Faallaynta Buugga Decolonising the Mind



Buuggan aynu faallaynayno waxa qoray Ngũgĩ wa Thiong'o (1938-2025) oo lagu tibaaxo in uu ka mid yahay suugaanyahannada culus ee ay Afrika hindistay. Waxqabadkiisu waxa ay ahaayeen kuwo daarran sheeko-faneedda iyo aqoonta guud. Waxa uu ka mid yahay qoraayada ugu culus ee uguna magaca dheer wixii ka danbeeyay madaxbannaanidii Afrika iyo sida oo kale mid ka mid ah aragti-curiyayaasha deraasaadka gumaystaha ka dib. Waxa la isku raacsan yahay in uu ahaa qoraa gaamuray oo qalinkiisa cuddoon keliya aan ugu adeegin dadkiisa balse ku naqdiyay oo hilfaha ugu laabay gumaystaha iyo tabihii kala duwanaa ee uu bulshooyinka ku haloosin jiray. Dhanka kale, cimlaaq iyo rukun adag oo uu ku taagan yahay adabka Afrikaanka ee casriga ahi buu ahaa. 

Waxa uu wax ku bartay mustacmaraddii Kiiniya, ka dibna waxa uu ka baxay Jaamacadda Makerere, dabadeedna Ingiriiska ayuu ku idlaystay geeddigiisaa waxbarasho. Intii lagu jiray waayihiisii Jaamacadda ee Leeds buu soo saaray sheekadiisii u horraysay ee qof Afrikada Bari ku isirran baahiyo oo magaceedu ahaa Weep Not, Child (1964). Wixii waagaas ka danbeeyayna wuxuu xoogga saari jiray in uu Afrikaanka ugu tebiyo sheekooyinkooda luuqadda Ingiriisiga oo ay isku mid ka ahaayeen Chinua Achebe, Wole Soyinka iyo qamaamuur kale oo qabay in luuqaddaasi ay tahay agab mudnaan u leh si ay gumaystaha u naqdiyaan oo ay ugu tebiyaan in Afrika leedahay ilbaxnimo guun ah oo soojireen ah. 

Isla sannadkii ku xigay wuxuu soo saaray The River Between oo ahayd sheeko taariikheed Afrikaan ah oo uu ku lafagurayo isku dhaca soojireenka iyo diinta Masiixiyadda ee bulshadii ku noolayd mustacmaraddii Kiiniya. Waxa uu Ngugi xilliyadaa si aayar-aayar ah xoogga u saari jiray mawaadiicda siyaasiga ah oo waxa uu ka helay aragtida iyo taxliilka Maarkisiyada Faanoniyaanka ah (oo ah isku dhafka doodihii Maarkis iyo Faanon). Waxa aynu tusaale fiican ka soo qaadan karnaa sheekadiisa kale ee 1967 soo baxday, A Grain of Wheat. 

Wixii intaa ka danbeeyay wuxuu goostay oo ku gacan saydhay luuqaddii Ingriisiga oo wuxuu bilaabay in uu wax ku qoro Afka Kikuyu (wixii laga bilaabay 1977) oo wuxuu u arkayay in qof Afrikaan ahi Ingiriisi wax ku qoraa ay tahay wax aan caadi ahayn isaga oo adeegsan kara afkiisa hooyo, tixgelintana waxa uu siiyay Kikuyu in ay kaalin laxaad leh ka qaadan karayso halganka gumaysi-diidka ee shacbiga Kiiniyaanka iyo dadka Afrikaanka ah. Waxa uu sida oo kale bilaabay in uu magiciisii Masiixiga ahaa ee James Ngugi uga guuro mid dhalad ah Ngugi wa Thiong'o. Isaga oo beegsanaya naqdin isticmaardiid iyo dib u la soo noqosho hayb. 

