Tobanka Istraatiijiyadood ee lagu xukumo bulshooyinka


Noam Chomsky: af yaqaan iyo Indheergarad reer Maraykan ah. 


FG: Qoraalkan bilowgii waxaan ku faafiyay in uu Chomsky qoray, balse, waxaan xaqiijiyay baadhitaan dabadii in isaga loo tiirinayo ama loo xaglinayo tobankan Istraatiijiyadood ee aan anigu soo turjumay ama soomaaliyeeyay.







Warbaahinta wax walba oo la soo galiyaa run ahaan looma qaadan karo, xaqiiqada dhammayska ahna in ay soo gudbinayso ka ma dhigna, kooxaha suldada ah iyo gadhwadeennabua intooda badan waxay hoosraacsadaan ajandayaashooda iyo higsiyadooda iyagoo adeegsanaya warbaahinnta iyo baroobagaandada. Labadaasi door weyn ayay ka ciyaaraan in ay sameeyaan oo qaabeeyaan aragti wadareedka, dhaqdhaqaayo iyo ururro ayaa dhulka lala jaraa, kuwo kalana waa la nooleeyaa, sicirbararrada dhaqaale iyo korukaca maciishaddana wax sahlan baa laga dhigaa, dagalladana waa la caadiyeeyaa gelitaankooda, waxaa kale oo la huriyaa oo la shidaaliyaa khilaafaadka aydhilajiyoodaha kala duwan.


Qoraaga, afyaqaanka iyo indheergaradka magaciisu caanka yahay ee Noam Chomosky, oo ka jawaabaya weyddiinta ah sidee baynu ku ogaan karnaa Istraatiijiyadaha faca weyn ee aynu ku garan karno xeeladahaas gadhwadeennadu adeegsadaan oo hubanti aynu si weyn uga qaybqaadaanno faafintooda. Wuxuu tibaaxbixiyay oo ku soo uruuriyay, Toban Istraatiijiyadood oo warbaahinta la hoosmarsado, kuwaas oo si caadyaal ah, dadka nafsad ahaan u saameeya, dadka qaarna ay ku doodaan in ay ka mid yihiin, qayb ka mid ah dullaynta iyo doqomaynta bulshooyinka. Chomosky wuxuu Istraatiijiyadahan u tiirsanayaa, dukumenti aad sir u ahaa, oo taariikhdiisu dib ugu noqonayso Meey 1979, sido kalana la helay dabshidkii 1986, oo xanbaarsanaa cinwaanka ah hubka aamusan ee dagaal deggan lagu galo. Istraatiijiyadahani waxay caddayn u yihiin hababka loo xukumo oo loo maamulo bulshooyinka iyo jamaahiirta. Sidoo kalana loo mashquuliyo iyadoo hubka warbaahinta la adeejinayo, sidan ayayna kala yihiin:



1. Istraatiijiyadda Mashquulinta:


Aragti wadareedka (Ra'yul caamka), ka mashquuliya dhibaatiyoonka muhiimka ah, iyo isbedellada ay samaynayaan labeenta siyaasadeed iyo dhaqaale, oo ku mashquuliya masalooyin aan sii ridnayn ama rib ahayn oo aan wax qiimo ah lahayn. Istraatiijiyadahani waxay daruuri u yihiin in caammada laga horjoogsado in ay waxyaabaha daruuriga ama asaasiga ah, ahmiyad siiyaan, masalan, in ay wax ka ogaadaan; aqoonta, dhaqaalaha, cilmu nafsiga, kumbiyuutarka, neerfaysaasha iwm. Ka ilaali caammadu in ay ahmiyad siiso mashaakilka iyo qaddiyadaha bulshada ee dhabta ah, taa beddelkeeda ku mashquuli wax aan mudnaan badan lahayn. Shacabweynaha mashquuliya, mashquuliya oo mashquuliya, illaa ay waayaan wakhti ay ku fekeraan oo garaadka ku godliyaan, keliya in ay beertooda ku laabtaan iyaga iyo xoolahooda. (Odhaah laga soo xigtay dukumentigii, "hub aamusan si loo galo dagaal deggan").


