. Iyo xaqiiqada ah in la xaddido saamayntaas suugaan way adag tahay in la qeexo ka ma dhigna jiritaan la'aanteeda. Qodobka ugu muhiimsan waa saamaynno ka dhashay falalka muwaaddiniinta taas oo ay ku qaabaysantay shakhsiyaadkoodu qayb ka mid ah jidka buugaagta.

Suugaanta fiican, inkastoo ay si kumeelgaadh ah uga yarnayso aadanaha quusta, dhab ahaantii way ku siyaadinaysaa, iyadoo horumarinaysa maanhag naqdis iyo fallaag ah oo ku aaddan nolosha. Waxa la odhan karaa suugaantu dadka waxay ka dhigtaa mid aan faraxsanayn. In loo nolaado sidii mid aan qanacsanayn, ama dagaal jiritaan ku jira, waa in la raadiyo waxyaalo aan ka jirin halkaa, iyo in aad naftaada ku xukuntid dagaallo madhalays ah, sida dagaallada uu galay Colnel Aureliano Buendia Boqol Sannadood oo Cidla'joog ah, isagoo si fiican ogsoon in uu ku guuldarraysanayo dhammaantood. Dhammaan waxa laga yaabaa in ay yihiin run. Iyadoo taasi jirto haddana waxa sax ah haddii aan lagu fallaagoobin daciifnimada iyo niyadjabka nolosha, waxaynu noolaan lahayn xaalad bilaw ah, taariikhduna way istaagi lahayd. Suuragal ma aha in la abuuro qof madaxbannaan, sayniska iyo tiknoolajigu ma horumarinayaan, xuquuqda aadanaha la ma aqoonsadeen, xorriyaddu ma jirteen. Dhammaan waxyaabahaasi waxay ka dhasheen farxad la'aan, falalka iskacaabbinta ah ee nolosha ee ay tahay nolol loo aqoonsaday in ay tahay mid aan dhammaystirnayn ama loo dulqaadan karin. Ruuxdaas u xaqiraysa nolosha siday tahay—sidoo kalana baadhaysa waallida Don Quixote, oo waallidiisa ka keenay akhrinta sheekooyinka shifarligga² ah—suugaantu waxay ahayd sida dhiirrigaliye weyn.

Aynu iskudayno in aynu dib u soo celinno dhisme taariikheed oo cajiib ah. Aynu suuraysanno caalam bilaa suugaan ah, dadnimo aan akhrin gabayada iyo sheekooyinka. Nooca xaddaraddan daciifka ah, erayadeeda liidata taas oo taahy iyo gunuunuca isu eg uu ka sarreeyo erayada, ma jirayo astaamo xaddidan. Sifooyinkaas waxa ka mid ah: khayaali, Kafkaawi, Rebelaisiyaan, Orweelliyaan, saadiyada, iyo masookhiyada, dhammaan eraybixinnada suugaaneed asalka ah. Waxa hubaal aha, in ay jiri doonaan dad walaalan, iyo dhibbanayaal waallida isla-weynida ah iyo cuqdadda cabbudhisnaanta, iyo dad amateed aan caadi ahayn leh iyo dheeraadyo amakaag leh, iyo lugaley ku raaxaysanaya ama qaabbilaya xanuunka. Laakiin ka ma aynaan baran in aynu aragno, ka gadaal habdhaqannadaas xagjirka ah ee ay reebayaan halbeegyada saqaafaddeennu, astaamaha asaasiga ah ee xaaladda insaaniga ah. Ma aynaan daahfurin astaamaheenna gaarka ah, haddii aanay noo daahfurin hibooyinka Cervantes, Kafka, Rabelais, Orwell, De Sade iyo Sacher-Masoch.

