Baatriis Lumuumba iyo Xoraynta Koongo

Qoraalkan waxa baahisay degelka Socialist Worker, aniguna waan Soomaliyeeyay Silcanayaashu ma xoroobayaan illaa iyo ay sooyaalkooda dib-u-dhugtaan. Patrice Emery Lumumba, wuxuu aahaa raysalwasaarihii u horreeyay ee mustacmaraddii Biljamka ee hore ee Koongo, waa mid ka mid ah qofafka ugu magaca dheer ee galay halgankii Afrikaannimo ee gumaysiddiidka. Halyeynimada Lumumba waxay si cad u muuqatay maalintii madaxbannaanida ee 30 June 1960. Maalinkaas wuxuu ka horyimid soojeedintii boqorkii Biljamka ee Baudouin ee ahayd in la maamuuso “Howshii Ilbixinta” ee boqorkii Leopold uu Koongo ka waday. Intii u dhexeysay 1885 iyo 1908, xukunkii Leopold wuxuu goobjooge u ahaa qudhgoynta sagaal milyan oo Kongooliyaan ah. Kumannaan gacmood ayay jareen ciidankiisuna maxaa yeelay, waxay ku guudarraysteen in ay soo gudbiyan xayntii caagagga ee gumaystuhu doonayay. Taliskaasi wuxuu ahaa mid shirkado kala duwan laga soo taageero, sida UMHK oo ah isbahaysiyo ka kooban bangiyo iyo shirkado macdan...