Posts

Falanqaynta buugga; Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay; Soomaaliya Dib Ma u Dhalan Doontaa?

Image
Hordhac Buuggani wuxuu ka mid yahay waxsoosaarka Dr. Maxamed Daahir Afrax (1952-2021). Dr. Afrax wuxuu ahaa suugaanyahan, taariikhyahan, naaqid bulsheed iyo sheekofaneedyahan gaamuray. Wuxuu wax ku qori jiray saddexda luuqadood ee Ingiriisida, Carabiga iyo dabcan Soomaaliga. Sheekooyinka uu Afrax magtabadda Soomaaliyeed gashtay waxaa ka mid ah Guur Ku Sheeg (1975), Maana-faay (1979) oo ah sheekooyinka qoran ee Soomaalida ta ugu magaca dheer, iyo Galti Macruuf (1980). Buugta af Carabiga uu ku soo saarayna waxa ka mid ah الصومالية الثقافة في نظرات iyo الحرية نداء) 1976). Sidoo kale, wuxuu leeyahay cilmibaadhisyo uu ku faaqidayo fanka Soomaalida guud ahaan iyo cilmibaadhisyo kale waxana ka mid ah: Fan-masraxeedka Soomaalida iyo نافذة على االبداع في منطقة خليج عدن: دراسات فى الثقافة والفن فى الصومال واليمن و جيبوتى Wuxuu Afrax ugu jilibdhigay in uu ku faaqido fanka Soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna fan masraxeedka. Waana sees waxtar leh oo laga anbaqaadi karo darsidda fanka Soomaalida. D...

Sida Afrika Wax Looga Qoro

Image
       Binyavanga Wainaina Hordhaca Turjubaanka Binyavanga Wainaina (1971-2019) wuxuu ahaa qoraa, saxafi iyo u ololeeye xuquuqda Bulshada Miimka oo ku isirran dalka Kenya. Wuxuu ku guulaystay abaalmarinta Cain ee qoraalka Afrika doorkii 2002 sheeko ku cinwaanaysnayd: “Daahfuriddii Guriga/Discovering Home”. Wuxuu faafiyay 2011 sheeko taariikh nololeeddiisa ku saabsan oo iyana ladhkeedu ahaa “Maalin uun Baan Halkan Wax Ka Qori Doonaa/One Day I Will Write About This Place”. Wuxuu tifaftire ka ahaa wargeyska Kawani? (Oo xarafraaciisu; haddaba waa maxay?), waana wargeys Afrikaan suugaaneed ah oo lagu tilmaamo in uu yahay shaki'li iyo hadalla'aan 100 ka wargeys ee ugu saamaynta badan ee ka soo baxa Koonfurta Saxaraha Weyn ee Afrika (Sub-Saharan Africa).  Curiskan oo aad u magac baxay, kana mid ah shaqooyinka ugu caansan uguna muhiimsan ee uu qabtay; wuxuu Mr Wainaina ku jeesjeesayaa oo liidayaa qoraallada waageenigu (ama ninka cad) uu ka qoro "Afrika", sidiiyoo ay ta...

Fanku Ma Awoodaa in uu Abuuro Dhaqdhaqaaq Kacdooneed?

Image
    W.Q: Hinda Mascad [af Carabi] W.T: Cabdicasiis Daahir [af Soomaali]   Waxaa jira had iyo jeeraale wayddiin xidhiidh la leh funuunta iyo daneeyayaashiisa ama tuhun ah. Taas oo ah; danaynta fanku in ay tahay madadaallo dheeraad ah oo aanu awoodin in uu kharashkeeda bixiyo saboolku, gaajaqabuhu iyo baahiqabuhu. Iyo  in daneeyayaasha funuuntu ay yihiin labeen bulshada ka mid ah oo soo afjaray dhammaan dhibaatooyinkii nolosha illa ay u soo hadhay danayntaas uun. Maxay nuxur samaynaysaa in la daneeyaa funuunta, caalam uu 15 kii ilbidhiqsiba gaajo u dhimanyo ilmo caruur ah?  Waa maaxayse inta ay le'eg yahay culayska isbeddelka bulsheed ee aynnu ku xisaabtami karno in fanku ka danbeeyo?  Wa'ayo se kan yidhi fanku wuxuu badbaadinayaa caalamka?   Waa dhowr wayddiimood oo si caadi ah loo wayddiiyo daneeyayaasha funuunta, farshaxan ha ahaato ama yaysan ahaan e. Jawaabcelinta wayddiimahaasina waa mid dhibaato miidhan, hasayeeshe fahanka dabiicadda awoodeed ee...

Aniga iyo Hargeysa!

Image
    Sawirka: Baraha Bulshada.  Faylasoofyo iyo aqoonyahanno bulsheed waxay ku doodaan in "Qofku uu yahay ina' degaankiisa", maxaa yeelay qofka nafsaddiisa, adduunaraggiisa, habfekerkiisa, iyo habdhaqankiisaba, waxaa si weyn u qaabeeya degaanka uu ku nool yahay lana noolyahay, laga soo bilaabo qoyska illaa bulshada laga soo gaadhayo. Aniga halkaa waxaa iigu jira; Burco iyo Badhan, oo ahaanshahayga iyo shakhsiyaddayda inta badan sameeyay oo qaabeeyay. Waa laba magaalo oo sababay in aan xiiseeyo, wax kasta oo xidhiidh innaga ina la leh, bilmetel, suugaanta, dhaqanka, af Soomaaliga iyo wixii la mid ah iyo sidoo kale Hargeysa oo Sidaas si la mid ah qaadhaan iyo kaashi weyn ugu darsatay garaadkayga, una qaabaysay fekerkayga iyo hab-araggayga, si kale haddii aan u dhigo waa; magaaladii aan Iska Helay, inta eraygaasi macno xanbaarsan yahay. Caasimaduhu way ka baaxad iyo dhumuc weyn yihiin magaalooyinka kale, sidoo kale way ka saxmad iyo sawaxan badan yihiin, cuf ahaan iyo dad a...