Dubka Madow ee Faanon iyo Dahaadhka Cad ee Gumaysiga

Frantz Fanon (1925-1961) — contretemps.eu Falanqayntan aan Soomaaliyeeyay waxa qoray Ahmed Zakaria, waxana lagu faafiyay degelka Boring Books . Waana falanqayn uu ku sameeyay buugga uu soo saaray gumaysiddiidkii iyo halgamaagii Frantz Fanon, dabshidkii 1952, ee "Black Skin White Masks" Cabdicasiis Guudcaddena uu mar cinwaankiisa ku turjumay "Dub Madow Dahaadh Cad" Dr. Donald Shirley wuxuu dhex lugaynayaa habeen roobaad badhatamaha jidka gudcurka ah ka dib markii u ka tegay gaadhisigiisii, dabadeedna waxa ku qaylinaya dareewalka Tony oo ka dalbanaya in uu istaago. Intaa ka dib ayuu Donald ku qarxayaa Tony oo uu ku dhahayaa, in aanu madow iyo caddaan toona ahayn in ku filan si dadku raalli uga noqdaan. Filinka Buuug Cagaaran ( Green Book — 2018 ), wuxuu ka warramayaa qiso laga soo qaatay dhacdooyin dhab ah, oo ku dhacday mu'allifka muusishanka ah iyo biyaano tumaha Donald Shirley iyo xidhiidhka uu la leeyahay Tony Vallelonga iyo socdaalkoodii lixdanee...