Lamahuraannimada Xeer Ciise iyo Xeerarka Soomaalida





Haddii Plato ku dooday buuggiisa magacaweyn, Republic, in aadanuhu yahay noole bulshaawi ah waxaynu sidaas si la mid ah innaguna ku doodi karnaa in aadanuhu yahay noole xeerku udubdhexaad u yahay oo u abaabulan in uu samaysto oo ku dhaqmo xeerar kala haga oo ay ay qayb ka mid ah dabeecaddiisa tahay. Qoraaga iyo taariikhyahanka reer Ciraaq ee Khazal Al Majidi oo ilbaxnimooyinkii kala duwanaa ee dunida soo maray aad u dersay wuxuu ku dooday in qodobbada looga baahan yahay in ay xaddaaradi ku taagnaato xeerku kaalin weyn ugu jiro. Falsaasifadii hore ee Giriigga waxa laga hayaa in aadane la aragyaaba sharci imanayo. Waa la isla qirsan yahay in xeerku tiirdhexaad u yahay aadanaha oo la'aantiisna la’aad uu noqonayo. Montesquieu oo ahaa faylasuuf aad looga qaddariyo Galbeedka sida oo kalena udubxoog u ah dhidbidda doodaha fekerka siyaasadeed ee dunida ayaa buuggiisa uu kaga hadlay falsafadda iyo aragtiyaha dawladnimada casriga ahi ku ay tahay in ay ku taagnaato, The Spirit of Law, ku xusay sharcigu qayb laxaad leh ka ciyaaro xakamaynta iyo bedqabka bulshada oo uu una u qaabbilsan yahay xallinta mushkiladaha aadanaha la xidhiidha iyo khilaafyada ku soo noqnoqda.

Soomaalida waxa lagu tilmaamaa in ay tahay bulsho taariikh iyo hidde guun ah shucuubta Afrika ku dhex leh si gaar ah kuwa Geeska ay ku wada dhaqan yihiin. Waxa ay hodon ku yihiin suugaanta iyo gabyidda. Waxa lagu sifeeyaa umaddii ama quruuntii gabayga. Balse taasi ma soo koobayso waxyaabaha kale ee ay aadka ugu sarreeyaan ee noloshooda door ka ciyaari jiray. Qodobbada aan aadka loo dersin ee hiddaha iyo dhaqankeenna ku saabsan buu ku jiraa xeer dhaqameedkeenna iyo nidaamkeennii is maamul bulsheed. Waxay Soomaalidu aad caan ugu ahayd doodaha iyo fahanbixinnada ku saabsan caddaaladda iyo sida garta ay u naqi jirtay. Taariikhdeenna waxaynu ku haynaa nin la odhan jiray Ina Sanweyne oo lagu majeeran jiray xallinta xaajooyinka kakan iyo garsooridda garaha xasaasiga ah ee murugsan. Waxa sidaas si la mid ah dhaqankeenna ka buuxa maahmaahyo nuxur weyn inaga siinaya sida aynu u ahayn bulsho caddaali ah isla wakhtigaana qaacidooyin iyo saldhig xeerar ah noqon kara kolka sharci umadda loo dejinayo. Waxa ka mid ah maahmaahyahaa iyo halkudhigyadaa: gari labo ka ma wada qosliso, gar dabadeed gunuunuc baan nacay, gar waa loo wada islaam, gaalka dil gartiisana sii, midigtaada haddii lagugu qabsado waa lagu muddacaa, xoolahaagu xero ha kuugu jiraan ama xeer, iyo kuwo kale oo aad u badan.

Buugga 1977 soo baxay ee uu qoray Axmed Sh. Cali Axmed (Buraale) ee la magac baxay, Xeerkii Soomaalidii Hore, waxaynu ka dhadhansanaynaa in bulshooyinka Geeska ku dhaqan ay dhanka garta iyo gargoynta Soomaalidu ugu sidatay. Wuxuu xusayaa in Soomaalida xeerkeedu ahaa mid jiray balse aanay sinaba u suuragalin amaba la isugu dayin in la qoro sababo farsamo aawadood. Waxaanan filayaa in isagu hormuud u yahay cidihii u horraysay ee isku dayda dhitaynta iyo dhigidda xeerarkii Soomaalida oo uu ka qoray odayadii iyo garyaqaannadii berigaa noolaa oo maktabad iskood u ahaa. Wuxuu si guudmar iyo faaqidaad ah ugu gaalaabixinayaa buuggiisaa xeerarkii kala duwanaa ee bulshadeennu lahayd, ha ahaato beeralay, xoolalay, magaaley, xeebley iyo wixii la halmaala. Wuxuu dhanka kale tilmaamayaa sida Isticmaarku dhammaan wixii aynu lahayn sida uu u kharribay oo doorkii iyo kaalintii taariikheed iyo bulsheed ee ay Soomaalidu ku faani jireen u xaddiday. Dhaqanka iyo hiddaheennii sida uu tashuush iyo kala daadin ugu sameeyay buu ku tiiqtiiqsanayaa. Wuxuu ku doodayaa in saamaynta iyo lafjabka u weyni uu ku dhacay bulshada hab ismaamulkeedii oo xeerku udubxoog u ahaa. Ilaa imikana aan laga soo waaqsan xaaladdaa uu inagaga tagay isticmaarku.

