Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?
Dhammaanteen waynu isla qirsannahay kaalinta qiimaha iyo qaayaha leh ee tacliintu ay ugu jirto ummadaha. Siiba waxaynu si fiican isu la hubnaa in ay kaalin udubdhexaad ah ugu jirto ummadaha la kulmay gumaysiga agabyadiisa kala duwan, ee aadka loogu yaqaanno, sida: cadaadiska, cabbudhinta, cunsuriyadda, dadnimatirnaka iyo dullaynta. Kolkaa, tacliintu laba shaqaba way u haysaa bulshooyinka (gumaysiga la kulmay), horraantii waxay tacliintu u saamaxdaa in ay tubta lagu tanaaday ee horusocodka ay qaadaan, iyo in tacliintu ay iskeed u tahay curiye asaasi u ah ilbaxnimada iyo fufka.
Buuggan turjuman ee aynu falanqaynayaa waxa qoray Baawlo Farayre (1921-1997) oo ahaa faylasuuf iyo macallin dalka Baraasiil ku isirran wuuxu ku dhashay magaalada Reciefe oo ku taalla waqooyiga dalkaas. Wuxuu ka dhashay qoys dabaqadda dhexe ah oo u janjeedha saboolnimada, waayahaasna la daalaadhacaayay busaaraddii weynayd ee ku sababtay mushkilado maaliyaadeed qoysas badan oo ku sugan dunida iyo Baraasiilba.
Waaya'aragnimayntiisii gaajada iyo saboolnimada xilli da' ahaan uu yaraa ayaa ku sababtay in uu dib uga dhaco lodkii ay isku ardayda ahaayeen, iyo geeridii ku timi aabbihii sannadkii 1930 oo iyana arrinka sii xumaysay. Iyadoo taasi jirto, haddana, Farayre wuxuu awood iyo karti u yeeshay in uu dhammeeyo dugsigiisii, uu qalinjebiyo Jaamacadda Recife, uu ka helo shahaadada diktooraada isla jaamacaddaa hilaaddii 1959, intaa ka dib, waxa laga aqbalay xirfadda qaanuunka (legal bar) inkastoo aanu weligii ku shaqayn sharciyaqaannimada. Wuxuu kale oo ka dersay isla jamaacaddaa falsafadda iyo cilmi nafsiga afka, dugsiyada sare wuxuu ka dhigi jiray Afka Burtuuqiiska. Xilligaas ayuu bilaabay in uu la falgalo fekradihii Kaaral Maarkis, Jaan Baawl Saartar, Jee Gifaara, iyo Erik Farom iyo mufekeriin kale oo Katoolikiiyiin ah.
Kolkii uu ka baxay jaamacadda wuxuu go'aansaday in uu sii wado shaqada macallinnimada, majaalka tacliinta oo uu xiise u hayay ayuu si dhab ah ugu digageddistay oo uu xoogga saaray si uu u la dagaallamo aqoondarrada iyo saboolnimada, waxay isguursadeen Elza Freire (1944–1986) oo ahayd mutacallimad, door laxaad lehna ka ciyaartay in ay koruqaaddo doonitaankiisa iyo danayntiisa in uu wax ka akhriyo aragtiyaha tacliinta, falsafadda iyo cilmiga-bulshada ee tacliinta. Intii u dhexaysay 1948 - 1960 wuxuu ka shaqeeyay tacliinta dadka waaweyn iyo tababbaridda dabaqadda shaqaysa, wixii intaa ka danbeeyayna halgan dheer buu u galay sidii bulshooyinka kadeedan ay tacliintu ugu noqon lahayd jid badhaadhaha xorriyadda gaadhsiiya. Ilaa uu ka god galayayna debedmeernimo, xabsi, cadaadis iyo wixii la mid ahna u la kulan sidii arrintaa uu u xaqiijin lahaa.
Mudnaanta Tacliinta Si Guud
Tacliintu aadanaha waxay ugu jirtay boos muhiim ah. Habka iyo hannaanka tacliinta loo helayayna hadba waxay ku xidhnayd heerka ilbaxnimo ee aadanaha. Maaddaama oo uu aadanuhu ka siman yahay higsiga nolol sareedo iyo farxad leh in uu ku nolaado, tacliintu waxay u ahayd jidka keli ah ee lagu gaadhi karayay yoolkaa. Tacliintu waa hawlgal lagu qaabaynayo oo lagu soo saarayo qofaf ka tirsan bulsho cayiman, maxaa yeelay tacliintu ujeedkeeda asaasiga ahi waa in ay qofka ka keento noole oo ka dhigto insaan dareemaya in uu ku abtirsado bulsho qiyam, soojireenno, iyo higsiyo leh.