Kolkii ay soo baxday sheekadii Don Quixote de la Mancha, qoraayadeedii hore way ku jeesjeeseen, riyoodahan xadkabaxa ah, iyo sidoo kale shakhsiyaadka hadhay ee sheekada. Maanta waxaynu u ogsoonnahay dhiirranaanta caballero de la triste figura sida loo arkayo waaweynka halka ay joogaan mashiinnada dabayshu iyo u dhaqmiddiisa hab liidata, dhabtii waa qaabka ugu weyn ee deeqsinnimada iyo hab la iskaga caabbinayo niyadjabka caalamkan iyo rejada beddeliddiisa. Mafaahiimteenna mala'abbaarka ah, iyo mala'abbaarnimada, oo ay ka soo muuqanayso ur akhlaaqeed oo togan, ma noqonayo waxay yihiin, ma noqonayso wax cad oo la ixtiraamo qaayasoorradeeda haddii aanay ku qaabayn geesiga sheekada hab qancin ah iyadoo loo marayo. Waxa la odhan karaa isla shaygaas gabadhaas yar ee waaqiciga ah ee Quixote, Emma Bivary, taas oo aad ugu dagaallantay in ay noolaato nolosha xamaasadda iyo barwaaqosooranka oo ku ogaatay iyadoo u maraysa sheekooyinka. Sida balanbaalista, waxay aad ugu dhowaatay holaca dabadeedna dabka ayay ku gubatay.

Halabuurrada dhammaan shaqooyinka suugaaneed waxay inoo furayaan indhaha dhinacyo badan oo aynaan ka ogayn xaaladaheenna. Waxay inoo saamaxayaan in ay daahfuraan oo si dhammaystiran u fahmaan jaxiimada guud ee aadanaha. Marka aynu leennahay "Boorkheesiyaan," eraygu wuxuu si degdeg ah ugu soo xaadirayaa in aynu ka saarno nidaamka caqlaaniga ah ee waaqaceenna, gelitaanka caalam cajiib ah, waa dhisidda caqli kakan oo cajiib ah, ku dhawaad halxidhaale ah oo dahsoon oo ka buuxa tixraacyada suugaaneed iyo fekereed, kuwaas oo gaar ahaanshaheedu ay qaloodi innagu tahay maxaa sababay waxaynu qiraynaa rabitaannada qarsoon iyo xaqiiqooyinka qotodadheer ee  shakhsiyadaheenna taas oo ku qaabaysantay wanaagga halabuurka Jorge Luis Borges. Erayga Kafkaawi wuxuu ku soo dhacayaa maskaxda, sida agabka diirad saaridda kuwa sita ee kaamaradaha qadiimka ah oo ku sudhan garbaheeda, mar kasta oo aynu dareenno haddidaad sida kuwo ku go'doonsan, oo ay cadaadiyeen agabyada cadaadiska ah ee awoodda oo ay sababtay xanuun iyo caddaaladdarro caalamkan casriga ah—nidaamyada kelitaliska ah, xisbiyada toosan, kaniisadaha casabiyiinta ah, iyo buruqraaddiyiinta ceejiyayaasha. Haddii aanay jiri lahayn sheekooyinka gaagaaban iyo riwaayaatka Yuhuudigaa cadaaban ee Baraag ka yimi ee ku qoray af Jar badankana noolaaday isagoo laa baadigoobayo, ma aannu awoodin in aanu fahanno dareenka caajiska uu dareemayo qofka go'doonsan, ama argaggaxa tirayarta la faquuqay ee la soocay ee ay waajahayaan. Awoodda gudaballaadhan ee ay suuragal tahay in la burburiyo oo laga takhalluso iyadoo aan la gacansaar la lahayn ama xataa aan soo muujin wajiyadooda.

