Lamahuraannimada Suugaanta

Curiskan oo asalkiisu ahaa "Why Literature?" waxa qoray Mario Vargas Llosa, 2001 ayuu ku baahiyaya majalladda The New Republic Badiyaa waxa ii yimaadda, q of i weyddiinaya saxeex kolka aan ku suganahay bandhig buug ama maktabad . Xaaskiisa, inantiisa ama hooyadii, ama cid kale buu u doonayaa, wuxuuna ku cudurdaaranayaa "in ay tahay akhriste aad u fiican oo jecel suugaanta." Isla markaba, waxaan weyddiiyaa: "Adiguna? Akhriska ma jeclid miyaa?" Badankana jawaabtiisu waxay noqotaa: "dabcan akhriska waan jecelahay, laakiin waxaan ahay shakhsi mashquul badan." Waxaan maqlay sharraxaadaa tobannaan jeer: qofkaa iyo kumannaan la mid ah waxyaalo badan oo muhiim ah, waajibaadyo aad u badan, masuuliyado aad u badan oo ay qabtaan oo nolosha ah bay hayaan. sababtaas baanay u awoodin in ay wakhtigooda qaaliga ah ku lumiyaan sheeko, diiwaan gabay, ama curis sugaaneed saacado xidhiidh ah. Innagoo ka dab qaadanayna fahanbixintaa faaftay, akhriska suugaantu waa...