Tacliintu bulshooyinka keli ah ka ma saarto caalamka mugdiga, oo horumar lagu taamo uun ma gaadhsiiso, balse waxa lagu kaydiyaa afka, hiddaha, dhaqanka iyo ilbaxnimada ummadeed. Waxay ka qayb qaadataa in ay soo saarto qof fahan buuxa ka haysta caalamka sida uu u socdo. Qof ku baraarugsan loollanka dabaqadeed ee ilaa dura soo taxnaa. Qof wacyi taariikhi, siyaasi, diini, dhaqaale iyo bulsheed leh ayay door ka ciyaarta in uu soo baxo. Tacliintu waa udubdhexaad, si kooban.
Sidaa awgeed, maaddaama, oo ay tacliintu mudnaantaas ay leedahay waxa jira mutacallimiin iyo faylasuufyo badan oo ka hadlay, doodana ka soo gudbiyay tacliinta. Aan ku horreeyo Jaan-Jaak Ruuso (1712 -1778), oo ahaa faylasuuf iyo qoraa reer Iswiisarlaan. Wuxuu ka mid ahaa mufekeriintii horkacayay ilbaxnimadii iyo fufkii Galbeedka. Dhanka kale waxa aad loogu yaqaannaa shaqadiisii siyaasadeed ee uu qabtay ee "The Social Contract". Waxa jirta odhaah malaha uu u la jeeday kaftan, balse aynu ka dhadhansan karno culayska tacliintu leedahay, wuxuu yidhi: "ka hor intii aanan guursan waxaan hayay afar aragti oo tarbiyaynta carruurta ku saabsan, hadda se afar carruur ah baan hayaa wax aragti ahna haba sheegin!"
Ruuso sida aan xusay waa faylasuuf aragtiyo siyaasadeed leh, laakiin majaalka tacliinta wax ka qoray. Kolka tacliinta la joogo wuxuu leeyahay aragtida "tacliinta dabeecadeed/natural education" oo ah aragti ka timi dabeecadda aadanaha, wuxuu ku doodayaa in dadku had iyo jeeraale ay addeecaan xeerarka dabeecadda, si garaadka carruurtu uu ugu koro qaab xor ah. Sidoo kale, wuxuu tixgalin muhiim ah siiyay doorka hooyadu ay ka ciyaarto tarbiyaynta iyo tababbaridda ilmaha. Wuxuu qabay; in aan loo adeegsan ciqaabta jidheed carruurta; in aanu macallinku ku badin hadaltirada oo u oggolaado carruurtu in ay si iskood ah wax isu baraan; in ilmaha loo daayo in uu dabeecadda wax ka barto; iyo in aan carruurta laga badbadin talooyinka, amarrada iyo reebitaannada, maxaa sababay haddii sidaasi dhacdo waxa dhimanaya dareenkii ilmaha waxana hoyanaya awooddii fekeritaanka.
Tacliinta casriga ah waxa aad muhiim u ah qoraallada iyo shaqooyinka uu Joon Duwey (1859-1952) oo ahaa faylasuuf iyo macallin afkaaro iyo aragtiyo mug leh ku soo kordhiyay tacliinta. Waxaan filayaa isaga iyo Farayre in laba nin oo tacliinta kaga saamayn badan qarnigii labaatanaad iyo illaa hadda aaanay jirin. Qoraallada Duwey, waxay si qayaxan oo qaawan u naqdinayaa tacliintii soojireenka ahayd ee xilligiisa iyo xilliyadii ka horreeyay, maxaa wacay waxay xoogga saaraysaa xifdinta macluumaadka, iyo in ilmaha loo diyaariyo mustaqbalka oo laga indhatiro taaganta uu nool yahay lana maquuniyo marxaladda uu ku nool yahay mutacallinku. Duwey buugaagtiisa waxa ka mid ah: "How We Think", "Democracy and Education" iyo "The School and Society".
Wuxuu qabay in ardaydu ay aad wax u baranayaan marka lala falgaliyo waaqaca iyo taaganta ee aan lagu mashquulin mustaqbalka oo lagu khalkhalin imtixaanka ay gali doonaan. Wuxuu qabay in wadasheekaysigu iyo niqaashku u saamaxayo in qofku uu noqdo dimuqraaddi, sidoo kalana la helayo bulsho dimuqraaddi ah. Wuxuu ku dooday; in dugsigu uu noqdo hab bulshada lagu beddeli karo; in tacliintu ay noqoto hawlgal cusboonaysiin oo lagu dhisayo waaya'aragnimada qofka iyo bulshada; in la hubiyo ahmiyadda khibradda tooska ah ee tacliinta (tacliinta dhaqangelinta); iyo in uu u arko in tarbiyaddu in ay tahay shaacsane dabeecadeed oo ku xidhiidhsan oo ku taariikhaysan aadanuhu wixii uu ka hantay ilbaxnimada.