Nasiibwanaag xeerarka kale ee inoo qoran ee la dhiteeyay waxa ka mid ah Xeer Ciise oo gugii hore aqoonsi caalami ah ka helay Ururka Qarammada Midoobay ee Waxbarashada, Aqoonta, iyo Dhaqanka (UNESCO), sannadkan horraantiisiina aynu ku gorfeeyay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Waxa qoray Cabdullaahi Xaaji Cismaan Ceeleeye oo dedaal badan ku bixiyay dhitaynta mashruucan weyn ee aan dhaxagl uun ahayn e balse asaas u noqon doona waxqabadyada kale ee lagu dul dhisi doono cid kasta oo danaynaysa in ay deristo xeer Ciise iyo si guud xeerarka kale ee Soomaalida.

Buugga sida safxadihiisa horaba ku xusan waxa laga dhiteeyay rugcaddaa Jaamac Muuse Miicaad oo guurti, garyaqaan, gumaysiddiid iyo abwaan ahaa, geedaha garta lagu jarana aad caan uga ahaa. Dhanka kale, Jaamac wuxuu ahaa waaya'arag muddo badan soo joogay oo xeerka wax badanna ka fahansanaa, sidoo kalana qoraaagana kula taliyay in uu ka qoro maaddaama oo aanu xifdisanayn keli ah e sida oo kalana u arkayay in ay lagamamaarmaan tahay. Wuxuu Jaamaca geeriyooday 2019. Wuxuu soo koobayaana qodobbada qaarkood oo ku ma dhamma idil ahaan qodobbadu. Wuxuuna hor iyo horraanba qoraagu ku afeefanayaa in xeerka albaabkiisu furanyahay oo uu kordhi karo. Wuxuu tibaaxayaa in xeerku sida xeerarka kale ee Soomaalida uu yahay mid la iska soo gaadhay oo la isu soo gudbin jiray. Kolkaa xeerku wuxuu ahaa dabcan mid la xifdisan yahay sida xeerarkii kale ee Soomaalida oo aan buuggan ka horna marnaba la qorin.

Sida uu Cali Muuse Ciye tiisadiisa ama buuggiisa, The Verdict of the Tree: The Issa Xeer - An African Endogenous Democracy, ee uu ku faaqdiayo dhaxalka qaniga ah iyo heshiiska siyaasad-bulsheed ee bulshada Ciisaha, waxa xeerka loo faadhiistay ku dhawaad taariikhdu markii ay ahayd 1550meeyadii ama qarnigii 16 aad, si gaar ah markii la jabiyay Axmed Guray. Waxana xeerka lagu dhammaystiray Siti oo u dhexaysa Jabbuuti iyo Diridhaba. Wuxuu qoraaguna iftiiminayaa baahida xeerka keentay in ay ahayd maaddaama oo qabaa'il loo kala baxo, dawladdii Isaamiga ahayd ee Axmed Gurayna meesha ka baxday, bulshadu waxay ku wada noolaan kartaa in la samaysto xeer heshiis lagu yahay oo qof kasta ka sarreeya cid kastana qabta. Waxay isa soo shabbahaan aragtiyaha dawladnimada casriga ah ay ku dhisan tahay ee "heshiiska bulsho". Wuxuu si gaar ah qoraagu xusayaa in xeerka loo dhigay si looga baxo afar dhibaato oo dabeecadda aadanaha lagu yaqaanno: Damac, duullaan, dil, iyo dhaca Jeerkaana loo si loo dhawro lix shay: Dhiblaha, dhaqanka, dheerta, dhiigga, dhaqaalaha, iyo dhulka. Waxay guddida asaastayna ka koobnaayeen 44 oday oo laga soo kala xulay 12 ka aqal ama beel ee Ciisuhu ka kooban yahay. Waxana 44 kaa oday loo magaacabay Gandihii Ciisaha oo ka dhigan in ay yihiin iyagu dadka u sarreeya maamulka iyo dawladnimada la dhidbaday oo booska maxkamadda sare ugu jirto dawladnimada casriga ah ay ugu jirteen waagaa. Waxana fadhigoodu ahaa gobolka Siti.

