Posts

Dubka Madow ee Faanon iyo Dahaadhka Cad ee Gumaysiga

Image
Frantz Fanon (1925-1961) — contretemps.eu Falanqayntan aan Soomaaliyeeyay waxa qoray Ahmed Zakaria, waxana  lagu faafiyay degelka Boring Books . Waana falanqayn uu  ku sameeyay buugga  uu soo saaray gumaysiddiidkii iyo halgamaagii Frantz Fanon, dabshidkii 1952, ee  "Black Skin White Masks" Cabdicasiis Guudcaddena uu mar cinwaankiisa ku turjumay "Dub Madow Dahaadh Cad"  Dr. Donald Shirley wuxuu dhex lugaynayaa habeen roobaad badhatamaha jidka gudcurka ah ka dib markii u ka tegay gaadhisigiisii, dabadeedna waxa ku qaylinaya dareewalka Tony oo ka dalbanaya in uu istaago. Intaa ka dib ayuu Donald ku qarxayaa Tony oo uu ku dhahayaa, in aanu madow iyo caddaan toona ahayn in ku filan si dadku raalli uga noqdaan. Filinka Buuug Cagaaran ( Green Book — 2018 ), wuxuu ka warramayaa qiso laga soo qaatay dhacdooyin dhab ah, oo ku dhacday mu'allifka muusishanka ah iyo biyaano tumaha Donald Shirley  iyo xidhiidhka uu la leeyahay Tony Vallelonga iyo socdaalkoodii lixdanee...

Maxaynu ugu Baahannahay Culuunta Aadanaha?

Image
  Hor iyo horraanba, aqoontu waa udubxoogga ugu muhiimsan si loo dhiso ilbaxnimo. Waxayna ka mid tahay baahiyaha asaasiga ah ee nooluhu u baahan yahay. Waxay aadanaha ka dhigtaa mid la jaanqaada waaqaca iyo casriga uu nool yahay, saamyanna ku yeesha isbeddellada ka socda dunida. Sida aynu ogsoonnahay, aqontu waxay dabargoysaa amuumennimada, aqoondarrada, dibdhaca, faqriga, iyo saboolnimada, iyo arrimaha kale ee sababa in ay umaddu dibdhacdo. Cidina ma dafiri karto in ay aqoontu tahay udubdhexaadka asaasiga ah ee horumarka dhaqaale iyo bulsheed ee dawladaha, iyo in ay ka qayb qaadato door muhiim ah geeddisocodka iyo horusocodka dawladaha. Dhanka kale, door muhiim ah oo lagamakacaan ah bay ka ciyaartaa in ummaduhu ilbaxaan ama  horumar gaadhaan. Waa rukun haddii la waayo aanay suuragal ahayn in laga horukaco dhinacyo badan oo nolosha ku saabsan, sida; dawladnimada, tacliinta, fanka, qoyska, suugaanta iyo wixii la halmaala. Sidoo kale barafisoorradu waxay ku doodaan haddii aad ...

Falanqayn Akhris; sheekada Maana-faay

Image
Marka ay kulmaan curin jaadgoonni ah, hodontinnimo afeed figta sare ah; dareennada aadanaha ee kala duwanna si sahlan loogu falkinayo, naqdin bulsheed oo aad u xeeldheer, iyo soo ururinta/lafaggurka shaacsaneyaal kala geddisan oo bulshada ka aloosan; waxaad si fudud u soo tuuraysaa in intaasba iyo in kale oo badanba aynu ka dheehanayno oo aynu kala dhexbaxayno sheekada "Maana-Faay" ee Dr. Maxamed Daahir Afrax.  Sheekada Maana-Faay waa sheeko-taariikheed (historical novel/رواية تاريخية), waxay kolkii hore si joogto ah ugu soo bixi jirtay iyada iyo sheekooyin kale ay ka mid tahay "Ayaan Daran" hab taxane ah wargeyskii Xiddigta Agtoobar. Sida Ibraahin Hawd oo ka mid ahaa akhristayaashii ku taxnaa waagaas sheekooyinka uu wargeysku daabici jiray, wuxuu xusay in ay ahayd sheeko xiise iyo xamaasad weyn u lahayd dhallinyaradii ku xidhnayd. Wuxuu kale oo carrabaabay, in ay madadaalo iyo wacyi kobcin u ahayd kumanyaal dhallinyaro ahaa oo ku taxnaa.  Daabacaddeedii kowaadi wax...

Lamahuraannimada Hantiwadaagga¹

Image
Sawir dhuxuleed iyo biyabiyeedkan waxa aslay Alexander Dobkin (1908-1975) oo ahaa farshaxamiiste reer Maraykan ah.  W/Q:  Albert Einstein (1949) [Af Ingiriirsi] W/T: Cabdicasiis Daahir (2023) [Af Soomaali] Miyaanay  suuragal u ahayn  qof aan  xeeldheere ku ahayn  dhaqaalaha  iyo  arrimaha  bulshada in uu uga  dhiibto  aragtidiisa ku aaddan mawduuca hantiwadaagga? Waan  qabaa  dhowr  sababoodba aawadood.   Ugu horrayn  tixgelinteenna  weyddiintan  aynu  kaga nimdaadno  dhanka aragtida  aqoonta sayniska ah. Waxay  u  muuqataa  in aanu  jirin  kaladduwanaansho manhajiyeed  asaasi ah oo u dhexeeya  cilmi-falagga iyo dhaqaalaha: saynisyahannada  labada dhinacba  waxay isku deyayaan  in ay  daaha-ka-feydaan  xeerar guud  oo la aqbali karo,  jeerkaasna ku xaddidan  koox shaacsanayaal ah,  si iskuxidhka sha...