Aragtida tacliinta kolka aynu ka hadlayno waa qaddiyad laba dhinac leh: dhinac insaani ah oo aadanaha u adeegaya sidii uu kor ugu qaadi lahaa dadnimadiisa iyo micnihiisa, iyo dhinac farsameed ama qalabeed eraybixinta faylasuufka casriga ah ee Sigmand Baawman (1925-2017) haddii aynu soo qaadanno; oo ah dhinac u adeegaya in la dhiigmiirto insaanka oo xidhiidhna la leh nidaamka hantigoosadka ee xukunka haya. Sidaa aawaadeed dunida casriga ah tacliinta waxa xoogga la saara sayniska in ka badan insaanninimada, waxana suuragal ah in aynu aragno arday dhammaan soo maray marxaladaha kala duwan ee tacliinta oo aan haddana lagu tababbarin ama lagu barbaarin dhaqannada sarreeya iyo qaayasoorrada asaasiga ah.
Sidoo kale, waxa xusid mudan in ujeeddada fog ee dugsiyada iyo jaamacaduha ay tahay in ay door ka ciyaaraan boqollayda koboca dhaqaale ama in ay ka caawiyaan xukuumadaha in ay ku guulaysato doorashooyinka. Kolkaa, tacliintu ay nafci maaddi ah ay yeelato, dhanka kalana ay noqoto tacliin u adeegta nidaamka kolkaa taagan, wuxuu doono ha noqdo e.
Dhanka kale, tacliintu ka ma madhna siyaasado iyo aydiyoolajiyado laga dan leeyahay, bilmetel: Lenin wuxuu xusay in ujeeddada asaasiga ah ee tacliintu ay tahay in ay burburiso burjuwaasiyadda, iyo in aanu jirin dugsi siyaasaddu ay ka baxsan tahay, andacoodyada arrinkaas liddiga ku ahna ay yihiin been iyo nifaaq. Luwi Altuuser (1918-1990) oo ka mid ah faylasuufyada Maarkisiyadda ugu saamaynta badnaa qarnigii labaatanaad, oo mawduucan wax ka xusay, wuxuu aaminsanaa in tacliintu ay ka ciyaarto door aad muhiim u ah soo saaridda xidhiidhada bulsheed iyo kala qaybinta dabaqadeed. Iskuullada, wuxuu ku tilmaamay, aragtidiisa, in aanay ahayn haayado dhexdhexaad ah, laakiin ay yihiin qalab aydiyoolajiyadeed oo ay adeegsadaan cidda talada gacanta ku haysa - oo uu uga jeedo dabaqadda burjuwaasiyiinta.
Aynu ku sii soconnee cilmi-bulshayahanka Faransiiska ah ee Pierre Bourdieu (1930-2002) mar uu ka warramay tacliinta wuxuu xusay in cunfiga astaamaysan (Symbolic violence), ay tacliintu door ka ciyaarto oo cunfigaasi wuxuu ku tiirsan tacliintu in ay tahay qalab asaasi u ah si loo fuliyo waxay doonayso dabaqadda hantigoosadka talisa ee ku amarkutaaglaynaysa, dabcan taariikhduna way innooga maragkacaysaa in shucuubta wax baratay lagu dheeldheeli karo oo laga dhigi karo in ay noqdaan kuwo u adeega mararka qaar sharka, in ka badan shcuubta dibdhacsan ama tacliin hagaagsan aan helin. Sidoo kale tacliintu waxay xanbaartaa fekrado iyo yoolal imbiriyaaligu doonayo in uu bulshooyinka ka fushado oo ka xaqiijisto. Waana sababta ay ilaa hadda u xoroobi la'yihiin waddamadii gumaysiga la kulmay oo weli tacliintii imbiriyaaliga ayaa waddammadoodii ka jira, weli ka ma hirgalin tacliin wax xoraynaysa. Aydiyoolajiyadaha hantigoosadkana si uu uga xoroobo waxa lamahuraan ah in tacliintu noqoto mid dhiirrisa fekradaha dimuqraadiyadda oo u hiilisa dabaqadda shaqaysa iyo dabaqadda liidata.
Xana Aarendt oo ahayd faylasuufad iyo aragticuriye siyaasadeed waxay curiskeeda tacliinta ku saabsan ee "The Crisis in Education" ku xustay in tacliintu ku dhisan tahay in ardayda laga mashquuliyo taaganta iyo waaqaca oo lagu mashquuliyo mustqabalka iyo waxa soo socda.
