Posts

Showing posts from April, 2022

Filimmo koobsanaya sheekooyinka Dostoyevsky, jaadadka kala geddisan ee nafsadda basharka!

Image
Maqaalkan isagana waxa aan Facebook ku baahiyay, 11 Nov, 2021. Waxa aan sidoo kale ka soo turjumay mareegta (Website) mugga weyn ee  aljazeera.net Fyodor Mikhailovich Dostoevsky; Russian Novelist Waxa ay ku beegan tahay maanta (11 Nov, 2021) sannad guuradii 200-aad ee dhalashada sheeko-faneedyahanka Ruushka ah ee Fiyodoor Dostoyevsky, kaas oo lagu tibaaxo sheekoxardhayaasha sida xeesha dheer u quusay nafta aadanaha ged-geddoonkeeda iyo isbeddelkeeda. Sheekooyinka Dostoyevsky qofka akhrinaya hal shakhsiyad ka dhadhansan maayo, maxaa yeelay, dhinacyo kala jaad ah ayuu Dostoyevsky shakhsiyaddiisa kaa tusayaa, waxa uuna ina fahamsiinayaa waxyaabaha ku riixaya dhammaan falalka aadanuhu ku kaco xataa kuwa aynaan raallida ka ahayn, sida shakhsiyaddii faroolaha ahaa "Soosiima/زوسيما" ee riwaayaadiisii caanka ahayd "Walaalaha Karaamaasoof/الإخوة كارامازوف", silsiladda aadanuhuna aad bay isugu maran tahay, oo falkasta oo bashar ku kaco, hal qof dhakada loo saari maayo. Riwa...

Dibudhaca Fekradeed!

Image
FG: qoraalkan 19 Agtoobar, 2021, ayaan ku faafiyay boggayga Facebook. Dibudhaca fekradeed. __________________________ W.Q: د. طارق السويدان Dr. Tareq AlSuwaidan  W.T: Cabdicasiis Daahir    Aafooyin karaar dhaafay ayaa ummadda carbeed iyo ta Islaameedba dul hawaarsaday, xalaqaadkii hore si kooban waxa aynu u soo qaadaa dhignay, aafooyinka dibudhaca tarbiyadeed, aqooneed, iyo tiknoolajiyeed, maantana waxa aynu si kooban uga hadlaynaa, dibudhaca fekradeed, ujeedka aan uga hadlaynona ma ahan, in aan ku dhex fidino bulshada ruuxda quusta (sida aan hore u soo sheegayba), hayeeshee waa ogaanshaha jirrada/xanuunka, si aan u gogol xaadhno dhayidda, maxaa yeelay garashada dhibkeenna ayaa sees u ah furdaamintiisa, innaguna maanta wax aynu uga baahi badannahay ma jirto, in aan garanno dhibaabaheenna si qoto dheerna u lafa gurno, xadka ballaceeda, iyo garashada waxyaabaha daahan, illaa aan ka gaadhayno, dhitaynta maaraynteeda ku haboon. Dhanka ama jaanibka fikirka, maanta waxaa lagu t...

Dibudhaca Tarbiyadeed.

Image
Dr. Tareq Mohammed Al-Suawaidan; Qoraa iyo gnacsade Kuwaytiyaan ah   Kolka aynu ka hadlayno tarbiyadda, waxa aynu hilaadinaynaa timaaddada ummadda, iyo raggeeda soo foolka leh, lodka wanaagsan oo lagu ababiyo tarbiyayn wanaagsan, waxa uu soo saaraa ummad qaayasoorro iyo akhlaaq leh, faca faasidka ah ee aan la tarbiyayn ama la kulma tarbiyad aan suubbanayn, midhihiisu waxa uu noqonayaa ummad burbursan baaba'san, oo la-daalaa-dhacaysa, dibudhac tarbiyadeed, kaas oo fasahaadinaya jirridaheeda. Barbaariyuhu waxa uu ku ababiyaa ubadka, wixii aabbihii ku ababiyay. Nebiguna (NNKH), waxa uu leeyahay: "waalidku ubadkiisa in waxa uu siiyo, waxaa uga wanaag badan in uu si wanaagsan u tarbiyeeyo." Mar kalena waxa uu leeyahay nebigu (NNKH), "in uu ninku edbiyo (asluub fiican ku barbaariyo) caruurtiisa ayaa uga khayr badan in uu sadaqeysto saac (4 mud oo ku dhowaad u dhiganta laba litir iyo badh (2.5 Litir), Sakaatul Fidriga, fidyada iyo wixii la halmaala ayaa lagu bixin jiray)....