Maaddaama oo uu ahaa nin aad u aragtiyo kulul oo mintid iyo mayal adayg isku darsaday waxa ay dhaliyeen fekradihiisi in uu ka cadhaysiiyo nidaamkii awoodeed ee wakhtigaa jiray, dabadeedna lagu hubsado xabsiga. Xilligaa waxa uu qoray waxa loogu yeedho sheekadii u horraysay ee casri ah ee Kikuyu ku soo baxda, Devil on the Cross. Markii uu ka tegay Kiiniya sannadkii 1982 waxa uu baahiyay buuggiisan culus ee aynu faaqidayno, inkasta oo ay bogaggiisu kooban yihiin, haddana nuxur ahaan u weyn: ‘Decolonizing the Mind: The politics of Language in African Literature/Xoraynta Maanka: Siyaasadda Luuqadda ee Adabka Afrikaanka'.

Nuxurka Buugga

Waxa lagu tiriyaa buuggani in uu ka mid yahay waxqabadyada u horreeya ee uu soo saaray Ngugi. Waa curis aad mudnaan u leh oo waxa uu faallo inaga siinayaa qaabdhismeedkii, habnololeedkii iyo sooyaalkii isticmaar ee bulshada Kiiniya iyo saamayntii uu ku yeeshay. Waxa uu iskaga gudbayaa falsafad, adab, taariikh iyo naqdin kulul oo gumaystaha u jeedinayo. Weyddiimaha uu isku weyddiinayo ee uu ku lafaggurayo waxa ka mid ah masalada is xoraynta iyo si gaar ah sidee bay bulsho la gumaystay maanka iyo garashada xor uga noqotaa. Waxa uu tooshka ku ifinayaa in masaladaasi tahay arrin u baahan u fiirsasho iyo u dhabbagelid ay tahay in ay siiyaan bulshooyinkii la gumaystay oo ay kana doodaan. Si kale haddii aynu u dhigno waxa uu si kooban ka hadlayaa sidii la gumaystuhu u xorayn lahaa kasmadiisa iyo nafsaddiisa. Waxa ku dhan dood shilis oo dihin oo dalalka Dunida Koonfurta ee aan ka soo waaqsan eelkii ay tahay in ay dhugdaan maslooyinka kala duwan ee uu furfurayo. Waxa uu abbaarayaa masalada luuqadda iyo mudnaanta ay u leedahay sidii bulshooyinkaasi u soo dhacsan lahaayeen xorriyaddooda feker iyo garashadooda la afduubtay.

Waxa aan buuggan akhriyay markii iigu horraysay sannadkaygii saddexaad ee Jaamacadda Hargeysa. Waa buugagga dhifta ah ee iga fekersiiyay, sida kuwa Edward Said, Frantz Fanon, Aimé Césaire, Amilcar Cabral, Ali Mazrui, Iqbal Ahmed iyo rag kale oo ay qoraaga meelo badan iska soo shabbahaan. Waxa uu igu dhaliyay in aan kala hufo fekrado badan oo aan iska la dhacsanaa iyo qaar kale oo aan diiddanaa. Qoraaga buugga oo ay isku lod mar wada hanaqaaday ahaayeen qoraayada kale ee qaaradda sida Nuruddiin Farah, Ayi Kwei Armah, Abdulrazak Gurnah, Naguib Mahfouz, Chinua Achebe, Wole Soyinka iyo shakhsiyaad kale oo halkan aynaan kaga bogan karin waxa uu ku guulaystay in uu nuxurkiisa iyo cutubbada uu xanbaarsan yahayba ugaga warramo mushkiladaha ay la tacaalayaan badi dalalka saddexaad ee la gumaystay ee daarran hayb-wareerka, luuqadda, dhaqanka iyo siyaasadda. Waxa uu u dhigan yahay qaab sooyaal warran ah balse waxa ka buuxa casharro iyo fahanbixinno ay tahay in aynu deraasaynno. Dhanka kale, waxa la odhan karaa waa taxliil bulsho-siyaasadeed oo qotodheer, oo uu ku beegsanayo dersidda insaanka bayhoofsan ee ku nool dunida saddexaad. 