John Galbraith (1908-2006) oo ahaa dhaqaalayahan dersay bulshooyinka casriga ah iyo dawladda ku tiirsan wershadaha, wuxuu horraantii buuggiisa: "American Capitalism: The Concept of Countervailing Power" ku dooday in nidaamka hantigoosadku aanu ku habboonayn oo waafaqayn nidaamka dhaqaale ee Maraykanka. Wuxuu isla wakhtigaa xidhiidh ka dhexaysiiyay in tacliinta iyo dhaqaalaha xidhiidh uu ka dhexeeyo, ujeedka asaasiga ahi ee dugsiyaduna uu ku soo koobmay in uu haqabtiro baahiyaha nidaamka wershadaha ku dhisan, si badhaxtiranna xoogga loo saaro aqoomaha sayniska iyo farsamada, in ka badan intii xoogga la saari lahaa funuunta iyo culuunta aadanaha oo aynu ahmiyaddeeda iyo qiimaheeda arki karayno, wuxuuna ku soo afjarayaa in iilashadaas iyo tixgalintaa la siinayo sayniska ay carqalad iyo caqabad ku yihiin tacliinta.
Falsafadda Farayre
Farayre wuxuu ka mid yahay indheergaratada ka soo baxay dunida saddexaad ee ay fekradihiisu iyo weedhihiisu saamayn yeesheen, wuxuu u halgamay oo u gucleeyay sidii insaanka dulman ee cadaadiska la kulmay xorriyaddiisii iyo dadnimadiisii u soo dhacsan lahaa. Wuxuu ku baaqay oo u ololeeyay sinnaanta, caddaaladda, iyo dulmiddiidnimada, si kooban astaan xorriyadeed buu ahaa. Farayre wuxuu naqdiyay dhaqanka aamusnaanta (ثقافة الصمت) ee dhiirrigalinaya xaaladda dulmiga, wuxuuna carrabaabay in ilaha aamusnaantu xididdadeedu ay ku aroorayso: aqoondarrada, iyo nidaamka bulsheed ee saboolka ah ee ay ku nool yihiin beeralaydu taas oo ugu danbayntii keentay in uu dhaqanka aamusnaantu uu sii xoogaysto. Kolkaa falsafadda Farayre waxay beegsanaysaa in laga takhalluso aragtida ama dhaqanka aamusnaanta iyo tacliinta dulmanayaasha, dabadeedna la soo afjaro xaaladdaa horumardarrada ah ee bulshadu qaayibtay.
Farayre wuxuu ahaa ilays ka dhex iftiimay mugdiga "dunida Saddexaad" ay ku sugan tahay, wuxuu beeniyay in "cidaha kale" aanay ka soo bixi karin dad waxtar leh oo waxsoosaarka aadaanaha wax ku soo kordhiya. Wuxuu ka soo baxay, dhanka kale, bulsho nafsad ahaan jabtay oo ku sugan xaaladdii uu Ibn Khalduun Muqaddamadiisa kaga hadlay ee tilmaamaysay: "bulshooyinka la jabiyay waxay had iyo jeeraale ku daydaan kan jebiyay dhan kastaba, haddii ay ahaato astaamihiisa, habfekerkiisa, habnololeedkiisa, habdhaqankiisa iyo wixii la halmaala."
Sidaa darteed, Farayre wuxu ku jiraa agticuriyayaasha dhifta ah ee "dunida saddexaad" ka soo baxay, jeerkaasna masalada tacliinta mudnaanta siiyay, dedaal iyo dardargalinna ku bixiyay sidii loo dhalin lahaa tacliin naqdis ku dhisan. Waxa kale oo lagu doodi karaa in mashruuciisa tacliintu ay ka duulaysahy odhaahdii suugaanyahankii Ruushka ahaa ee Leo Tosltoy (1828-1910): "xorriyaddu waxay shardi asaasi ah u tahay tacliin kasta oo dhab ah". Hadafkiisuna wuxuu ahaa oo beegsanayay in la xoreeyo macallinka, mutacallinka, iyo mujtamaca laf ahaantiisa. Sidaa awgeed, wuxuu siday farriin xorriyadeed ay ku lammaan tahay jacayl iyo rejo.
Wuxuu ku dooday in qofku aanu dareemin caalamka uu ku nool yahay ay ka dhigan tahay in aanu jirin, si uu haddaba aadanuhu u jiro waxa lagamakacaan ah in uu dareemo jiritaankiisa, si taasi u dhacdana wuxuu u baahan yahay tacliin daaha ka qaadda lahaanshiiyihiisa halabuureed si uu u fahmo caalamkan oo u naqdiyo, una horumariyo, taasina waxay ku dhacaysaa in uu la yimaaddo hawlgal tacliineed oo ku khasbaysa ardayga in uu aqoon u yeesho ee aan la dulmiyin taas oo u saamaxaysa in uu xidhiidh ka dhexaysiiyo maaddadiisa aqooneed iyo fahankiisa gaar ka ah.
Sidoo kale, wuxuu xusay mushkilad si aad ah uga muuqata tacliinta bulshooyinka dibdhacsan oo ku saabsan in ardayga maanta joogaa kolka uu barri macallin noqdo uu tabtii wax loogu soo dhigay wax u dhigayo ee aanu jid cusub oo hor leh halabuurayn. Sidaa darteed ayuu Farayre u jidbixiyay eraybixintiisa "tacliinta dulmanayaasha", si uu xal kacdoomaysan oo raadhikaal ah ugu helo, mushkiladaas iyo kuwo kale oo aynu si gaar ah u faaqidi doonno.
