Falanqaynta buugga; Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay; Soomaaliya Dib Ma u Dhalan Doontaa?

Hordhac Buuggani wuxuu ka mid yahay waxsoosaarka Dr. Maxamed Daahir Afrax (1952-2021). Dr. Afrax wuxuu ahaa suugaanyahan, taariikhyahan, naaqid bulsheed iyo sheekofaneedyahan gaamuray. Wuxuu wax ku qori jiray saddexda luuqadood ee Ingiriisida, Carabiga iyo dabcan Soomaaliga. Sheekooyinka uu Afrax magtabadda Soomaaliyeed gashtay waxaa ka mid ah Guur Ku Sheeg (1975), Maana-faay (1979) oo ah sheekooyinka qoran ee Soomaalida ta ugu magaca dheer, iyo Galti Macruuf (1980). Buugta af Carabiga uu ku soo saarayna waxa ka mid ah الصومالية الثقافة في نظرات iyo الحرية نداء) 1976). Sidoo kale, wuxuu leeyahay cilmibaadhisyo uu ku faaqidayo fanka Soomaalida guud ahaan iyo cilmibaadhisyo kale waxana ka mid ah: Fan-masraxeedka Soomaalida iyo نافذة على االبداع في منطقة خليج عدن: دراسات فى الثقافة والفن فى الصومال واليمن و جيبوتى Wuxuu Afrax ugu jilibdhigay in uu ku faaqido fanka Soomaalida guud ahaan, gaar ahaanna fan masraxeedka. Waana sees waxtar leh oo laga anbaqaadi karo darsidda fanka Soomaalida. D...