Doodda udubdhexaadka u ah buuggan mucda weyn xanbaarsan waa dhibaato Afrika oo idil haysata, waa mucdilada afka oo qaaraddu la tacaalayso iyo idil ahaan shucuubtii aan ka bedbaadin saamaynta imbiriyaaliga. Waxa ay aqoonyahannada afafka oo Chomsky, Derrida, Wittgenstein, iyo ragga la mid ka ahi qabaan in aadanaha wax kasta oo lagu qeexi karaa ay tahay afkiisa oo uu qaabeeyo adduun-araggiisa, habdhaqankiisa, habfekerkiisa, iyo haybtiisaba, si kooban, waa ahaanshaha qofka iyo umadda ayay ku doodayaan. 

Waxa uu Ngugi tibaaxayaa in luuqad kastaa ay labo shaqo qabato; mid wada-xidhiidh iyo in ay dhaqan iyo hidde xanbaarsan tahay oo lagu gudbiyo ilbaxnimo ummadeed. Ngugi waxa uu sheegay in afafka Afrika lagu soo koobay oo keli ah in lagu wada-xidhiidho, taa lidkeedana laga xarrimay in lagu gudbiyo dhaqan, xaddaarad iyo sooyaal ummadeed. Kolka luuqadda lagu koobo in lagu wada-xidhiidho, waxa si kas ah loo aasay shaqadeedii rasmiga ahayd ee in saqaafo la isugu gudbiyo, oo jiilal kala duduwan wada-xidhiidhiso. In afafka Afrika la gala dagaallamay aqoon-dhalinta waxay ahayd ajande isticmaar, oo qaaradda dib u dhigay. 

Waxa uu xusayaaa geesta kale in ay luuqaddu tahay dhisme garasho oo xanbaarsan aaminaado, dhaqanno, iyo xusuuso, waana weel ay wax kastaa ku hoos jiraan oo ku dhan yihiin, haddii la doonayo in ummaad laga adkaadana isaga ayaa hor iyo horraanba laga bilaabaa oo laga qiimatiraa dabadeedna markaas bay toobiye aan la mahadin qaaddaa. Kolkaa waxa uu Ngugi xoogga ku saarayaa curiskan oo si aynu uga takhallusno isticmaarka ku doodayaa waa in aynu kolka u horraysaba ka xorownaa afka, si aynu intaa ka dib maanka uga xorowno iyo si u araggii isticmaarka iyo saamayntiisii. 

Waxa uu ku tiiqtiiqsanayaa in labadaasi isa saaran yihiin oo horumarka qaran ku xidhan yahay afka sida loo horumariyo oo taddawur loogu sameeyo, si koobanna qofka iyo umadduba ay afkeeda ku caana maali karto oo af qalaad aanay ku horumari karin. Waana ta ku kelliftay in qoraagu afkiisa wax ku qoro waayihiisii danbe, runtiina lagu sifeeyo in ay tahay dedaal ay mutacallimiinta Afrika kaga daydaan si ay u xoojiyaan kalsoonida iyo ku laabsamaanta afafkooda. Waxana dhanka kale wakhtiyadaa jirtay doodo isaga iyo qoraayo ay ka mid yihiin Chinua Achebe kala dhexaysay. Waxa uu Achebe 1965 soo saaray curis saldhig ah, "The African Writer and the English Language" oo uu ku difaacayo adeegsiga luuqadda Ingiriisida ee adabka Afrikaanka ee gumaystaha ka dib iyo in aan loo arag luuqaddaasi in ay tahay mid cadaadis ku salaysan balse inta la Afrikaameeyo oo la casriyeeyo loo adeegsado isticmaarka si loogu gudbiyo dhaqanka iyo ilbaxnimada Afrika leedahay. Halka uu Ngugi ka qabo in ay tahay hub imbiriyaaligu adeegsan jiray iyo gumaysi maskaxeed ilaa iyada meesha lagu beddelo afafkii dhaladka ahaana aan la gaadhayn xornimo dhammaystiran. 