Innaga oo ku sii soconayna naqdinta Farayre soojeediyay wuxuu tibaaxay in qaab dhigista soojireenka ahi ay tahay hab ardayga dib-u-dhigaysa oo ku sii haynaya caalamka dulmiga. Wuxuu soojeediyay in la fahmo oo la garto hawlgalka tacliinta iyo wax-is-bariddu in uu yahay udubxoogga asaasiga ah, balse aanay ahayn hawlgalka gudbinta farsameed ee xogta, waana waxa uu ku tilmaamayo tacliinta bangiyaysan.
Tacliinta bangiyaysan oo uu cutub ka mid ah buuggiisa ku falanqeeyay wuxuu xusay in ay tahay tacliin dhan u janjeedha, oo isla wakhtigaana ay tahay tacliin arday astaamaha dimuqraadiyadda leh aan soo saarayn. Wuxuu tilmaamayaa in tacliintaasi ay tahay tacliin aan insaani ahayn oo wuxuu dhigayaa in ay insaanka ka dhigto mid ku dhex sugan dulmiga. Wuxuuna soojeedinayaa in ku fallaagoobidda nidaamkaasi uu ka unkamayo in xididdada loo siibo habfekerka dulmiyaha iyo dulmanaha. Dhanka kale, Baawlo wuxuu qabaa in tacliintu ay laba mid uun tahay: tacliin wax xoraysa ama tacliin wax dulmida. Tacliinta micnaha lehna ay tahay tacliinta ku dhisan in macallinka iyo ardaygu uu ka dhexeeyo xidhiidh gacalnimo oo caddifadeed.
Barta asaasiga ah ee ay falsafadda tacliinta ee Baawlo Farayre ka duulaysaa waa in uu lafagur naqdi ah ku sameeyo hawlgalka dulmiga ee "dunida saddexaad" ay la rafaadayso, sidoo kalana uu caddeeyo natiijooyinkeeda bulsheed, nafsadeed iyo in la helo beddelkii lagaga takhallusi lahaa. Sidaa awgeed, falsafaddiisa tacliinta shan kutub oo asaasi ah buu ku faaqifay. Wuxuu tilmaamay in dulmiga iyo qabsashadu ay astaan asaasi ah u tahay "dunida saddexaad". Wuxuu intaa raaciyay in dulmigu aanu ahayn keliya dhisme bulsheed iyo dhaqaale oo keliya balse uu yahay dhisme saqaafadeed oo ay dadka qaar ku tilmaamaan "dhaqanka dulmiga" balse uu Farayre ku tilmaamo "dhaqanka aamusnida" sida aynu soo xusnay.
Tacliinta Dulmanayaasha (Pedagogy of The Oppressed)
Shaqooyinka uu Farayre qabtay ayuu buuggani ugu muhiimsan yahay. Wuxuu af Burtuqiis ku qoray intii u dhexaysay 1967 iyo 1968. Laakiin, horraantii Af Isbaanish buu ku soo baxay 1970, labo sano ka dibna turjumaadda Af Ingiriisiga ah baa la daabacay. Asalkii oo Burtuqiis ahaana 1972 ayaa lagu faafiyay Burtuqaal, kol danbana Baraasiil 1974. Intaa waxa dheer in buuggani afaf aad u badan loo rogay oo saamayntiisu ay isaga kala gooshtay dalal badan. Sidoo kalana uu buuggani qayb laxaad leh ka ciyaaray mashruucii Farayre ee ahaa in uu bulshooyinka "dunida saddexaad" amuumetiro, oo ilaa hadda waa buug weli taagan oo lamuharaan ah dunida oo dhanna laga adeegsado. Waana buugga saddexaad ee loogu xigashada badan yahay culuunta bulshada, iyo kan u horreeya majaalka tacliinta. Falsafadda Farayre waxay ku qaabaysnayd in uu aadanaha ka saacido sidii uu u noqon lahaa aadane buuxa iyo in mashruuciisaa siyaasadeed iyo akhlaaqeed uu beegsanayay uu ahaa in uu fahmo oo qaabeeyo caalamka. Shaqadiisuna waxay ka duulaysay odhaahdiisa caanka ah ee odhanaysa: "akhrinta erayga iyo caalamka."
Farayre ujeedka weyn ee uu abbaarayo waxa weeye in bulshooyinka la dadnimatiray ay dadnimadoodii ay u dagaallamaan oo soo dhacsadaan. "Tacliinta Dulmanayaashu" waxa seeskeedu yahay waaya'aragnimadii Farayre uu kala kulmay oo uu la noolaaday cadaadiska iyo saboolnimada. In uu dhidbo nidaam tacliineed oo loogu talagalay qofka la caadiyay ayay taasi ku sababtay in uu noqdo mid ku baraarugsan oo dareensan xaaladdaa uu ku sugan yahay, si uu, intaa ka dib u dhaliyo isbeddel bulsheed oo nidaamkaa cadaadis ee jira dhinaca kale u af rogo.
