Buugaagta ugu fiican ee Qaanuunka
Qaanuunku wuxuu door ka ciyaaraa; in bulshadu xasillooni siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsheed ay ku sugnaato; in xadgudubka iyo dulmiga lagu yaqaanno aadanaha uu xaddido ama xakameeyo; in uu qalalaasaha iyo iskudhacyada ka hortago. Qaanuunku keligii ma taagna wuxuu xidhiidh la leeyahay maaddooyinka culuunta aadanaha sida falsafadda, fanka, taariikhda, cilmiga bulshada, kasmanafeedda, afka iyo dhaqaalaha. Isagoo la falgalaya maaddooyinkaa ayuu bulshada u qabtaa in ay xaqiijiso ku noolaanshaha nabad iyo qalaalase la'aan.
Qaanuun haddii aynu ka hadalno mawaadiicda uu tooska u taabanayno waxa ka mid ah: caddaaladda iyo akhlaaqda. Faylasuufyo badan waxay ku doodeen in qaanuunku shaqada asaasiga ah ee ay tahay in uu qabto waa in uu caddaalad ka hirgaliyo bulshada dhexdeeda (social justice). Aristotle iyo Roscoe Pound oo aynu tusaale u soo qaadan karno ayaa iyaguna ku dooday in qaanuunku hadafkiisa asaasiga ah ee uu beegsanayaa ay tahay in bulshadu caddaalad iyo xaqsoor buuxa ay ku wada noolaato. Caddaaladdu waa isu dheellitirnaan iyo in aanu qofku cid kale u janjeedhsan; in uu yahay mabda'yada asaasiga ah ee ugu muhiimsan ee ay tahay in uu qaanuunku ka duulo ayay xuseen faylasuufyadaasi.
Wargeyska The Guardian oo ka mid wargeysyada ugu muhiimsan ee Galbeedka ka soo baxa ayaa wuxuu soo bandhigay buugaagta ugu fiican ee ay tahay in uu akhristo ardayga danaynaya ama dhigata qaanuunka, waxayna kala yihiin buugaagta uu soo jeediyay:
1. Sarraynta Sharciga - Tom Bingham
Buugga Bingham ee "Sarraynta Sharciga" wuxuu u xushay wargeysku in uu yahay kan ugu horreeya ee uguna fiican ee helay soojeedinaha ugu wanaagsan. Wuxu ka warramayaa buuggu fekradda sarraynta sharciga ee dawladda iyo ilbaxnimada casriga ahi ay ku dhisan tahay iyo qeexitaankeeda. Wuxuu caddaynayaa in sarrayntu sharcigu aanay ahayn keli ah aragti, laakiin ay tahay asaaska iyo unugga u horreeya in la helo bulsho xaqsoor ku dhisan. Dhanka kale, wuxuu si kooban uga warramayaa khalfiyadii taariikheed ee sarraynta sharciga, muhiimaddeeda iyo horumarradii kala duwanaa ee uu sameeyay.
Garsoore Bingham wuxuu intaa ka dib u gudbayaa mabda'yo qaanuuni ah oo uu ku jidibixiyay buuggiisa, waxaynu ka xusi karnaa mabda'yadaas: in qaanuunku caddaaladda ka shaqeeyo, in uu sinnaanta xoogga saaro, in laga helo xuquuqda aadanaaha ee asaasiga ah, in uu xalliyo murannada iyo qalaalasaha, in la helo garsoor caddaalad ku dhisan, in uu waafaqayo xeerarka caalamiga ah iyo kuwo kale.
2. Dhanbaallo ku socda Arday Sharci - Nicholas McBride
Buugaagta ugu fiican ee hordhaca ah ee aad u anfacaya cid walba oo danaynaysa qaanuunka in ay dhigato ayuu ka mid yahay. Wuxuu si heersare ah ugu soo gudbinayaa dhammaan ardayda xiisaynaysa qaanuunka wixii ay uga baahnaan lahaayeen, isagoo fahan guud ka siinaya waa maxay qaanuunku, sababaha ay muhiimka u tahay dhigashadiisa, senennada ku saabsan dhigashada qaanuunka iyo qodobbo kale oo muhiim ah. Hordhac faa'iido leh buu qaanuunka ka bixinayaa.