2. Mushkiladda abuur oo maaraheeda keen:


Istraatiijiyaddan waxaa la adeegsadaa kolka suldadu ay doonayso in ay dhexmariyaan go'aanno cayiman oo shacabku aanu aqbali karayn illaa iyo dhibaato timaaddo oo shacabka laftigiisu uu dalbado in go'aannadaas la fuliyo si loo xalliyo mushkiladda, si fudud waxaa loogu yeedhaa mushkiladdu waa falcelinta xalka, iyadoo la abuurayo dhibaato keensanaysa in ay shacabku si degdeg ah uga falceliyaan. Bilmetel, cunfiga magaaladu ha isbiirsado ama ha sii siyaado, ama abuur qaraxyo ay dhiig badan ku daataan, illaa ay dadku ka dalbanayaa qawaaniin iyo xeerar adag in la sameeyo oo xorriyaddooda ka tanaasulaan. Ama sidoo kale dhibaato dhaqaale abuur si ay dadku u aqbalaan xal degdeg ah, oo keensanaya in ay xuquuqdooda bulsheed ka tanaasulaan, iyo in la baabi'iyo shaqooyinkii caamka, si xalkaas uu u noqdo shar lagama maarmaan ah.


3. Istaraatiijiyadda aayar-aayarinta:


Si loo xaqiijiyo wax la aqbali karo oo higsiyadaada ka mid ah, waxaa kuu bannaan in aad ku dabbaqdo, istraatiijiyadda si aayar-aayar ah, si aad u dhaqangaliso ujeedkaaga. Siddeetamyeedii iyo sagaashameeyadii waxaa la soo rogay tiro duruuf bulsheed iyo dhaqaale ah oo cusub, oo ka duwan kuwii hore si aayar ah, taas oo sababtay, in shaqo la'aantu ay sii kororto ama xad-ka-bax noqoto, burbur, xasillooni darro, walaacsanan iyo mushahar aan nolol ahaan ku kaafinayn la siiyo, taas oo haddii hal mar lagu dabbiqi lahaa bulshada ku sababi lahayd in ay kacdoomaan.


4. Istraatiijiyadda dibudhigidda:


Mid ka mid ah hababka loo adeegsado in lagu mariyo go'aanno aan bulshadu sinnaba u oggalaanayn, oo laga horumarinayo weedha ah "wuu xanuun badan yahay balse waa daruuri", aad bayna uga sahlan tahay in bulshadu ay aqbasho go'aan mustaqbal ah, in ay aqbalaan go'aan taagan ah. Maxaa yeelay, huritaanka mustaqbaleed wuu ka fudud yahay huritaan taagan ah, laba qodobba, kow waa in dedaalka lagaaga abaal-marin doono mustaqbalka uu ka wanaagsan yahay kan taaganta, iyo ta labaad oo ah in shacabku uu weligii aamminsanaa sidoo kalana uu hal meelna uu u wada jeedo ah oo ah in ay barri ka wanaagsanan doonto maanta, oo huritaankaas loo aayi doono mustaqbalka.


5. Shacabka ula hadal si ciyaalnimo ah:


Badanka wararka ku wajahan caammada waxaa la adeegsadaa hadallo, xujooyin, shakhsiyaad iyo cod astaan ciyaal iyo caruurnimo leh, badiyaana waxaa looga dan leeyahay in kor loo qaado dibudhaca maskaxeed, waxayna ula hadlaan sidii oo daawaduhu ama dhagaystuhu ama akhriyuhu uu yahay ilmo yar ama mid maskax ahaan aan bedqabin. Markasta oo la iskudayo in la marinhabaabiyo daawadaha, waa markasta oo aynu adeegsanno codkaas, waayo? Haddii aynu ula hadalno qof sidii oo uu laba iyo toban jir yahay, jawaabta uu qofkaasi bixinayaa waxay noqonaysaa jawaab xis naqdi ah ka madhan, oo la miisaan ah ta uu bixin lahaa ilmaha 12 jirka ah ee ka madhan xis naqdi ah.