Farayre ka dib in badan oo uu la daalaadhacayay shaanbadayn iyo daabaqadayn ka dhalatay dhaqdhaqaaqyada qaabbilsan dulmiga bulsheed, dhaqaale, siyaasadeed iyo nafsadeed, saamayntaasina ay si toos ah uga soo muuqatay nolosha beeralayda iyo dabaqadda shaqaysa ee Baraasiil, wuxuu xalka ka dhigay in wacyiga bulsheed iyo fekerka naqdiga ah oo ay dhaqangelin ku lammaan tahay ay keenayso xorriyadd. Wuxuu ku doodayaa in dabaqadda dulman ay mushkiladda gaajadoodu sees u tahay masalo bulsheed oo maaraynteedu ay lagamamaarmaan tahay.
Wuxuu Farayre kolka horaba inoo tilmaamayaa oo qeexayaa in cadaadisku uu yahay qaabdhismeed, ay door ka ciyaaraan dulmiyaha iyo dulmanuhu.
Wuxuu xoogga saarayaa xorriyadda qofeed, dulmiguna wuxuu ku tilmaamayaa fal kasta oo dabraya xorriyadda qofka. Wuxuu Farayre ballaadhinayaa micnaha iyo mucda dulmiga iyo cadaadiska oo wuxuu ka gudbayaa habka taqliidiga ah ee loo sharraxo ee keli ah laga eego dulmiga dhanka maaddiga ah. Wuxuu xusayaa si loo helo cunto tayo leh, caafimaad, waxbarasho, xorriyad iyo fursado uu qofku ku gaadhi karo go'aanno faa'iido u leh waa in la xaqiijiyaa xorriyadda shakhsiyadeed. Farayre wuxuu ku doodayaa qaabdhismeedka dadnimatiranku in aanu meel kale ka iman ee uu ka yimi dulmiyaha iyo dulmanaha oo daadejiyay xaaladda cadaadiska iyo dulmiga. Taas oo ka dhigtay in aanu qofku ku baraarugsanaan awoodihiisa dhammayska tiran. Waa nidaam soo noqnoqosho ah taas oo dulmiyaha iyo dulmanuhu ay si ballaadhan u daadejinayaan dadnimatiranka. Wuxuu carrabaabayaa qodob aad muhiim u ah oo ku saabsan in dulmanuhu uu Ilaaheeyo dulmiyaha.
Buuggu masalooyinka uu aadka u naqdinayo waxa ka mid ah nidaamka taqliidiga ah ee "bangiyaynta" tacliinta, oo wuxuu tilmaamayaa in nidaamkaasi ku dhisan yahay in macallinku yahay kan wax walba yaqaan, ardayguna caksiga yahay oo wax uun lagu shubayo kolka imtixaanka la gaadhana laga shubayo. Nidaamkaas bangiyaynta ardaydu wax fursad ah u ma haystaan in ay si firfircoon uga qayb qaataan marxaladda waxbarashada. Farayre wuxuu xusayaa in macallinka loo aqoonsanyo bare fiican kolkasta oo uu si fiican u dhaamiyo ardayda oo uu wax u laqimo, taa caksigeedana kolkasta oo ardaydu oggolaadaan in weel ahaan loo buuxiyo waa mar kasta oo ay arday fiicfiican noqdaan. Wuxuu kale oo tibaaxayaa isagoo qeexaya fahankaa "bangiyaynta" in macallinku aanu ardayda wada xidhiidh la samayn ee uu u la dhaqmo bangi uu lacagdhiganayo. Dabadeedna ardayda ku dul akhriyo, ku qulaamiyo, hadhawtiina iyagu ay dirqi ku qaybaan oo ku soo celiyaan. Isagoo arrintaa tilmaamaya halka ay sartu ka qudhunsan tahay wuxuu ku muujinayaa:
"Marka lafagur sugan lagu sameeyo xidhiidhka ardayga iyo baraha, ee heer kasta - gudaha ama bannaanka dugsiga, meel uu yahayba - waxa soo baxaysa in uu meerin yahay. Xidhiidhkani wuxuu ka dhexeeyaa Yeele wax marinaya (baraha) iyo la yeele dulqaad ku dhegaysanaya oo wax loo meerinayo. Mawduuca la meerinayaa - hadduu qiime guud leeyahay ama uu waaqaca dhinacyo badan ka taabanayaba - wuxuun buu ku danbeeyaa, marba haddii la meerinayo uun, in uu nolol beelo oo laga dido. Waana middaa xanuunka ay waxbarashadu la il daran tahay."