Dhanka kale, sahmiyihii iyo socdaalyankii Richard Francis Burton ee la baxay Sheekh Cabdalla oo degaannada Geeska Afrika qarnigii 19aad yimi si guudna indha'indhayn ku sameeyay wuxuu buuggiisa, First Footsteps in East Africa: Or, An Exploration of Harar, ku xusayaa in Ciisuhu ay yihiin dad feejigan oo soojeeda, sida oo kalana ay yihiin dad wax kala maqla oo kala danbeeya. Saalax Xaashi Carab oo qudbi iyo tiir suugaaneed ahaa sida oo kalana cilmibaadhe dhaqanka iyo taariikhda ku hawallanaa muddo badan ayaa ku ammaanay bulshadaa iyo xeerka Ciisahaba, meerisyadan:

Sabankii horoo tegay

Duqay uu tayada sare

Xeerku uu tubaaxoo

Tafniidoo cayima oo

Waaya'arag ku tiiriyoo

Bulshadu ay taqaanno

Kii maqan la tabo oo

Hagar iyo tuhmaadiyo

Dhaliil tabar la'aab iyo

Lagu durin turxaan iyo

Guddi laysu taagoo

Aad loo tixgeliyiyo

Kuwa tiginka joojo

Taam, loo adeeeco

Shacbigu tooda raaciyo

Soomaalida tastuuriyo

Sida talada Ciisaha

Tiir Xeerka dhaabiyo

Rag tanaad ah baa jiray

Tol hoggaamis baa jiray

Haddii aynu u soo gundadegno wuxuu buuggu ka kooban yahay sagaal cutub iyo gunaanadkood oo aynaan qoraal iyo soo koobid noocan ah kaga geyoon karayn. Wuxuu ku taariikhaynayaa oo ku faaqidayaa cutubka u horreeya halka uu ka soo jeedo erayga xeer, oo wuxuu ku arooraa buu tibaaxayaa erayga xeer in uu ka yimi xero oo ah meel dad xeertay oo ood ama deyr ka dhisteen si ay isaga ilaaliyaan cadowga ayuu soo bandhigayaa. Wuxuu kale oo tibaaxayaa in erayga xeer macne kale leeyahay oo ah marka aqal la dhisayo ee dhigaha la taago xadhigga weyn ee isku haya dhigaha oo dhan si aanay dabayshu u kala daadin, sidaa awgeedna xeerku waxa weeye wax dadka isku haya sida oo kalana kala xadeeya. Luuqadda Carabiga oo hodon ku ah waxqabadyada u badan ee qaanuunkuna iyada ay ku qoran yihiim ayaa iyana mucda erayga qaanuun ku qeexday usha toosan ama khadka toosan oo ka dhigan in ay yihiin qodobbo iyo qaacidooyin qofka qummiya oo toostoosiya habdhaqankiisa kana dhawra leexleexdka. Dhanka kale Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa in tol uu yahay tolane oo waxa isku tolay uu yahay xeer. Ciisuhuna kolka ay ka warramayaan muhiimadda iyo mudnaanta xeerku umadda u leeyahay waxay ku maahmaahnaan xeer waa kab lagu socdo oo waxtarka ay kabtu inoo leedahay si la mid ahna xeerku uu inoo leeyahay.

Wuxuu intaa ka dib ku xejinayaa gogoldhigga xeerka oo wuxuu ka jawaabayaa weyddiinta mudnaanta leh ee ku maa xeer dhigta? Qofka lixdan shay ka soo baxa in uu xeerka raaci karayo ayuu sheegayaa: Qofku waa in uu laba dhibo: labada lugood, in uu dhawro: afka iyo ibta, labana waa in uu dhaqo: labada indhood, labana waa in uu agabaro: labada dhegood, laba in uu layliyo: labada gacmood, iyo labo in uu adeegsado: maskaxda iyo qalbiga.

Maahmayada xeerku ku dhisan ee uu soo gudbinayo qoraagu, waxa ka mid ah, xeer wax ma dhaafo la mana dhaafo, xeer waa geed jeerin ah, xeer la'aan waa la xooloobaa, xeer waa xakame, xeer waa dayr iyo dallad, xeer waa hilin aan dhagax lahayn iyo kuwo kale. Wuxuu ku darayaa intaa in xeerku yidhi; xeer diid waa alle diid waana qardiid; xeer waa ilaaliyaha bulshada; nin hantidaada doonaya hubkaaga loo ma dhiibto; nin bakhtigaaga jecel baylahdaada loo ma sheegto, nin dadlkaaga doonaya dawyadaada la ma baro; iyo xeer iyo xariirba waa la huwadaa.