Wuxuu ku naqdinayaa buugga sida oo kale nidaamkii tacliineed ee gumaysigu in uu quudhsi afafka dhaladka ah ku salaysnaa oo ardayga si fiican u barta luuqadda Ingiriisida abaalmarinno fiican la siin jirayay. Isla jeerkaana ay noqotay halbeeg lagu cabbiro garaadka ilmaha iyo awoodihiis. Iyada oo saamayn taban oo laxaad lehna ku yeelatay kartidiisii iyo dhiirrashadiisii qofnimo ee uu u hayay afkiisa iyo haybtiisa. Wuxuu ku dodayaa in hiddihii afeed kolkaa uu noqday mid si aayar-aayar ah u soo koobta oo u muuq beela oo ardayduna waxa ay bilaabeen in ay ka mudh baxaan haybtooda oo mid cusubna ku samaysanto. 

Wuxuu soo bandhigayaa in tacliintii gumaystuhu ay gebi ahaanba ku dhisnayd in qofku dhaqankiisa, afkiisa, dadkiisaba, iyo naftiisaba nac iyo haaraan u qaado. Waxa uu tibaaxayaa in ay sida oo kale kaalin weyn ka ciyaartay in qofka madow isu arko mid hooseeya oo aan lahayn wax hidde ah, dhaqan ah, xeerar ah iyo, waa ta ka sii muhiimsan e, nolol ah. Wuxuu ka hadlayaa bilmetel waddammada Afrika in ay horumar laxaad leh ku tallaabsadeen kolkii ay aqoonta degaameeyeen oo afafkoodii aamineen, iskaba daa e waddammo badan oo dunida ah oo lagu majeerto tacliin tayo leh waxa ay wax ku dhigaan afafkooda. Soomaaliduna wakhtigii aynu ugu fiicnayn oo xagga aqoonteennu bullaashay oo xitaa qoraalka macnaha leh ee Af Soomaaliga ku qoran la soo saaray waxay ahayd xilligii taliskii kacaanka oo waxa la degaameeyay ama la Soomaaliyeeyay aqoonta oo xerudhalan baa laga dhigay. Waa lagu guulaystay in kasta oo uu hakad malaha 'abadi' ah uu galay dedaalkaasi. Waxa xilligaa soo bixi jiray joornaallo iyo wargeysyo ilaa imika taagan ah mucda iyo mugga qoraalkooda iyo hab-qooraalkoodaba ku dheehan aan hore looga geyoonayn. Buugag macne lehna waa ay soo baxeen dhanka kale. Dad aad u tayo badanna goobaha tacliinteennu waa ay soo saari jireen. Dulucdu waa in dooddaasi ay tahay mid jirta oo bulshooyinka iyo dalalka horumarsan ee lagu daydaa, sida aynu soo xusnay, waa kuwo afafkooda ku kalsoonaaday oo ay ka soo go'day in ay bullaaliyaan oo cilmiyeeyaan. 

Waxyaabaha kale uu buugga ku naqdinayo waxa ka mid ah isticmaarka iyo imbiriyaaliyadda Galbeedka. Eray ahaan isticmaarku wuxuu ka dhigan yahay aydiyoolajiyad siyaasadeed oo sharciyaysay duullaankii, qabsashadii iyo dhiig-miirashadii dadka kale dhulkooda iyo khayraadkooda. Halka imbiriyaaliyaddu ka guda ballaadhan tahay oo isticmaarku iyada soo hoosgalayo. Waxa uu odhanayaa isaga oo qodobkaa ka warramaya: "Imbiriyaaliyaddu waa wax isku huursan: natiijo dhaqaale, siyaasadeed, ciidan, dhaqan iyo nafsadeed bay ku leedahay dadka dunida ku nool maanta. Waxa ay horseedi kartaa xitaa gumaad iyo baabba'a bulshooyin dhan". Waxa ay intani fahan buuxa iyo naqdin inaga siinaysaa konsabkaa iyo sida uu u arko, iyo dabcan raadadkeedaba. Xidhiidhka ka dhexeeya imbiriyaaliyadda iyo nidaamka hantigoosadka oo ah, sidii uu Aynishtayn ku sifeeyay curiskiisa Lamahuraannimada Hantiwadaagga (Why Socialism?), isha sharka oo idil buu ka hadlayaa oo soo bandhigayaa in ay yihiin labo mushkiladood oo qaaradda hagaasiyay oo horkacayayna burburka, dagaallada sokeeye, qalaalasaha, degganaansho li'ida siyaasadeed, saboolnimada iyo dib-u-dhaca haysta. Wuxuu muujinayaa in nooca Yurubiyaanka gumaystuu yahay mid ka geddisan noocyadii hore ee isticmaarka qadiimka ah oo dhiigmiirashada dhaqaale ay u dheeraayeen gaboodfallo argaggax leh iyo gumaadyo ba'an oo uu kula kacay dhaladkii uu u yimi. 