Wuxuu kale oo si kulul u naqdinayaa manhajyada, wuxuuna ku doodayaa in nidaamka bangiyayntu uu yahay nidaam gun-ka-tolid ah oo laga dhaxlay nidaamkii tacliineed ee gumaysiga, ilaa haddana ay ku dhaqmaan dalalkii gumaysiga ka soo baxay. Wuxuu sheegay in nidaamkaas ay dhigayaan oo dejinayaan dulmiyayaashu iyagoo ku seesdhigaya aragtidooda iyo aydiyoolajiyadahooda, jeerkaana ay si dhammaystiran isaga indhatirayaan baahiyaha dulmanaha. Waxbarashaduna ay sidaa ku noqoto maquunin lagu camalfalayo, ardaydana ku kobcisa in ay ku sii jiraan xaaladdaa maquuninta, oo ay weheliso damac aydiyoolajiyadeed oo ardayda ku sii haynaysa caalamka dulmiga.
Farayre wuxuu qabaa in xalka aan laga helayn fekradda bangiyaynta, oo waxayba door ka ciyaartaa sidii dulmigu u sii waari lahaa oo xididdada u aasan lahaa. Wuxuu tilmaamayaa qodobbo ay ka mid yihiin, oo masaladaa fahan xeeldheer innaga siinaysa: macallinku wax buu dhigaa, ardaydana wax baa loo dhigaa; macallinku wax kasta wuu yaqaan, ardayduna waxba ma taqaan; macallinku wuu fekraa ardaydana, ardaydana waa loo fekeraa...
Farayre wuxuu xalka u arkaa in tacliintu ku dhisnaato wadasheekaysi, oo meesha si dhammaystiran looga saaro nidaamkaa bangiyaynta ee xorriyadda dabarka ku ah. Wuxuu qabaa mar haddii wadasheekaysi yimaaddo in wada xidhiidh hor leh oo cusub bilaabmayo oo ah; macallin iyo arday, iyo arday iyo macallin iskana kaashanaya sidii loo xallin lahaa mushkiladaha. Sidaa awgeed, macallinku ma sii ahaanayo in uu noqdo 'kan wax dhiga' oo keli ah, isaga ayaa wadasheekaysiga wax ku barta oo ardayga ay wax kala bartaan, sidaana wax ku dhigta. Kolkaa, waxa bilaabma geeddi labadooduba ay wax ku kala kororsanayaan, oo waxa la hilfaha loo laabayaa oo la soo afjarayaa doodda hal dhinac laha ah ee 'anaa awood leh'.
Wuxuu qabaa in taa liddgeeda tacliinta bangiyayntu ay joogtayso maquuninta wacyiga, halka tacliinta wadasheekaysiyeed ay u halganto in wacyiga la muujiyo, waaqacana si naqdineed loo waajaho. Tacliinta bangiyayntu in ay halabuurnimada iyo kasnimada wacyiga dhufaanto ayuu ku doodayaa. Halka tacliinta furfuridda ku dhisan ay saldhig u tahay halabuurnimada waxayna carisaa fekerka dhabta ah iyo ficilka waaqica lagu la falgalayo. Wuxuu kale oo tilmaamayaa in nidaamka bangiyaysani uu xoogga saaro joogtannimada, dababeed dibusocod buu ahaadaa, tacliinta furfuridduna waxay xoogga saartaa oo ku sal leedahay taagan isbedbeddeli og, waxayna noqotaa mid kacdoomaysan. Wuxuu soojeedinayaa in tacliintu ay noqoto mid kacdoomaysan taas oo bilawgaba ku dhaqanta oo ka dhigan in ay ahaato mid ku dhisan nidaamka wadasheekaysiyeed ee jidka dimuqraadiyadda lagu xaqiijinayo.
Habkaa kacdoonka ah ee xanbaaraan fekradda iyo wacyiga naqdinta ayaa ardayga iyo macallinkaba ka dhiga kuwo ka qaybqaata nidaamka waxbarashada. Labadoodubana wax bay kala faa'iidaysanayaan. Tani waxay ka caawinaysaa in la abuuro xidhiidh ka dhexaynaya ardayga iyo macallinka oo ku dhisan sinnaan, oo ku yeesha saamayn aad u weyn oo ku saabsan yoolalka laga leeyahay tacliinta. Farayre wuxuu soojedinayaa in muraayad naqdis ah lagu eego waaqaca had iyo jeeraale isbedbeddelaya oo macallinku aanu u fekeri karin ardayda, kuna khasbi karin aragtiyahiisa/heeda. Wuxuu soo bandhigayaa in loo baahan yahay feker dhab iyo dhalad ah oo danaynaya waaqaca, balse ku ma imanayo in ardaygu taallo aan dhaqdhaqaaqayn noqdo e wuxuu ku imanayaa in la wada sheekaysto oo xidhiidh la wada smaeeyo.