3. Barashada Qaanuunka - Glanville Williams (ATH Smith)
Waxsoosaarkani wuxuu fahan iyo iftiimin ka siinayaa cid walba oo bilaw ah waxay uga baahan tahay hababka dhigashada qaanuunka. Wuxuu si ballaadhan uga caawinayaa xirfadda qaanuunka iyo ilahiisa. Waxa lagu tilmaama in uu yahay buugaagta "soyaalka" (classic) ee qaanuunka ku saabsan iyo kan loogu adeegsiga badan yahay ee ugu "asalsan". Daabacaddiisii kowaad iyo labaad waxay soo baxday 1945. Jaamacadda Landhan oo tixglin siisay buugga waxay ku dhiirrisay in ay ardaydeedu ay akhriyaan. waa buug muhiim ah.
5. Qaanuunka Ka Warran? - Catherine Barnard
Buuggan akadeemiyadda Catherine Barnard baa qortay oo ah barafisoorad ku takhasustay Qaanuunka Yurubiyaanka iyo Shaqaalaha ah. Hordhac micne iyo faa'iido leh buu kaa bixinayaa qaanuunka. Wuxuu lafagurayaa oo isku dayayaa in uu jawaab ka bixiyo waa maxay qaanuunku, sidee buu horumar ku sameeyay, sidee se garsoorradu u fasiraan. Cid walba oo danaynteedu ku tacalluqdo majaalkan wuxuu u noqonayaa hordhac iyo bidhaamin gudaballaadhan oo loogu gogolxaadhayo qaanuunka wixii ay uga baahnaan lahaayeen in ay ka ogaadaan.
6. Xaawo Way Dabranayd - Helena Kennedy
Waxaynu xusnay in qaanuunku uu si toos ah u taabto arrimo ku taagan aadanaha si guud iyo arrimo aad u khuseeya bulshooyinka iyo dawladnimada casriga ah, wuxuu abbaarayaa buuggu mawduuca caddaaladda iyo muhiimadda uu u leeyahay in la helo bulsho ilbax ah oo horumar iyo horusocod ku sugan. Ujeeddada guud ee buuggu soo tebinayaa waa sida nidaamyada caddaaladdu ay ugu fashilmeen dumarka. Faquuqa, kala eexashada jinsiyeed, iyo habdhaqanka ku dhisan sinnaan la'aanta ayuu aad u faaqidayaa. Wuxuu falanqaynayaa muhiimadda ay leedahay in dumarku ay bulshada dhexdeeda caddaalad helaan, iyo siday door laxaad leh uga ciyaari karaan in bulshada ay ka saacidaan in ay qaadaan jidkii ay ku tanaadi lahaayeen.
7. Guriga Tiiraanyaysan - Charles Dickens
7. Guriga Tiiraanyaysan - Charles Dickens
Waxay ka mid tahay sheekooyinka ugu fiican ee Dickens qoray, waxay u soo bixi jirtay hab taxane ah 1852 ilaa 1853. Wuxuu kaga warramayaa qoys looga tegay hanti iyo shakhsigii dhintay oo dardaaranno badan ka tegay. Dickens wuxuu si muuqata u naqdinayaa nidaamkii garsoor ee Ingiriiska isagoo adeegsanay khibraddiisa sharciyaqaannimo. Waa sheeko dhinacyo badan abbaaraysa oo isaga gudbaysa sidii nidaamka garsoor ee jiraa uu door uga ciyaari lahaa xaqiijinta caddaalad, sidii loo xallin lahaa murannada qoyska ee dhaxalka ku saabsan, iyo qodobbo kale oo akhlaaqi iyo bulshaba ah.
Buugaagta kale ee ay soojeediyeen khabiirro qaanuunka ku takhasusay waxa ka mid ah:
The End of Lawyers oo uu qoray Richard Susskind; The Justice Game How Law Works oo uu iska leeyahay Gary Slapper; The Law Machine oo ay wada qoreen Clare Dyer and Marcel Berlins; How To Win Every Argument: The Use and Abuse of Logic oo uu siidaayay Madsen Pirie; The Case of the Speluncean Explorers oo uu daabacay Lon Fuller; Learning Legal Rules oo uu James Holland qoray; A Short History of Western Legal Theory oo uu daabacay John Kelly; The Best Defense oo Paul Dershowitz iska leeyahay; iyo The Colour of Law oo uu qoray Mark Giminez.
Comments
Post a Comment