Waxa uu tilmaamayaa in isticmaarku qabsashada dhulalkii dadkii uu u yimi ay laba hab ku salaysnayd. Ta hore way iska caddahay e waxa ay ahayd qabsasho dhaqaale iyo siyaasadeed oo dhammaystiran oo ay badiyaa weheliyeen xoog iyo cunfi. Ta kalana waxa ay ahayd mid aad u daran oo u xun oo ahayd qabsasho dhaqan oo ahayd mid debecsan oo aan xoog ahayn, laguna xaqiijiyay in loo maro tacliinta, diinta, warbaahintii soojireenka ahayd, iyo hababkii kale ee kala duwanaa ee dhaqan. Waana halka uu Ngugi ka furfurayo oo uu ina leeyahay waa meesha uu ka bilawday gumaysiga maanka iyo nafsaddu oo uu curskiisana ku gaalaabixinayo sidii taas la isaga xorayn lahaa. 

Waxa uu sida oo kale ka hadlayaa oo naqdinayaa hoosayntii iyo quudhisgii isticmaarku ku sameeyay shacbigaa garaad ahaan, dhaqan ahaan, akhlaaq ahaan iyo dhan kastaba oo runtii ka darnayd qabsashadii dhaqaale iyo siyaasadeed, oo in dul ahaan gumaysiga laga xoroobaa ay ahayd mid ka fudud kolka lala babacdhigo in duun ahaan iyo hayb ahaan looga xoroobo. Waayo tan danbe ruuxda, mooraalka iyo hanka ayay la xidhiidhaa. Cunfi iyo gacan ka hadalkii isticmaarku u geystay shacbiga iyo raadadkoodii buu wax ka tilmaamayaa isaga oo xiganaya qoraalladii Fanon si gaar ah buuggiisa turjuman lagu sifeeyo 'injiilka' bulshooyinka isxoraynaya ee The Wretched of the Earth. 

Waxyaalaha kale ee uu buuggu kaga hadlayo waxa ka mid ah deraasaadka gumaystaha ka dib oo ah aragtiyaha iyo doodaha ugu korran uguna saamaynta badnaa qarnigii hore ee ay hindiseen Edward Said iyo ragga la mid ka ah. Erayga ka dib waxa uu ka dhigan yahay oo uu tibaaxayaa soo afjariddii u danbaysay ee gumaysiga iyo markii xoogaggii isticmaarku awoodda ku wareejiyeen gacanta shacbiga ee dhaladka oo ay kana tageen dhulalkoodii, isla wakhtigaana eelkiisii iyo saamayntiisii ay tahay mid socota oo ay bulshooyinkaasi la rafaadayaan. Waxa ay qabaan tegitaankiisii in uu ka dhashay sticmaarka cusub iyo faragelinta quwadaha Yurub iyo Maraykanku ku hayaan dunida soo koraysa khayraadkooda oo ay si dadbanna u dhiigmiiranayaan oo ah mushkilad hor leh oo dalalkaasi waajahayeen tan iyo maanta. 

Waxa qoraaga laga dhadhansanayaa waxqabadkiisan sida siyaasaddu had iyo gooraale muhiim ugu ahayd adabka Afrikaanka. Waayo badi adabka Afrikaanka casriga ahi waxa uu ku raadoobay dhaqdhaqaaqyo isxorayneed oo ka kala socday qaybo badan oo qaaradda ka mid ah.
Badi qoraayadii xilligaa joogayna sida Chinua Achebe oo Galbeedka joogay, Alex La Guma oo Koonfurta ka dhaqdhaqaaqayay iyo isaga oo Bariga ka halgamayay, waxa ay xoogga saareen in ay gaalaabixiyaan oo ka hadlaan masalada haybta iyo taariikhda, waana xilli ay muhiimad weyn lahayd in la iska dhiciyo Yurubbiyaankii qaaradda ku sifaynayay in ay tahay mid hoosaysa oo aan lahayn wax taariikh ah iyo dhaqan ah ama si kooban bulsho bilaw ah oo wuxuush ah. 