Farayre wuxuu soo bandhigayaa muhiimadda jacaylku leeyahay. Wuxuu tilmaamayaa in wadasheekaysi aanu iman karin ilaa uu yimaaddo jacayl loo hayo dadka iyo caalamkaba. Wuxuu tilmamayaa jacaylka oo ah fal dhiirranaan ah ayaa ka maqan meesha taasi waxay keentay in ay sii waariso falka maquuninta. Wuxuu ku doodayaa in jacaylka ay xaaladda maquunintu ka takhallustay lagu soo ceshan karo in xaaladda dulmiga la baabbi'iyo. Sidaa darteed, marka la jeclaado, caalamka, dadka, iyo nolosha ayaa wadasheekaysi iman karaa. Wuxuu tibaaxayaa in wadasheekaysi aanu jirsami karin isduldhigid ilaa la helo. Wuxuu qabaa in kalsooni labada dhinac ah lala yimaaddo, oo taasi waxay ka turjumaysaa in islaabxaadhasho meesha taallo. Kolkaa ma jiri karto haddii aanu is waafajin afkiisa iyo addinkiisa. In afka wax laga dhaho wax kalana la sameeyo kalsooni ma abuurto. In dimuqraaddiyad la weyneeyo misana dadka la aamusiiyaa waa dheeldheel buu leeyahay. In dadnimo lagu khudbadeeyo misana dadka la qiimatiraa waa beendaacid iyana. Wuxuu kale oo tibaaxayaa in wadasheekaysigu aanu jiri karin rejo la'aanteed. Rejadu waxay ku lifaaqan tahay insaanka. Rejabeelnimadu waa nooc aamusnaan ah waana caalamka oo laga baxsado oo la dafiro. Kolkaa rejabeelnimada waxa mudan in looga guuro rejada; si loo gaadho hadafyada wadasheekaysiga; si loo xaqiijiyo in laga baxo dadnimatarinka; si looga dhabeeyo horumarka.
Farayre, wuxuu buugga ku soo gunaanadayaa "Aragtiyaha'Wadasheekaysiyeed' iyo Lidkeeda". Wuxuu soo bandhigayaa dhawr shay oo aragtiyaha wadasheekaysiga liddi ku ah oo ay tahay in laga takhalluso, waxana ka mid ah: Qabsasho, Qaybi oo Xukun, Khatalaad, iyo Duullaan Dhaqameed. Intaa uun cutubkaasi kuma koobna e wuxuu raacinayaa aragtiyahaa lidkooda iyo xalka lagu sixi karayo, waana: Wadasheekaysi, Iskaashi, Xorriyad u Midoobid, Abaabul, iyo Alkumid Dhaqameed.
Gunaanad
Buuggan inta aynu akhrinayno waxaynu ka dhadhansanayaa naqdinta iyo ganaf ku dhufashada Farayre ee ku saabsan aragtiyaha libraaliyadda-cusub ay ku baaqaan ee ah in taariikhdii iyo dabqadihii ay dhammaadeen, oo wuxuu ku doodayaa in taariikhdu aanay sinnaba u dhammaan, mustaqbalkuna yahay mid mushkilado ku hareeraysan yihiin oo aan la sadaalin karin. Dhanka kale, wuxuu diidayaa andcadoodka ah loollankii dabqadeed in uu dhammaaday, wuxuuna xusayaa, taa caksigeeda oo dabqaduhu in ay yihiin curiye asaasi ah oo jira oo dabcan cadaadiskana door ka ciyaara ayuu ku doodayaa. Si aynu cadaadiska iyo dadnimatirankana u fahanno waa in aynu loollanka dabaqadeed fahannaa ayuu soojeedinayaaa kol kale. Wuxuu kale oo ka soo horjeestay binyawiyada-ka-dib aragtiyaheeda ku aaddan sida cadaadiska loo fasirayo iyo wixii la halmaala.
Gebagebadii, qoraalkani waa akhris iyo falanqayn aan ku sameeyay buugga "Tacliinta Dulmanayaasha" ee Baawlo Farayre ee uu Soomaaliyeeyay Cabdicasiis Guudcadde, iyo dabcan akhris kale oo weheliya oo aan ku sameeyay shaqooyin si uun u la xidhiidha buugga oo ay khaanadda culuunta bulshada soo hoos wada galayaan.
Turjumiddan intii aan akhrinayay waxa iiga baxay in buuggani kolka lala barbardhigo shaqooyinka turjmaadeed ee uu Guudcadde sameeyay (marka laga yimaaddo 'Waa Inoo Muqdisho' oo aan weli madbacadaha Soomaalida soo gaadhin) buuggani uu si muuqata uga fudud yahay xagga dhumucda erayada iyo si guud in aad si sahlan ku fahanto ujeeddada buugga.
Cajiib wye
ReplyDeleteGaryaqaan waad ku nuuxnuuxsatay!
ReplyDelete