6. Adeegso caadifadda:


Kicinta caaddifaddu waa hab qadiimi ah oo loo adeegsado in caqliga iyo maanka lagu caddilo, iyo sidoo kale xiska dhaliileed ee qofka. Adeegsiga jaanibka caadifiyeed wuxuu u furayaa miyirka dahsoon si uu ugu beero afkaar, jamashooyin, baqdin, werwer iyo qofku in uu sameeyo oo ku kaco falal kooban.


7. Caammada aqoondarro iyo ahballo ka dhig


Waa in tayada tacliinta ee ay dabaqadda hoose helayaan noqotaa, mid aad u liidata, oo u hoosaysa, dabcan siina kordhisana faqriga u dhexeeya dabaqadda hoose iyo ta sare. Sidoo kalana ay noqoto wax aan suure ahayn in dabaqaddaasi ay ogaato dhibaatadu halka ay salka ku hayso. Sidaas darteedna bulshadu ay u noqoto mid ka caajisaysan in ay fahanto qaababka iyo hababka kooxda suldada ku fadhidaa ugu amarkutaaglayso uguna addoonsato.


8. Ku raalli ahaanshaha jahlinimada:


In lagu dhiirriyo shacabweynaha in ay dabiici iyo caadi tahay in ay ahaadaan doqommo,  aqoonlaawayaal, iyo wuxuush.


9. Xoojinta is-hiifidda:


In qofka laga dhigo oo la dareensiiyo in uu sabab u yahay dibudhaciisa iyo nasiibxumadiisa sidoo kalana uu masuul ka yahay, maxaa yeelay ma ahan qof aad u dedaal iyo maskax badan. Waxaana looga dan leeyahay in lagu beddelo halkii uu ku kacdoomi lahaa nidaamka dhaqaale, wuxuu samaynayaa in u naftsiisa xaqiro oo yaso. Taas oo dhalinaysa ama keensanaysa xaalad niyadjabsanaan in ay meeaha timaaddo oo dhaqadhaqaaq walba iyo iskuday kasta ka horjoogsanaysa. Ugu danbaynna dhalinaysa in aan kacoodnku iman oo guulaysan.


10. Barashada dadka in ka badan inta ay iyagu is garanayaan:


Horumarka degdegga ah ee cilmigu sameeyay 50 kii sano ee u la soo dhaafay wuxuu sababay, in uu u dhexeeyo dalool,  aqoonta caammada iyo aqoonta ay leeyihiin oo adeejiyaan labeenta talisaa. Culuumta bayloojiga, neerfaha, iyo kasmanafeedda tikiniigga awgood, nidaamku wuxuu ku guulaystay, in uu noolaha si fiican u barto jidh ahaan iyo nafsad ahaanba, sidoo kale wuxuu awood u yeeshay in uu barto qofka, in ka badan inta uu naftiisa yaqaanno. Waxay ka dhigan tahay in nidaamkani uu badanka yahay ka gacanta ku haya ama ku amarkutaagleeya qofafka in ka badan inta ay nafahooda gacanta ku hayaan oo xukumaan.

Comments

  1. Mahadsanid, Cabdicasiis.

    ReplyDelete
  2. mahad sanid walal, waxan ku weydinaya 10ka istaraajiyad tan kowaad macnaha warku ma wuxu ku socdaa barasha kulliyadaha aad soo tixday iney yihiin mashquulin mise halkey salka ku hayan oo la ogaado.

    ReplyDelete
    Replies
    1. May walaal. Wuxuu Chomsky soo jeedinayaa in iyaga wax laga ogaadao, balse Istraatiijiyaddan mashquulintu ay sababtay dadku in aanay wax ka ogaan oo si fiican u dersin.

      Delete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Sidee buu ahaa 'Dhaqaalihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (1960-1991)'?

Dulmanayaashu Tacliin Noocma ah bay u Baahan Yihiin?

Baaqa Shuuciga: faallo akhris iyo falanqayn