Sifada "Orweelliyan," waa inaadeerta "Kafkaawi," waxay siinaysaa cod xanuun argaggaxa leh, iyo dareemidda maalayacnimada xadkabaxa ah, taas oo ay dhashay diktaatooriyadaha totaalitariyaanka ah ee qarniga labaatanaad, diktaatooriyadaha ugu tadduwarka badan, bahalnimada badan, ugu xukun siidayn badan, kaantaroolidda falalka iyo nafsadaha xubnaha bulshada ka tirsan. Sida ku  xusan1984 George Orwell wuxuu ku sifeeyay jawiyo qabow oo cabsi leh insaanka u dulman Walaalka Weyn, mudanaha hortaybannaanka ah kaas oo, isagoo isku qasay argagaxisada iyo tiknoolajiyadda, ka takhallusay xorriyadda, iyo sinnaanta oo bulshadiina u beddelay shinni ka kooban aalado. Caalamkan cabsida ah, luuqaddu waxay addeecaysaa awoodda, waxana loo beddelayaa "luuqadda-cusub"; oo laga nadiifiyay curin iyo mala'abbaarnimo walba, waxay isu beddeshay silsilad madhnaan ah taas oo dammaanad qaadaysa addoonnimada qofka ee nidaamka. Waa sax sadaalinta xumaha ah ee1984 in aanay xaqiiqoobin, shuuciyaddii totaalitaariyaanka ahaydna ee Midowga Sofiyeeti ay u hoyatay jidkii totaalitaariyanka Faashiyadda ahayd ee Jarmalka iyo meelo kale; waxay bilaabaysaa wakhti gaaban ka dib in xaaladda Shiinuhuna dibunoqosho ayay bilawday iyo sidoo kale Kuuba iyo Kuuriyada Waqooyi oo sebenku cafiyay. Hasayeeshee halistu weligeed ma burburin, erayga "Orweelliyaan" weli wuu sii soconayaa si ay u sifayso halista, iyo si ay inooga caawiso si aynu u fahanno.

Sidaa darteed suugaanta aan waaqaca ahayn, iyo beentiisa, sidoo kale waa hab qaali ah si loo ogaado xaqiiqooyinka insaaniga ah ee qarsoon. Xaqiiqooyinka uu had iyo jeeraale kashifayaa ma ahan mid fiican; mararka qaarna sawirka  nafteenna ah ee ka soo muuqda muraayadaha sheekooyinka iyo suugaanta waa sawirka waxshiga. Tani waxay dhacdaa marka aynu akhrinno gawraca jinsiyeed ee bahalnimada ah ee uu mala'awaalay de Sade, ama kala jarjarka iyo bahalnimada nafhurka ah taas oo ka buuxda buugaagta Sacher-Masoch iyo Bataille. Mararka qaar mashhadku wuxuu noqonayaa mid waxshinnimo ah iyo bahalnimo ah heer aan la iska caabbin karin. Hasayeeshee tan ugu xun bogaggaas ma ahan dhiigga, liididda, iyo jacaylka dullaynta ah ee caddibitaanka; tan ugu xun waa in la daahfuro in cunfigaas iyo xadgudubkaasi ay yihiin kuwo aanay soogalooti innagu ahayn, iyo in ay yihiin qayb qotodheer oo insaanninimada ah. Wuxuushaas u hammuun qabta in ay xadgudub samayso waxay ku qarsoon yihiin gudaha ahaanshiiyaheenna; iyo hadhka ay ku nool yihiin, waxay raadinayaan fursad ay isku soo muujiyaan, si ay ku khasbaan xukunka rabitaanka ee burburinaya caqlaaniyadda, bulshada, iyo xataa jiritaanka. Mana ahan saynisku kii ugu horreeyay ee galay boosaskaas mugdiga ah ee caqliga aadanaha, wuxuuna daahfuray awoodaha burburinta iyo naf burburinta taas oo sidoo kale ina qaabaynaysa. Waxay ahayd suugaan wixii taas sameeyay. Caalam bilaa suugaan ah wuxuu noqonayaa mid qayb ahaan ka indhala' qotodheeridaa layaabka leh, taas oo aynu u baahannahay si dedeg ah ugu baahannahay jn aynu aragno.