Asluubta xeerka kolka uu ka warramayo, wuxuu soo gudbinayaa, in ay tahay xeer asaasi ah in afar lagu faano ee aan laga faanin: dalkaaga, dadkaaga, dhaqankaaga iyo diintaada, qofka xeerkaa jebiyana lagu xukumayo 12 halaad. Dad badan oo xeerkaa jebiyayna lagu xukumay ganaaxaas. Tiirarka xeerku ku taagan yahay, waxa ka mid ah: in 100 nin oo Gande la dhaho ay yihiin xeer haye, iyo sida oo kale in ay jiraan 12 ulhaye (cheif district) oo loo qaybiyo degaannada oo ay hoos imanayaan 100ka oday ee ganduhu ka soo jeedaan. Dhaqaalahana waxa laga soo uuruiyaa 12ka gallin waxana soo gura 12kii ulhaye oo ay weheliyaan ciidammo gaar ah. Sida oo kale sannadkii mar ayay is waraystaan wixii dhacay sannadkaa waxa isugu imanaya 12kii ulhaye ee degaanka ama gallin. Wuxuu geesta kale xusayaa in 44ka oday ay ka kooban yihiin ee xeerka dhigtay 12 ka aqal ee Ciisaha oo sidan kala ah:

1. Ceeleeye: waa 8 (4 Muuse ah iyo 4 Mamaasan ah)

2. Wardiiq: waa 8 (Waqtishiile oo ah 4 iyo Rumaawaaq oo 4 ah)

3. Holle: waa 7 (Saaciib oo 4 ah, iyo Mahadle oo 3 ah)

4. Hawlqaade: waa 7 (Iidle oo 2 ah iyo Yuusuf oo 5 ah)

5. Hoorane: waa 7 (H.walaal oo ah 4 iyo G. Walaal oo 3 ah)

6. Uurweyne: waa 7 (Fiqi oo ah 4 iyo Cabdalle oo ah 3)

Xeerka guddida qabanaya (ama dhegelayda guddida) wuxuu tilmaamayaa in shantani ay gundhig u yihiin:

B. In laga eegayo in guddidu baahan tahay,

T. In laga eegayo beenaale.

J. In laga eegayo nin buus qaata

X. In laga eegayo il dab oo waa haddii uu eexanayo.

Kh. In kolka ay garta goynayso ay cunto cunayso oo wxa alagu maahmaahaa guddi raamasanaysa gar ma goyso.

D. Iyo in wixii jooga ay ka garnqayso.

Habraaca ama hannaanka garta ay guddidu galayso waxa iyana seesdhig u ah oo ay ka odhanayaan kolka gar la soo hordhigo: aan fadhiisanno; aan maqallo; aan eegno; aan dhegaysanno; aan isweyddiinno; aan ka fiirsanno oo aad iyo aad u lafaggurno; aan guddoonno: oo ah aan isla indha'indhayno intaas oo dhan; ugu danbaynna aan goynno: oo ah aan go'aan wadajir ah aan gaadhno.

Sida oo kale wuxuu cutubkan kaga warramayaa dhegelayda umadda u dhexaysa oo kolka afka casriga ah ee xeerarka aynu ku hadlayno ku beegmaysa 'Xeerka Qaranka/National Law'. Wuxuu tibaaxayaa qodobbadan hoose in ay tiirdhexaad u yihiin arrimaha qaranka ku tacalluqa: in jalku ha inaga dhexeeyo oo waa jidiinka wixii mara waa yaanan la isku dulqadin ee dhuunku ha innaga dhexeeyo oo waxa sees u ah, Ciise marti maahee magan ma kala laha: in ciddii caydhowda la taakuleeyo oo wuxuu ku taagan yahay qodobkani jidiin iyo jicsinba ha inaga dhexeeyo: in la wada dego oo umadda waxa ka dhexeeya waxa xeerka dhigatay oo Ciise wuxuu ku dhisan yahay, Ciise caws iyo ceel ma kala laha: in cidii inaga dhimata aan wada aasanno: in aan la isku qabsan karin daaq, biyaha iyo daaq dad loo diidana ma jirto: in aan wada difaacanno dalka oo wixii debedda inaga yimaadda aan iska celinno: in ay xaaraan tahay in aan gabadh laga oohin: iyo ugu danbayn in geel la qaadayo aanay jirin oo xeerku reebay.

Dhegalayda badbaadada degaanka oo soo hoos galaysa xeerarka ku tacalluqa in degaanka la ilaaliyo (environmental protection) wuxuu iyadana ka yidhi: waa in la ilaaliyo dhirta, waxana la badbaadinayaa ugaadha, waxa kale oo aan la oggolayn in la dego halka biyuhu ka soo galaan haraha ama biyo fadhiisinnada si aanay biyuhu u wasakhoobin. Wuxuu kale oo raacinayaa in xeerku bulshada ka takoorayo 3 nin: Xuun gube: waa kayme gubaha doonaya in uu dhuxul ka shito. Xartuule: waa qoraha geed walba oo geed walba gunta ka gooya oo aan u aabbe yeelin. Iyo Xoodh-Aste: waa buurgaleen iyo duurgaleen neefkii xoolo ah ee uu helaba qasha, inta uu xado, waa nin waraaboobay, degaankana waa ka mamnuuc ninkaana wadajir baa looga tashan.

Qaybaha garta kolka uu ka warramayo wuxuu tibaaxayaa in gari saddex tahay:

1. Gar waa duud: waa gar aad u weyn oo waa dhiig ama dhaqaaqil ah.

2. Gar waa doc: oo ka dhigan: kolka la leeyahay waa xaajo gacal, gacalna dibad loo ma bixiyo

3. Gar waa Duleed: waa xaajo xigto ah oo reeraha dhexdooda lagu dhammeeyaa oo waxa la dhahaa waa xaajo tole dixna ha u ridina oo waa duleed reer ay wax.

Cutubka ku xiga wuxuu ku qaadaadhigayaa xeerka dhiigga oo wuxuu ku furfuranayaa dhegelayda magta iyo maydhaan: Mag kolka la leeyahay, ruux haddii la dilo, ruux lagu ma magayo ayuu odhanayaa laakiin xoolaa lagu magayaa. Wixii xoolo lagu mago oo dhan ayaa mag la yidhaa, dad iyo duunyaba. Maydhaanku waa marka wixii kaa lumay lagugu soo celiyo isla isagii uun. Wuxuu intaa ka dib u sii galayaa dhegalayda magta ee 100ka axanka iyo ood ka ah.

Waxa hadda la keenayaa 15 halaad oo axan la yidhaahdo, oo la siinayo ninkii la dilayo adeerradii iyo ilmaadeerradii. Waxana shuruud ah: waxa u horraysa hasha samra oo nirig wadata. Waxa ku xiga hasha qootin oo nirig wadata. Waxa ku xiga awr macabaade ah oo hayin ah oo layli ah. Waxa kale oo ku xigta hashii aabbo la yidhaa oo waa qaalin ugub ah oo rimman. Waxa ku xiga sac seexis ah ka yidhaa oo weyl wadata. Waxa la daba dhigayaa sida oo kale 10 halaad oo buuxda hashii keliyana waxay u dhigantaa 12 laxaad. Oodku waa 62 halaad oo Uurrey ah iyo Daandheer ah. Daandheerna waxa weeye marka hadha loo xisaabiyo 9 laxaad ana 6 laxaad oo 100 halaad noqonaysa. Meesha lagu kala qaadanayo 100 ka halaad waxa jooogta guddida. Wuxuu ku xejinayaa oo ka warramayaa qabyaha dhaarta iyo sida loo dhaarto, iyo in ay ka muhiimsan tahay kolka la joogi konsabka reernimada uuna ku dhisan yahay maahmaahda ah dhiig soo hooy dhaar se ha soo hoyn. Wuxuu sida oo kale ka warramayaa maragga cidda geli karaysa iyo wixii la mid ah iyo wixii ku saabsan.

Wuxuu soo qaadanayaa dhegalayda addimada, wuxuu xusayaa in gacanta la dhaho: Gummuud iyo Gaabin. Gummuud oo ah haddii ay wada go'do waxa lagu garnaqayaa 15 halaad. Gaabin, waa haddii ay badh go'do waxa lagu qiimayn 7 halaad ammin ka badan. Fartu waa 3 halaad: fartu hadday go'do waxay ka kooban tahay 3 xubnood. Midigtu waa 15 halaad. Bidixduna waa 16 halaad: waayo shaqooyin badan baa lagu qabtaa iyo wixii la hal maala. Dhegalayda lugaha, Haddii ay wada go'do waa 15 halaad, haddii badhgo'o waa 10 halaad, haddii ay xubin go'dana waa 5 halaad. Indhaha wuxuu ka qabaa xeerku haddii ay waxyeelloobeen waa la dawayn, waxa la is weyddiin ma bogsaday, haddii kale waxa la eegi in ay burureen ama buuran yihiin. Haddii ay burureen waa la bixin 100 kiisii halaad. Haddii kale se waa la dhawri oo la baxnaanin.

Wuxuu cutubka saddexaad ee buugga ku falanqaynayaa arrimaha iyo xeerarka qoyska la xidhiidha (family law) iyo sida ay Ciisuhu isu nidaamin jireen oo xadgudubyada iyo si guud wax kasta oo ku tacalluqa qoyska ay u la tacaamuli jireen. Tusaale ahaan dhegelayda u taal Baarcad oo ah gabadha yar ee aan qaangaadhin ee la kufsado. Wuxuu xeerku ka qabaa 16 halaad. Waa 16 halaad oo uurrey ah. Haddii ido lagu xisaabiyo 16 kii halaad waxay noqonayaan 192 laxaad. Qodobbada kale ee dul hoganaya qofkaa waxa ka mid ah in ninkaasi aanu keli ah degaanka uun ka takoornaanayn e gabadhna ka ma guursan karo iyo sida oo kale in ninka gabadh siiya ninkaa denbiilaha ah lagu xukumayo 12 halaad. Waxa sidaa loogu adkeeyay si haweenka loo badbaadiyo oo sharafkooda iyo maamuuskooda loo ilaaliyo. Waxa kale oo xeerku ka warramay dhegalayda u taalla Billa-cad oo ah naag doonnanayd, nin xoolo ka bixiya oo aanan loo haynin. Waxay leedahay oo dadka kaga duwan tahay astaamo u gaar ah. Waxa ka mid ah qalab gacmaha iyo goorta la gashado oo uu ninka ay u doonnan tahay u keeno si aan loogu khaldamin. Qofka wax ka doona ama guursada, waxa uu xeerku ku xukumay 15 halaad. Dhegelayda Xayn-gogla ayaa iyaduna ka mid ah oo waa gabadha in ay lagamamaarmaan tahay in ay qayliso kolka la isku deyayo in la kufsado haddii ay sidaa samayn weydo waxay ka dhigan tahay xeerka waxba ku ma laha oo qodob asaasi ah bay jebisay.

Wuxuu sida oo kale ka warramayaa gabbaatigii iyo yaradkii oo la xidhiidha qaabka loo bixinayo iyo waxa la bixinayo. Qodobbada kale ee muhiimka ah ee xeerku lafaggurayo waxa ka mid ah dhaxalka iyo sida loo qaybsanayo. Wuxuu ka warramayaa in xoolaha odayga u goonniga ah ee gole-ku-hadhka loo yaqaanno la kala dhaxlayo xoolaha kale ee la xidhiidha inta ugu jirta bahdaa in ay iyadu iska leedahay oo aanay cidi ku lahayn. Wuxuu xusayaa in xeerka aanay jirin meel ay ku taallo in gabdhuhu ku luminayaan ama aanay ku lahayn dhaxalka balse fahanka guud ee iska jira ee tibaaxaya in habluhu ay qolada kale ee ay u dhaxaan ay hantida u la tagayso iyo konsabkii qabiilka iyo wiixi la halmaala oo ay sidaa inammadu ku wada qaataan xoolaha. Wuxuu ku soo gunaanadayaa xigsiinta iyo dumaasha, badbaada hooyada, makasta, maatida iyo arrimaha kale ee la hal maala.

Wuxuu cutubka ku xiga ku faaqidayaa, dhegalayda dhaqaaqil. Dhaqaaqil wuxuu ku sifaynayaa in ay tahay mood iyo noolba wixii la dhaqdo. Wuxuu xusayaa in xeerku uu diiday in xoolo la kala dhaco oo xataa haddii aad deyn ku sheeganaysid in ay khasab tahay in aad geedka u soo dhaadhacdid oo aad soo dacwootid. Xoogna xoolo ku ma qaadan kartid oo xeer baa ku qaban. Wuxuu sida oo kale ka warramayaa dhegelayda xoolaha baadida ah iyo waxa laga yeelayo, wuxuu sheegayaa in xoolaha baadida ah haddii aad iska qaadatid oo waa danbe ninkii lahaa kuu yimaaddo oo i sii ku dhaho waa in aad u celisid xataa haddii ay tarantay. Wuxuu dhanka kale cutubkan kaga warramayaa dhegelayda gaadiidka iyo masalooyinka ku tacalluqa oo sifaynaysa sida ay uga fekereen Ciisuhu tafaasiisha habnololeedkooda asaasiga ah. Waxay tibaaxayaan in gaadiidku ka kooban yahay kuwa la rarto ama la fuulo, sida, Awrta, Fardaha, Baqlaha iyo Dameeraha.

Wuxuu u kala qaadayaa labo shay: Haddii neefka cidi saaran tahay boqolkiisii halaad buu leeyahay

Iyo haddii kale oo uu neefkaasi keligii ahaa oo uu wax dilay, waxa reerkii wax laga dilay mag ahaan loo siinayaa neefkii wax dilay. Dhegelayda wayeer oo tibaaxaysa in ceelka uu qof helay aanu umadda ka sheegan karin ee uu u dhexeeyo umadda. Wuxuu ku soo gebagabaynayaa dhegelayda birimagaydo, oo, tibaaxaysa in aan loo dhawaan karin oo la dili karin dadka xeerku birimagaydada uu u yaqaanno. Waxay isa soo shabbahaan Mucaahadooyinka Janeefa (Geneva Convention).

Wuxuu ku iftiiminayaa mugga ku xiga xeerarka qubanaha ah ee la xidhiidha wada noolaanshaha bulshada iyo qaabdhismeedkooda guud. Wuxuu ka warramayaa xeerka shaqaalaha (labour law), oo uu aynu ka soo qaban karno dhegalayda madiidinka, wuxuu xusayaa in madiidinku yahay qofka shaqaalaha ah ee beertaada ka shaqeeya ama beerrayga ah. Qofkaasi dhawr wax ba wuu kugu leeyahay buu odhanayaa:

Haddii uu wax noqdo wuxuu kugu leeyahay magtiisa, haddii uu bukoodana wuxuu kugu leeyahay mushqaayaddiisa. Iyo qodobka kale ee ah in qofka shaqaalaha ahi wax kasta oo uu soo sheegto waa la aqbali oo la ma diidi karo hadalkiisa oo la ma diidi karo, dhaawac haddii uu ku yimaaddana, sidaa darteed xeerku wuxuu dhigayaa maaddaama oo qofka shaqaalaha ahi wax kasta kula gelayo oo hal kasta marayo waa khasab in uu xeerkaasi galo.

Wuxuu ka warramayaa dhegalayda dadka waalan sida oo kale wuxuu xusayaa qofka waalan xuquuqda uu leeyahay. Sidaa waxa loo yeelay in aanu dhagar galin oo dadka iyo duunyaduba ka magangalaan. Qofka waalan haddii la dilo waa la taqsiiri oo waxaa lagu odhan maxaa dadka ugu sii dayseen kolkaa magtiisana waa la bixin. Dheglayda magangelyada iyo wixii la xidhiidha ayuu dhanka kale ku lafaggurayaa iyo dhegelayda dadka ood wadaagta ah ee wada dega si gaar ah ajaanibka iyo wixii ku tacalluqa: wuxuu tibaaxayaa in haddii nin naga mid ah uu u gaysto xumaan dadka na la dega ee ajaanibta waxa laga qaadayaa 12 halaad. Haddii iyaga dhankooda wax inagaga yimaaddaan waxa ka yaalla xeer ah: in ergo marka hore loo dirayo hadday diidaanna; in eergo kale loo dirayo, haddday diidaanna; in ergo saddexaad loo dirayo taa saddexaad wuxuu dhigayaa in la iska dhabo oo gef iyo gacanba ha lagaaga horreeyo ee adigu ha ku horreeyaan buu soo jeedinayaa xeerku.

Dhegelayda quudhsiga (defamation act) buu ka warramayaa oo tibaaxaysa haddii ruux ruux kale iska weynaysiiyo waxa lagu xukumayaa 12 halaad oo cagahooda ku socda ganaax ahaan, waxana loo yaqaannaa ninkaa magac dile. Xeerku sidaas buu dhigayaa oo uu ku xakameeyay, wuxuuna ku dhisan yahay qodob ama maahmaah ah: Ciise waa wada ciise oo ninna, nin caara ma dheera. Wuxuu sida oo kale qodobkan kaga warramayaa dhegelayda Gocosta ama Kubadda oo soo hoos galaysa xeerarkii ciyaaraha (sports law) iyo wixii la mid ah.

Dhegelyda xeer ka boodka ayuu ka hadlayaa oo tilmaamaysa qofka aan sharciga aqoon ama garanayn in xeerku uu si adag u qabanayo. Waxa kale oo ka mid ah jidgooyaha oo isna xeerku si adag u la tacaamulayo. Xeerku wuxuu tilmaamayaa in nin walba oo sarreeyaba uu ka sarreeyo isagu. Wuxuu sida oo kale ka hadlayaa in ninkii nin u taga ciqaab kulul la marsiinayo wejigiisana calaamado dab ah lagaga samayn karo. 50 halaad oo ganaax ahna la siinayo kii loo tegay, ninka gabadh siiyaana uu la kulamayo ganaax. Dhegalayda nabadxidhka (Peace Conflict Resolution) ayuu cutubkan kaga hadlayaa docda kale.

Qaybaha danbe wuxuu ka warramayaa Qabsashada Ugaaska iyo sida Ciisuhu ay soo xulan jireen. Horraantii waxay soo gudbinayaan xeerarka ay odayadu dhigteen, waxa ka mid ah, lix kabood oo kala ah: Kabta dhiigga, kabta dhaqaaqisha, kabta dhaqanka (kab ugaas), kabta dheer, kabta dhiblaha iyo kabta dhulka. Kabta dhaqanka ama kabta ugaaska waxa ku jira xeerarka lagu soo xulanayo oo ay ka mid yihiin: haddii ugaas xijaabto kaalintiisii waxa gelaya ama sii buuxinaya 12 oday oo ka kooban 12 ka aqal ee Ciise inta la qabanayo ugaas Cusub. 144 oday oo ka kooban 12ka aqal ee Ciise waa in ay fadhiistaan goobta la yidhaa Waaruf si ay uga shiraan qabsashda ugaaska cusub. 144kaa oday waa in laga soo xulaa 44 gande ugaas iyo 100 guddi. Waaruf waa in ugu yaraan 4 bilood la fadhiyaa.

Shuruudda uu ku xidhay qofka ugaas noqonaya wuxuu tilmaamayaa in ay ka mid yihiin: in uu Wardiiq, reer Xasan yahay, in hooyadii Ciise tahay, in hooyadii Bilcan tahay (gabadhnimo lagu guursaday), in uu dhawr iyo toban jir yahay, in aanu dhagar gelin duulaanna ka qayb qaadan, in aanu dumaal ahayn, iyo in aanu wax iin ah lahayn. Awoodda ugaaska kolka uu ka hadlayo wuxuu xusayaa in ugaasku uu guddoomiyo ee aanu goyn sida oo kalana shaqada ducada uu qaabbilsan yahay. Sababta ay da'yaraan ugu doorteenna waxa la tilmaama in ay tahay: In la helo ugaas da'yar oo ducadiisa la ajiibo oo aan wax denbi ah gelin iyo sida oo kale in ugaas da'yar cid dayn u sheeganaysaa aanay jirin, cidna aanu godobna ka galin oo cid caloolxumo u haysaa aanay jirin, sidaa daraaddeed waa qof raalli laga wada yahay. Halka uu kaga jiro ugaasku Ciisaha waxa caddaynaya qodobbadan hoose, Ciise waxa dhex u ah saddex: 1. Xeerka. 2. Dhulka 3. Ugaaska.

Waxay sidaa si la mid ah xusayaan iyaga oo ka warramaya halka ugaasku kaga jiro Ciisaha midnimadooda iyo wadajirkooda iyaga oo soo qaadanaya xikmadahan aynu ka soo qaban karno: Ugaasku waa udubdhexaad, ciisuhuna waa aqalkii, ugaasku waa lafdhabar, ugaasku waa duceeye, ugaasku waa aabbo, ugaasku waa geed hadh weyn, ugaasku waa duddeeye iyo qodobbo kale. Bogagga u danbeeya ee buugga wuxuu ku soo qaadanayaa garihii la qaaday ee shaacbaxay, iyo qeexitaanka ku maa geesi ah oo qofka hantay mansabka geesinnmada shuruuudda ku xidhan.

Sida uu mar kale Ciye warqaddiisa dhawaan soo baxday ee, The Issa Xeer: Learning from the wisdom of the tree, ku dooday Xeer Ciise waa xeer guun ah oo dhammaan astaamaha sinnaanta, caddaaladda, xorriyadda; iyo wax walba ka hor dimuqraadiyadda kulansaday. Waa xeer dhan oo xeerarka Soomaalida hormuud u ah kolka aynu ka shidaalqaadanno dhismihiisa iyo ujeeddooyinkiisa. Wuxuu ku sifaynayaa in uu yahah nidaam bulsha-siyaasadeed oo kaalingal ah. Aqoonsigiisuna sumcad iyo maamus u soo jiidayo umadda Soomaaliyeed ee ku kala firidhsan daafaha caalamka ee muddooyinkii u danbaysay la tacaalaysay magacxumada iyo karaamaseegga oo sida Maxamed Daahir Afrax ku xusay buuggiisa, Dal Dad Waayay iyo Duni Damiir Beeshay, kugu kellifaysa in aad ka "dhacdid" sheegashada Soomaali.


Comments

Popular posts from this blog

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?