Sidaa darteed adabka afrikaanku waxa uu isla bilawgiiba ahaa mid siyaasaddu maashaysay. Ngugi oo ka warramaya arrinkaa waxa uu ku xusay curiskiisa, Writers In Politics, in 'qoraa kastaa yahay qoraa siyaasi ah. Keli ahna lagu kala duwan yahay siyaasadda laga hadlayo cidda ay khusayso.' Waxa uu Ngugi ku doodayaa in si maanka looga xoroobo ay isla bilawgaba tahay: 'in ilmaha lagu barbaariyo hiddihiisa iyo afkiisa oo la jeclaysiiyo, xidhiidhna laga dhexaysiiyo ilmaha iyo degaankiisa oo aanu ku dhex noqon qaloodi is la' oo jahawareersan.' Waxa uu tibaaxayaa in xidhiidh xubneed uu kala dhexeeyay qofka iyo degaankiisa, shaqada uu qabanayo, iyo waxa uu baranayo, balse markii isticmaarku u yimi uu bulshooyinkii dhaladka ahaa uu ka kharribay wax wal oo ay haysteen oo lamataabtaan u ahaa. 

Ngugi halkan waxa uu ku soo bandhigayaa in uu inagu baraarujiyo laba qodob oo xiiso leh oo soo ururinaysa dhaxalkii isticmaarka: 

• In bulshooyinkii isticmaarku u yimi uu ka fogeeyay waaqicii iyo waayihii ay noolaayeen. 

• In aanay u aqoonsan dadkii ay u yimaaddeen in ay yihiin aadane iyo noole leh wax kasta oo labadaasi leeyihiin, oo ay iskana sarraysiiyeen, ilbaxnimadii ay lahaayeenna tirtirid iyo baabbi'id ku sameeyeen.

Gunaanad 

Guntii iyo gebagabadii, waxa uu qoraagu buugga ku sahmiyay konsabyo lagu deraaseeyo majaalkaa gumaystaha ka dib oo ay rag badani dogobbo sii saareeen, oo aynu ka xusi karno Homi K. Bhabha iyo konsabkiisa 'ambivalence' oo tilmaamaya xidhiidhkii cakirnaa ee gumaystuhu iyo la gumaystuhu lahaayeen. Mudnaanta buuggani leeyahay waxa ay Gayatri Spivak ku xustay curiskeeda Ngũgĩ wa "Thiong'o: In Praise of a Friend," ee qaybta ka ah buugga sida quruxda badan loo qaabeeyay laguna faaqadayo taariikh-nololeedkiisii iyo adabkiisii ee ku cinwaanaysan Approaches to Teaching the Works of Ngugi wa Thiong'o, in ay aad ula dhacsan tahay doodaha uu kaga warramayo ee ku saabsan in tixgelin weyn iyo danayn la siiyo afafka hooyo oo ay aadna ugu bogaadisay u qareemiddiisii luuqadahaa dhaladka ah, si bulshooyinkaasi jidka iyo hilinka xorriyadda u qaadaan. 

Waa buug iyo qoraa inaga mudan muunayn, dersid iyo akhrisba. Waayo waxa uu ku saabsan yahay inaga ayuu waayaheenna lafaggurayaa oo mushkilado aynaan dhaadannahay iyo kuwa kalaba faaqidaad hor ku samaynayaa. 

Comments

Popular posts from this blog

Lamahuraannimada Xeer Ciise iyo Xeerarka Soomaalida

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Hadraawi, mudanahayga mufekerka ahow waad hoyatay, qalbigu se si qoto-dheer u dhaawacmay