Bilaa xaddaarad ah, barbari ah, ka madhan dareenka iyo hadalqallafsanaanta, jaahil iyo qariisi ah, aan u dhigmin caaddifadda oo ku qallafsan jacaylka, caalamkan bilaa suugaanta ah, cabsidan aan sawirayo, waxay noqonaysaa astaamihiisa ugu muhiimsan in uu u hoggaansamo iyo isu hoosdhigiddaa caalamiga ah ee aadanuhu awoodda u samaynayo. Nuxurkaa, wuxuu noqonayaa sidoo kale caalam xayawaani ah oo badhaxtiran. Arrimaha ku saabsan baahiyaha asaasiga ah waxay jaangoynayaan tijaabooyinka maalinlaha ah ee nolosha ku suntan halganka naflabaxsadka, iyo ka baqitaanka waxa maqan, iyo haqabtirka baahiyaha jidheed. Ma jirayo boos uga bannaan ruuxda. Caalamkan, intaa in ka badan, caajiska noloshan burburka ah waxay noqonaysaa iyadoo lagu ladhay hadhka niyadjabka ee quusta, iyo dareemitaanka nolosha insaaniga ah waa waxay tahay in ay qabato, iyo sidoo kale in ay sidaas ahaato, iyo in aanu qof iyo waxana beddeli karin.

Kolka uu qofku malaynayo caalamkaa, wuxuu u janjeedhaa sawirashada dad bilow ah oo sita dharka loynka³ bulshooyinka diiniga ah ee sixirka ah ee yaryar ee ku nool cagadhigyada ilbaxnimada Maraykanka, Oshiyeeniya, iyo Afrika. Laakiin waxaan maskaxda ku hayaa fashil kala duwan. Cabsida aan ka digayaa ma ahan natiijada dibdhaca balse waa natiijada horumarka saa'idka ah. Natiijo ka dhalatay tiknoolajiga iyo u nuglaanshaheeda, waxaynu sawiran karnaa mustaqbal bulshadu ay tahay kuwo wada hasyta shaashadaha kumbiyuutarka iyo sameecado, iyo bilaa buugaag ah ama bulsho buugaagtu—yacnuu shaqooyinka suugaanta—sida ay noqotay alkimiistaha xilliga fiisigiska: faduulnimo sebenku cafiyay, oo ay dhaqangalinayso tiryar casabi ah ee iilka warbaahinta xaddaaradda. Waxaan ka baqayaa caalamkan sayberneetigga ah, barwaaqadiisa iyo awooddiisa, iyo mustawaha maciishaddiisa sarraysa iyo waxqabadkiisa cilmiga ah, mid aan xaddaari ahayn ilaa xad, gebiahaanna bilaa ruux ah—waa aadannimo isudhiibtay qalabyada suugaanta ka dib taas oo ka xorowday xorriyadda.

Dabcan, aad baan loo qaadan karin, in ay xaqiiqowdo magaaladan yuutoobiyada ah ee la yaabka leh. Dhammaadka sheekadeenna, dhammaadka taariikhdeenna, weli la ma qorin, welina la ma xaddidin. Waxa aan noqon doonno wuxuu ku xidhan yahay si dhammaystiran hirkeenna iyo rabitaankeenna. Hasayeeshee haddii aan doonno in aan ka hortagno in aan saboolaynno riyadeenna, iyo in aan qarinno quusta qaaliga ah taas oo nadiifinaysa dareennadeenna oo ina baraysa si aan ugu hadalno codkarnimo iyo adayg, iyo daciifinteenna xorriyadda, waa in aan dhaqdhaqaaqnaa. Si ka xeeldheer waa in aan wax akhrinno.

_____________

¹waa xaafado caasimad ka tirsan oo ay dad badan oo hal isir ah ay ku nool yihiin. 
²waa nin daacad, naxariis, iyo xushmad u muujiya haweenka. Dhanka kale, waxay tilmaamaysa qofka leh astmaaha shifarliga iyo fardafuulnimada Cusuurtii Dhexe.
³dharka cawradu waa dhar ay mararka qaar raggu xidhaan oo lagu asturo cawrada, oo lagu xidho waddamada cimilo ahaan kulul.


Comments

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn